SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Ujeeddada Qarsoon ee ka Danbeysa Badinta Golaha Wasiirrada 

Dalka China dadkiisu ka badan yahay 1,298,847,624, waxaa maamula gole loogu yeero Golaha Dowladda (State Council) oo u dhigma Golaha Wasiirrada.  Wasaaradaha iyo Hey’adaha kale ee waaweyn waa 27.  Waxaa kale oo jira ilaa 45 hey’adood oo iyaguna hoos yimaad Golaha Dowladda.  Sidoo kale, dalka India oo shacabkiisu gaarayo 1,065,070,607, wuxuu leeyahay 27 Wasiir, 10 Wasiiru-Dowle iyo 29 Wasiir Ku-xigeen.  Bal intaana waxaad ku darsataa dowladda Mareykanka oo ah tan ugu xoogga weyn dunida.   Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Bush waa 15 Xoghaye iyo lix kale oo iyaguna ka mid ah Golaha Wasiirrada.   

Soomaaliya oo ka mid ah waddamada ugu saboolsan dunida waxaa dhawaan loo sameeyey Gole Wasiirro ku dhow 100 xubnood iyadoo weliba tirada dadku ay ka yar tahay 10 milyan.   

Waxaa dhici karta in dadka qaar daliil ka dhigtaan xaaladda dagaal ee ay Soomaaliya ku jirto.  Haddaba, bal aan fiirinno dalalkii ay colaadaha sokeeye ka dhaceen ee dowlad loo sameeyey tirada ay golahooda wasiirradu ka kooban yihiin.  Waxaan tusaale u soo qaadanayaa Liberia, Siera Leone iyo South Africa.   

Tirada Golaha Baarlamaanka KMG ah ee Liberia waa 76 Xubnood.  Tirada Golaha Wasiiraduna waa 21 Xubnood.  Sidoo kale, tirada xubnaha Golaha Wasiirrada ee Siere Leone, sida ku qoran heshiiskii Lome Peace Agreement, waa 18 xubnood.  Dalka Koonfur Afrika, markii ay doorashadii ugu horreysay ee shacabka dalkaas oo dhami ka qeyb-qaateen ay dhammaatay, Nelson Mandela wuxuu sameeyey Gole Wasiirro ka kooban 27 xubnood. Waxaana lagu daray Golaha Wasiirrada xisbi kasta oo helay in ka badan 5% doorashada.   

Haddaba, waa yaabe, sidee loo macneyn karaa tirada badan ee Ra’iisul-wasaare Geedi iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf u sameeyeen Soomaaliya? Maxayse tahay ujeeddada ka danbeysa?   Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi waxay ku fasireen in ay qasab tahay in beelaha oo dhami ay iska dhex arkaan Golaha Wasiirrada.  Haddaba, taasi ma run baa?   

Aragtideyda, taasi sax ma aha.  Sida dunida oo dhan ka dhacda, dadweynuhu waxay soo doortaan xubnaha wakiil uga noqonaya Baarlamaanka ama aqallada kale ee xeer-dejinta.  Inkasta oo Baarlamaanka hadda jira uusan shacabka Soomaaliyeed dooran (oo weliba si qaabdaran loo soo xulay), haddana, ujeeddada abuuritaankiisa ka danbaysay waxay ahayd inuu metalo beelaha.  Haddii ay xubnaha Baarlamaanku, si kastaba ha ku yimaaddeene, ay u dhaqmaan sida lagu yaqaan baarlamaannada caalamka, waxaa dhici karta in aysan xukuumaddu sidii ay rabto ka yeelin dalka.  

Haddaba, si aysan taasi u dhicin, sababta ay madaxda Dowladda KMG ahi tiradan u badinayaan waa inay macno-tiraan Golaha Baarlamaanka.   Waxaa u muuqata sida kaliya ee uu Baarlamaanku ku geli karo jeebka xukuumadda inay tahay in Baarlamaanka ay ka dhex sameeyaan Baarlamaan yar oo ay iyagu magacaabeen, dabadeedna ay ugu yeerayaan Golaha Wasiirrada.   

Run ahaan, wax macno ah oo ay samaynayaan wasaaradaha faraha badan ee uu doorkoodu isku-soo noqnoqanaya ma jiraan. Xitaa haddii sidan lagu ansixiyo xilliga dowladda KMG ah wuxuu dhammaanayaa inta lagu mashquulsan yahay xallinta khilaafka iyo iska-hor-imaadka doorarka aan kala caddeyn ee wasiirrada.  Doorka Ra’iisul-Wasaaruhuna wuxuu isku baddelayaa garsoore kala saara muranka ka dhasha jahwareerka uu isagu abuuray.   

Waxay taasi keeneysaa in ujeeddadii loo sameeyey Golaha Wasiirrada ee ahayd inay hirgeliyaan siyaasadda dowladda xilliga kalaguurka ah aan la gaarin. Wax kaleba daayoo in 100 qof oo weliba Soomali ah shirto oo is-dhegeysato, dabadeedna wax isku raacdo ayaaba aad u adag.   

Mashaakilaadka waaweyn ee ku dhacay dowladdii KMG ahayd ee Cabdiqaasin madaxda ka ahaa waxaa ka mid ahaa in baarlamaankii uu galay gacanta Madaxweynaha.  Taasi waxay keentay in mar walba la adeegsado baarlamaanka.   

Sida muuqata, Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi waxay cashar wanaagsan ka qaateen dowladdii Carta.  Maaddaama lagu tuhmayo inay doonayaan inay hirgeliyaan arrimo farabadan oo ugub ku ah siyaasadda Soomaalida, tallaabada ugu horreysa ee ay awoodda oo dhan gacantooda ku soo geli karaan waa inay jagooyin farabadan oo maran u qeybiyaan xubnaha Baarlamaanka.   

Waxaan qabaa in danta Soomaalidu ku jirto in hey’adaha dowladdu ay is-dheelli tiraan.  Sidaas darteed, waa in aqoonyahannada, xubnaha Baarlamaanka, saxaafadda iyo ururrada bulshada rayadka ahi ay culeys ku saaraan xukuumadda inaysan awoodda siyaasadeed ee dalku gelin gacan hal ama laba qof.   Malaha tallaabooyinka ugu horreeya ee ay tahay in la qaado waa in miisaaniyadda Baarlamaanka laga saaro gacanta Madaxweynaha iyo Ra’iisul-Wasaaraha.  Waa inaysan dhicin in mushaarka loogu qeybiyo xubnaha baarlamaanka qado ujeeddo badan ah dusheeda.  Sidoo kale, waa in lagu qasbo xukuumadda in la yareeyo tirada wasiirrada.  Wax ka badan 15 wasiir waa waqti lumis.  Ugu danbeyntii, waxaa ila quman inta uu ay madaxda Dowladdu isku mashquulinayaan inay qabiil walba ka keensadaan qofka SRRC-da u janjeera, inay xaqiiqada wajiga saaraan oo la gorgortamaan dadka ka aragtida duwan ee dowladdooda waxyeelleyn kara. 

Afyare Cabdi Cilmi
Edmonton, AB
qormooyinka@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD