Waraysigii
Cusmaan
Caato ee uu layeeshay
Axmed
Sooyaan oo ka tirsan Radio IQRA
-
Wasiirka Hoowlaha Guud iyo Guryenta
Cusmaan Caato Itobiya dowlad aan
jiraan nahay weeye,dowlad aan Afrika
ku wada noolnahay weeye, Itoobiya
naga maarmi mayso kana maarmi mayno,
laakiin itoobiya ilaa aanu aaminaad
badan aan is aaminno,ilaa ay
Itoobiya qaarkeen bay saaxiib gaar
ahay la tahayeeay saaxiib la wada
noqonayso dadka Soomaaliyeed
dhammaantood waxaanu leenahay
Wasiirka
howlaha guud iyo guryeynta Md. Cusmaan
Xasan Cali (Cusmaan-Caato) ayaan shalay
ku wareysanay isaga oo jooga magaallada
Nairobi, wasiirka oo aan kula kulanay
hotel-ka Intercontinental ayaa
wareysigaayagu waxauu u dhacay sida tan:
Su aal:
ugu horeyn, waxaa la oran karaa
dowladdan aad wasiirka ka tahay waa loo
dhanyahay ama 80-90% hoggaamiyeyaashii
ururadii siyaasadeed waad ku jirtaan,
hadana waa la moodaa inay dowladdu kala
socoto, marka maxaa dowladda dhexdeeda
ka jira?
Jawaab: horta ereyga ugu horeeya
lama oran karo 80-90%, laakiin waxaa la
oran karaa ma 60% baa, ma40% baa, ma30%,
qolyaha jaraa'idkaa waxay qabaan ee 100%
ama 90% dadkii ururrada ahaa ayaa
dowladda dhisay ma dhisin. xaggee ka
dhiseen?!, dowladda dhisani waa dowlad
dhinac ah, dhinacaasna dhibaatooyinka
jira ayeey ka mid yihiin, sowlad SRRC ah
ayaa dhisantay iyadana waxyaabaha lagu
wada hadlahayo oo maalin waliba
daldaloolku ka imaanaayo ayeey qayb ka
tahay.
Su aal:
laakiin Cusmaan adigu kama aadan mid
ahayn SRRC hadana waxaad tahay wasiirka
howlaha guud iyo guryeynta, dhinaca kale
marka aad fiirso G8 waa ka mid dowladda,
sidoo kale SNC (Samata Bixinta) waa ka
mid oo aad waliba adigu xubin ka tahay,
bal marka fasiraad ka bixi sidee bay
dowladdu dhan keliya u tahay?
Jawaab:
Dowladdu dhan keliya weeye, dowladdu
haddii Illaahay idmahayo waa SRRC, bal
aanu eegno inta shkhsi ee ku jirta
dowladda ee SRRC ah dabeedna aan
qiimaynoYaa kaga jira G8, yaa kaga jira
SNC, yaa maqan? halkaasaa haddee haddii
Illaahay idmahayo ka helaysaa xisaabta
een dhamays-tirkeeda prapotiomally (qayb
ahaan) sidaa ugu jirno oo ururradii iyo
raggii la yaqiin qaarkood mitaal waa
maqanyihiin.
Su aal :
laakiin Cusmaan dowladda dad badan baa
ka maqan, oo marka la fiiriyo xataa
SRRC-da aad hadda ku xaglinayso qudheeda
rag badan oo ka mid ah baan dowladda ku
jirin, mugga dowladuna ma wada qaado nin
kasta oo urur taageera iyo inay wada
galaan madaxdii ururrada marka haddi ay
wakiilladii ururad badankood meesha ka
muuqdaan maxaad ku diidaysaa adigu?
Jawaab:
dhab weeye laakiin haddeed waxaa la
rabaa tiro loo dhanyahay in la dhiso
lagana dhiso dowladda, dowladdu SRRC oo
uu hogaaminayay madax-weynuhu raggiisii
waa ku wada jiraan, laakiin raggii kale
kuma wada jiraan qaybna kama aha, yaa ka
mid ah SNC oo ku jira aan tirinno.....
Su aal :
dadkii magaca lahaa ama SNC ha ahaadaan
ama urur kale ha ahaadaanee tusaale
ahaan yaa hadda ka maqan oo aad tebaysaa?
Jawaab:
Xashaa Lilee markaan niraahno yaan
magacownaa, waxaan magacaabaynaa Cali
Mahdi baa maqan, waxaa maqan, mataal
baan kuu sheegi iyo rag badanoo kaloo la
mid ah sow ma ahan haddii Eebbe idmahayo
niman myxtaram ah.
Su aal :
haddii aan u soo noqdo waxaa jirtay beri
dhoweyd adinkoo golaha wasiirrada ah ah
waxaad isla gaarteen, ama cod baa la
qaaday ha la yiraahdo oo sida la sheegay
80% waxaad isla oggolaateen in dalkii la
keeno ciidammo nabadeyn ah, marka adigu
Cusmaan ahaan sidee baad u aragtaa
arrintaas?
Jawaab:
anigu waxaan u arkaa, horta annaga oo
Soomaali ah ayaan wax isku darsanay, mar
haddaan wax isku darsanayna wixii aan
isku darsanay waxay ahayd see Soomaali
nabad loogu soo celiyaa? talo, gilaha
wasiirrada waxaa la keenay talo aan loo
dhammayn, talo niman la ordahayeen, talo
madax-weynaha iyo ra'iisul wasaaruhu ay
mas'uuliyadeedu leeyihiin, taladaas
maxay bi'isay, maxayse bi'in kartaa,
maxay hagaajin kartaa? ciidanka la
keenayaa yuu yahay? haddiba xataa hadda
ciidan laga hadlaa ciidanku yuu yahay?
waxaa naloo keenay ciidan la leeyahay
waa safka hore, ciidankaa safka hore
ahna nin Soomaaliya ama rag Soomaali
ahoo damiir lihi u malayn mayo inay ugu
yeerahayaan wadamada qaarkood kaalaya ka
qayb gala oo Soomaali wax ka xaliya,
marka waxaad moodaa halkaa in arrinka
meel laga la dhacay oo haddaan ciidan u
baahannahay markaan taladeeda isku
raacno inaan markaas beesha caalamka
warsanno ciidan aan waxba na yeelayn oo
dhibaato noo yeeyayn, marka anigu
aragtidaydu wa taa.
Su aal :
mayee adigu Cusmaan ahaan ma safka hore
krliyaad diidadntahay,mise sideeda
ahaanba waxaad ka soo hor jeeddaa in
ciidan oo dhan la keeno?
Jawaab:
Cusmaan ahaan waxaan ka soo hor jeedaa
safka hore kow, waxaan ka soo hor jeedaa
qolyaha kale ee aan ku tilmaano een..
ciidanka....laakiin lama diidahayo wixii
dadka Soomaalidu dan u arkaan markay
tashadaan, ka tashadaan, oo wax iska
yiraahdaan,... markaa haddeed ku qabatay
waa la qaataa laakiin safka hore isagu
xisaabtaba kuma jiro, safka labaadna een
beelaha caalmka ciidan nooga imaanayaa
inaa ka tashanaanna waa wax waajib ah,
markaan ka tashananna inaanu kala
xulanno inta noo daran, inta aan wax na
yeelayn, wixii wax na yeelahayana aan
iska dayno,wixii aan wax na yeelayn aan
haddi Illaahay idankii leeyahay aan
ciidan warsanno markii ay Soomaali ku
heshiiso ama go;aan ka gaarto.
Su aal :
Cusmaan waxaad ku jirtaa ragga ugu wwayo
aragnimmada dheer marka la fiiriyo
xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku
suganyahay, intee jeer baa wax la dhisay
oo wax socon waayeen, marka ma u
malaynaysaa in annagoo Soomaali keliya
ah inataan wax dhisanno wax qabsan karno
oo ciidan ka maarmayno?
Jawaab:
aad iyo aad baan rajo weyn uga qabaa in
..ay.. noo suurtoobayso marka aan annaga
oo niyad wanaagsan talo Soomaaliyeedna
wadana aanu meel marinno in dadka hubka
laga dhigo, mataal dadku waxay joogaan
labo marxaladood oo kala duwan,
marxaladi waxaa weeye hubka laga
qaadahayo een.. mathaal Benaadir oo
kale, Benaadir waxaa isku dayay dowllado,
dowladahaan Afrikaanka ah ka xoog weyn
wixii ay keeneenna waxay ahaydguul darro
iyo halaag ay ka dhaxleen dadka
Soomaalida ah, markaa, marxaladda kowaad
Benaadiroo kale waxay u baahantahay in
hubka si Soomaalinimo ah isaga qaadolana
meeleeyo lana dhigo store, marxaladda
labaadna waxay tahay marka aan soo
gaarno oo Benaadir soo gaarto marxaladda
ay marayso Puntland oo hubkii iaydu
store-da dhigatay, markaas ayaa waxaa
loo gudbayaa marxaladda labaad ee ah in
hubka muddo iyo maalin lagu balamo la
qaado meelna la dhigo laakiin haddii la
yiraahdo nin aajnabi ah oo askari ahoo
qori wata ayaa nin Soomaali ah isku
dayahay inuu qori ka qaado haddee taasi,
wixii hore iyo waayo aragnimmadayadii
hore waxba lagama faa'idaysan mana meel
mari karto, waayo aragnimadeenna way na
bartay waana na faraysaa.
Su aal :
Cusmaan waxad tijaabo ku soo samaysay
wax badan, oo xataa waxaa la sheegaa in
ninka hoggaamiyaha ah uusan ciidammada
kooxdiisa xukumin oo waliba mararka
qaarkood talad faraha ka baxdo adinka
laftiin oo qoys hoose waliba laysu laayo,
markaa haddii ay taas oo walib qoys
hoose ah aad wax ka qaban weydeen sidee
bay u suuro gelaysaa tan aad hadda
sheegayso?
Jawaab:
taasi iyada oo jirta innagu Soomaali
baan nahay inaan hubka iska qaadno
maantay waayo aragnimo iyo bisaylo badan
oo muujinahaya ayaa jira,qolo
hoosaadkaas aad sheegayso iyo kuwa ka
sii hooseeya labaduba..ee haddeed waxaa
la yiri Wanku cirku wuxuu arkaa marka la
gowraco, anigu waxay ila tahay dadka
Soomaaliydu waa diyaar..ee in hubka la
dhigana waa la rabaa, ee ma khasaaro
badan iyo dhibaato miyaa hubka lagu
dhigahayaa mise waxaa lagu dhigahayaa
caqli iyo talo wanaag way jirayaaneen
qaar dagaalami doona haddii la yiraahdo
qoryaha dhiga, laakiin waxaan hubaa mar
walba waxaa khasaaro yaraanhaya dadka
Soomaaliyeed hubka inuu iska dhigo, waan
hubaa in qaar naga soo hor jeesanhayo
laakiin markaad 95 ka dhigto shani haday
kaa soo hor jeesato inta kalaa qabanaysa,
laakiin 100% bulshadaas hubaysan markii
ciidan aysan is aqoon aysan diyaar u
ahayn ay sika hor yimaadaan waa ha lays
dilo oo keliye ma ahan wax xal keenahaya,
cidda hadda xal taa u aragatana waxbaa
ka khaldamay ama ka khaldan.
Su aal :haddii
aan ka gudboarrinta ciidammada guud
ahaan dowladdiina waxaa shacabku idinku
xantaa inaad kala socotaan oo aydaan is
ogeyn, marka maadaama aad tahay wasiir
ka mid ah dowladdi maxaad ku fasiri
lahayd muuqaalkaas laydinka arkay ama
aaminsanyahay?
Jawaab:
een, ereygaas ah isma ogidin, een,
meesha ayuu ku jiraa markii aan dhab wax
isugu sheegayno,waxaanuleennahay
madax-weyne, waxaanu leennahay prime
minester, iyaga ayaa laga rabaain dadka
aan is ogeyn,mithaal golaha wasiirra iyo
barlamankain la war geliyo lagana doodo
waxa een keenay inaan lays ogaan ay
qoloba shaqo ay horteeda ugu dhaqaaqdo.
Su aal :ma
tilmaami karaysaa qaab aad is leedahay
wada shaqayntiiny way ku imaan karaysaa?
Jawaab:
koley een is maqal iyo is qaderin waa
tallaabada ugu horeysa ee ay wada
shaqaynteenna ku imaanayso, waxaanan
hubaa taa markii la gaaro ciddi
khaldanayd waa soo toosaysaa haddii
Illaahay Iidmo.
Su aal :
socdaalkii Af-hayeenka barlamanku uu ku
tegay magaallada Muqdisho dad baa wax ka
sheegsheegaya oo dhaliilsan marka adigu
sidee baad u aragtaa?
Jawaab:
wallaahay sheg-sheegidda dadka ninba
meel baa bugta, laakiin SHarriif Xasan
SHeekh Adanwaxaan hubaa tegiddii uu
tegay Xamar,ee meelo badan oo kala duwan
buu tegay,war jacayl mooyee dowladdu
tallaabadii ugu horeyday ee wax ugu
qabsomeen ninka qaaday inuuu yahay ayaa
halkaa ka muuqata, een markaa hadde
dadku nin wax waa diidi karaa, nin si
bay wax ula ekaan kartaa, SHarriifku
Dekaddii ayuu tegay, Airport-kii ayuu
tegay, Villa Soomaaliya ayuu
tegay,waxaanay ahayd seddexdii meelood
ee ugu muhiimsanaa ee magaalo madaxda
meeshii dowladdu ay u guuri lahayd,
ahlkaana meel walba dadkii joogay ee
Soomaaliyeed aad iyo aad bay u soo
dhoweeyeen, ninka marka ama shakhsiga
mmantay leh SHarriif-ku wax sheeg buu
leeyahay warkiisii, middaas inaan u
jawaabo oo aan wax ka sheego meesha kuma
jirto, laakiin waxaanu leenahay haddii
madax...ninkii laga rabay inuu tago
madax=weynuhuu ahaa, ninkii laga rabay
inuu ka sii horeeyo Prime Minester-kuu
ahaa, raggii laga rabay inaynu ka sii
horeyno annaga (golaha wasiirrada)ahayd,
haddee libtaa SHarrifku keenay waa
maashaa Allaah,waxaana rajeynayaa inay
ku qancaan qolyihiiwax yaroo gunuc-gunuc
ah ay galeen.
Su aal :
Cusmaan hadda adiga Xamar hadda ciidamaa
kaa joogaa, marka qiyaas intee la sg
baad qiyaasi kartaa inay kaa yeelayaan
haddii aad amarto adigoo halkaan jooga
inay kaa yeelayaan amarkaas?
Jawaab:
een dhab ahaan qolyaha Jaraa'idku liidma
ay liidayaan hoggaamiyeyaashu waaba iska
jirtaa taasi, hasa yeehsee een
inshaa-Allaah waxaan rajaynaynaa annagoo
halka joogna inaysan dhicin waxaas ha la
qabto inaanu ku talo bixinno, ee annagoo
raggeennii la joogna inaanu talooyinka
loo baahanyahay inaanu siinno waxaana
filayaa in ay fulayso taladaasi haddii
Illaahay idmo.
Su aal :
kalsooni intee la eg baad ku qabtaa in
haddii aan ciidammo la keenin aad
dowladdiina dalkii dib ugu noqotaan oo
dhalin yarada hubaysan intaad hubka ka
dhigtaan aad si buuxda u degtaan.
Jawaab:
een, horay baan horta warkaas jawaab
kaaga siiyay (Waayaha:mayee inaad
sababaysaan rabaa) hasa yeeshee haddii
aan hadda aan sababee isku dayo waxaan
rajaynaynaa haddii Illaahay idmo marka
dadkii Soomaaliyeed ee dowlad la'aantu
haysay aan inta u qalab
qaadanno,dowladdu ay u qalab qaadato ay
aaddo iyadoo madax-weynaheeda,iyo
ra'iisal-wasaaraheeda,iyo ra'iisal
barlamankeedu hor socdaan yiraahdaan "dowladdii
baan nahayee na aqbala" dhulka ayaa laga
qaadahayaa waxaana rajyanayaa in
maalintaas aad joogto oo aan joogo ,
waxaana ragga ku boorinyaa anaa ogoo
fuleynimo nama hayso laakiin waxaan
nahay biyo diid aanu biyaha qayga ah
waxaa ka shisheeya biyo miir ah si aan u
gaarno biyahaa miirta ah waa inaanu
derdernaa biyahaa qayga ah.
Su aal :
hadda waxaa jira niman aad dowladda ku
wada jirtaan oo leh itoobiya waxay ka
mid ahayd dowlladihii shirka wax ka
waday, waana is baranay khaladaad horay
loo kala fahamsanaa baa jiray, laakiin
hadda waxaad moodaa khaladaadkaas inaan
isaga soo dhowaanay,waxayn taas ku
sababaynayaan howlihii ay shirka ka
qabatay,marka haddi ay ragga aad
xukuumadda ku wada jirtaan qaarkood
sidaas qabaan adigu maxaad ku
salaynaysaa diidmadaada ciidammada
Itoobiya?
Jawaab:
een..mph...Itobiya dowlad aan jiraan
nahay weeye,dowlad aan Afrika ku wada
noolnahay weeye, Itoobiya naga maarmi
mayso kana maarmi mayno, laakiin
itoobiya ilaa aanu aaminaad badan aan is
aaminno,ilaa ay Itoobiya qaarkeen bay
saaxiib gaar ahay la tahayeeay saaxiib
la wada noqonayso dadka Soomaaliyeed
dhammaantood waxaanu leenahay hadeed
tillaabbadii la soo qaaday iyo
dadaalkoodii iyo meesha aan maanta ku
jirnaa waxbaa dhimman heshiis
dhamays-tir ah, is aaminaad
dhamays-tiran sidii aan ku gaari lahayn
waxbaa dhimman tegitaanka iyagu ay
tegahayaana ee cudur mooyee hadda
waqtiga xaadirka ah caafimaad ma
keenayso, een hadaad cudur inaa keenayso
laguu arko adiguna waa inaad isku
aragtaa, ee itoobiya kala maarmi maynee
aanu horta is aaminno waxna isku
darsanno sidaasna aan ku wada noolaanno
haddii Illaahay idmo.