SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

GUDOOMIYAHA XIZBIGA MIDNIMAD JAMHUURIGA SOOMAALIYEED Cali maxamed nuux (timo jilic)OO KA HADLAY SOO DHAWEYNTII MADAXWEYNAH IYO RAYSUL WASAARAHA (AYAA YIRI WAXAAN U ARAGNAA SHIR QOOL KA DHAN AH CAASIMADA MUQDISHO) 

WD: Maxamed Macalin cismaan (All man) 

Gudoomiyaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed Md; Cali maxamed nuux(timo jilic) oo ka hadlay Soo dhawentii raysul wasaare Prof; cali maxamed geedi ayaa sheegay inay arintaasi keeni karto caqabad iyo dhibaato hor leh , waxaana u aragnaa ka xizbi ahaan shir qool ka dhan ah caasimada muqdisho, tegi’taanka uu ka tagay Prof;geedi jawhar iyo mid madaxweyne cabdullaahi yuusuf ku tagay garoowe waa mid xad gudub ku ah caasimada laguna banaysanayo in xamar aysan noqonin caasimada qaranka.

Waxaa kale uu sheegay hadii ay ka cararaan iyo hadii kaleba waxaan u sheegaynaa inaysan ka badbaadi doonin waxa ay ka cararayaan.

Booqashada madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ay ku marayaan gobolad qaarkood ee dalka oo loogu danbeysiinayo magaalada muqdisho waa mid lagu dhalan rogayo dadka ra’yigooda, runtuna waxaa weeye sida fikirka cabdullaahi uu ka qabo waa in garoowe la dego hadii ay marayso iyo hadii kaleba, waxaana halkaas ku lumaya mas’uuliyadooda iyo deganaan shihii dalka.

Dhinaca kale gudoomiyaha waxa uu sheegay shir weynihii u furmi lahaa golaha xizbiga midnimada jamhuuriga 21 bishaan aynu ku jirno, oo u jeedadiisu ahayd in lagu xaliyo khilaaf u dhexeeyey xubnaha xizbiga iyo sidii loogu dooran lahaa hogaan cusub oo lagu wada midaysan yahay ayaa dib u dhacay.

Kadib markii ergooyinkii ka soo qayb galayey qaarkood oo ka imaanayey gobolad dalka  ay codsadeen inaanay haboonayn in waqtigaan shir laysugu yimaado maadaama mas’uuliyiinta DFKMG ay dib dalka ugu soo noqonayaan si ay wax ugu soo dhaweeyaan, arkaana fikirka dowlada iyo qorshada ay la damacsan tahay dalka.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in dib laga soo sheegi doono waqtiga shir weynaha uu dhacayo.

Maxamed Macalin cismaan (All man)  Somalitalka Muqdisho.
Email: fatxumaalik@hotmail.com

WARARKA WAFTIGA


Wafdigii dowlada oo ka dagay garoonka diyaaradaha Conoco ee magaalada Garoowe.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Feb 25, 05
canabmumtaz@yahoo.com

 
Garoonka Magaaladda garoowe oo lagu magacaabo canoco(Kanooko)oo 40km u jira magaalada garoowe ayay ka dageen wafdigii dowladda maanta, waxaana garoonkaas buuxiyay dad weyne,isimo,Madaxda maamulka puntland iyo ururada bulshada rayidka ah iyagoo soo dhaweeynayay wafdiga madaxweynaha iyo wasiirka koowaad cali maxamad geddi oo maanta ku nastay magaaladda baladweyne kadib markii ay ka soo duuleen isla maanta garoonka magaaladda Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe.
 
Wafdigan oo daqiiqado ka hor ka dagay garoonka Garoowe waxaa salaan ku siiyay cutubyo ka mid ah ciidamada maamulka puntland waxa ayna tumayeen muusika astaanta u ah calanka jamhuuriyadda Soomaaliya ee Somaliyey Toos,toossa oo isku tiirasada hadba kiina taagta daran taageera waligeen.
 
Dadka soo dhaweeyay waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulka puntlanad Cadde Muuse, Wasiiradda, isimo iyo wafdigii dowladda ee ka tagay magaalada Nairobi.
 
Dadweynihii halkaas ku dhaweeyay oo aad u badnaa Wafdiga dowlada ayaa watay boorar kala duwan oo ay ku muujinayaan sida ay u jecel yihiin Dowladda ay hogaaminayaan  C/llaahi yuusuf Axmad Iyo Cali Maxmad Geddi oo labadoodu safar hal meel ah ku wada qaadanaya soomaaliya gudaheeda markii ugu horeysay.
 
Wafdiga waxa ay booqan doonaan gobolo ay ka mid yihiin Magaalada Gaalkacyo,Boosaaso iyo meelo kale oo ka mid ah maamulka puntland,Wafdigan waxay tagayaan baydhaba ka dib marka ay halkaas ka soo laabtaan iyagoo ka dibna ugu soo duuli doona magaaladda xarunta u ah ee Naiorbi,
 
Dad badan ayaa Aaminsan in wafdigani booqanayo meelaha laga ogol yahay in la keeno ciidamao ka socda Wadamada IGAD gaar ahaan kuwa safka hore oo aan u arkin in ay dhib keeni karaan.
 
Balse madaxweynaha iyo wasiirku waxay labaduba sheegayaan in wafdigoodu uu booqanayo Caasimadda soomaaliya xamar,balse waxay is weydiintu tahay maxaa iska badalaya qabanqaabiyaashi isku diyaarinayay in ay wafidiga dowladda soo dhaweeyaan kadibna ka dgaya jowhar lugtoodi ugu horeysayna ka bilaabay.

canabmumtaz@yahoo.com

WARARKII HORE EE SAFARKA WAFTIGA


»Wafdigii dowladda oo ku sugan maanta baladwayne.
»Dr.C/qaasim:Keenis Ciidamo Safka hore waa abuurid dagaal sokeeye.
»Aqoonyahano shir ugu dhamaaday Nairobi. 
»Safiirka mareykanka oo aqoonayahaniinta u sheegay in ciidamo safka hore aysan xal keeni doonin. 

Wafdigii madaxweynaha iyo wasiirka koowaad. 

Wafdigii balaarnaa oo ay hogaaminayeen Madaxweynaha dowlada FKMG ah iyo Wasiirka Koowaad ayaa maanta ka dagay magaalada Balad weyne ee gobolka hiiraan ka dib markii ay saakay ka ambabaxeen magaalada jowhar ee gobolka shabeelada dhexe oo ay ku soo dageeen maalintii shalay ahayd. 


Geedi markii uu ka duulayey garoonka Wilson ee Naiorbi Feb 24. Sawirka: AFP

Wafdigan ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay dadweynaha gobolka oo wata boorar muujinaya hadalo soo dhawayn ah iyo rabitaankooda dowladeed waxayna ku dhawaaqayeen in dowladu tahay tii ay sugayeen diyaarna u yihiin in ay la shaqeeyaan. 

Magaaladda baladweyne waxaa horay ugu sugnaa wafdi ka socday gollaha wasiiradda oo ay hogaaminayeen wasiirka waxbarashada iyo ku xigeenka wasiirka gaashaan dhiga Cumar Dheere labadan wasiir ayaa wafdiga madaxweynaha ku qaabilay halkaasi iyagoo uga waramay wixii ay qabteen maalmihii ay ka soo maqnaayeen iyo wadahadalada ay la sameeyeen qaybaha bulshada ku nool magaaladaas iyo meelaha ku dhawdhaw ee gobolka hiiraan. 

Wadiga ay hogaaminayaan madaxweynaha iyo Wasiirka kowaad ayaa lagu wadaa in caawa halkaasi loogu sameeyo xaflado soo dhawan ah oo ay u samaynayaan dadka deegaanka iyagoo u muujinaya taageerada ay u hayaan dowladda kana filaya in ay ka heli doonaan balanqaayada amaan ee ay dowlada cusubi balan qaaday. 

Magaaladda garoowe ee xarunta u ah ismaamul goboleedka puntland ayaa lagu wadaa in waffdiga ay bari uga sii ambabaxan magaalada baladweyne,waxaana ka socotaa halkaasi qabanqaabo xoogan oo maamulka puntland uu u samaynayo wafdiga dowlada soomaaliyeed ee ay hogaaminayaan C/llaahi yuusuf iyo Cali Maxmad Geddi. 

Magaalada Garoowe waxaa wafdiga uga horeeya Wafdiga ka socday Gollaha wasiiradda oo uu hogaaminayay Wasiirka Badda iyo Kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax,waxaana ay halkaasi intii ay ku sugnaayeen la kulmay qaybaha shacabka reer puntland iyo maamulka labadaba. 

Magaaladda Garoowe waa halkii uu hadda ka hor ka talin jiray Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad,Balse markii loo doortay xilkan ayaa doorasho la qabtay dabadiis lagu doortay Gen Cadde Muuse oo hadda gacanta ku haya maamulkaas. 

Wafdigan ay hogaaminayaan labadii mas'uul ee dowladda ugu sareeyay waa kii ugu horeeyay ee ay somaliya dhexdeeda safar lug ugu maraan,tan iyo markii la dhisay dowladda. 

Ra'iisul wasaaraha Dowlada FKMG ah ee soomaliya waxa uu saxaafadda u sheegay horaantii bishan in wafdi uu hogaaminayo ay ka dagayaan magaalo madaxda soomaaliye ee mogadisho bishan 21 deeda kulamona la soo qaadan doono reer mogadisho.laakiin waxaaa muuqata in uusan cag dhigi doonin. 

Shirkii Jar’aad ee Dr.C/qaasim. 

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee jabuuti lagu dhisay DrC/qaasim Salaad Xasan ayaa shir jar’aad ku qabtay magaalada mogadisho xili ay wafdigii dowladda FKMG ahi ku sugnaayeen Jowhar. 

C/qaasim waxa uu shirkiisa jar’aad uga hadlay Ciidamada la damacsan yahay in la geeyo Soomaaliya ee ka socda wadamada IGAD oo ay ku jiraan kuwa safka hore iyo Caasimadda Soomaaliya ee Mogadisho. 

“Ciidamo ka socda Wadamada Safka hore oo soomaaliya la soo galiyo waxay keenaysaa cadaawad hor leh oo laga dhex abuuro dadka soomaaliyeed” ayaa ka mid ahaa hadaladii C/qaasim ee ku jiray shirkii jaraa’id ee uu Saxaafadda kala hadlayay shacabka soomaaliyeed. 

Caasimadda Soomaaliya soomaaliya in ay tahay Muqdisho ayuu carabka ku dhuftay isagoo intaasi ku daray in la jabinayo Qodobka 5aad ee Dastuurka FKMG ah ee soomaaliya oo sheegaya in caasimadu tahay Xamar aana laga badali Karin waxa uuna ugu baaqay dowlada federalka ah in ay dhowrto nidaamka ku xusan dastuurka kana howl gasho casimada dadka soomaaliyeedna wanaag ka kasbato. 

Dib u heshiisiinta mar uu ka hadlayay waxa uu sheegay in dowladani ay mas’uuliyad ka saran tahay in ay bilowdo dib u heshiisiin dhex marta dadka soomaaliyeed,iyadoo laga soo bilaabayo gobolada laguna keenayo magaalooyinka. 

“Dowladani waxay ka nasiib badan tahay dowaldaydii waayo waxaa ku wada jira hogaamiyayaashi siyaasada oo dhan,dowaldaydii waxaa dib u dhigay dagaalo kaga yimid hogaamiyaasha siyaasadad ee hadda ku jira labada golle”Hadalkan waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ahayd ee Lagu soo dhisay Dalka Jabuuti Dr.C/qaasim Salaad Xasan. 

Ugu dambayntii waxa uu xusay in aysan u dulqaadan doonin dibindaabyo lala damacsan yahay shacabka soomaaliyeed oo ka dhex abuurta jahawareer iyo dagaalo sokeeye iyadoo ay maskaxdooda ka sii guuxayso waxii ay ka soo gaaray kuwii hore. 

C/qaasim iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay Cali Mahdi Maxmad oo mar soomaaliya ka noqday Madaxweye dowlad isla jabuuti lagu dhisay horaantii sagaashameyadii ayaa baryahaan la hadalhayay in ay abuurayaan xisbi siyaasadeed oo aan hubasnayn kaas oo sida wararku ay sheegayaan ka shaqayn doona dib u heshiisiinta dadka soomaaliyeed. 

Shirka Aqoonyahanada ee Nairobi. 

Kooxda aqoonyahada ah oo uu shir albaabada loo laabay uga socday Magaalada Nairobi mudo shan maalmood ah ayaa shalay la soo gabagabeeyay. 

Aqoonayahanadan oo kala yimid Dalka Somalia Gudahiisa,yurub iyo Amerika ayaa markii labaad shirkan kaga hadlaya xaaladda dalka marayo ee kaalintooda kaga aadan,Hubka ka dhigis sida loo hirgalin karo,in ay talo ama fikir ku biiriyaan dowladda FKMG ah ee soomaaliya iyo ugu dambayn sidii ay beesha caalamka uga dalban lahaayeen in soomaaliya loo fidiyo gargaar dhinac walba ah sida uu iigu waramay aqoonyahan ka mid ah kooxdan oo ah Prof.Gandi. 

Aqoonayahanadan oo aan wali soo saarin wax go’aano ah oo ka soo baxay shirkaas ayaa kulankoodu ugu horeeyay la yeeshay Safiirka maraykan u xilsaran la socoshada arrimaha soomaaliya. 

Safiirka waxa uu kooxdan aqoonayanada ah usheegay in dalkooda ay ka abuuraan hab ku dhisan nolol wadaag iyo amaan buuxa oo soomaaliya lagu soo dabaalo iyagoo dowladana ka siinaya talooyin ku aadan wadadii ay u mari lahayd nabada si cilmiyaysan oo aan dagaal ka imaan Karin. 

Waxa uu safiirkani intaas ku daray in ay xal ula muuqanin dowlad ahaan in Somaliya la geeyo ciidamo ka socda Wadamada Safka hore,iyadoo ay soo muuqanayaan calaamado muujinaya sida looga xun yahay in ciidamada safka hore ay abuuri karaan jawi aan daganayn,dad badan oo soomaali ahna ay rumaysan yihiin in wadamada safka hore ay dano ka leeyihiin soomaaliya waxyaabo badana ay iskaga xiran yihiin marka laga hadlayo xuduudaha iyo siyaasada gudaha waxa uuna intaas ku daray in wadamadan ay ay yihiin kuwo la kala safan siyaasiyiinta ka jirta dalka soomaaliya. 

Ugu dambayn waxa uu safiirkani sheegay in caalamku taageerayo dowlad ka shaqaynaysa danaha umadd ayna isku kalsoon yihiin madaxda ku jira labada Golle,hadii taas la helana dhaqaale diyaar ayaa loola yahay Somaliya. 

Beesha caalamku waxa ay horay u sheegeen in Ciidamo aan loo dhamayn aan loo dirin,waxayna ku baaqeen in baarlamaanka FKMG ahi u arrintan go’aankeeda leeyahay kadib hadii loo arko xal la keeno,balse inta la isku khilaafsan yahay laga fiirsado,waxayna ku tilmaameen in ciidamadas ay sii xumayn karaan xaaladda ka jirta hadda soomaaliya iyagoo abuuraya khilaaf ka dhex dhasha soomalida.

SomaliTalk | Feb 25, 05


WARARKII Feb 24

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKG oo Booqday Jawhar


Cabdullahi Yuusuf oo cagaha dhigay dhulkii hooyo markii ugu horeysey isagoo ah madaxweynaha DFKMG, Sawirka AFP (feb 24, 05)

Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyo Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedii ayaa maanta oo Khamiis ah (Feb 24) booqashadoodii ugu horeysey intii la doortay kaddib ku tegey dalka Soomaaliya.

Wararka Jawhar ka imanaya ayaa tibaaxay in maadxweynaha iyo ra'iisul waasaaruhu ay halkaas ku tageen laba diyaaradood oo midba uu la socdey diyaarad.

Waxaa wararku sheegeen in si weyn waftiga madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha loogu soo dhoweeyey magaalada Jawhar, ayadoo amaanka magaaladaas aad loo sugay.

Hay'adda AFP waxay soo werisey in waftiga lagu soo dhoweeyey boorar, kuwaas oo ay ka xustay in mid kamid ah uu ku qornaa "Kusoo dhowaada dalkiina", mid kalena waxaa ku qornaa "Dadka reer jawhar waaxay soo dhoweynayaan Dawlaadad Federaalka Kumeel Gaarka ah", boor kalena waxaa ku qornaa "Cimrigoodu ha raago madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha".

Cabdullaahi Yuusuf markii uu ka degey Jawhar waxaa laga soo xigtey in uu yiri "Aad ayaan ugu faraxsanahay in Jawhar ay tahay magaalo aad u nabdoon oo dadkeeduna yihiin dad nabadda jecel oo raba in ay arkaan dawladda Soomaaliyeed oo timaada dhulkeeda hooyo".

Caawa waxay waftigaasi ku negaan doonaan Jawhar, sida ay shegeen warar ku dhowdhow madaxtooyada Soomaaliya ee geediga u ah Soomaaliya. Waxaana la filayaa in Cabdullaahi Yuusuf uu Jimcada u ambabaxo gobolada Puntland ee woqooyi bari ee Soomaaliya, halka ra'iisul wasaare Geedi uu u safri doono ugu yaraan saddex magaalo oo kala ah Beledweyne, Baydhabo iyo Gaalkacyo (ama labaduba ay halkaas u wada safri doonaan).

Lama filayo in midkoodna, madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruaha, uu safarkan ku tegi doono Muqdisho. Wararka aadka ugu dhowdhow madaxweynaha waxa ay sheegayaan in la qorsheynayo in DFKMG in inta aysan deggin Muqdisho ay ku meel gaar haan sii degi doonto magaalo ka baxsan Muqdisho, oo loo malaynayo Baydhabo ama Beledweyne.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2005


Warar Googoos ah::: Feb 24
»Xildhibaano ka biya diidsan in Geddi u safaro jowhar
»Golaha Wakiilada DGPL oo Magacaabay Guddi Joogta ah
»Muxiyadiin Darbo Weyne oo siro Isboorti daaha ka rogay!
»Cabdi Xoosh oo sheegay in loo doortay kursigii Gaani
»Nin dablay ah oo oo rasaas la beegsaday dayaarada qaadka
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 24

Waraysi: Maxamed Cabdi Xaashi
SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni..
ka Dhegeyso halkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD