SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Madaxweynaha DFKMG ah C/llaahi Yuusuf Axmad Iyo Wadigiisi oo dib ugu soo laabtay Nairobi.
  • Wafdigii ugu balaarnaa Dowladda FKMG ah oo dib ugu laabtay somaliya.
  • Hal qof oo rayid ah ayaa dhaawacmay ka dib markii ay is-ka-hor imaad dhexmaray ciidanka nabadgalyada iyo hubka dhigita gobbalka iyo nin dabley ah 
  • Gudiga Xiriirinta & Dabo Galka Soomaaliya ayaa Maanta ku kulmay Nairobi

Madaxweynaha DFKMG ah C/llaahi Yuusuf Axmad Iyo Wadigiisi oo dib ugu soo laabtay Nairobi.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
canabmumtaz@hotmail.com | Jan 2, 2005

 
 
Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Somaliya C/llaahi yuusuf Axmad iyo wafdigii ku wehliyay safarkiisa ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi Maanta ka dib markii uu ka soo qayb galay kulan madaxeedkii Ururka Midnimada afrika oo dhacayay dalka Nayjeriya.
 
C/llaahi yuusuf iyo wafdiga la socday waxaa garoonka jommo kenyatta ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka iyo dowladda uuna hogaaminayay Ra'iisul wasaare Cali Maxmad Geddi.
 
Shirkan madaxda (AU) da ugu soo dhamaaday caasimad abuuja waxa looga soo hadlay dhibaatoyinka hasta qaaradda afrika oo ay ugu wayn yihiin dagaalada cudurada(AIDS) iyo dhibaatooyin kale oo ay ka mid ahaayeen saboolinimada iyo horumar la'aanta haysta qaarada waxaana ka soo qayb galay madax ka socotay ururka midnimada Afrika.
 
Waxaa kale oo qudbad ka soo jeediyay xoghaya Qaramada Midoobay Mr.Koffi Annan oo sheegay sida lagu dhamayn karo dagaalada cudurada iyo waxyaabah kale ee dhamaantodo dib u dhaca u keena qaarada,waxa uuna usoo jeediyay dhamaan madaxda afrika in ay ka xoroobaan dagaalada kana hortagaan faafida cudurada iyo waxii kale ee soo raaca.
 
Somaliya oo shirkaas lagu soo hadal qaaday waxaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan in qaaraddu ay xooga saari doonto sidii ay u shaqayn lahayd dowladda FKMG ah  ee lagu dhisay Nairobi.
 
Wafdigii ugu horeeyay ee ka socda dowladda lagu dhisay Kenya oo ka dhoofay Nairobi maanta.
 
Wafdigii ugu balaarnaa dowladda FKMG ah oo dib ugu laabtay Dalka Soomaaliya tan iyo intii lagu dhisay dowladda Magaalada Nairobi waqti laga joogo hadda afar bilood.
 
Xubnaha dowladda iyo baarlamaanka ee saakay ka ambabaxay Nairbi waxaa madax u ahaa wasiirka Wasaarada Ganacsiga Muuse Suudi yalaxow,waana wafdigii ugu horeyay oo ka socda dowladda iyo baarlamaanka oo taga xamar.
 
Wadiga muuse oo uu ka mid yahay Maxmad jaamac Furux oo ay gacanta ugu jirto dakadda wayn ee magaalada muqdisho waxaa la filayaa in ay sii diyariyaan halkii ay dowladdu dagi lahayd.
 
Gollaha wasiiradda ayaa isku raacay shalay in ay aqbaleen ajande uu keenay wasiirka koowad cali Maxmad Geddi oo ahaa in ay wafdi la diro soo qiimeeya xaalada somaliya.
 
wafdigan waxaa ku xiga kuwo uu hogaamin doono shariif xasan shiiq aadan afhayeenka baarlamaanka oo sabtida ka ambabaxaya Nairobi iyagoo ka sii qayb qaadan doona howlgalinta dowladda iyo baarlamaanka si xal ay dowladdani uga keento somaliya dagaalo badan ka dib hadiiba ay isku sii afgartaan hogaamiyaasha dagaalka ee ku dhan dowlada iyo baarlamaanka.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
canabmumtaz@hotmail.com | Jan 2, 2005


Hal qof oo rayid ah ayaa dhaawacmay ka dib markii ay is-ka-hor imaad dhexmaray ciidanka nabadgalyada iyo hubka dhigita gobbalka iyo nin dabley ah 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhaawacmay qof oo rayid ah kaddib markii ay tacshiirad isweydaarsadey Ciidanka hub aruurinta iyo nabadgalyada ee gobalka Jubada Hoose iyo nin dablay ah oo ahaa malaysiyaadkii hubkaasi laga dhigayey. Ninkani dhaawacmay ayaa loo soo qaaday isbitaalka guud ee degmada halkaasoo lagu dawenayo.

Dhanka kale waxa saaka si rasmi ah uga bilowday gudaha magaalada iyo goobaha ganacsiga canshuur ururintii ay samaynayeen maamulka degmada iyo isbahaysiga.

Howl galkan cansuur aruurinta ayaa waxaa samaynayey ciidan sito direes gaar ah loona soo taba baray sidii ay u gudan lahaayeen howl galadoodan ayadoo ay barbar socdeen ciidanka nabad galyada oo iyagu u heelan in ay wax ka qabtaan cidii isku dayda in ay hor istagto mamulka.

Maahan markii ugu horaysan oo ay ku tilaabsadaan maamulka degmada in ay sameeyaan canshuur qaadid balse waxaa dheeri ahaa qaabka loo ilaalinayo amaanka iyo waliba tiro koob ay samaynayaan maamulka oo ay ku tira koobayaan goobaha ganacsiga meheradaha iyo waliba guryaha cusub ee la dhisayo si loo helo tiro dhab ah oo lagu xisaabtami karo sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha degmada Daahir Max'ed cilmi "Daahir carabay"

Dhan kale waxaa ka qeyb qaadanyo howlaha canshuur aruurinta gudiga hooyooyinka degmada oo iyaguna ugu jiro dadaal ay ku wadaan sidii ay u hormarin lahaayeen nabad galyada iyo xasiloonida gobalka.

Waxaana arinat cashuur ururinta noqotay mid si weyn looga soo dhoweeyey gobalka loona riyaaqay

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


 Gudiga Xiriirinta & Dabo Galka Soomaaliya ayaa Maanta ku kulmay Nairobi Rajo Fiicana ka Muujiyay Miisaaniyadii Xukuumada Soomaalida Aduunkana ugu baaqay in Soomaaliya la garab qabto.

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,Nairobi

Kulankani waxa uu ahaa kulankii labaad ee dhaxmaray Gudiga Xiriirinta& Dabogalka Arimaha Soomaaliya (CMC) & Qaramada Midoobay isagoo Qabsoomay Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 2 /2/2005, waxa uuna ka dhacay Nairobi.
Kulanku waxa uu soo dhawaynayaa Qorshihii Xukuumada Federaalka Kumeelgaarka ah ee  ka yimid  Soomaaliy eek u saabsanaa Dib uguurista iyo arimaha la xariira, 

Codsigaa oo ka yimid Raysulwasaaraha SoomaaliyaProf Cali Maxamed Geedi  isagoo ukeenay kulankii (CMC)  ka dib markii Xukuumada Soomaalida Amuurta Guuritaanka ay isla ogolaadeen 1/2/2005 

Kulanku sidoo kale waxa u ugu baaqay Deeq bixiyaasha in ay gacan ku siiyaan Doowlada Soomaaliyeed Sidii ay dib ugu noqon lahayd dalkeeda Hooyo, 

Iyagoo dhinacooda ka balan qaaday in ay intii ay awoodaan codsigooda wax ka qaban doonaan, Deeq bixiyaashana ugu baaqaya in ay Soomaaliya  laga taakulayo dib ugu noqoshada Soomaaliya, 

Kulanku waxa uu soo dhaweeyay Wafdigii ka Socday Doowlada kumeelgaarka ah ee Maanta oo ay taariikhdu tahay2/2/2005 Booqashada iyo Gogol xaarka u aaday Muqdisho Caasimada Soomaaliya, 

Guud ahaan kulanku waxa u ku dhamaaday Jawi is afgarad leh  

Soomaaliya waxa Kulanka ujoogay Raysul wasaaraha Soomaaliya  Co-Chair Prof Cali Maxamed Geedi Halka Dhinaca Kalle uu Qalanka kuduugay, Co-Chair Dr Babafemi,Badejo, oo ah Ninka Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya Dhinaca Siyaasada 

Xukuumada Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa shalay Isla ogolaaday Miisaaniyadan, 

  • Isku Gaynta Dib urarida                             Euro          3,921,616,00
  • Isku Gaynta Maamul Dhisida                    Eure           6,293,760.00
  • Isugaynta Tababarada                                Eure         16,160,760.00
  • Miisaaniyada Ciidanka Booliska
  • Mudo 2sanadood ah                                 Eure          68,000,000,.00 
  • Wadarta Guud ee Miisaaniyada                               94,375,572.00

Golaha wasiirada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa kulan kale maalinka barito ah ku leh Nairobi,  

Waxaann la filayaa in looga dodo kulankaa in soomaaliya la keeno Ciidomo shisheeye iyo in kale  madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa hore u codsaday in Soomaaliya la keeno Ciidamo Suga Amaanka,

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2005


"Qaadkii" oo Ku yaraaday Kismaayo
» Kismaayo: Cashuur Dheeraad oo lagu Soo rogey Qaadka
» Labo qof  oo habeen hore lagu dhaawacay kismaayo
» Beesha Gabooyaha oo Mar Labaad Ka Qaday Dawlada PL
» Beesha Tanade oo Warqad Furan u Diray Gen. Cadde
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 30

Co.Barre Hiiraale: "Waan Xariirnay Moorgan Lakiin..."
»Barre Hiiraale oo Waraysi siiyeyey Somalitalk
»Wasiirka A/Dibadda oo wareysi siiyey Sharq-Alwsat
»Kulankii Golaha Wasiirada ee Maanta
Wararka oo dhan halkan ka akhri... GUJI... Jan 26

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD