SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
Waraysigii Somalitalk ee Maxamed Cabdi Xaashi
SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni..
ka Dhegeyso halkan...

Markii aan waraysigaas qaadeyney waxaan hordhac uga dhignay qormo ay soo saartay shabakadda shirkada HAFZA, waxayna kubilowday sidan:

Dawlad Goboleedka Puntland oo ka tirsan Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya ayaa bishii Oktoobar ee 2004 waxa ay heshiis la gashay shirkadda HAFZA Ltd, [oo ka diiwaan gashan Calgary, Alberta, Canada, Registration No. 209348309], taas oo meelo kala duwan oo Puntland ah ka hir gelin doonta meelo ganacsi oo madax bannaan oo hoos imanaya HAFZA (Horn of Africa Free Zone Authority).


"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay Xaafuun Muddo 99 sanadood ah"
HAFZA oo ah shirkada sheegtay in ay ijaaratay Xaafuun muddo 99 sanadood ah ayaa shaaca ka qaaday waraaqo ay ku saxiixanyihiin Madaxweynaha DFKMG, madaxweynihii hore ee DGPL iyo wasiirkii Hawlaha Guud ee PL.. Guji..


Falsafadda HAFZA waa, in kasta oo ay tahay shirkad gaar loo leeyahay oo qorshaynaysa in ay ku biirto liiska suuqa ganacsiga ee Toronto Stock Exchange, haddana waxaa loo tixgelin karaa mid kamid ah aaladaha dawladda ee horumarinta dhaqaalaha gobolka. HAFZA waxa ay soo jeedineysaa in ay sidaas ku gaareyso horumarinta dekededaha iyo garoonada jira ee gebi ahaan Puntland... kuwaas oo noqonaya kuwo madax  bannaan (Free Zones) oo aan cashuur laga qaadayn.

Sharciyo iyo qawaaniin u gaar ah ayaa lagu dhiqi doonaa meelaha madaxa bannaan, sharcigaas oo ka duwan kan lagu dhaqo inta soo hartay ee Dawlad Goboleedka Puntaland iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer, in Dawlada goboleedka Puntland ay bixisay gebi ahaanba jasiirada Xaafuun si loogu rogo xudunta dalxiiska iyo ganacsiga ee gobolka.

Xaafuun bedka ay ku fadhidaa waa 200 oo mayl oo laba jibbaaran, waxana ay gaareysaa 30 mayl oo gudaha bad weynta Hindiya ah.

Inta badan meelaha madaxa banaan ee ganacsiga waxaa ee qaybaha kale ee adduunka badan kooda hir geliya dawlada markaas xakunta. Meelahaas oo ku shaqeeya habab u gaar ah iyo meelo ku haboon soo jiidashadshada maal gashiga iyo sayladaha caalamiga ah ee kala bedelashada lacagaha.

Waraqihii ay ay soo bandhigtay HAFZA waxaa kamid ahaa:::


WAREEGTADII MAXAMED CABDI XAASHI

Wareegto madaxweyne | PL
 


Maxamed Cabdi Xaashi

Wareegto No: 125    Garoowe, Axad Janaayo 2, 2005

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

MARKAAN ARKAY: Sharciga Puntland

MARKAAN ARKAY: Baahida loo qabo horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha Puntland State of Somalia

MARKAAN TIX GELIYEY: Lagama maarmaan nimada in Puntland laga abuuro "qayb madax bannaan "Free Zone" sida "Horn of Africa Free Zone" iyo maamul u madax bannaan "Free Zone Authority"

WAXA AAN HALKAN: ku ansixiyey asaaska "Horn of Africa Free Zone" sida ku cad heshiiskii taariikhdiisu ahayd 23kii October 2004, qaybtiisa 18aad, faraca "A", taas oo qayb ka ah wareegtadan.

waxaa saxiixay: Mudane Maxamed Cabdi Xaashi
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya


WAREEGTO MADAXWEYNE | PL

Ref XN/DPS/33/2004 Garoowe, Axad, October 24, 2004

Wareegtadaas waxa uu madaxweynaha PL awood u siiyey in Axmed Maxamed Cigaal, wasiirka hawlaha guud iyo gaadiiska iyo khayraadka dabiiciga ah uu geli karo heshiis maalgashi asagoo matalaya dawlad goboleedka Puntland.


WAREEGTADA MADAXWEYNAHA DFKMG

RS-TS-OP/001/2004   Nairobi, Oct 17, 2004

Maadxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa uu awood u siiyey in  Axmed Maxamed Cigaal, wasiirka hawlaha guud iyo gaadiiska iyo khayraadka dabiiciga ah ee DGPL uu la geli karo heshiiskaas.


Waanakan waraysigiii.. DHEGEYSI...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD