SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
  • Kismaayo: Barre Garweyne oo La Dhaawacay
  • Cashuur Dheeraad ah oo Lagu Soo Rogey Qaadka Kismaayo
  • GABOOYAHA OO MAR LABAAD KA QADAY DAWLADA PUNTLAND
  • Beesha Tanade Darood oo Warqad Furan u Diray Cadde Muuse

Labo qof ayaa  si xun loogu dhaawacay  magaalada kismaayo kadib markii maleeshiyo hubaysan oo maas-garaati ah ay rasaas la beegsadeen ayagoo markaa ku sugnaa meel maqaayad ah oo ay shaah ka cabayeen

Jan 30, 2005

Labadaan qof oo ay habeenimadii Sabtida maleeshida rasaaseysay ayaa waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo Barre garweyne oo ka mid ah maamulka isbahaysiga dooxaga jubba ayadoo marka ay maleeshiyada rasaaseynaysayna ay ku sugnaayeen meel maqaaxi ah oo shaaha laga cabo,

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysa dhaawaca dadkan loo gayestay ayadoo aan sidoo kale lagaraneyn cida falkan gaysatay waloow ay jiraan baaritaan xoogan oo loogu jiro sidii loo heli lahaa dadkii falkaan gayestay,

Hadaba dadka falkaan gayestay ayaa waxay ahaayeen dad ay wajiyada u daboolnayeen oo masgaraati ah waxayna ku hubayesnayeen qoryaha fudud oo loo yaqaano ak 47 waxaana dadkii dhaawaca ahaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada kismaayo ayadoo xaaladooda caafimaad ay wanaagsantahay.

Waa markii ugu horaysay oo fal cayen kan oo kale ah oo ay fulinyaan dad maasgarataysan lagu dhaawaco ama lagu waxyeeleyo dadka ku dhaqan magaalada kismaayo gaar ahaan xubno ka tirsan maamulka isbahaysiga dooxada jubba tan iyo intii magaalada kismaayo ay kacanta ku hayeen maamulka isbahaysiga dooxada jubba.

Muran ka taagaan Cashuurta Qaadka

Dhanka kale waxaa wali muran ka jiraa qaabka uu maamulka isbahaysiga uu u qoondeeyay qaadida lacagta canshuurta ah ee laga qaadayo Qaadka soo gala magaalada kismaayo ayadoo ay Jimacadii ka mudaharadeen dadka ka ganacsada qaadka oo sheegayay in lagu badiyay lacagta canshuurta ah ee laga qaadayo qaadka.

Ayadoo Sabtidi shalayna laga dareemayay magaalada kismaayo Qaad la'aan taasoo daba socotay mudaharaadkii ay sameeyeen dadka ka ganacsada Qaadka oo doonaya in laga khafiifyo canshuurta adag ee laga qaadayo Qaadka maamulka isbahaysigana ay sheegeen in aysan kaga dabcinayen qiimaha canshuureed ee laga qaadayo Qaadka.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliy
cabdiqadar84@hotmail.com


GABOOYAHA OO MAR LABAAD KA QADAY DAWLADA PUNTLAND

Qoomiyada gabooyahu waxay degaan dhammaan degaamada puntland goboladiisa, dadkani waa muwaadiniin oo waa loo ogol inay dalka u dhintaan markii degaanka dhibi soo wajahdo,balse markii ay dhacdo in qabiilooyinka puntland wax qaybsanayaan dadkan waxaa loola xisaabtamaa sidii inay yihiin qaxooti degaan kale ka yimi, runtii waa laba aan is qaban karin caqliga caafimaadka qabaana aanu ogolaan karin,dadkani gudaha puntland waxay ku la' yihiin wax kasta oo ay mujtamaca ula sinaayeen, sida waxbarshada, shaqada, maamulka iyo khayraadka degaanka,balse ogow dhamaan waxyaabahaas aan soo sheegnay waxaa lagu qaybsadaa qabiil ,xataa dawlada waxaa lagu dhisay qabiil, sow wax lagu wareero iyo dulmi ma aha waxa ummada walba oo degaanka degan waxooda uu diyaar u yahay,loona ogol yahay inay doortaan cid metesha halka aan gabooyaha xisaabta lagu darsan,

Gabooyahu waa qatanaayeen waqtigii cabulaahi yuusuf degaanka xukumaayey, waxayna filayeen in dulmigaas wax iska bedelayaan haddii maamul cusubi yimi,basle madaxweyne cadde kama leexan wadadii adeer cabdilaahi dhawaaqii gabooyahuna waa taagan yahay ,hadaba anagoo ku hadlayna codka gabooyaha dhammaan siiba jaaliyada gabooyaha waqooyiga america,iyo ururka u hadla dadka laga tirada badan yahay(somali international minorties of america )waxaan maamulkaas ka sugaynaa inuu si dhaqso ah wax uga qabto cadaalad darada qowmiyada gabooyaha la baday,taas oo ah wax aanay ogolayn sharciga ilaahay iyo sharciyada bini'aadanku samaystayba.

wabilaahi towfiiq Hussein Dualeh Dahir daahirjama@yahoo.com 


Beesha Tanade Darood oo Warqad Furan u Diray Cadde Muuse

Bismilaahi Al-Raxmaani Al-Raxiimi
In the name of allah the most Gracious, And the Most Merciful

KU: Madaxweynaha Ismaamul Gobaleedka Puntland Mudane. Cadde Muuse

KU: Golaha Shacabka Ee Ismaamul Gobaleedka

Tixaac: 03/05/uixt/05 Tariikh: 29/01/05

Iga gudooma salaan qiimo iyo khaayo badan taasoo ah salaanta Islaamka Assalaamu Caleykum salaan kadib Ujeeddo:

Xaq-raadis

Urrurkan Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu eedeeynayaa Ismaamul Gobaleedka Puntland sida qayax ee ay ugu guul-darraysteen hanaankii awood-qeybsiga kasoo ay ku heshiiyeen saddex jabhadood ee dhidibada u aassay ismaamulka!!!

Urrurkan Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu diyaar u yahay sidii uu xuquuqda Tanade uga soo dhacsan lahaa cidda iyo meeshii ay uga xiran tahay asagoo isticmaalaya nidaam dhibolomaasiyadeed.

War hooy ogaada Tanade Darood la miisan ma aha laf kamid ah lafaha Majeerteen balse waxuu la miisaan yahay Kablalax Darood!!!!

Marka aad laf kamid ah lafaha Majeerteen isku xaq ka dhigeysaan Tanade Darood ma waxaan oran karnaa waxuu ismaamulka ku dhisan yahay cadaalad mise cadaalad darro? waxay jawaabta noqoneysaa inuu ku dhisan yahay cadaalad darro iyo indh-adeyg eexeed!!!

Tanade waxay rabaan iney helaan Xuquuqdooda si cadaalad ah haddiise la iska indho-tiro waxaan waaqici noqon doonta in walaaltinimada iyo Isbaheysiga lagu kala tagi dooni sharuud la'aan!!! Sidaad ogtihiin Tanade waxuu difaaca uga jiraa furinta hore ayagoo ilaalinaya danta guud ee beelaha deggan Puntland.

Kor joogto waa reer tolkaa!!!

Tan iyo intii la dhisay Ismaamul gobaleedka 1998 waxaa xukun ka soo hayey Harti balse hadda waxaannu u baahanahay in loo dhiibo beelaha kale marka uu mudane Cadde Muuse dhammeysto muddadiisa!!!!!!!!!!!!!!!!

Haddii si deg deg ah wax looga qaban waayo arrimahaas aan soo xusay waxaannu sameyn doonaa isbaheys cusub oo lala yaabo!!!

Mahadsanidiin,

Guddoomiyaha Urrurka Ilaalinta Xuquuqda Tanade
Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfa
Tel: 254-723937501
Box 71575, Nairobi

somaliauthor@hotmail.com

 


Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u anbo baxay Abuuja Caawa iyagoo ka qayb galaya Shirkii Madaxwaynayaasha Afrik,

Jan 29, 2005

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi

Madaxwaynaha oo gacanqaadaya Dadkii Sagootinayay

Dahir Mire & Wasir ku Xigaha Lacagta

Dr Sifi & Dr Mire Xaaji Farax

Madaxwaynaha iyo Raysul wasaaraha

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf iyo Wafdi uu hogaaminaya ayaa caawa u dhoofay Abuuja

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Nairobi waa Jooma Kenyatee,

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu ka qaybgalayaa shirkii wadamada Afrika ee lagu qabanayo Abuuja.

Shirkaas waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa Amuuraha Siyaasadeed, Dhaqaale, Caafimaad& Bulsho ee Afrika hore waxaa ujoogay Abuuja wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Prof C/laahi Sh Ismaaciil,

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf waxa uu Shirar uga qaybgalay wadamada Itoobiya, Jabuuti, Suudaa, Yaman, Masar, Sacuudiga, Imaaradka Carabta,Qadar,

Madaxwaynuhu waxa uu waydiistay Beesha Caalamka Ciidamo wax ka qabta Amaanka,isla markaasna Tababaro ufura Maleeshiyada Soomaaliyeed,Ilaaliyana Deegaanka Doowlada,

Codsiga Madaxwaynaha Soomaaliya ee ku aadan Ciidamada wali Jawaab cad lagama Bixin inkastoo la isla Ogolaaday in Soomaaliya loo diro Ciidamo.

Shirka Abuuja waxaa la filayaa in Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku waydiisto mar kalle Ciidamo Shisheye.

Wafdiga Madaxwaynaha Soomaaliya Madaxwayne Yusuf waxaa ka mid ahaa Raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Ahna Wasiirka Warfaafinta Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir, Wasiiru Doowlaha Madaxtooyada Dr Qaalid Cumar Cali,Wasiir ku Xigeenka Lacagta, Dr Mire Xaaji Faarax,Xidhibaan Shariif Saalax,Xidhibaan,Maxamuud,Maxamed Xasan,Dr Daahir Mire,Cali Cabdi Guuleed,C/casiis Faarax,Guuleed,

Diyaarada Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdigiisa waxaa laga Lahaa Wadanka Itoobiya, waxa ayna Caga Dhulka ka qaaday 7.55 Habeenimo Saacada Afrikada Bari ee Nairobi

Wafdiga Madaxwaynaha waxaa garoonka ku sii sakootiyay Raysul Wasaaraha Soomaaliya,Prof Cali Maxamed Geedi,Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Sh Xasan Sh Adan Gudoomiye Ku Xigeenka koowaad Prof Maxamed Cumar Dalxa,Gudoomiye ku xigeenka Labaad Cismaan Cilmi Boqore,Gudoomiyaha Bankiga dhaxe Ee Soomaaliya Prof Maxamuud Maxamed Culusow,  Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afraxn Wasiirka Gaadiidka Dagedaha iyo Gaadiidka Badan Cali Ismaaciil Cabdi Giir, Wasiiru Doowlaha Xiriirka Baarlamaanka& Doowlada Prof C/rixmaan Xaaji Adan Ibbi,WasiirkaTamarta Maxamed Nuuraani Bakar, wasiirkaCaafimaadka Dr C/Casiis Sh Yuusuf,Wasiirka Dalxiiska& Duurjoogta Maxamed Maxamuud Xayd,Wasiirka Horumarinta Miyiga Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmodheere, Wasiir ku xigaha Dhaqan Celinta maleeshiyooyinka Dr Xasan Isaaq Yacquub, Wasiiro& Xidhibaano ka Tirsan labada Gole ee Doowlada Soomaaliya& Dawayne Soomaaliyeed,

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2005


Cisbitaalkii u Horeeyay ee Dhimirka oo Boorama laga Furay
G/xigeenka Gobolka Awdal ayaa Boorame xadhiga kaga  jaray isbitaalkii u horeeyay ee xanuunka maskaxda.. Guji..

Cadowga Itoobiya oo dad ku laayay gobolka Doollo
ka akhri wararkii radi Xorriyo...
 Guji.. jan 28

Liis lagu Aruurinayo Saraakiishii Xoogga Dalka
Nairobi oo ay kasocoto liis lagu ururinayo Saraakiishii XDS
Wasiiro iyo Xildhibaano baaq u diray Sacad iyo Suleebaan
Dil ka dhacay Mogadishu oo ay ku dhinteen laba qof
Wararkan oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jan 27

Urur ay Magacaabeen Ardayda Somaliland ee Karachi
Warbixintii Maxamed Diridhaba... Guji... jan 27

Maxaabiis la isku weydaarsanayo Damale Xagare
Warbixintii Maxamed Gaaxnuug ee Damale Xagare
Wasiirada DGPL oo lagu dhaariyey Garoowe
Doorashadii ugu Horaysay ee Ururada Ardayda Puntland
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 27

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD