SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
Goorma ayeey free-zoneku noqday dhul iibin?

Dad qaarkiis , dedeg-goodu  wuxuu banaanka soo dhigaa heerka aqoontoodu ay ka taagan tahay  mawduuca ay markaas ka hadlayaan sida ninka la yiraahdo C/waxid oo ku tilmaamay goobaha mushtarka xorta ah in ay yihiin dhulboob, runtuna waxay tahay haddiiba Somaaliya ay nasiib leedahay oo ay soo ceshato dawladnimadeedii  in ay yeelan karto goobaha aan soo sheegay .Free-zoneku waxaa iska leh wadamo badan oo aduunka ah oo habka siyaasadda ku kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin :-

1. China, oo xisbiga shuuciga ah uu talada hayo, oo ka dhigaty Shanghai in ay noqoto goobta ugu nolol fiican wadankaas.

2. Iran oo iyaduna xagga wadaniyadda lagu yaqaano.

3. Jabuuti oo freeport ka dhigtay ddakadeeydii .

4. Imaaraadka ayaa goor dhow ka kaaftoomi doonta batroolka ee uu dhaqaalaheeda ku tiirsanaa, markii ay habkaan ku dhaqantay.

Waxyaabahaas oo dhan waxay na tusayaan in ninkaas daraasad uusan ka sameeynin qoraalkiisa ah  "Ana weey kan" ,sababta oo ah xeebaha Puntland waxay ku yaalaan degaan istraateeji militeri iyo dhaqaalaba leh , iskuna xira mariinka badda cas badweynta Indiya. Marar badan oo hore aya dawladihii Somaaliya ka jiray laga codsaday in ay ka faaíideysato fursadda degaankoodu leeyahay balse cid soo dhogatay eeyan jirin .

Waxaa kaloo jirtay in Jabaan ay iyaduna isku dayday in degaankaas laga kireeyo oo ay hormariso , kana dhisto meelo maraakiibta halkaas khasabka ku tahay in ay maraan shidaalka ay ka qaataan iyo  warshado aad u tiro badan  iyagoo dhulka uu ku yar yahay ,Afrika & Bariga Dhexena aad uga fog. Mashruucaas , wuxuu inoo keeeni lahaa in shaqo iyo dhaqliba.

Taas markii hore ma dhicin, waxaanse rajeeynayaa in ay dhacdo mustqbalka dhow haddii Eebe idmo ee intaadan wax iska oran horta ka fiirso.

B. S. Khalaf
baydan@mail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD