SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HOLLAND

MAXAY SOOMAALIDU UGA SOO HAAJIRTEY HOLLAND?? 

Dalka Holland ayaa waxa uu ka mid ahaa waddamada ay ku noolaayeen Soomaali aad u badan  tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen dalka Soomaaliya. Waxaana jirtey xilli uu dalkaasi Holland ahaa bartilmaameedka ay hiigsadaan Soomaalida tahriibka ahi. Illaa  iyo in ka badan soddon kun(30.000) oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay degganaayeen dalkaasi dhowr sano ka hor, waxaase la yaab noqotay in waqti kooban ay  kumannaan Soomaali ahi  ka haajireen dalka Holland, kuwaas oo dhammaantood soo beegsaday dalka Ingiriiska. 

Baaritaanno cilmiyeed oo kala duwan oo la soo saaray  iyo warbixinadda hay’adaha tirakoobka ayey ka soo ban baxday  in  afartii sano ee la soo dhaafay  oo kaliya ay dalka Ingiriiska u guureen Soomaali gaareysa 15.000 (shan iyo toban kun) oo ruux , kuwaas oo dhammaantood haysta dhalashada dalka Holland. Arrintaasina waxay noqotay mid lama filaan ah. Waxa kale oo fajac galisay dowladda Netherland (Holland), iyadoo ay Soomaalidu noqotay qowmiyadda  keli ah ee uu ka guuritaankooda dalku ka batay  marka loo fiiriyo  soo galitaankooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.   

Xog-baaris lagu sameeyey  geeddiga Soomaalida ee carigga Ingiriiska  ayaa laysku dayey in lagu ogaado xaqiiqada ka dambaysa Soomaalida guuraysa . Waraysi arrintaa darteed loola yeeshay dad  badan oo ka tirsan Soomaalida soo guurtey ayey  badankoodu waxa ay sheegeen in ay dalkaasi Holland uga soo guureen sababo ay kamid yihiin:  iyaga oo ka waayey dalka Holland  fursado badan oo ay ka heleen dalka ingiriiska  furasadahaas  oo ay ku hirgeliyeen meheradaha kala duwan ee ganacsiga sida maqaayadaha, dukaanno iwm. Qaar kale ayaa iyaguna tibaaxay in  ay dalka Ingiriiska ka heleen fursado waxbarasho xagga caruurtooda ah oo aysan ku haysan  dalka Holland. Kuwo kale ayaa iyaguna  sheegay in ay rabaan in ay diintooda si wanaagsan ugu dhaqmaan, taasna ay ku fududahay dalka Ingiriiska.  

Tusaale ahaan, drs. Maryan Qaasim oo macallimad ka aheyd kuliyaddii caafimaadka ee ee jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, kana mid ah Soomaalida ka soo guurtey Holland oo iminkana deggen magaalada Birmingham ee dalka ingiriiska ayaa telefishinka Nederland 2 oo waraysatay  u sheegtay in ay markii ugu horeysey fursad u heshay in ay taraawiix ku tukato masjid markii ay soo degtey Ingiriiska, iyadoo ayna taasi  u suurto galin dhowr iyo tobankii sano ee ay daganeyd Holland. 

Nin isaguna  dhawaan ka soo guurey dalkaaasi Holland ayaa sheegay in uu aad ula yaabay kadib markii uu telefishinada Ingiriiska ku arki waayey  cambaareyntii badnayd ee  diinta Islaamka  oo uu sida is daba joogga ah ugu arki jiray televisionadda Netherland. Isagoo intaa ku daray in ay ma dhacdo tahay haddii aad daawato telefishinada Holland oo aan afka ku hayn  dhaleecayn  liddi ku ah diinta Islaamka.  

Dhibaatada lagu hayo  muslimiinta waddanka Holland iyo diinta islaamka waxaa si weyn  uga qayb  qaata oo  loo adeegsadaa haweeneey dadkii Somaaliyeed ee qaxootiga ku yimid waddanka Holland oo lagu magacaabo Ayaan Hirsi Ali.  Haweenaydan oo magac iyo mansab raadis ahayd  ayaa iyadu  fursad u aragtay in aflagaaddooyinka ay u gaysanayso dadka Islaamka ah iyo diintoodu ay at tahay arrin taageero fara badan looga kasban karo shacabka Netherland. - maqaal aan dhowaan soo saari doono, hadduu Rabbi idmo,  ayaan si faahfaahsan ugu soo bandhigi doonaa tacaddiyada ay Islaamka u gaysato haweeneydaasi iyo beenta ay faafiso intaba). 

Mar aan dhawaan booqasho ku tagey dalka Holland, gaar ahaan magaalada Rotterdam oo ah magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi, oo ka mid ahayd meelaha ay soomaalidu si aad ah u dageen bartamihii Sagaashanaadkii, ayaa waxa kaliya oo aan halkaasi ku arkay labo internet-café oo ay Soomaalidu leeyihiin iyo dad aad u tiro yar marka la barbardhigo tiradii dadka Soomaalida ah ee halkaa ku noolaa shan sano ka hor. 

 Magaaladaasi kuma yaallaan  wax maqaayado ama tukaammo kale ah oo ay Soomaalidu leedahay, Soomaali badan oo magaaladaas deggan ayaana  ii  sheegay in ayna sida ingiriiska u fududeyn in aad sahal uga furato maqaayad ama dukaan meeshii aad doonto.   Waxaan kale oo aan  la kulmay intii aan joogay Rotterdam dood ay dhaliyeen ( abaabuleen) maamulka qayb ka mid ah magaaladda oo ku saabsanayd in gabar muslimad ah kana mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee magaalada ay soo xiratay xijaab. Maamulka qaybtaas ee magaalada ayaa waxa ay dowladda ka codsanayeen in xijaabka laga mamnuuco shaqooyinka guud oo dadweynaha loogu adeego. Waxaa la ii sheegay in madaxda dooddaas dhalisay ay ka soo jeedaan xisbiga shaqaalaha oo ayna xitaa ahayn kuwa xagga midigta ah.  Dooddaasi weli si aad ah ayey uga socotaa magaalada Rotterdam. Dhacdooyinka noocaan ah waxa ay wal-wal ku abuureen dad badan oo muslimiin ah, iyaga oo ka cabsi qaba  sida xaalku noqon doono mustaqbalka dhow. 

Waxaa iyana jirta in dad Soomali  iyo ajnabi kaleba  iskugu jiraa ay qabaan in sababta ay Soomaalidu u guurto  ay tahay mid la xiriirta dhaqankooda reer guuraaga ah. Waxa ay kuwaasi ku doodayaan in ay u sahlan tahay Soomaalida in ay iska guuraan. Dhab ahaantii waxaa la dhihi karaa in hadal kaasi  yahay  ‘iska dheh’ sabaha soo socda darteed. Haddii ay sababta keli ah oo soomaalidu u guureen ahaan lahayd geeddi jacayl, maxay dhammaantood iskugu raaceen Ingiriiska? Waxaa dhici lahayd in qaarba ay meel u guuraan iyaga oo kala aadaya wadamada dariska ah . Tan labaad, wadamada Yurub waxaa mid walba sanadkii ka guura tobonaan kun oo ah dadkii u dhashay iyaga oo u hayaama wadamo kale. Dadkaasi uma guuraan jacayl safar ee waxa ay  raadsadaan fursado ay ka waayeen dalalkooda. Mar walba wey dhici kartaa in ay jiraan dad Soomaali ah oo iska guuray ama ku dayday Soomaali kale, laakiin inta badan Soomaalida waxaa la dhihi karaa in ay wax la wadaagaan ummadaha  kale eek u nool Yurub, oo in badani hadba u guurto meeshii ay ka heli karaan furdad ka  wanaagsan tan ay ku jiraan. 

Sababta kale oo la dhihi karo waxa ay keentay in somaalida u guuraan carigga Ingiriiska waxa ay tahay in waddanka Ingiriiska uu ka mid ahaa waddamadii gumaysan jiray dalka Soomaaliya. Halka ayna jirin wax xiriir taariikhi ah oo Soomaalidu la leedahay dalka Netherland. Waxaa  jira Somaali ku nooleed Ingiriiska in ka badan hal qarni, halka ay  soomaalidii ugu soo horaysay soo galeen dalka Nederlaan siddeetameeyadii. Xiriirkaas dheer ayaa laga yaabaa in uu u fududeeyey dad badan in ay dalka Ingiriiska u haajiraan. 

Gabagabadii, sida ay saadaashu u socoto sanadyada soo socda waxa ay u muuqataa in ay ku hari doonaan Soomaali aad u yar dalka Holland. Waxaa  xaqiiqo ah oo aan muran ka taagnayn in dalka Ingiriiska uu uga horeeyo wadanka Holland qaabka  la macaamilka  dadka kala diinta iyo dhaqanka ah. Soomaalida ayaa laga rabaa in ay fursadaha ay sheegeen in ay ugu soo guureen dalka Ingiriiska isku dayaan in ay garaan. Waana lama huraan   in uu qof waliba gaaro waxa uu hiigsanayo isaga oo ku bixinaya wax walba oo karaan kiisa ah, ha ahaato: si wanaagsan ugu dhaqanka diinta islaamka; waxbarasha caruurta iyo tarbiyadooda; fursadaha  ganacsiga iyo wax barashada dadka waaweyn. Waqtiga ayaana sheegi doona sida ay arintaasi u hirgasho. 

W/Q: Shariif Cali Maxamed (istiilla),
London, UK
 
Istiilla@yahoo.com

Faafin SomaliTalk.com | Feb 23, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE
Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin..Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD