SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

Gacmadheere"Ma ahan wax la dhegeysan karo in la yiraahdo Ethiopia ma imaan karto Soomaaliy" WAREYSI

            Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, Dr. Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) ayaa toddobaadkan booqasho ku soo gaaray magaalada London.  Gacmadheere, waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay ragga xiriirka dhow la leh Madaxweynaha.  Wareysi ku saabsan dhaqdhaqaaqa dowladda iyo ciidammada ajnabiga ayaan la yeeshay Wasiirka.

Su’aal. Mohamed, Howlihii dowladda xaggee beey marayaan?

Jawaab. Meel fiican bay howluhu marayaan.  Laba sano wixii laga shaqeynayey waxay ahayd in la helo dowlad hal ujeeddo leh, la iskuna raacsan yahay.  Dowladda waa loo dhan yahay, ma jiro warlord hadda ka maqan.  Dalalka IGAD iyo IPF (IGAD Partners Forum) waa isku aragti.  That’s why laba sano marba waqti loo iclaaminayey, si adduunka loo fahamsiiyo howsha.

S. Hadday sidaa tahay, maxay tahay sababta ay dowladdu dalkii dib ugu noqon kari la’ dahay?

J. Dowladdu waxay sugeysaa dhaqaalihii adduunku ka ballan qaaday, si ay dalkii ugu noqoto.  Marka dhaqaaluhu yimaado dowladdu degdeg bay dalkii ugu wada noqonaysaa.  Waxaa toddobaadkan safar ku tagaya Muqdisho wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.  Aniga qudheyda inaan gaar u tago ayaan filayaa.

S. Saxaafadda reer galbeedku waxa ay soo werinayaan Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf inuusan rabin inuu tago caasimadda.  Haddaba, maxaa hortaagan Madaxweynaha?

J. Wax hortaagan ma jirto.  Madaxweynuhu wuxuu ka mid yahay institutions-ka la dhisay, inuu meel kasta iska maro ma ahan.  Ma gelin karo noloshiisa biimaamoorto.  Haddii la dilo waxaa burburaya wixii laba sano loo fadhiyey.  Marka, waa in la helaa askar ka horreysa oo nabadgelyadiisa sugi karta.

S. Madaxweynuhu, waxa uu u sheegay wargeyska London ka soo baxa ee Daily Telegraph inuu siddeed cisho gudahood ku booqanayo Muqdisho.  Hadda shan cisho baa na gudubtay, ma laga yaabaa afarta cisho ee nagu soo aaddan inuu caasimadda tago?

J. Madaxweynuhu warkaa ma dhihin, waana laga abuuray.  Madaxweynuhu ma tagayo Muqdisho iyadoon hubka la uruurinin, lana geynin magaalada askar dhex dhexaad ah.  Waa in la abuuraa, lana saamaxaa jawi nabadgelyo ah ka hor inta uusan Madaxweynuhu booqan caasimadda.

S. Dowladda Kenya waxa ay marar badan weydiisatay dowladda Soomaaliya inay dalkeeda u noqoto.  Sababta aad Nairobi isugu dhejinaysaan waa maxay?

J. Waxaan dareensannahay in guurista degdegga ah ay dhibaatadeeda leedahay, iyadoo la kaashanayo waaya aragnimadii dowladdii lagu soo dhisay Carta.  Waa la guuri doonaa, dowladduna dhowaan waddankii way degi doontaa, laakiin waxaa taa ka horreeya in qabanqaabo fiican iyo gogol-xaar laga sameeyo gudaha.  Madaxweynuhu waxaa laga yaabaa inuu muddo sii joogo Kenya, mar walbana wuu ku nasan doonaa.  Waxaa Nairobi ka furanaynaa liaison office oo howlaha dowladda sii socodsiiya.

S. Mohamed, waxaa dad badan oo aqoonyahanno ah ay ku doodaan in Madaxweynuhu doonayo inuu awood u adeegsado Muqdisho.  Marka, fekradda noocaas ah sow loo-qaateen ma noqon karto mar haddii uu leeyahay ciidan la’aan dalkii ma tagayo?

J. Arrintaasu waa propoganda la sameeyey, waana in fekerka qabiilku meesha ka baxaa oo aan qabiil loo noqon.  Qabiil waa ka gudubnay, dowlad baan u gudubnay.  Askar xoog wax ku isticmaasha ma hayno, ee waxaan haynaa askar ajnabi ah oo nabadda sugaysa oo noo tababarta ciidammadeenna.  Waxaa loo baahan yahay in la helo askarta noocaas ah ee hubka lagu wareejiyo, waayo ma jiro qabiil qabiil kale hubkiisa ku aaminaya.  Maadaama aan la is aaminayn, waa in goobaha muhiimka ah sida dekedaha iyo garoomada ay gacanta ku hayaan ciidammada ajnabiga ah, hubkana waa in iyaga lagu wareejiyaa.

S. Dadka aqoonta leh waxaa kaloo ay ka welwelsan yihiin in haddii ciidammada ajnabigu dalka soo galaan uu Madaxweynuhu la soo baxo nidaam keli-talis ah oo sheekadu noqoto Afkaaga xiro ama Afgooye aad.  Doodda noocaas ah sidee kula tahay?

J. Waxaan u arkaa fekrad raqiis ah oo aan waxba ka jirin.  Madaxweynuhu meesha kuma imaan dictatorship ee wuxuu ku yimid doorasho, waxaana cod ballaaran ku doortay Baarlamaanka.  Kuwa oranaya Cabdullaahi Yuusuf waa dictator, markay annaga nala joogaan waxay nagu yiraahdaan aan Cabdullaahi weligeen dooranno, markey Xamar tagaanna weji kale ayay ummadda ula soo baxaan.  Anigu ma ahi nin laba wejiile ah.  Hal weji baa laygu yaqaannaa, sida nimanka warlordska ah isuma bed-beddelo.  14-kii sano ee aan dhibaatada ku jirtay hal nin oo dictatorship nagu qabsada haddaan heli lahayn dhibka aan soo marnay sooma marneen.

S. Waxaa mar kasta lagu soo cel celiyaa in caasimadda laga wareejiyo Muqdisho oo la geeyo Baydhabo.  Fekradda noocaas ah waxaa lagu riixaa Madaxweynaha iyo ragga u dhow dhow ee aad adigu ka mid tahay.  Reer Muqdisho hadday diyaar u yihiin inay idin soo dhoweeyaan, maxaa dowladda ula doonaysaan Baydhabo?

J. Qorshuhu ma ahan in Muqdisho laga rarayo caasimadda, laakiin waxa weeye inta laga nabadeynayo caasimadda in dowladdu ku sii howlgasho meel nabadgelyo ah.  Baydhabo keligeed ma ahan ee waxaa tartan ku jira magaalooyin badan, sida Kismaayo, Beledweyne iyo Jowhar oo soo codsaday oo yiri annagaa dowladda marti gelinayna inta Xamar ka hagaagayso.  Sidaa darteed, waxaa dowladda la geynayaa meeshii loo arko inay nabad tahay, International Community-guna ma diiddana arrintaa.

S. Maalmahaan waxaa wadnaha farta lagu hayaa in Soomaaliya ay galaan ciidamada IGAD oo ay hormuud u tahay Ethiopia.  Waxaa hadda kubaddu taallaa Baarlamaanka gudihiisa.  Ma kula tahay Baarlamaanka Soomaaliya inuu is hor taagi doono arrintaa?

J. Baarlamaanku inuusan ansixin in ciidamo la keeno dalka macquul ma ahan, af siyaasadeedna ma ahan, af Baarlamaan ku hadlana ma ahan, waayo Baarlamaanku wuxuu ogyahay baahida loo qabo ciidammada ajnabiga ah, waana ansixinayaa.  Dowladda Ethiopia waa dowladdii dowladdaan noo dhistay, ninka doonaya inuu ijaafeeyo siyaasi ma ahan.  Niman raba inay hubka sii haystaan oo dadku u sii xayirnaado weligood ayaa dadka Xamar kicinaya oo propoganda ku qaldaya.  Shacabku uma baahna ragga noocaas ah, waana inay ka taxaddaraan.  Waa inay gartaan dantooda oo dowladdooda soo raacaan.

S. Kooxaha qaar baa soo dhoweeyey ciidammada Itoobiya inay ka mid noqdaan ciidanka nabad-ilaalinta, qaarna waa diideen.  Kuwa soo dhoweeyey waxaa ka mid ah Maxamed Dheere oo yiri, ‘Waa abaal darro in Itoobiya laga reebo ciidammada imaanaya Soomaaliya.’ Ma la qabtaa arrintaas?

J. Haa, si buuxda ayaan ula qabaa, waxaana ku raacsanahay Ethiopia wax bey noo qabatay.  Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ugu badnaa waxay ka dheceen Addis Ababa, sidaa darteed sabab aan ku diidno ma hayno. Ragga hadda diidaya kuligood saaxiibbo ayay la wada ahaan jireen.  Haddaba, wax la dhegeysan karo ma ahan in la yiraahdo Itoobiya ma imaan karto Soomaaliya.

S. Mohamed, waxaa jirta in qabqableyaal dagaal oo dowladda ka tirsanaa ay sii deynayaan ereyo goodis ah (rhetoric words) oo aad mooddo inay dowladda kaga sii baxayaan.  Ma laga yaabaa in isla-xisaabtan uu dhaco oo maxkamad la horgeeyo?

J. Runta markaan kuu sheego, nimankaas warlord-ya ah badankood dowlad ma rabaan, waayo dowladnimadu uguma muuqato maslaxad.  Waxaa maslaxad iyaga u ah fowdada, qaska, dowlad la’aanta iyo boobka.  System-ka noocaas ah ayay fahmayaan ee ma fahmi karaan system dowladeed, waxayna ku dadaalayaan inay dowladdu socon weydo oo ay fashiliyaan.  Waxaan filayaa inaan adduunku sidaan ku dhaafi doonin oo dadka iyo dalkaga laga qaban doono mar dhow.  Soomaaliya kama fiicna Ciraaq, kamana xoog badna.  Warlord-yadu waxay saxiixeen dokumentiyo nin dood ka keeni kara ama diidi kara uusan jirin oo ah inay dowladda u hoggaansamayaan belaa shuruud.  Intaas baa ku filan in adduunku kula xisaabtamo, looguna aqoonsado dambiileyaal dagaal (War Criminals) oo lagu horgeeyo maxkamadaha dambiyada dagaalka (War Crime Courts), sida the Hague iyo Caruusha.  Dhaqdhaqaaqoodu wuu xadidnaan doonaa siduu hadda u xadidan yahay illaa maxkamad laga horgeeyo.  Inay faraha wax ka tilmaamaan mooyee, iska hor imaad weyn ma sameyn karaan, waana is ogyihiin.

S. Dadka taageersan Madaxweynaha waxa ay yiraahdaan reer Muqdisho ma doonayaan dowlad, ma doonayaan nidaam iyo kala dambayn.  Marka aad eegto hadallada qabqableyaasha Xamar iyo mudaaharaadyada socda, ma la dhihi karaa waa dhab?

J. Dadweynaha Hawiye inaysan nabad rabin, dowlad in la helana ay diiddan yihiin kuma raacsani cidna.  Adduunku waa ogyahay, cid walbana waa ogtahay in Hawiye nabadeynta dalka iyo dowladda hirgelisteeda uu hormuud u yahay ee ay diiddan yihiin in yar oo danahooda gaarka ah ceyrsanaya.  Dadka dhigaya mudaaharaadka waa taageerayaashii warlord-yada, waana tiro aad u yar. Ma metelaan Hawiye.  Waa dad la soo ijaartay oo metela Theory of Warlordism (caaqidada qabqablenimada).  Population-ka Xamar ku nool waa kuwii dowladda sida la yaabka leh u soo dhoweeyey ee qorraxda u taagnaa, iyaga la’aantoodna shirkii labada sano loo fadhiyey dowlad kama soo baxdeen.

S. Mohamed, xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho waxaad mooddaa hadda inay marayso meeshii ugu xumeyd.  Saraakiil badan oo dalka wax tari lahayd iyo dad ajnabi ah baa dhowaahaan lagu tooganayey magaalada, waxaana la soo fagay maydad aasnaa.  Dad baa yiraahda waxaa arrinta ka dambeeya dad dowladda ku jira?

J. Hadalkaas waa hadal daciifnimo, wuxuuna ka dhigan yahay wixii xunba Xaawaa leh.  Koox yar oo dowladda diiddan baa ka dambaysa arrimahaas oo mowqifkoodu yahay yeysan dowladdu Xamar imaan.  Diinta Muslimku ma qabto in mayd la soo fago, mar haddeysan diintu oggoleynna dadka ka dambeeya waan garan karnaa inay ka dambayso siyaasad raqiis ah.

S. Waxaa beri dhoweyd laga soo tebiyey Kenya in xiriirka adiga iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uusan sidii hore u wanaagsanayn.  Sidee isku tihiin hadda?

J. Aaah. Aah (qosol).  Xiriirka aniga iyo Madaxweynaha hal maalin isma beddelin.  Muddo dheer ayaan aniga iyo Cabdullaahi Yuusuf isku aragti iyo isku siyaasadba ahayn.  Waa jirtaa in dadku filayey in aniga laygu magacaabo Ra’iisal Wasaare, laakiin markii taas dhici weyday la is yiri waa dirireen.  Marka, aniga iyo Madaxweynaha xiriir joogto ah ayaa naga dhexeeya.  Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi isagana si fiican baan saaxiib dhow u nahay.

S. Gunaanadkii, maxaad jeclaan lahayd inaad ku tiraahdo Soomaalida wareysigaaga akhrisan doonta?

J. Waxaan kula talin lahaa Soomaalida, gaar ahaan kuwa dibadda jooga oo aan garan karin xaaladda dalka inay ogaadaan xaaladda dalku maanta marayo in xaalad ka xun aysan jirin.  Ha joojiyeen hadallada ay darbiyada la taagan yihiin ee ay leeyihiin Faarax iyo Jaamac midna nooma imaan karo.  Waa inay qabyaaladda iyo qurunka iska daayaan, kana qayb galaan dib u dhiska dalkooda ee haddey wax barteen dalkooda kula soo noqdaan wixii ay barteen, haddey shaqeysteenna lacagtooda dalka soo geliyaan.  Waxaan hadda u sii shaqeynayno waa iyaga iyo carruurtooda, waxaana gacmaha kula jirnaa sidey jawi nabadeed ugu soo noqon lahaayeen.

Waxaa Wareystay. Maxamed Xaaji (Ingiriis)
ingiriis@yahoo.com


Kulan, Azhari, Gacmadheere, Madaxweynaha iyo Ingiriis

Faafin SomaliTalk.com | Feb 23, 2005


URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE
Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin..Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD