SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ha la Aamusin Aragtidaada - Faalo

“Dacwigayga dhamaantii
Dabagaalle abeeso
Dushaasuu ka qabaayoo
Inuu duur la huluusho
Diidyoo loogama yaabo
Dareen baa kala gaaray”

Faarax Afeey

Sow tii laba sano Kenya la fadhiyey, maxaa keenay dareenka xooggan iyo doodda cusub xilligan?

Dowladaha maamulayey shirka iyo qabqablayaasha dagaalka ee Soomaalidu waxay ku guuleysteen inay ummadda inteeda kale u diidaan inay talo ku yeeshaan shirka. Waxayna dhisteen dowlad jacbur ah oo ay wax walba iyagu ka yihiin.

Laakiin, “Labadii xaqdarro ku heshiisa, xaqa ayey ku diriraan.” Waxaa meesha yimid labo su’aalood oo waaweyn oo keeni kara in mar kale lagu hungoobo shirka 14aad. Tan hore, halkee ayaa dowladda Soomaaliya xarun u noqonaysa? Tan labaad, ma loo baahan yahay ciidamo shisheeye in la keeno dalka?

Waxaa soo ifbaxay khilaaf xooggan oo labadan su’aalood ka taagan oo u dhexeeya madaxda cusub. Inta badan, qabqablayaasha dagaalka ee ka yimid Muqdisho way ka soo hor jeedaan in Muqdisho laga raro caasimadda iyo in ciidamo la keeno dalka.

Dhanka kale, taageerayaasha Madaxwynaha iyo hoggaamiyeyaal kale oo badan baa iyaguna qaba inuusan ammaanka Muqdisho fiicnayn, sidaas darteedna ay habboon tahay in tixgelin la siiyo magaalooyinka kale ee dalka. Sidoo kale, kooxdani waxay doonaysaa in ciidamo shisheeye la keeno dalka.

Warar xog-ogaal ah baa sheegaya in Madaxweynuhu uu damacsan yahay inuu arrintan go’aankeeda u gudbiyo Baarlamaanka isagoo aad ugu rajo weyn inay u codeyn doonaan sida uu isagu doonayo. Waxaase tan ka cagajiidaya Ra’iisul-Wasaaraha iyo qabqablayaasha dagaalka ee Muqdisho ka yimid.

Tuhun weyn oo asalkiisu yahay kalsooni-darro ayaa ka dhex jira kooxihii markii hore isku koobay talada Soomaaliya. In badan baa waxay qabaan sababta ay qabqablayaasha Xamar ugu adkeysanayaan in Xamar la tago, islamarkaasna ay u diidayaan ciidamo shisheeye ay tahay inay rabaan inay dowladda KMG ay meesha ku bililiqeystaan.

Xanta hoose waxay leedahay, hoggaamiyeyaasha Muqdisho waxay doonayaan inay sidii Cabdiqaasin ay u galeen ay dowladdanna u galaan. Waxay rabaan in Xamar la yimaad oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba ay iyagu u maalaan dowladda. Waxay doonayaan in laga iibsado meelaha ay gacanta ku hayaan, iyo hubka, islamarkaasna ay maleeshiyooyinkoodu waardiyeeyaan dowladda, baabuurtoodana la kireysto. Waxay rabaan in iyagu ay noqdaan dadka taladu ka go’do oo uu Cabdullaahi Yuusuf galo gacantooda.

Aragtidani waxay leedahay, qabqablayaasha Xamar arrintan kama ahan daacadnimo, dowladnimo-jaceyl iyo dar Ilaahay ee waxay doonayaan in afarta sano ay dhammaato iyagoo sida ay hadda yihiin ka xoog-badan, ka habeysan, kana waaya-aragnimo badan. “Mukulaal minankeeda joogta miciyo libaax bay leedahay.”

Dhanka kale, waxaa iyadadana la tuhmayaa ujeeddada kooxda dooneysa in ciidamo shisheeye la keeno, si ku-meel-gaar ahna loo dego Baydhabo. Kooxdan waxaa lagu tuhmayaa in Itoobiya oo gacan weyn ku leh sameynta dowladdan ay gadaal ka riixeyso. Haddii xubnaha SRRC-da ee hoggaanka dalka haya ay geystaan dowladda Baydhabo waxaa cabsi weyn laga qabaa in si fiican gacanta loogu galo Itoobiya.

Taas waxaa wehliya cabsida ay kooxo badan ka qabaan inay tagaan meel uu Cabdullaahi Yuusuf kaga awood badan yahay. Qaar baa sii fogeynaya tuhunkan oo ku doodaya, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu doonayaa inuu siyaasad ahaan uga aargoosto qabqablayaasha dagaalka Muqdisho oo uu ciil badan u qabo maaddaama uu hadda heysto fursad ay adag tahay in ay mar kale soo marto.

Kooxda diiddan in la tago Xamar, islamarkaasna rabta in la keeno ciidamo ay ka mid yihiin dalalka deriska ah waxaa hormuud u ah Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf. Culimo iyo aqoonyahanno badan ayaa u arka in kooxdan ujeeddadooda weyn ay tahay in mar kale dib loogu laabto dagaalkii sokeeye si awoodda militari iyo tan dhaqaale ee qabaa’ilka ee hadda jirta wax looga baddelo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in labadan kooxood ay aad ugu kala fog yihiin xagga aragtida. Arrintoodu waxay u egtahay meherkii dhexmaray abeesada iyo dabagaallaha ee go’aankiisu noqday inay dusha uun iska qabaan oo reer ka ahaadaan, laakiin aysan waxba isku darsan. Haddii aan wax isbaddelin, waxay u muuqataa inay dusha sare uun ay dowlad ka ahaan doonaan, laakiin uu qof walba meesha uu isleeyahay waad ku nabadgeli iska aadi doono.

Haddaba, dadweynaha Soomaaliyeed ee markii horeba laga tallaabsaday iyagu maxay ka leeyihiin dooddan muhiimka ah? Aragti ahaan, waxaa ila wanaagsan in dooddani ay ballaarato oo dhammaan ay dadka Soomaaliyeed golayaasha ay heli karaan kaga doodaan su’aalahan: Ma laga maarmi karaa in ciidan shisheeye in la keeno Soomaaliya? Haddii la keenayo ciidamo xaggee baa la geynayaa? Ma la heli karaa ciidamo Soomaali ah oo laga soo ururiyey gobollada dalka oo qaban kara hawsha nabadeynta? Arrimaha dhaqanka, diinta iyo caafimaadka ee welwelka laga muujinayo sidee baa loo xallin karaa?

Nabadgelyo la’aanta dalka ka jirta waxay ka imanaysaa laba dhinac. Dhinac waa qabqablaaysha dagaalka oo iyagu ujeeddo siyaasadeed leh. Dhinaca kalena waa falalka burcadnimada ah ee dhallinyarada hubka heysata ay ku kacaan. Sida muuqata, qabqablayaashu way gaareen ujeeddadooda oo waxay noqdeen wasiirro. Haddaba, mar haddii aysan ciidamadu soo qaqabanayn qabqablayaasha dagaalka iyo dadkii jariimooyinka waaweyn u geystay Soomaalida ma waxaa loo geynayaa inay Soomaaliya boolis u noqdaan?

Haddii uu Xamar noqday gal dad-laq ah, xalku ma in laga guuro oo magaalo kale la aadaa mise waa in wajiga la saaro mushkiladda oo la isku dayo in la xalliyo? Muqdisho waxaa ku nool dad farabadan oo muujiyey iney dowladda taageerayaan. Miyaanay dadkaasi ka mid ahayn dadka ay dowladdu u dhalatay? Sidee baa kooxaha uu maamulkii shirku uu geeska geliyey ee aan aan looga maarmin nabadeynta Soomaaliya, sida ganacsatada, culumada, bulshada rayadka ah iyo qabqablayaasha maqan, loola xaali karaa oo danahooda nabadgelyo, ganacsi iyo horumarba loo xeerin karaa?

Ma dhici kartaa in ka guurista Muqdisho iyo keenista ciidamadu ay fashiliyaan natiijadii shirka? Shirkii 1aad ee Djobouti waxaa ka dhashay Soomaaliland. Kii Qaahira waxaa ka dhashay Puntland. Shirkii Carta waxaa ka dhashay dowlad-goboleedkii loo bixiyey Koonfur-Galbeed. Haddaba, ma laga yaaba in shirkanna ay ka dhalato dowlad-goboleed cusub? Haddii ay dhacdase maxay taasi keeni kartaa?

Mar haddii uu muran ka taagan yahay su’aalahan, waxaa muuqda inaan weli la heshiin. Waxaan rajaynayaa in dhammaan heerarka kala duwan ee bulshada ee hore loo aamusiiyey ay ka qeyb-qaataan doodaha lagu falanqeynayo arrimaha waaweyn ee taabanaya aayatiinka Soomaalida. Waa inaan looga harin kooxda Nairoobi lagu soo dhoodhoobay iyo dalalka deriska ah inay go’aamo sameeyaan iyadoo aan dadku talada wax ku lahayn. Dhanka ay figraddaadu jirtaba, waxaa habboon inaadan la aamusin ee aad gole si cad uga sheegto.

Afyare Cabdi Cilmi - Edmonton, AB
qormooyinka@hotmail.com

QORAALKII HORE EE Afyare Cabdi Cilmi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2005

CILMI BAARIS SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA...


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD