SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
Xal loo Raadinayo Arrinta Xaraashkii Xaafuun

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 


BBC-da AfSoomaaliga Maxaa kala Gudbon Ijaarashada Xaafuun: "Horta way ku khasbantahay BBC-da laanteeda Afsoomaaliga inay ka hadasho arrintaas laakiin waxaa cad inay yihiin dad ay ka guurtay waddaniyaddii iyo qiimihii suxufiyiinta." C/waaxid


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed ha ahaato. 

Yaan garaneyn qiimaha dhulka? Ka warran qof madaxiisu Soomaaliya kusoo dhacay (ku dhashay) oo haddana arrinta waddanku ka maahsantahay? Xoolaha aan dhaqanno oo geelu ku jiro haddii la geeyo deegaan ku cusub waxaa dhacda inay usoo baxsadaan dhulkuu ku dhashay oo daaqi jiray waa haddii uu fursad ka helo geel-jiraha. Waxaa aad iiga yaabiya sidii ay munaafiqiintii joogtay waagii nabiga (SCW) u yaqaanneen qiimaha dhulka. Miyeynaan xasuusan C/hi Binu Umuyi Binu Salool oo markuu rabay inuu ciidan muslimiin ah ka reebo dagaalkii Uxud waatuu  lahaa “YAA AHLU YATHRIBA”? Munaafaqaasi intuu oranlahaa reer hebelloow wuxuu isticmaalay inuu reer Madiinoow dhaho isagoo ogaa inuu taageero badan helidoonno. Sidii bay u dhacday oo wuxuu duufsaday saxaabo badan. 

Oo arrinta munaafaqaas maxaad Soomaali ugu soo qaadatay? Qofkii maskax lihi wuu garanayaa in xikmadda meel kasta ood ka hesho ka qaadato. Saxaabigii Abuu Hureyrah (RC) ayuu sheydaan u sheegay in markuu seexanayo akhristo Aayad-Kursida. Aqoon-kororsi waa arrin fiican laakiin qofka wax laga korarsaday, wuxuu yahay buu yahay! 

Soo meynaan arag ciyaartooy bilad dahab ah ku guuleystay oo markii calankiisa la saarayo ilmeynaya? Waxaa dhici karta in qofkaasi uu mucaarad ku yahay dowladda markaas dalkiisa ka jirta! Halka Soomaalideenna aad arkeysid, dad sacab iskaga garaacaya hogaamiye-kooxeedyo aad isleedahay xoolaha waa ka liitaan. Weligiin ma aragteen kuwo leh Xabashi saaxiib baan nahay? Weligeen ma aragteen kuwa raba in xeradii Xalane xarun u noqoto ciidamo Xabashi ka socda?! Mid leh Soomaali-Galbeed maxaa iga galay?  

Waxaan uga danleeyahay sida baryahan muuqatay in magalaadaas Xaafuun iyo dhulka ku hareeraysan laga iibiyey shirkad isku sheegtay “Horn of Africa Free Zone Authority”. Muddo 99 sano ah. Shirkaddu waxay soo bandhigtay warqad uu ku saxiixanyahay “madaxweynaha federaalka ku-meelgaarka Soomaaliyeed” bishii Oktoobar 17, 2004. Waa 7 cisho ka dib markii madaxweyne loo doortay! Ninkaasi wuxuu sheegay in uu shirkaddaas u ogolaaday inay heshiis la galaan wasiirkii Howlaha Guud ee Puntland. Waxaa intaas dheer in shirkaddu soo bandhigtay warqaddii dikreetada (decree) ee lagu kala saxiixday arrintaas. Shirkaddu waxay sheegtay in 02/01/2005 uu Maxamed Cabdi Xaashi oo markaas ahaa madaxweynihii Puntland saxiixay. Maxamed Cabdi Xaashi wuu qirtay inuu ogaa arrinta shirkaddaas oo isna u xilsaaray isla wasiirkaas laakiin wuxuu yiri anigu ma gaarin go’aankii ugu dambeeyey iyadooy ugu wacantahay in la iiga guuleystay doorashadii Puntland. 

Markaan arrinta soo geshay boggagga Soomaalida waxaa iskood isku xilqaamay shabakadaha Somalitalk iyo website kale. Somalitalk si habaysan bay meel ugu sameeyeen arrintaas si looga doodo; waa iyaga ciddii ugu hor wareysatay Maxamed Cabdi Xaashi. Shariif Cismaan oo gacanta ku yahay website kale wuxuu isna daahfuray sir qarsooneyd kaddib markuu isku dayey inuu la xiriiro shirkaddaas iyo meelo kale. Shirkaddaas oo ajnabi ahi waxay Shariifka ku handaddey inay yihiin canaasiir ka soo hoorjeeda Puntland iyo dowladda federaalkaa! Shariifku wuxuu shirkaddii ku yiri Soomaaliya Soomaali baa leh. Shariifku wuxuu la xiriiray booliiska Australia maaddaama nimanka shirkaddaas horbooda lagu sheegay inay degenyihiin Australia. Booliiskii Australia madaxay gacanta saareen iyagoo leh akhbaarta lagu soo qoray bogga internetka ee shirkaddaas waa arrin la yaab leh maxaa yeelay waxay sheegayaan waa arrin xitaa waqti dheer ku qaadanaysa dowladaha waaweyn iska daa shirkade. Booliisku waxay ka digeen inay dhici karto in shirkaddaasi rabto inay khiyaameyso ganacsato badan iyagoo leh keensada saami si aad uga qeybgashaan ganacsiga xorta ah. Ama ay hadda rabaan inay helaan dad kale oo  saami laga qaado. Booliiska Australia waxay sheegeen in la siiyo seddex asbuuc si ay arrinta u dabogalaan. 

Maxaa la Gudboon Shacabka Soomaaliyeed? 


 Sannad Guuradii Afraad oo Kasoo Wareegtey Been-Abuurkii: "Naago Isku Guursadey Boosaaso..."


Waa wixii dhiig lahoow kaca. Qofkii la socda hay’adda BBC-da wuxuu garanayaa in muddo aan fogeyn ay shaqadii iska casileen guddoomiyihii, maareeyihii guud iyo weriyayaal kale. Sabab? Waxay dabodhigteen dowladdoodii arrimaha Ciraaq darteed. Ilaah baan idin ku dhaarshee ka warrama qof sheeganaya inuu Soomaali yahay oo haddana leh suxufi baan ahay oo markii arrinta Xaafuun oo kale loo sheegana leh lama hubo iyadooy jiraan caddaymo cad laakiin markii arrin kale oo qabiil iyo wax la mid ah ay joogtana galaya waxaan loo dirsan ama aan faa’iido lahayn. Horta way ku khasbantahay BBC-da laanteeda Afsoomaaliga inay ka hadasho arrintaas laakiin waxaa cad inay yihiin dad ay ka guurtay waddaniyaddii iyo qiimihii suxufiyiinta. 7 jeer ka badan baan la xiriiray laakiin bal waxaan rabaa inaan waco beri oo Isniin ah haddii Ilaah idmo oo bal ninka meesha ugu sarreeya weydiiyo cidda ay BBC-du u shaqeeyaan? Waxaa horumar aad ah sameeyey idaacadaha Soomaaliya ka jira oo intooda badan si fiican usoo dhoweeyey ka-hadalka arrintaan. Idacadahaas waxaa ka mid ah Shabeelle, Hornafrik iyo SBC. Lama hubo inay kulligood si weyn uqa qeybqaadan doonaan arrinta laakiin qaabilaad fiican baa laga helay. 

Waxaan kaloo la xiriiray xildhibaanno iyo wasiirro ku jira dowladdaas la leeyahay waxaa lagu dhisay Kenya. Waxay sheegeen inay ku dagaalami doonaan sidii loo soo dhicin lahaa dhulkaas Soomaaliyeed ee la boobayo. Waxaan xildhibaannada ka codsaday in korneyl C/hi lagu sameeyo “impeachment” oo ah in arrintaas maxkamad lagu saaro maaddaama xildhibaannadii oo dhisan uu warqad u qoray wasiir reer Puntland ah isagoon kala tashan. 

Arrintani waxay rabtaa taageero nooc kasta ah. Ugu horreyn in shacabku arrintaas ogaado kadibna ay mudaharaadyo ka sameeyeen. In qaar kamid ah xildhibaannadu ay u gudbiyaan guddoomiyaha baarlamaanka si arrintaas baarlamaanka looga doodo. In aan raadsanno qareenno arrintaas noo gala. 

Waxaa intaas sii dheer, waxaa shaki galay shirkaddaas iyo ciddii leh. Maddaama ay Jamciyadda Qurumuha ka dhaxaysaa sheegtay inay jirto sun badan oo Soomaaliya lagu duugay ayaa waxaa walaac ka jiraa waxay tahay shirkaddani. 

Waxaan u mahadcelinayaa Soomaali badan oo u badan aqoonyahanno oo sheegay inay arrinta ku jiraan ayna diyaar u yihiin wixii la qabanayo.

C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Somalitalk Mooyee Meeye Suxufiyiintii Kale 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD