SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Faallo: Dagaalkii Siyaasaddeed ee U Dhexeeyey Madaxda dowladda oo Marxaladdii ugu Dambeeyey Maraya: 

Dabac Iyo  Isku-Soo dhawaansho La`isku Sirayo: 

C/Shakuur Cali Mire
shakuur111@hotmail.com


Faallo aan qoray horaantii Maarso waxaan ku saadaaliyey in ay xubnaha dowladdu si ba`an u kula qeybsami doonaan dagaallana iskaga hor imaan doonaan, taasi wax badan ayaa ka bilowday, aqristayaal badan ayaa jawaabo badan iiga soo celiyey faalladaas oo intooda badan igu waafaqey saadaashii aan ka saameeyey dhaqdhaqaaqii siyaasaddeed  ee socdey marakaas, waxaanan annigoo fursadaan ka faa`iideysanaya  halkaan aqristayaashaas ugu soo gudbinayaa mahad naq ballaaran, maadama ay ra`yiga ila qeybsadeen. 

Faalladdaan waxaan si kooban ugu eegayaa  dagaalkii siyaasdeed ee u dhexeeyey madaxdda dowladda iyo meesha uu hadda marayo iyo dabaca iyo isku soo dhawaanshaha  aan daacada ku dhisneyn ee la isku sirayo ee hadda ka dhex  muuqda madxad dowladda ama dhinac ka mid ah labada dhinac ee is-hayey ay muujiyeen dhawrkii casho ee ina dhaafay.  

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra`iisul-Wasaare Geedi intii ay ku      maqnaayeen safarkii Liibaya  waxaa jiray tilaabooyin waaweyn oo ay  qaadeen Wasiiradii iyo Xildhibaanadii ay siyaasadda iskaga soo horjeedeen   gaar ahaan kuwii hor-kacayey dhacdadii 17/3/2005, ayagoo taageero xooggan ka helayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan. tilaabooyinkaani waxaa  ay ku wajahnaayeen dib ugu laabashada gudaha dalka ama (Relocation    Process). 

Tilaabadda ugu weyn ee ay ku guuleysteen Xildhibaanada ka soo horjeeday qorshaha Madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaruhu waxaa uu ahaa inay dib ugu ceshaan gudaha Soomaaliya in ka badan boqol Xildhibaan  tilaabadaas oo ay ku sharciyeynayeen  goobto iyo magaalada ay dowladdu dib ugu laabanayso inay noqoto magaaladda Muqdisho, ayagoo dib ugu laabashadaas ka barbar bilabay dadaal ay wax ugu qabanaayaan sida ay sheegeen ammaanka magaalada Muqdisho si meesha looga saaro (Xujada Madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha ee ah Muqdisho ammaan maahan) . 

Dhanka kale Madaxweyen Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra`iisul-Wasaare Geedi markii ay dib ugu soo laabteen magaalada Nairobi waxa ay bilaabeen dadaal ay ugu hortagayeen ama ku fashilinayeen qorsha hawlaha Muqdisho ka socdey ee uu Gudoomiayaha Baarlamanku  garwadeenka qorsoon ka ahaa waxayna qaadeen tilaabooyin kuwaas lid ku ah oo  ay doonayeen inay ku xaqiijiyaan habsami u fullinta qorshohoodii ku aadanaa dib ugu noqoshada gudaha dalka. 

 Tilaabooyinkaas  ay  qaadeen waxaa ugu muhiimsanaa wada xaajood lala furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan si  isfaham gaar ah loo la layeesho si uu ugu dabco qorshihiisa ku aadan dhaqdhaqaaqa Muqdisho oo la aaminsan yahay hadduusan Shariifku taageereyn inuusan qorshahaasi meel mar noqdeen, balse wada-hadaladaasi waxba kama suurta gallin dhawr kullan oo Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu yeesheena waxaa ay ku dhamaadeen isku tanaasul la`aan aan la shaacin. 

 Dhankooda  waxaa is abaabulay xildhibaanada iyo wasiiradii ayagu raacsanaa arragtida Madaxweynaha iyo Ra`iisul-Wasaaraha fadhi baarlamaan oo ay ka codsadeen Shariif Xasan inuu Gudoomayana, Shariifku waa ka baaqsadey, fadhigaasna  sharci ahaan waa qabsoomi waayey, waxayna sii fogeysay meelihii la kala taagnaa. 

Warar la isla dhexmaray ayaa tibaaxayey in la Xodxotay Gudoomiye Ku xiggeenka koowaad ee Baraalmaanka Maxamed Cumar Dalxa si uu asagu u gudoomiyo fadhi la doonayey in loo qabto Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha iyo Ra`iisul-Wasaaraha, taasina wax weyn kama hirgalin, qolyo kaftamayeyna waxaaba ay dhaheen  Maxamed Cumar Dalxa Danno badan ayuu Muqdisho ku leeyahay. 

Shirkadda Amal ayaa la geeyey magacyadda 275 Xildhibaan  ee Baarlamaanka FKMG ah waxaana  Xildhibaan kasta uu qaadanayey $1625  sidaan ka warhayo lacagtaas waxaa qaatay xildhibaanada mucaarad iyo muxaafadba waxaana la dareensaa in bixinta lacagtaas lagu soo beegay waqti xaasaasi ah oo ay madaxdda dowlladu labo garab isku hayaan laguna dagaalamayo taageerada inta badan xubnaha Baarlaamaanka, hase ahaatee isbadal weyn oo siyaasaddeed oo ay arrintaasi soo kor dhisay lam dareemin, sidoo kale waxaa la filayey in lacagtaasi  soo jiidan doonto Xildhibaanada kusugan Muqdisho inay dib ugu soo laabtaan magaalada Nairobi taasina illlaa hadda ma maqal tiro xildhibaano ah oo Nairobi dib ugu soo laabatay inkastoo aanan laga sii hadli karin safarka Wasiirka koowaad waxaa uu ka badali doono Xildhibanaada kusugan Muqdisho. 

Tilaabooyinkaas ay madaxweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha iyo Xildhibanaada iyo wasiirada taageera  qaadeen wax weyn kama badalin ismari waagii jiray, Xildhibaanadii Muqdisho jirayna waxay sii xooggeyeen dhaq-dhaqaaqyadii ay Muqdisho kawadeen oo soo jiitay in badan oo ka mid ah dadka daneeya arrimaha Soomaaliya,  inkastoo dad badani aaminsan yahay hawlaha ay Muqdisho ka wadaan Xubnaha lanada Golle inaysan aheyn mid ay ka dambeyso  ujeedo daacad ah oo wax looga qabanayo dhibaatada 15 jirsatay ee ka jirta Muqdisho, balse ujeeddad ugu muhiimsan ay tahay in lagu fashiliyo qorshaha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku doonayo inuu dalka ku keeni ciidamo hubka ka dhiga maleeshiyooyinka hubaysan.

Tillaabo kasta oo ay qaadi lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra`iisul-Wasaaruhu waxaa ragaadiyey xubnaha beesha caalamka oo ayagu culays badan ku saaray madaxda dowladda in wadahal lagu xalliyo ismari waaga taagan waxayna wakiilada dowladdaha Maraykan, Igriiska iyo Sweden dhawr goor sahleen kulamo lagu wada-hadalsiinayey Madaxdweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa kale oo ay ku guulaysteen intii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku maqnaa dalka Liibaya inay Gudoomiyaha baarlamaanka  Shariif Xasan oo dhawr goor qorsheystay inuu  u safro Muqdisho ay hakiyaan si ay u helaan wado ay ku dhex gallaan khilaafka siyaasaddeed ee taagnaa. 

Inta badan dowladdaha soo dhexgalay arrimahan waxaa ay ahayaeen dowladihii mudadaba shirka ka taageerayey dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda oo ay hormuud u yihiin   Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Xaafiiska Siyaasadda ee UN-ka u qaabilsan Soomaaliya, Midowga Afrika, Dowladaha IGAD ee dhex-dhexaadiyaasha ahaa.

 Waxa si gaar dadaal u sameeyey dowladdaha  Sweden iyo Ingriisku oo wixii ka dambeeyey shirkii Safari Park oo ay dhaqaalaha ku baxay labadaas dowladdood bixiyeen  saameyn lixaad leh ku yeeshay arrimaha shirka, wakiiladda labadaas dowladood iyo  Maraykan oo barataarayey waxaa ay sameeyeen dadaal xooggan oo ismari waaga lagu hakanayey, dadaaladaasi waxaa ay keeneen in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, ictiraafo hawlaha ka socda magaalada Muqdisho inay yihiin kuwo Qaran uuna ku bogaadiyo Wasiiradda iyo Xildhibanaada garwadeenka ka ah hawlahaas, balse Madaxweynuhu waxaa uu daba dhigay  codsi ah inay dib ugu soo laabtaan magaalada Nairobi si ay uga qeyb qaataan fadhiyada baarlamaanka ee lagu go`aaminayo dib ugu noqoshada dowladda ee gudaha Soomaaliya. 

Xildhibaan ka mid ah kuwa Muqdisho kusugan ayaa  ii sheegay in ay hadalka Madaxweynane Cabdullaahi Yuusuf u garteen  xeelad siyaasaddeed  oo lagu dhantaalayo tagi tagaankooda  iyo hawlaha ay ka hayaan Muqdisho. 

Ra`iisul-Wasaare Geedi ayaa asaguna isbadal deg deg ah qaatay wuxuuna shir la yeeshay dhamaan  Wasiirada iyo Ku xiggeenada  ee ka soojeeda beesha hawiye wuxuuna qaatay go`aan la mid ah kii Madaxweynuhu qaatay asagoo  ku dhawaaqey inay taageerayaan  hawlaha Muqdisho ka socde balse asna waxaa uu sheegay inuu quudareynayo in xubnaha labada golle ee kusugan Muqdisho ay dib ugo soo laabtaan magaalada Nairobi si ay uga qeyb gallaan shir muhiim oo ay Xildhibanaada Baarlamaanku ku go`aaminayaan goobtii ay dowladu u guuri lahayd. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxaa sheegayaan in  wax garadka ka tirsan beel hoosaadka uu ka soojeedo Cali Maxamed Geedi ay culays ku saareen inuu soo booqdoMagaalada Muqdisho kadib markii ay ergo beeshaas ka socota ay kulan kula yeelatay magaalada Nairobi. 

Cabdi Cabdullae Saciid  (JiniBoqor) oo ka mid ahaa xildhibanaadii Muqdisho tagey ayaa sheegay in maalmaha soosocda ay labada doomood midi degi doonto hadalkaas oo uu ula jeeday in dabaca Geedi iyo Madaxawyene Cabdullaahi Yuusuf uusan aheyn dabac daacad ah ee uu yahay mid lagu wiiqayo wixii ay Muqdisho kasameeyeen kooxda Xildhibaanada iyo wasiirada iskugu jira, wuxuuna intaas kudaray dagaalkii siyaasadeed ee ka dhexeeyey labada dhinac ee dowladdu u qeybsantay in labada dhinac dhinac la buuran doono maalmaha soosocda.. 

Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay inays ku laabaneyn magaalada Nairobi illaa ay ka sal gaarayaan hawlaha ay kawadaan Maqdisho. 

Maxmuud C/llaahi Jaamac {Sifir} oo ah Ra`iisul-wasaare Ku xiggeenka koowaad ahna wasiirka warfaafinta ayaa ku gacanseysary baaqa ah in Xubnaha  labada Golle ee kusugan Muqdisho dib ugu soo laabtaan magaalada Nairobi wuxuuna ku tilmaamay hawlihii ay u tageen Muqdisho inay meel xaasaasi ah marayaan. 

Maalin kadib kullankii dhexmaraya Wasiirada iyo wasiiro Ku xiggeenada Beesha hawiye ee kusugan magaalada Nairobi ayuu Ra`iisul-wasaare Geedi ku dhawaaqey inuu tagayo magaalada Muqdisho maalinka Jimcaha ah asaga iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo haddii ay suurta gasho tagista Ra`iisul-Wasaare Geedi ee magaalada  Muqdisho  uuna af-garad siyaasaddeed la soo gaaro xubnaha labada golle ee kusugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay wax weyn ka tari doontaa soo afmeerida khilaafka ragaadiyey Xukuumadii lagu unkey magaalada Nairobi. Xubnaha labada  golle ee kusgan magaalada Muqdisho ayaa hadalka kasoo yeeray Cali Maxamed Geedi waxaa ay uga jawaabeen inay  inay si heer qaran ah usoo dhaweynayaan Ra`iisul-Wasaaraha iyo waftigiisa waxayna bilaabeen abaabul ay ugu  diyaargaroobayaan soo dhaweynta waftiga Wasiirka kooowaad, tilaaabadaas ay kusoo dhaweynayaan Waftiga Cali Geedi ee heerka qaran ayaa u muuqata xeelad siyaasaddeed oo u dhiganta mida uu adeegsanayo Ra`iisul-wasaare Geedi, waxaana muuqata in labada dhinac ay muujinayaan dabac iyo isku soo dhawaansho la isku sirayo. 

Caasho Axmed Cabdalle ayaa qaylo afka ku dhufatay ayadoo ka digeysa in la qaato fikirka uu ku baaqey Ra`iisul-Wasaare Geedi ah oo ah in ay Xildhibanada ku sugan magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtaan magaalada Nairobi  ayadoo taladaas ku tilmaantay mid lagu dhantaalayo  hawlaha ka socda Muqdhsho: 

Haddii aan sifiican u qiimeyno hadaladaan iyo guud ahaan qaab socodka  arrimahan xaasaasiga ah waxaa muuqanaysa in aysan labada kooxood ee is-hayey aysan jirin koox ka hartay arragtideedii siyaasaddeed, hase ahaatee dhinaca madaxweynaha iyo  Ra`iisul-wasaaraha ayaa waxaa muuqata inay badaleen xeeladdii siyaasadeed ee ay markii hore ku adeegsanayeen.Isbadalkaan ayaa  waxaa la`aaminsan yahay inuu yahay mid ku yimid culays ay wakiiladda beesha caalamku saareen madaxweyanaha iyo Ra`iisul-Wasaaraha.

sababtoo ah wakiiladda beesha caalamka ayaa ah wakiilada dowladaha ay dowlada FKMG ah ay ka sugayso taageerada dhaqaale ee ay doonayso inay ku fulliso hawlaheeda gudaha dalka maadama aysan dowladdu wax canshuur ah ka hellin dalka. 

 Madaxdweynaha iyo Ra`iisul-Wasaaruhu wali si cad uma sheegin inay dowladda u rarayaan dhanka Muqdisho balse waxaa  muuqata inay wali ku dhagan yihiin Nairobi dib ha loogu soo laabto taas sida ka muuuqata qolyihii ka soo horjeeday awalba  ayaa isla markiiba dareensadey dabaacaan Madaxdweynaha iyo Ra`iisul-wasaaraha.  

Dhinaca kale qorshihii ay dowladdu ku raadsanaysay ciidamada shisheeye ayaa wali socda   waxana ka war-haynaa in dowladda Ugandhan ku dhawaaqdey inay horaanta bisha May ciidamadeedu imaanayaan gudaha Soomaaliya,  warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya  in ciidamada Ugdhan gobolkii ay ka tagi  lahayaeen gudaha Soomaaliya ay dowladdu ka talo bixinayso iyo waliba qaabka hawlgalka ciidankaas, taas oo ah mid aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin wasiirada iyo xildhibanaada ku sugan magaalada Muqdisho, arrintaas oo ah cadeyn in qorshaha labada dhinac mid walba qaab kii ay ayagu doonayeen u socdo. 

Iskusoowada Duuboo waxaa socda oo dhan ayaa waxaa ay tahay, lucbo siyaasadeed oo ay wada ciyaarayaan  xariifyadii 15-ka sano isku haystay shacabka kor kiisa inkastoo uu Cali Maxamed Geedi ku dhex hafoodey hirarka Siyaasadda ay iskaga soo horjeedaan xariifyada is ciyaarta yaqaan ee  natiijada siyaasadoodu halka meel kusoo biyo shubato, meeshaas oo ah inaan wax magac dowladdeed ah ka hir gallin Soomaaliya, waxaanse la yaabey sida degan ee uu Shariifku Ciyaarta dhankiisa ugala qabsadey, asagoon laga dareemeyn inuu ciyaarta ku cusub yahay balse waxaa uu umuuqdaa nin kaallin muhiim oo indhaha lagu wada hayo kaga jira ciyaarta,  halka Geedi ku dhex wareeray, arragtida ay iskaga soo horjeedaan Madaxweynihii sida fudada magaciisa korka ugu soo qaadey iyo beeshii saamigeeda uu Ra`iisul-Wasaaraha Ku noqdey wuxuuna heli la yahay siyaasaddii iyo xikmaddii uu isku fahan-siin lahaa Madaxweynaha iyo hogaamiyeyaasha ay isku haybta yihiin.

Ugu Dambeyntii waxaan qormadan ku soo koobayaa in qaabka ay labadan dhinac ee isku hayo masiirka ummadda ay u dhaqmayaan aysan aheyn qaab ay mid walba ka dhex arragto danta qaranka balse waxaa uu dhinac kasta ku dadaalaya xeeladka kasta uu dhinaca kale ugu takhalusi karo.

Waxaa muuqda Ra`iisul-Wasaare Cali Maxamed Geedi ama ha booqdo magaalada Muqdisho ama yuusan booqane in kooxda Muqdisho kusugan aysan ka tanaasulayn qaabka ay wax u wadaan oo ah qaab ka soo horjeeda midka ay doonayaan Madaxdweyanaha iyo Ra`iisul-wasaarahu, waxayna booqshada Geedi soo af-jaraysaa dagaalkii siyaasdeed ee mudadan dambe socdey waxayna ugudbi doonaan wajiga labadaad ee dagaalkooda oo ah mid xoog isku sheegad ku dhisan.

C/shakuur Cali Mire
Shakuur111@hotmail.com
London, Uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2005


AKHRI: BOGGA RA'YIGA & MAQAALADA DADWEYNAHA

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD