SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN

WARDHEER, HAFZA, iyo XAAFUUN MAXAA ISU GALAY!!!!?

Abdikarim Ahmed"
karimafcad@hotmail.com

Marka hore waxaan salaan iyo taageero buuxda ugu dirayaa qoraalada ogaysiiska iyo baraarujinta isugu jiray ee ay bahda Somalitalk, C/waaxid iyo Mukhtaar noo soo gudbiyeen. Waana ku mahadsan yihiin hawshaas. Runtii waa in ku filan in ay wax tusto inta rabta inay wax maqlaan ama fahmaane. 

Hadaan u soo daadago cinwaankayga, Shirkada (amaba taliyayaasha, waa sida ay iyadu isku tilmaantaye) HAFZA[1] ayaa waxay website-keeda ku soo bandhigtay map ay ku sheegayso inuu tusinayo waxa ay ugu yeertay FREE ZONES (-ka lagu marmarsoonayo) iyo HAF SIINTA Xaafuun loogu maleegayo inay Luudiyiinta hooy lagu ilaaliyo u noqoto.  Su’aasha cinwaanka waxaa igu dhaliyay WARDHEER (iyo Ogaden) oo ka dhex muuqda Free zone-nadaa la sheegay!. 

Waxaan la soconaa in Wardheer ay ka mid tahay dhulka Soomaaliyeed ee ay Amxaarada walaalahood Ingiriis ugu deeqeen ee ay ilaa iyo hadana gumaysato.  

Amxaaro (Ethiopia) hadda waa dawlad aad u xoog wayn Eritrea –na muquunisayba hadii aysan ka soo gaari lahayn kuwa labada dawladoodba ay u shaqeeyaan ee iyaguna inta laga tirada badan yahay (masiixiyiinta) u sandul-leeyay inay inta badan ee muslimka ah xukumaan oo say rabaan ka yeelaan[2], Soomaaliyana inay takhdiid nidaamsan oo adag u dagsatayu waa wax la wada dareensan yahay.  Waxaabadse moodaa in arintu intaa ka sii wayn tahay oo Soomaaliyadii xorta ahayd! ay qaar iyadu toos uga talinayso.  Maya iyana waa la dareensanaa waa hadii aan ula jeedo inay Dal, Diin, iyo Dad burbirayaasha (dagaal ooge-yaasha) siday iyadu rabto ugu shaqaysanayso, hadaysan fulin waxay rabtana ay xoogaaga loogu soo dhiibay! ka goosanayso qaarna fadeexayn iyo faraha laga hayo faafintooda bilaabayso, sidaasna ay ku gaarayso inaan waligeed dawladi ka shaqayn Soomaaliya, taasoo miiska u saaraysa in ay xalaalaysato wadankeena ay gumaysanaysayu.  Maya, Maya iyana waa la ogaa “ileen sagaaro ima barato!” intaa sheekadu ka sii durugsan; meesha gacan Reer galbeed la dhahaa ku jirta oo Amxaradu waa dhagax la tuurayo, doorashana ma leh ee wixii la soo faro un bay fashaa.  Haa, taasu waa run, laakiin “ilaa aakhiraa dabada la is haystaa” ye amxaaraduna qaarkeenay dhagaxaysteen, dhagax kastaase dan u gooniyuhuu leeyahay,  

Balse arinta dhagaxyada iyo isdhagaxaysigooda aan u soo noqonee marka hore aan sii cadayno arinta WARDHEER. 

  • HAFZA (haf-siiso) ma Itoobiyaankaa leh oo saasay Wardheerna meesha ku soo gashay?
  • Itoobiyaanka miyaa Xaafuun iyo Puntland ka taliya oo iyagu HAFZA heshiiska la galay.
  • Ma madaxdeenaa rag noqday oo ku guulaystay inay dagaal qaboow ku xoreeyaan WARDHEER?
  • Mise Dhagxaanta yaryar oo dhan baa hal meel oo iyadu HAFZA lihi amarka soo wada siisay oo sadixdoodaba (Hafza, Amxaar iyo Dhagax-Soomaali) hal buntuq baa laga soo wada tuuray.

Akhristaha qiimaha leh ayaan u dhaafayaa bal sii baarida iyo xaqiiqa raadinta arinta, walowse aniguba aanan fahmin, hadana waxaa la dhahaa “doqon usheedaa lala dhacaa” -yoo  mar kasta nabarku ciduu ku dhacayo “cidna aysan u maqnayn ceelna uusan u qodnayn”, kii ku filnaan lahaana ka jeensatayu waa Soomaali, “Rabbise talo ku filan”-ne inta aad ka sii fakarayso ila sii eeg xaalka dhagxaanta anigu waan bixin waayaye.

Marka horase –akhristoow- soow ma haboona inaan xoogaa isla eegno taariikhda dhaw ee labada shacab ee dariska ah ka dhaxaysay si loo iftiimiyo sababaha la oran karo sal bay u yihiin khilaafka jira ee aan dhamaadka lahayn, iyo hanqaltaaga fog ee Amxaarada. 

Soomaalida 

  • Waligeed intii Islaam jiray muslim bay ahayd
  • Isticmaarkii ka horna Imaarado ay caasimadooda ganacsigu Harar tahay ayay ahayd.
  • Rabbi wuxuu ugu deeqay Bad aad u dheer oo aduunka meel aad mihiim ugu ah marin (waddo) u ah, Khayraatna dhex jiifo iyo Dhul qani ka ah xaga xoolaha, beeraha iyo cimilada, Alle kaliyihina garanayo waxa hoostiisa ceegaaga. Ninkii intaa haystaana hoostiisuu ka dhargaa.
  • Cidda hogaanka u qaban jirtay ee danahooda iyo difaacooda maamuli jirtayna waxay wadan jirtay darajada Imaam, Sayid, Suldaan, Sheekh ama Amiir
  • Dagaal aan si joogto ah u socon ayaa in ka badan 600 sano kala dhexeeyay Amxaarada[3].
  • Laga bilaabo intii amxaaro jabisay ixtiraamkii muslimiintu u hayeen oo ay iyagu dagaalka bilaabeen waa laga quwad roonaa (inta badan).
  •  Dhawr jeer ayay khatar ku sigteen in gabigoodaba la dabar jaro hadaan bahdooda gaaleed sida Portugal, Ruushkii iyo kuubaankii Angola laga soo daabulay iyo kuwa sida dadban u taageera casrigaan sida Ingiriis, Yuhuud iyo Maraykan-ku badbaadin.
  • Madaxda ‘Soomaalida’ (intooda badan) tababar fiican uma haystaan sida wadan loo matalo, iyo sida cadaw daris kula ah dalkaagiina haysta loogu dan gaaro.
  • Muwaadinka Soomaali kama fakaro caaqibada ka dhalanaysa ficilka uu samaynayo, ama heshiiska uu galayo.
  • Muwaadin-nimo ma yaqaanaan haday arkaan cid taqaanana kama  faa’iidaystaan oo kuma daydaan, sidaa darteedna hammi horumarineed ma leh, ee kii xataa xoogaa hela ama bartaa dal kaluu la fariistaa.
  • Shakhsi shakhsi ahaan si fardi ah mas’uuliyadooda uma dareemaan, ka soo bixidna iskaba daa.
  • Qalbigoodu ma arko in “gacmo wada jir wax ku gooyaan” “far kaliyuhuna aysan fool dhaqin” sidaa awgeedna kumaba baraarugaan aduunkii oo dhami inuu u cararayo xagga wax wada qabsiga iyo isu tagga, ee iyagu xaga kale (is nac, cadaw u kala hor marid iyo kala tag) ayay u cararayaan oo cadawgooday ka farxinayaan ogaansho ama ogaansho la’aan, waxaase ninkii tartankii dhanka kale u orday laga wariyay “ninba dhan u badi”.
  • Sidoo kale umana muuqato kamana faa’iidaystaan waxa ka raacay dadkii dhulkooda (Ogaadeenya iyo NFD) cadawga gacanta u galiyay oo iyaguba ay ka mid yihiin.  Falastiin-na tusaale ku filan.

Amxaarada   

  • Boqortooyo soo jireena inay ahaan jirtay xattaa Kiristaanka ka hor ayay isu haysataa oo iyadu geeska Afrika bad iyo barriba xukumi jirtay (haba lagu qabsado boqortooyadaasu ciday ahayd iyo inta xittaa saaxiibadood gaalo ay uga ogol yihiin inay marna badda geeska Afrika gaareene).
  • Waa shacab aad u fara badan oo kor u dhaafaya 60 malyan, aan bad lahayn, dalaga barrigooduna ku filnayn.
  • Menelik ayuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee qabsaday Harar 1890nadii, isaga ayuuna ahaa ninkii sheegtay inuu Ogaadeenya leeyahay, haba laga hayo qoraalo hore oo uu ku cadaynayay inuusan shaqo ku lahayne.
  • Haile Selassie-na riyadii saaxiibki wuu ka rumeeyay oo wuxuuba Soomaaliyoo dhan ku tilmaamay oo ula baxay “lost province" (gobolkii lumay), kuna gaaray in Ingiriis ugu saxiixo Ogaadeenya iyo Hawd inay isaga ka tirsanaadaan 1954-kii. “Waysha gawrac dibigu ha ku quus qaatee”.
  • Mengistu-na waa ninkii beeray oo dajiyay burburka Soomaali.
  • Qolada hadda haysatana waa qoladii Soomaaliyi korisay oo malaha diraaso xeel dheer iyo aqoon fiican Soomaalida ka sii diyaarsatay intii Kuliyadii Jaalle Siyaad iyo Hotel Curuubah lagu nafaqaynayay, kuwaasoo takhdiidshay siday ku hir galin lahaayeen hammigii Menellik 100 sano ka hor.

Sheekada Soomaalida iyo Itoobiyaanka gaalada ahu waa geed laamo badan leh oo aan la garan karin laanta fiiqda ku gaynaysa. Kharashka iyo xisaabtana Soomaalidaa qabta oo iyagay ka go’an tahay, laakiinse “Lankii dibigiisa la aamay aa daandaansi laga rabaa” ayaa gabadhii caruusada ahayd laga sheegay, si kastase ha ahaatee arimaha aan soo tilmaanay iyo kuwa kale oo badanuba waxay kaloo sabab u yihiin hanqaltaaga Amxaaro. 

Dhanka kale, dhagxaantu waa sadix sidaynu soo sheegnayba, iyaga ayaanuna sameecada ku wareejinaynaa si lisaanul-xaalkoodu nooga waramo mid waliba wuxuu yahay, wuxuu galo, iyo yoolka uu dhagaxnimada uga dan leeyahay.  Sheekada waxaa loogu kala hormarayaa sida loo kala awood roon yahay, waxaana ku hormaraya Dhagaxa Qarsoon oo hadalkiisa ku bilawday sida soo socota. 

 Dhagaxa Qarsoon: Anaa aduunka maanta ugu sareeya, cidii aan aniga i hoos imaana xaq uma leh nolol. Aduunka qaarba si baan uga shaqeeyaa, meelo anaa toos u taga meelana rag dantayda dantoodu tahay baa iiga filnaada, meelana rag kaloo daacad ahaan u dhiibtaa.   

Geeska afrika mar baa xoogaa tahluko nafeed iyo mid siyaasadeedba iga soo gaareen ka dib markaan hooyo Ingiriis oo ka joog anaa nimankaan aqaanee i leh ka talo diiday.  Hadana ma rabo in tahluko siyaasadeed iiga timaado meel wax ka jiraa inaysan jirin la wada ogyahay.  Hadaanse anigu ka ogahay meesha(Soomaaliya) wax dadkaygu aysan ka ogayn, waxaan go’aansaday qodobada soo socda. 

  • Ethiopia waa asalkii kiristaanka, meeshayna ku taalaa (Bariga dhexe), badse ma leh oo marinkoodu waa cirka oo kaliya. Waa rag oo in yar oo kiristaanahaa ku guulaysatay inay inta badan (ee Muslimka ah) iyagu maamulaan oo u taliyaan kana dhaadiciyaan in wadanku Kiristaan yahay, waana ay wanaajiyeen, meel aad iigu muhiima oo khatarana waa ka ag dhawyihiine waa in wiilasha la xoojiyaa.
  • Arin kalaa igu khasbaysa xoogaynta Ethiopia oo waa tii laga helay Ogaadeenya Gaaska dabiiciga ah iyo Dahabka, hadana Uranium–baaba laga sheegayaa. Marka meesha barwaaqaaba ka dilaacday “ninkii ka qadaana dhaxalkii aabihi buu ka qaday”.
  • Hal ciladahaase jirtoo, meel wax la marsiiyo Badda kuma leh oo waagii horaan (1950) barnaamijka kharibnaye waxay ahayd in nimanka Badda irid looga ciriiriyo.  Hadda lafteedana wax ka qabashay leedahay oo iyagaaba shaqaystay Dalkii dhamaa oo ku geedaamnaana kala tuuraye waa inaan si fiican gacan ugu siino in hadaysan Horn afrika oo dhan la wareegin ay dhawr ka kala dhigaan si aan kuwaa yaryar midba mar u isticmaalno, marbana mid aan midda kale madaxa ugu galino.  Saas waxaan u leeyahay nimanka (Soomaali) aan nimanka (Amxaaro) u diraynaayu hadaysan hurdin niman loo gali karo maaha – waloow kuwa hada joogaa aysan gaari karin aabayaashood- oo portaqiisna hortayuu xittaa caasimaddoodii dhulka la simay, annana 100 sano ka hor ayaan ka khayr waynay oo ay nagu khasabtay inaan kala haataa wilfayno oo qayb-ba meel u tuurno si ay nafteeda ugu mashquusho.  Saasoo ay ahayd ka khayr waynay oo inaan qaarkood ‘balo cirka uga soo tuurno’ oo diyaarado ku weerarno (1921kii) maahee aan xal kaleba waynay.

Aqoonta aan u leenahayu waxay na tusaysaa inay laab la kac leeyihiin waajibna ay tahay in si ku meel gaara loo maaweeliyo lagana ilaaliyo in aad loo ciilo. Marka waa inaan gaajana loo dilin hiyigoodana meel kale loo sii jeediyaa ilaa waagu dushooda ka baryayo oo ay arkaan saaxiibadeen (Amxaaro) oo ka tirtiray (Soomaaliya) map-ka aduunka.   

Khidadaan oo hir gashaana waa tan kaliya ee noo saamaxaysa inaan wax ku yeelano Gobolka nolosheenu ku xiran tahay ee Bariga dhexe Carab-na waaban ka gumaysan karnaa. Inta taa laga gaarayana waa inaan Carabta lafteedana nafteeda ku sii mashquulinaa illeen nimanku (Carab iyo Somaali) wax bay wadaagaane, marka waa in aan marna Ciraaq marna Syria marna Sucuudiga rabsho ka samaynaa oo aan waqti ay ku fakari karaanba u diidnaa. 

Dhagaxii qarsoone abaabul buu sameeyay, dhagaxii Amxaarna dhawr siyood buu arintii ugu soo gudbiyay. Mar bad baad helaysaa, marna dahab iyo Gas baanu Ogaadeenya kaaga helnay oo isna waa kuu xalaaloobayaa.  Khad uu marona waad u baahan tahay.  Marna nimankii meesha kugu qoqobay ee aduunka buuraha kaaga xirxiray ayaad san dulaynaysaa oo ka aar goosanaysaa. Marna sayidkaagaad (R. Galbeed) adeecaysaaye ama yeel waxaan ku farno ama diid.  Hadaad diido dhawr bari meesha sii saarnaan maysid oo mid kaloo (sida Calaawiga Ciraaq oo kale) hawsha si firfircooni ku jirto u qabanayaan saaranaynaaye ogoow oo xisaabta ku darso. 

Qarsoone intuusan ula imaan barnaamijkaan Amxaar ciil buu isla cunayay. Bal siduu u fakarayayna isagu ha inoo soo bandhigo. 

Dhagaxa Amxaar: Anigu meel baan aduunka uga qoqobnahay, dadkayguna farahay ka bateen.  Xal inaan helaana waa lagama maarmaane bal aan isla eego dhowr arimood:

·         Horta bal fiiri, meesha cadaaladiba ma jirto, see Soomaali oo yaraanteeda la wada ogyahay, Daciifnimadeedana aan anigu ogahay, intoodii ugu caqliga roonaydna (madaxda u ahayd) aan anigu sidii eeygii farta ugu yeeraa waxaasoo Bad ah u haysataa!? Hadii aabayaashood ka raganimo badnaayeen aabayaashay (wixii Menellik ka horeeyay) anna wiilashooda sow kama raganimo badni hadda.  Maxay ii tarayaan Gaska, Dahabka iyo macaadinta aan Ogaadeenya ka helayu hadii aanan haysan meel aan aduunka u mariyaayu.  

·         Carab (Masaari) baan ka baqayaa inay sidii ay wabiga Nile-ka iigula xisaabtantay uu takhdiidka aan Soomaali u dagsadaayu iiga suurto gali waayee see carab ka yeelaa? Allaylehe waa inaan kuwaan ku gaarayo danahayga oo Soomaali madaxda u ah ka dhaadhiciyaa inay Carabu cadawga Soomaali tahay.  Jidkaanuna waa kan kaliya ee Masaari Soomaaliya ka cayrin kara ileen nin ku nacay si kasta oo aad u aragto inuu rogmanayo kaa rumaysan maayo waa haduuba ku dhagaystee.  

·         Kuwa reer galbeedka ee aan Berlin-Germany qarnigii 19aad Africa kula qaybsadayna waayahaan dambe waxba iima ogola oo in Kiristaan nimo wax lagu helaa luuqluuq bay baryahaan gashay, laftooduna dano ayay Soomaaliya iyo Bariga dhexe ka leeyihiin oo inaan ka amaan heli waayaan ka baqayaa. 

Dhagixii Amxaar oo awalba sidaa ku fakarayay ayaa waxaa la soo xiriiray Dhagixii qarsoonaa oo ahaa cidda kaliya ee uu is tusayay inay caqabo ku noqoto qorshihiisa, wuxuu kaloo ogyahay in isaga dhagaxa qaarsooni uu Carab uga filan yahay oo aysan wuxuu rabo kor u fiirin karin.   

Dhagaxii amxaar talo ayaa ku cadaatay, marna waa qoslaa marna tolow markaad arimahoodaan fuliso iyagu maku daynayaan iyo fakar-ro kale oo badan ayaa maskaxdiisa ku soo noqnoqday.  Aakhirkii go’aan buu gaaray “Allaylehe waa inaan yeelaa, wax kale hadaanan ka helin sow dhulkoodu (Soomaali) dhaafi maayo oo gaal ila midihi fariisan maayo”.  Dhagax amxaaar waa hawl bilaabay oo qarsoonana i fiirso saan wax u galo ayuu ku yiri. 

Inta aan kulanka qarsoone iyo amxaar dhex marin ayaa waxaa Soomaaliya ka talinaya niman ma qosle, ma quustayaal aan naxariis lahayn wada ah (Dhagax Soomaali), oo intooda badanu markii naftooda la waydiiyo sharaxa soo socda iska bixinayaan. 

DHagax Soomaali: Anigu 70 jir reer baadiye nimo 35 ku soo gaaray baan ahay, aduunyo iyo siyaasadna waxaa iigu horaysay 91-kii markii tolkay igu yiri “War heedhe hebel, war nin yohow aad baad u hadal taqaan, nin karmoodna waad tahay, ee maad siyaasigaya na matala noqotid oo qaybtayada noo soo dhicisid” anna waan ka yeelay.  Wax madaxwayne ka sokeeyana annagu maba aqbalno oo meeshaan joogno waa ka muuqanaa (reer hebel hadaan nahay), yaase ii diidi kara inaan madaxwaynaha Soomaaliya noqdo, ma ninka noqonayaa iga raganimo badan mise anaa laba bilood ku dhashay.  Raganimadayda iyo kartidaydana shaki kuma jiro hadaad rabtaana - sidii hebelba yeelay - anoo Zanaawi la sawiran waan idin tusayaa mar dhaw. 

Kulanka aan Zanaawi la yeelanayo waxaan uga gol leeyahay inaan tuso inaan ahay ninka kaliya ee uu Soomaaliya ka taageeri karo. Aduunka madaxdu waa siyaasatamaan, oo heshiisyay kala saxiixdaane waxaan ku qancinayaa inuu i kaalmeeyo isagana wuxuu rabo aan u qabto, kolayba hadda wuxuu Soomaaliyadaan burbursan ka rabaan jirine!!. “isma og aqalkii bay aslaysaa ismana oga” 

Mar hadaan Zanaawi gacanta ku dhigo kuwa kale garabkoodaa laga baxay. Tolkayna awalba anaa u sareeyay, xoogaa wax cilmiya is bidayay oo ku jirayna qaarna markaan Zanaawi la xaajoonayay ayaan tarjumaan ka dhigtay, qaarna jagaan u balan qaadayaa oo xafiisyo samaysta, Baabuur qori lehna afar wiil oo idin waardiyaysa saartaan leeyahay. Wax yaroo wadaado ah oo soo harayna kii ragiisa wax la qaybsan waaya Odayga tolkaa ku filan, ileen “Fiqqi tolki kama janno tagee” kii intaasoo dhami celin waydana hadde si qarsoon buu u socon oo saaxiibkay Zanaawi waa khidado badan yahay. 

Sadixda dhagax sadixduba dano ayay leeyihiin, mid kastaana wuxuu isu khuraafeeyay in uu danihiisaas Soomaaliya iyo Soomaali ku gaari karo.  Kan qarsoon cidda soo tuurtay (Shaydaan) ayaa qarsoon oo isaguna saasuu u qarsoon yahay oo tabo badan buu yaqaanaa. Labada dhagax Soomaali iyo Amxaarse qaylo badan baa ka dhex yeeraysa oo marna Cigaal iyo Guurihii habeenka ayay isku noqonayaan, marna Dhurwaagii Hasha iyo nirigta inta lagu aaminay, oo intuu midna naasihii ka goostay midna bushimihii yiri “Maxay ka nuugtaa maxayse ku nuugtaa”.  Qarsoonase arintaas uma bogsana, meeshay ku dhamaanaysana waad ku khasban tahay inaad goob joog ka ahaato. 

Dhagxaantu mid mid u war la’, isuna war la’

Iyagu isu war la’ oo mid waliba dan guracan buu wataa “Falaar kugu soo noqonaysana kor looma gamo”.   

Mid-midna u war la’ oo Amxaar taariikhda iyo Muslim iyo dabeecadiisa u war la’.  Qabqable Soomaali-na Diintiisa iyo Dalka uu ku cayaarayo u war la’.  Dawlad doonid iyo raganimo iska doonidna ma kala saaro.  Qarsoonana mar uun in dulmane soo jeesan, oo uu isagu “godkiisa gacmihiisa ku qodanayo” u war la’.  

Waxayse dhamaantood u wada war la’yihiin inay laba qolo mid uun u kala shaqaynayaan; ama Alle iyo sidii lagu gaari lahaa raali noqoshadiisa inta kalena isaga loo dayn lahaa ama Shaydaan iyo sidii Jahannamo loogu wehel yeeli lahaa.   

Adiguse akhristoow ma i dhaantaa oo go’aan ma ka gaartay arintii Wardheer iyo Xaafuun mise wali BBC-daad sugaysaa?  “Xag uun labada daarood ku daran ha is xakabin meele”. 

Gunaanad 

Waxaan u malaynayaa inay cadaatay in arintu tahay “ninka loo dan leeyohoow ha is gaabine is garo”, Arintuna ay taagan tahay “haday fooli timaado guda qarsi dhamaa”.  

Soomaaliyi Diinta Islaamka (intay ka yaqaaneen) ayay ku soo cayshtay, iyadaa sharci iyo kala hage u ahayd, Cidda taqaanna oo rabbiga wax kastaa gacantiisa ku jiraan ugu cabsida badan ayaana hogaamin jirtay. Iyadaa isku xiri jirtay isna fahansiin jirtay.  Badda aad aragtaan iyo dalka aad aragtaana soo hoysay.  Waxaase la yaab ah in iska daa in loo noqdee aan la ogaynba oo meelo kale xal laga raadinayo.   

Arinta Xaafuun ka dib miyuusan taagnayn waqtigii dhabta lagu baraarugi lahaa oo maahsanaanta laga bixi lahaa?. Tafaraaruqa iyo himmi beenaadka ay gaaladu midba meel balanta aan jirin ugu qaadayso laga hor tagi lahaa oo “Ul iyo diirkeed” la noqon lahaa.

Abdikarim Ahmed"
karimafcad@hotmail.com


[1] fadlan u akhri sida ay u qoran tahay oo ha u akhriyin (xafso) anigu HAF-SIISO ayaaban oran lahaaye

[2]Ethiopia: Islam 45%-50%, Ethiopian Orthodox 35%-40%. Source: http://www.odci.gov/cia/publications/factbook/geos/et.html#People (Dabcan waa sida ay iyagu aaminsan yihiine, tiradu intaa wax badan ka sii badan).

Eritrea:Primary Religion in Eritrea: Muslim” source: http://www.phrasebase.com/countries/Eritrea.html

(Kuma aanan guulaysan inaan soo helo inta ay boqolkiiba kiristanka Eritrea sheegtaan intay yihiin, balse waxaa nin eritrian uhu ii sheegay inaysan dhamayn 5%).

[3] Waxaan u isticmaalayaa erayga ‘Amxaaro’ si aan u tuso in inta badan ay iyagu yihiin cidda dagaal iyo maamulba u haysay shucuubta kale ee intooda badan ee muslimka ah aan dhibu naga dhaxayn jirin, waayahaan danbase ay iyadu ka saa’id calaysay.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2005

Xal loo Raadinayo Arrinta Xaraashkii Xaafuun | C/waxid

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD