SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
Somalitalk Mooyee Meeye Suxufiyiintii Kale 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Markii arrin qabiil ama gobol laga hadlayo waxaad arkeysaa dad badan oo xiiqsan oo isticmaalaya qeybaha saxaafadda ee kala duwan laakiin markey gaarto heer qaran waxaad arkeysaa dad yar oo daneynaya. 

Suxufiyiintee ka hadlay arrintii boobkii dhulka Soomaaliya (Xaafuun)? Maaddaama aan ahaa ninkii ugu horreeyey ee si toos ah usoo dhexdhiga boggagga Soomaaliyeed; waxaan si aad ah ugu mahadcelinayaa Somalitalk  oo sidii arrintii Samsam oo kale doorkeeda qaadatay. Somalitalk waxay arrintaas siisay cinwaan khaas ah iyadoo soo dhejisay sheekadii shirkadda “HAFZA”. Somalitalk waxay bayaanisay warqadihii shirkaaddaasi ku sheegtay inay ka soo gaareen mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo markaas Puntland heystay iyo Korneylka oo markii warqadda la qoray ay horay xildhibaanno ugu doorteen madaxweyne Soomaaliyeed. 

Somalitalk waxay qaadatay door hormuud ah oo la islahaa waxaa qaadanaya laanta Afsoomaaliga ee BBC-da iyo idaacadaha ama telefishinnada Soomaaliya ka jira. Mar hore idaacadda SBC-da ee Boosaaso waxay Cadde Muuse weydiiyeen inuu arrintaas ogyahay iyo inkale waloow uu Cadde Muuse yiri wax war ah oon ka ahayn kan internetka lagu soo bandhigey ma arag. Somalitalk waxay wareysatay mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo markaas ahaa madaxweynaha Puntland. Daacadnimadiisa darteed, Maxamed Cabdi Xaashi  wuxuu sheegay inay arrintu jirto laakiin iyadoo aysan weli is “arag” shirkaddii looga guuleystay doorashadii Puntland. Wareysiga ay Somalitalk sameeysay wuxuu Maxamed ku sheegay inay jireen dad dullaaliin ah oo arrinta ku jiray oo uu qaarkood magacaabay. Halkaas waxaa ka cad in sheekada shirkaddu sheeganeyso ay raad leedahay. 

Sidii ku caddayd maqaalkaan arrintaas ku qoray ayaan waxaan ka codsaday suxufi kasta oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa BBC-du inay su’aasha ugu horraysa ee ay madaxda Soomaaliyeed weydiinayaan ahaato arrinta dhulkaas ka hadleysa laakiin marka laga reebo SBC-da iyo Somalitalk weli ma arag meel looga hadlayo arrintaas. Wey jiraan walaalo Soomaaliyeed oo ra’yi ahaan usoo qoray ama ila soo xiriiray laakiin saxaafad ahaan baanka hadlayaa. 

Mala Fahmay Micnaha Saxaafadda? 

Inkastoo saxaafadaha la leeyahay iyo kuwa dowladaha ay keligitaliyayaashu xukumaanba ay fuliyaan danaha dadka leh laakiin waxay ka simanyihiin difaaca qarankooda. Muhiimadda ay arrinta boobka leedahay iyo sida ay saxaafaddu isaga indhosaabeen ayaa ku tusaya in dadka Soomaaliyeed aysan wax saas ah is dhaamin oo haddaan qoryo iyo lacag helilahayn aan shacabka baabin lahayn sidoo kalana iibsan lahayn geyiga Soomaaliyeed. 

Soomaalidaa waxay tiraahdaa ninkii soo joog laga waayo soo jiifsaa laga helaa. Muddo aan ku diyaarin karay shaahaadooyin sarsare ayaa usoo jeestay inaan dadka Soomaaliyeed ka baraarujiyo internetka. Arrimuhu way kala muhiimsanyihiin. Waxaa aniga iigu darnaa dhibta Itoobiya la rabto Soomaaliya. Sidaas darteed waxaan xoogga saaray inaan toosh ku ifiyo Itoobiya iyo ciddii taageerta. Waxaa dhabarka naga wareemay niman sheeganaya dagaal-oogayaal oo aan la fahmeyn meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan. Laakiin in badan oo awal Xabashida taageeri jirtay ayaa hadda Xabashida nala difaacaya; dantey rabaan haka lahaadeene. 

Yaa Doonaya in Xabashida iyo Ninkaas soo Wata la isla Tuuro? 

Waxaan filayaa in shacabka badankiisu rabaan. Marka bal muddo yar aan xoogga saarno ka hadlka arrintaas. Hadda sheekadii waxay soo gashay madaxweyne ku sheegga Soomaaliya oo warqad laga saxiixday markii loo doortay madaxweyne Soomaaliyeed ka dib. Shirkaddu waxay sheegtay inuu dulaaleyda u fasaxay inay dhulkaas iibshaan 17/10/2004. Ogoow markaas wuu jiray golaha kumeelgaarka ee baarlamaanka Soomaaliyeed. Yaa lagala tashaday? 

Miyaan Soomaalidu oran nin hooyadiis qorrax u jiiday aayadiis hoos ma geeyo. Ma nin Xaafuun iibsaday baa Xamar kheyr la raba? Marka haddii idaacadihii shaqadoodi gabeen waa inaan annagu raadsanaa. Dhowr jeer baan la xiriiray idaacadda BBC-da waxayna sheegeen inay arrinta gacanta ku hayaan oo ay si miyar leh uga baaraandegayaan laakiin ay sheegeen inay halkaas u joogaan “danta” Soomaaliyeed. Marka waxaan ku celinayaa in weriye kasta marka uu cid wareysanayo uu arrinta dhulkaas weydiiyo. 

Sida Maxamed Cabdi Xaashi sheegay, waxaa muuqata inay sheegashada shirkaddaasi  run tahay. Marka haddii korneylku dhulkaas iibsaday isagoon kala tashan Soomaali weyn iyo khaasatan isimada, labada gole ee Puntland iyo shacabka Puntland oo dhan; marka yuu madaxweyne u noqon? Anigu waxaan aamminsanahay in maxkamad caalami ah loo diyaarsho si loogu qaado khiyaamo qaran. 

Soow ma mudna in Shahaado sharaf la siiyo Somalitalk, arrintii Samsam darteed iyo tan boobka dhulka Soomaliyeed? Waxaan ardeyda iyo ururada dhallinyarada ee Minnesota khaasatan Minneapolis ka codsanayaa inay abaabulaan xaflad lagu sharfayo bogga Somalitalk iyo akhyaarta hagta. 

Marka qofkii ay Islaamnimo iyo Soomaalinimo ku jirtoow kaalay oo aan arrintaas ka qeybqaadannee. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Qoraalkii HORE EE C/Waaxid

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD