SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIRIB TIRKA QAADKA
Daabaco Boggan | Print

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka

  • SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Email: webmaster@somalitalk.com

Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda

  • Qaad, Jaad, Khat, Qad, Mirra, waxaad rabtdi ugu yeero waxaa la isku raacay wax faa'iido ah in uusan lahayn haba yaraatee!
  • Sh. Xasan Jaamici: Shan qodob oo ay Diinta Islaamku ilaaliso oo Qaadku uu saamayn ku leeyahay
  • Dr. Cusaam Axmed (Xaraare): Qaadku waa cudurka ugu weyn ee sida ba'an ugu faafay Soomaalida
  • Hooyo Xaliimo: Qaadku wuxuu sabab u noqday burburka Qoysas badan oo Soomaali ah
  • Sh. C/raxmaan Sh.Cumar: Diinta Islaamku waa xaaraantinimaysay Qaadka
  • Prof. Axmed Warfaa: Dadka Qaadka gura haddii ay Qabaan HIV/AIDS waxay usoo gudbinkaraan dadka cuna Qaadka
  • Gabadhaada ha u guurin nin Qaad cuna, maxaa yeelay biilkii Qaad ayuu ku cunayaa
  • Marqaanka Qaadka waxaa asalkii laga bartay Ariga reer Yemen
  • Meelaha Qaadka lagu cuno wax kasta oo lagaga hadlo waa hawo been ah
  • 43,000 oo Soomaali ah oo Qaba HIV/AIDS, Qaadkuna uu Qayb ka yahay Faafida cudurkaas
  • Cudurka Qaadka oo ku Dhacay xataa Xoolaha Soomaliyeed ee magaalo jooga ah

Minneapolis (SomaliTalk.com): Kulan si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey oo habeenimadii Sabtida (Jan 8) lagu qabtay Minneapolis ayaa Soomaalidii halkaas isugu timid ay isku raaceen in la bilaabo barnaamij gebi ahaanba Qaadka looga cirib tirayo Soomaalida meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Minnesota (MSSU) iyo Maxamuud Nuur Wardheere waxaa yimid wufuud Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolka Utah oo uu hogaaminayey Shiikh Prof. Axmed Warfa oo macallin ah, iyo Wafti kale oo kayimid Gobolka Georgia oo uu hogaaminayey Cabdilahi Nuur Maxamed [kolombo] oo ku caan baxay barnaamijkii Ciyaaraha ee Raadiyo Muqdisho ka bixijery 1da Duhurnimo iyo 7da Fiidnimo xilligii beri samaadkii.

Waxaa kulankaas ka hadlay culimada, waaya araga iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaana si weyn goobta loogu faaleeyey dhibaatooyinak uu Qaadku u geystey bulshada Soomaaliyeed gebi ahaan, gaar ahaan waxaa si xeel dheer looga hadlay Soomaalida Minnesota dhibaatooyinka uu qaadku u geystey, sida dil, qoys-burbur, dhac, xarig, shaqo beel, guryo beel, hanti beel, dan garasho la’aan, sharci beel iyo dhibaatooyin badan oo aan la koobi karin.

Shirka oo Lagu Furay Aayado Qur'aan ah:

Ugu horeyn shirka waxaa lagu furay aayadaha Quraanka Kariimka. Kaddib waxaa hadal kooban oo ku saabsan ururka Ardayda soo jeediyey madaxweynaha hadda ee Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta jaamacada Minnesota, C/Raxmaan Mukhtaar.

Shiikh Xasan Jaamici:

Kaddib madasha waxaa ka hadlay Shiikh Xasan Jaamici oo ah Qareen Soomaaliyeed, ugu horayntiina waxa uu sheegay in ay jiraan shan qodob oo Diinta Islaamku ay ilaaliso oo Qaadku uu saamayn ku leeyahay kuwaas oo kala ah: Qofka in laga ilaaliyo wixii dhibaya, caqliga Insaanka in wixii dhibaya laga ilaaliyo, ilaalinta sharafta qofka bini'aadamka, ilaalinta Diinta Islaamka, iyo ilaalinta qofku wuxuu leeyahay. Shantaas oo Islaamku ilaaliyo Qaadku wuu dhibayaa. Qofka Qaadka lacagta ku bixiyaana wuxuu soo geliayaa Mubadir, kaas oo saaxiib la ah Sheydaanka ayuu yiri Sh. Xasan, waxaana uu intaas ku daray in culimada Islaamka badidoodu isku raaceen in Qaadku uu yahay Xaaraam, taasna lagu sheegay Fatwo laga soo saaray Yemen.

KhatQaadku qofka wuxuu ka dhigaa sidii wax soo jeeda, oo debecsan oo hadal badan, oo aan cunto u baahnay. Halistiisana waxa kamid ah in qofku dareemo in uusan la'aanta Qaadka waxba qabsan karin, in uu afka dhib u geysto oo xataa uu sababi karo Cancerka afka, Waxa kale oo uu keeni karaa wadne xanuun. Dadka mudada dheer cuna Qaadka waxay u dhow yihiin waalli iyo in jeel majnuunka la geeyo, sidaas waxaa qortay jariirad ka soo baxda Ingiriiska oo halista Qaadka u uga digeysey dadkeeda.
ISHA: www.connexionsinsheffield.org.uk

Xasan Jaamici oo ka hadlaya dhibaatooyinka uu Qaadku soo gaarsiiyey Soomaalida Minnesota, waxa uu sheegay dhawr qiso oo la xiriirta Qaadka, waxana uu yir: Boorso kamida boorsooyin dibada ka yimid ayaa laga helay Qaad, boorsadii markii ay booliskii qabteen inta ay Qaadkii ka wareejiyeen ayey kartoono ku gureen si ay boorsadu sideedii ugu ekaysiiyaan, waxayna ku reebeen xoogaa yar oo qaad ah, kaddibna nin booliskii ah ayaa inta uu soo gashtay dharka dadka boostada qaada, boorsadii soo qaaday, waxana uu keenay gurigii uu cinwaankiisu ku qornaa boorsada, waxaa guriga joogey nin Soomaali ah, ninkii ayaa la yiri saxiix warqadan in aan boorsada kuu keenay, wuu saxiixay, markaas ayaa booliiskii qabteen, waxaana uu sidaas ku noqday dembiile lagu qabtay asagoo Qaad faraha ku haya. Waxa kale oo Sh. Xasan uu xusay nin inta uu xaafad yimid yiri ii ogolaada aan telefoon dirsadee, markii loo ogolaaday intii uu telefoonka dirsanayey ayaa xaafadii la hareereeyey waayo guriga ayaa Qaad lagu gadayey, ninkii telefoonka dirsanayeyna waxaa lagu daray dembiilayaashii. Qaadka waxa uu Maraykanka ka yahay Mamnuuc, waana dembi qofkii lagu qabto. Waxana uu Sh. Xasan Sheegay in qaadku aad dhib weyn ugu hayo Soomaalida Minnesota ayna tahay in qaadka laga dheeraado.

 Dr. Cusaam Axmed (Xaraare)

Kaddib waxaa cod tebiyaha lagu soo dhoweeyey Dr. Cusaam Axmed (Xaraare) oo sheegay in Qaadku yahay cudurka ugu weyn ee sida ba'an ugu faafay Soomaalida. Waxaana uu si xeeldheer uga waramay xaaladaha uu maro qofka Qaadka cunaa, kuwaas oo uu u kala qaybiyeyeafar xaaladood oo kala ah:

  1. XAALADDA XARAARADDA: Waa xaalada koowaad ee qofka qaadka cuna uu marayo, waa marka uu qaadku ku jiro qofka dhiigiisa, oo uu cirkaas marayo, oo wax kasta la fudud yihiin, adigana wuxuu kuu arkaa wax si kale ah.
  2. XAALADDA MARQAANKA: Waa marka uu Qaadkii uu dhiiga qofka uu yarehe ka baxay oo uu qofkii Qaadkii aad ugu baahan yahay, waana marka ay dadka ku dilaan oo aysan fariisanayn ilaa Qaad ay helaan. Waxa jirta mar qof Soomaali ah uu 7 qof ku diley Qaad dartiis, dhawr iyo toban kalena ku dhaawacay.
  3. XAALADDA QAADIRADA: Waa qaadiraysan yahay, qofkaasi wuxuu qaban karo ma jiro, iskool ma aadayo, shaqo ma aadayo, cibaado warkeeda iskaba dhaaf, halkaas ayuu iska tiirsanyahay ama iska jiifaa.
  4. XAALADDA DUBAABKA: Waa marka ay daroogadu kabadatay oo inta uu waashay uu leeeyahay bahalaa i goo-goosanaya , mukulaal ayaa dabada iga geleysa, belaayo...

Maxamuud Nuur Wardheere iyo Cabdilahi Nuur Maxamed [kolombo]


Cabdilahi Nuur Maxamed [kolombo] - STN & Zakariye Adan - SomaliTV

Taasi waxay ku tuseysaa dhibaatooyinka xiriirsan ee Qaadka, oo uu ugu horeeyo dhibaatada Caafimaad. Meelaha uu Qaadku markiiba jirka ka saameeyo waxaa kamid ah Ilkaha, ayuu yiri Dr. Cusmaan.

Dr. Cusaam oo ka waramaya dhibaatooyinka kale ee Qaadka, waxa uu soo qaatay Qiso uu 1995 bishii May ku soo arkay magaalada Jigjiga, waxa uu yiri: Maalin anigoo guriga u socda ayaa waxaa iga hor yimid dadkii magaalada deganaa oo dhammaantood socod ah, rag iyo dumar, waxaadna arkeysaa in dumarku ay ulo sitaan, waxaana qof kasta oo dumar ah daba socda labo ama saddex neef oo ari ah, qof qofka kale la hadlayaa ma jiro. Waan yaabay, meel makhaayad ah ayaan ku leexday, qofkii shaaha ii keenay ayaan weydiiyey "war heedhe dadku xaggee u socdaan", waxaa qofkii iigu jawaabey "Waa saacadii", anigu ma garanayn waxa ay saacadu tahay, waana ka xishooday in aan sii weydiiyo. Cabbaar ka dib waxaa soo noqday dadkii oo bulxamaya, oo raggiina ay Qaad gacmaha ku wataan, qaybna cunayaan Qaadka, dumarkuna ay jawaano Qaad ah dhabarka ku wataan, oo ulihii iskaga dhicinayaan arigii oo raba in ay Jaadka dumarka ka qaadaan. Waxaa taas ka yaab badnaa in xilligu uu barwaaqo ahaa oo xooluhu aysan naq waayin, aysana jirin wax xoolaha kukallifaya caleenta Qaadka. Halkaas waxaad ka garan kartaa, ayuu yiri, in cudurka Qaadku uusan ku dhicin dadka oo keliya ee xaataa uu ku dhacay duunyadii.

Waxa kale oo Dr. Cusmaan uu sheegay in Hargeysa mar loogu keenay canug xanuunsan, oo la garan waayey waxa ku dhacay, markii aan weydiiyey, ayuu yiri, su'aalo waxa canuga ku dhacay waxay sheegeen in la siin jirey caano laga liso ariga magaalada ee loo yaqaan Ari-Carbeed, oo neefkii loo lisijirey ay caanihii ka gureen. Waa ariga cuna qaadka, sidaas ayaa Qaadkii usoo raacay Caanaha ariga oo saamayn caafimaad ugu yeeshay canuga.

Markale magaalada Luuq waxaa ka dillaacay shuban, ayuu yiri Dr. Cusmaan, waxaa naloo keenay wiil dhallin yaro ah oo kaadidu ku dhegan tahay, waxaana xilligaas ku beegnaa mar Qaadka magaaladaas laga mamnuucay, wiilkii si kasta inta la sameeyey ayaa la waayey wax kaadida ka keena, ilaa ay rag kale yiraahdeen "war anagaa naqaan wiilkan waxa kaadida ka kenaya waa Qaad ee hala qaniinsiiyo".

big needle
Halista Sigaarka... English

Dr. Cusmaan waxa kale oo uu si xeel dheer uga hadlay Sigaarka, waxana uu tusay sawiro muujinaya xubnaha jirka ee uu sigaarku aafeeyo, xubnahaas oo ay ka mid yihiin: wadnaha , beerka, caloosha, kaadi haysta, sambabada, iwm. Xubnahaas oo dhan waxaa aafeeya sigaarka. Waxana uu sheegay sabab sigaarka loo cabo in ay san jirin oo aan kahayn in qofka cabaa uu isu arko in uu dadka ka reer magaalsan yahay oo uu isla weyn yahay - balse qofkaasi uu gacatiisa ku haysto cudur. Waxana uu xusay in ay jiraan aabayaal badan oo carruurtooda sigaarka ku ag caba, sidaasna uu cudurkii u saamaynayo carruurta.


MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...


Dhallinyada Soomaaliyeed waxaa hor yalaa in ay ka hortagaan saddex cudur oo kala ah: Qadka, TB-da iyo HIV/AIDS oo hadda hor leh. Waxana uu xusay Dr. Cusmaan in tirokoob la sameeyeye 2003 la ogaadey in cudurka HIV/AIDS ay qabaan 43,000 oo Soomaali ah. Waddamada ugu badan ee qaba cudurada HIV/AIDS labo kamid ah waa ku Qaxnay oo waa ku nool nahay, marka waxaa dhici karta in cudurku intaas ka badan yahay. Wadama ka hooseeya badda Meditarianka (ee muslimka ah) waxaa lagu qiyaasay in Soomaaliya ay tahay waddanka Saddexaad, marka laga reebo Suudaan iyo Pakistan.

Dr. Cusmaan Xaraare waxa uu dhammaadkii 2003 shaaca ka qaaday in 18 Soomaali ah oo deggan Minnesota ay Qabaan Cudurka AIDS-ka.

Hooyo Soomaaliyeed

Waxa kale oo madasha ka hadlay hooyo soomaaliyeed oo magaceeda la yiraahdo Xaliimo, ahna macallimad wax ka dhigta dugsiyada Minnesota, kuna xijaaban qaabka ugu wanaagsan ee dumarka Muslimiintu ugu xijaabtaan Jalbaabka muslimku jideeyey. Waxay sheegtay in Qaadku uu sabab u noqday in qoysas badan ay burbureen, waxayna sheegtay in gabdho badani ay ragooda ku haaraamaan in ay intii yarayd ee carruurta habta loogu gadi lahaa ay qaad ku iibsadeen. Waxa ay xustay in qaadku keenay xishood darro, kala dambayn la'aan iyo anshax xumo. Waxaana dhumay ayey tiri qab weynidii Soomaalida - waxaad arkeysaa qof weyn oo gacanta u soo taaganaya Qaad oo leh II-DHIIB QAADKA, waa dhaxal wareeg ayey tiri.

Waxay hooyada Soomaaliyeed ardayda xusuusisay in haddii ay cunaan geedka yar ee caagaaran uu keeni karo xarig, taas oo ay ka qoomamayn doonaan, waa dhallinta ku dhaqan meelaha Qaadku mamnuuca ka yahay, kuwa kalena uu u keeni doono mustaqbal xumo iyo dulli. Waxayna xustay in dhallintu ay Qaadka ku bartaan hab shaxaad ah, hadhowna ay la qabsadaan, kaddibna ay noqdaan dulli wax ma barte ah ilaa uu ka noqdo ma shaqayste, ilaa uu marka uu jaad waayo, shaqona mahaysto'e, uu dadka ku laayo si uu marduuf u helo.

Waxay xustay in dad badan oo Jooga Soomaaliya ay u dhintaan sabab Qaad, sida kuwo ka cararaya Isbaaro oo lagu toogto oo hadhow marka la isweydiiyo la yiraahdo Qaad ayey la cararayeen iwm. Waxayna Allah u bariday in uu dawo cudurkaan Qaadka ah u soo dejiyo Ummada Soomaaliyeed.

Shiikh Cabdrixamaan Shiikh Cumar

Shiikh Cabdrixamaan Shiikh Cumar oo ah iimaamka Masjidka Shaafici ee Magaalada Minneapolis ayaa asaguna ka hadlay madasha, waxana uu si xeel dheer uga hadlay waxa ay Diinta Islaamku ka qabto Qaadka. Mahadnaq Allah ka dib, waxa uu Sh. C/raxmaan waxa uu si qoto dheer uga hadlay ubadka iyo duriyada iyo sida ay u haboon tahay in la ilaaliyo riximka iyo taranka qofka.

Sh. C/Raxmaan waxa uu madasha xusuusiyey in Allah uu bini'aadamka ka reebay wax kasta oo xun,oo Allah  xalaaleeyey waxa wanaagsan. Sidaas darteed, ayuu yiri, dawadeenu waxay ka bilaabaneysaa in waxa laga tegayano looga tago hor Allah, wixii Allah inaka reebay in aan ka tagno, sida khamrada, khamaarka iyo Asnaamta oo Allah inaka xarimay oo ina faray in aan ka dheeraano, wixii wanaag ah ee la raacayona loo qaato Allah dartiis.. Waxa uu xusay Muslimiintii markii Khamriga laga xarimay in reer Madiina ay markiiba Khamrigii daadiyeen oo Allah dartiis markiiba uga tageen.

Wax kasta oo bedela qofka bini'aadamka caqligiisa waa xaaraam. ayuu yiri Sh. C/raxmaan, qaadkuna xukunkaas ayuu hoos imanayaa.

Sh. C/Raxmaan waxa uu yiri waxaa la isku raacay in Qaadka wax faa'iido ah oo uu leeyahay aysan jirin, oo xataa majaalista la isugu yimaado oo lagu cuno Qaadka wixii lagaga hadlo waa hawo been ah iyo dhalanteed oo wax faa'iiodo ah aysan kasoo baxayn, waxana uu soo xigtay aqoonyahanada Yemen nin ka mid oo maciisa la yiraahdo Axmed Jaabir oo sheegay in xataa majaalista ama goobaha la fariisto ee Jaadka lagu cuno ay qayb ka mid ah yihiin kuwo ka qayb qaata isku dirka mujtamaca iyo isku dirka dadka.

Sh. C/Raxmaan waxa uu yiri culimada Islaamku waxa ay ka eegeen Qaadka in uu yahay laba midkooda: ma shey wanaagsan baa mise shey xun. Khabiith (wax xun) ma yahay mase khabiith ma ahan. Waxana uu soo daliilsadey kitaabka: "Aallah wuxuu idiin xalaaleeyey waxa wanaagsan (dayibaadka ah), waxa xun (khabiith-ka) waa idinka xaaraantinimeeyey". Marka waxaa cad ayuu yiri in Qaadku gelayo dhanka Khabiith-ka ah, waayo waxaa cad in qaadku uu yahay Daroogo, oo xataa gaaladii ay mujtamacoodii ka ilaalinayaan oo ku bixinayaan kharash badan si ay dadkooda uga ilaaliyaan, waxana uu xusay joornaal in uu ka akhriyey in xataa dadka loo sheego in ay jiraan daroogo cusub oo katimid Afrikada Bari, oo ay tahay in laga digtoonaado, waxaana loo sheegay dadka daroogada la dagaalama sida lagu garto qofka cuna qaadka oo ay ka mid tahay in qofku uu indhaha warwareejinayo oo wax tufayo.


Sh. C/Raxmaan & Prof. Axmed Warfaa

Sh. C/Raxmaan waxa uu sheegay in Qaadku uu mujtamaca baabi'yey, qoysas badaan uu halakeeyey. Malaayiin lacag ah ayaa dalka bannaanka looga saaraa, wax uu ku fiican yahayna majiraan. Waxana uu xusay mar dhoweyd oo uu Xamar tegey in uu arkay nin Ajnabi ah oo gaal ah oo makhaayad fadhiya oo Qaad cunaya, oo uu la yaabay in Soomaalidii ay xataa ajnabigii bareen Qaad cunka.

Sh. C/Raxmaan waxa uu sheegay in geedkani uusan ka duwanayn geedaha kale ee daroogada ah, sida kuwa laga keeno kolombiya ee xashiishka loo yaqaan, waxba kama duwana ayuu ku hadalka ku adkeeyey, waana SHAJRATUL KHABIITHA, waxaana uu sheegay in mar Soomaalidu gebi ahaanba isku raacday in geedkani yahay Suntii cagaaray sidaasna mar Soomaliya looga mamunnucay. Cida difaacaysaa geedkan ma haystaan wax qiil ah ee difaacoodu yahay difaac liita, geedkani waa daroogo ayuu yiri, culamada Islaamkuna waa reebeen, caqiiqdo ahaan in la isaga daayo ayaa haboon ayuu yiri.

Waxa uu Sh. C/Raxmaan sheegay in geedkan ay culimada Islaamku xaaraantinimeeyeen ayna tahay in laga tago. Daawada geedkan waa in Allah la rumeeyo, oo laga tago wixii Allah xaraantinimeeyey ayuu ku adkeeyey. Qaadku waa Xaaraan, ee uga tag cabsida Allah. Allah wuxuu markaas kaa badbaadinayaa caradiisa, Adigu waad badbaadeysaa, qoyskaagu waa kuu badbaadayaa. Qofkii iska dhaafayaa ha isaga dhaafo Allah dartiis. Caqiido ahaan ha uga tago, ayuu yiri. Waxaa kale oo wax looga qaban karaa in dhallinta Diinta la baro, oo Masaajida lagu soo xiro, laguna barbaariyo diinta oo Allah lagu xiro, wanaaga la baro, xalaasha iyo xaraamta la baro.

Ugu dambayntii waxa uu Sh. C/Raxmaan sheegay in xataa geedkaan haddii loo kala garan waayo xaaraam iyo xalaal uu soo gelayo Shubuhaad, oo shubuhaadkana ay tahay in laga tago. Waase cadahay, ayuu yiri, in Qaadku Xaaraam yahay, ee halaga dheeraado, yaan la cunin, yaan la iibin, yaan laga ganacsan, yaan loo guurin qof Qaad cuna, gabadhaada ha u guurin nin Qaad cuna, maxaa yeelay biilkii Qaad ayuu ku cunayaa, berina Ilamihii ayaa biil la'aan ku soo dhic doontaa. Allah ha inaka caafiyo cudurka Qaadka ayuu kusoo xiray.

Prof. Axmed Warfaa

Waxaa kale madasha ka hadlay Shiikh Prof. Axmed Warfaa PhD oo hadda wax ka dhiga Salt Lake City Community College, Utah ee dalka Maraykanka, kana dhiga maadada biology/botany, ahna nin dhirta aad u yaqaan, horena wax uga dhigi jirey Jamacaddii Soomaaliya, waxana uu baaritaan ku sameeyey Qaadka kana qorey buugaag. Prof. Warfaa oo diintana yaqaan xataa qaadka waxa uu ku beeray magaalada Janaale ee Sh/Hoose ee Soomaaliya si uu u derso.


Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah (alkaloid) oo laga soo dhex saari karo qaadka, taas oo meelaha qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk.
Cilmi baaris Qaadka ku saasban.. GUJI

KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
 


BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...

Ugu horayn waxa uu Prof. Axmed Warfaa dadkii kula kaftamay in waagii Qaxootiga in la weydiiyey inta sano ee iskuul soo dhigtay oo qofkii su'aalaha weydiinayey uu yiri ma 8 sano ayaa dhigatay mase 12, markaan ku yiri 27 sano oo uu qofkii su'aalaha weydiinayey uu u qaadan waayey ilaa qof kale oo meesha fadhiyey uu yiri war ninkani wuxuu ku leeyhaay waxaan haysataa Ph.D.

Prof. Axmed Warfaa waxa uu ka xog waramay meeshii uu magaca Qaadku uu ka bilowday oo uu ku tilmaamay in magacan uu bixiyey nin muddo aad u horeysey booqday dalka Yemen, ninkaas oo ahaa reer Finland oo arkay geedkan ay arigu inta ay cunaan ku marqaamayaan. Ninkaas oo geedkii u geeyey boqortooyadii waagaas ee dalka Finland.

Full size image: 13 kB
Chemistry: Kemisteriga Jaadka... Guji...

Kaddib Prof. Axmed waxa uu ka waramay maadooyinka sunta ah ee kujira Qaadka. Waxana uu sheegay in ay kujiraan saddex maado oo loo yaqaan Alkaloid [Aalkolo] oo u xiriirsan sidii awr cadaysimo ah kuwaas oo dhiiga qofka qaadka cuna soo gelaya, waxaana ka sii daran in Qaadka lagu qaato waxyaabo ay kamid yihiin Kooke, shaah, kafee iyo biyo oo maadooyinkii uu qaadku ka samaysnaa ku milaya dhiigga.

Waxaa taas ka daran oo uu Prof. Axmed sheegay in la ogyahay meelaha Qaadka laga keeno oo ah dhulka la tilmaamay in Cudurka HIV/AIDS uu halakeeyey, waxana uu xusay in ay dhici karto in dadka Qaadka guraya oo adeegsada qalab ay kamid yihiin mishaaro (ama godimo iyo faasas) ay dhici karto in ay birahaasi saraan oo dhiig ka yimid uu gaaro ama ku daato caleentii Qaadka, mar haddii dhiiga qofka HIV/AIDS qabaana uu caleenta gaaro intii Qaadkaas cuntana uu cudurkaasi ku dhici karo. Arintan oo ah halista ugu weyn ee Qaadku hadda u leeyahay Mujtaamaca Soomaaliyeed, marka laga soo tago xaggii dhaqaalaha, qoyska oo uu burburinayo, waxaa ka daran in uu qayb weyn ka yahay faafida cudurka HIV/AIDS.

Khat, Catha edulis, being sold in Africa
photo Thomas Goisque
Xiriirka ka dhexeeya Qaadka iyo AIDS..


Qaadka & Suugaanta

Prof. Axmed Warfaa waxa uu aad ugu adkeeyey in ay dhici karto in dadka ka ganacsada Qaadka, iyo dadka soo gura ay qabaan cuduro halis ah, sida Qaaxada iyo HIV/AIDS iwm, oo qaadkiina uu sidaas ku noqday waxa uu weyn ee ka qayb qaata faafinta cudurada halista ku ah mujtamaca Soomaaliyeed. Waxana uu Soomaalida xusuusiyey in wadamada ugu badan ee Qaadka laga keeno ay yihiin Kenya iyo Itoobiya. Waxa uu xusay gabaygii Abshir Bacadle ee Qaadow Adigaa Leh.

Prof. Axmed Warfaa waxa uu yiri caawa waxaan idiin wadaa codsi walaaltino, mid Islaamnimo---- inta aanaan codsigayga soo bandhigin, ayuu yir, qofkii og inaba in uu qaadka wanaag ku sheegi karo gacanta ha taago.. waa la waayey wax gacata taaga.. sidaas waxaa ku cad intii madasha fadhidey oo lagu qiyaasay 265 qof ay isku raaceen in qaadku uusan wax faa'iido ah lahayn. Haddii aan taas isku raacnay, ayuu yir, Qofkii ogol in uu caawa bilaabo Olole ciribtir Qaadka ah qaadno gacata ha taago. Dhammaan gacanta ayaa la taagey.. Waxaa halkaas ka soo baxay in Allah hortiis iyo intaas oo Musliiiin ah hotood in ay ballan ku qaadeen in ay bilaabaan Olole lagu cirib tirayo Qaadka. Intaas markii la isku raacay ayaa Prof. Axmed waxa kale oo uu weydiiyey in ay gacata taagaan qofkii diyaar u ah ilaa saddex qof uu sabab ugu noqdo in ay Qaadka Joojiyaan ... gacata ha taageen.. dhammaan gacata ayey taageen.. Sidaas ayaa waxaa la isku raacay intii madasha fadhidey in ay noqdaan kooxdii Soomaaliyeed ee ugu horeysey ee u istaagtey cirib-tirka Qaadka iyo in qof kastaa uu muddo hal sano gudeheed ah ku keeno saddex qof oo sabatiis isaga daayey Qaadka - saddexda qof ee la keenayo waa isku day, hanuunkaan Allah ayaa leh ayuu yiri. {Waxana uu Prof. Axmed madasha xusuusiyey Qowlka Allah ee "Naftiina iyo Ehelkiina uga diga Naar".}.


Maxamuud Nuur Wardheer oo la dalaya C/Raxmaan Mukhtaar oo ah madaxweynaha Ururuka Ardayda Jaamada Minnesota

Gabar sheegtay inaysan weligeed Jaad cunin, laakiin ninkeedu cunijirey laakiin uu hadda iska daayey ayaa xustay in dadka madashan jooga ayasan ahayn kuwii Jaadka cunijirey ee ay tahay in warkaan la gaarsiiyo kuwa Jaadka cuna ee jooga daafaha dunida. Prof. Axmed Warfaa oo gabadha u jawaabayey ayaa codsaday in warkaan la gaarsiiyo dhammaan mujtamaca Soomaaliyeed, waxana uu sheegay in uu asago bilaabayo in uu tegi doono meelaha ay Soomaalidu ku kulmaan kana sheegi doono arintan.

Su'aal la weydiiyey ayaa ahayd in Qaadka uu Prof. Axmed Warfaa ku sheegay in ay ku jiraan maadooyin, laakiin in Qaadka wax ma u dhimaa rag nimada iyo dumar nimada. Taas asagoo ka jawaabaya waxa uu yiri maadaama Qaadka lagu cuno cabitaan badan oo sida shaah, kooke, Qaadkuna uu kicinayo dareenkii, marka qofku musqusha galo ayaa ugu dambaysa rag nimadii iyo dumar nimadii ayuu yiri.

Su'aal kale ayaa ahayd ma la jaajuusi karaa dadka Qaadka gada ee jooga dhulka Qaadku mamnuuca ka yahay si loo qabqabto. Waxaa Prof. Axmed Warfaa ku jawaabey in aysan banaanayn in qof la jaajuuso, waxanuu yiri shakhsiga bini aadamka ugu hooseeya waa jaajuusnimo, Allahana waa mamnuucay in la is jaajuuso, marka taasi ma bannaana, waxana uu yiri waxaan ajnabi uga baahan ma jiraan, uma baahnin cid kale anaga ayaa isku filan ee anagu aan la dagaalano sidii aan u suulin lahayn Qaadka, maadaama aan inteenaan 265 qof ah iska weyneyn qof sheega in qaadku faa'iido leeyahay, aan anagu u hawl galo. Jajuub majiro, ee si saraaxo ah ayaan dadkeena ula hadleynaa, waxaan leenahay kuwa qurbaha noogu keenaya fadlan naga joojiya, hanagu keenina, ayuu yiri.

Halkaas ayaa waxaa ka soo baxay go'aankii intii madasha isugu timid oo ahin la cirib tiro Qaadka.

Gabagabo:::

Hadaba aniga oo ah qoraaga qoraalkan, maadaama aan ka mid ahaa dadkii madasha joogey, oo Allah dartiid ballanta ugalay ka qayb qaadashada ciribtirka qaadka, waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in saddexdii qof ee la igu qaybiyey ay noqdaan kuwa u horeeya ee ballan qaada in Allah hortiis ay isaga Daayeen Cunida ama ka ganacsiga Qaadka. Waxa kale oo siyaado ah oo aan codsanayaa, anigoo raba in aan ajarka siyaadsado, in aan helo saddex qof oo kale oo ah kuwo aan Qaadka cunin oo ii ballan Qaada Allah hortiis in ay isku deyayaan in midkiiba uu sannad gudihiis sabab u noqonayo saddex qof oo joojiya cunida ama ka ganacsiga Qaadka - waa isku day in aad keentaan saddex qof, hanuunka Allah ayaan u deyneynaa, jajuubna ma jiro ee waa saraaxo wax ugu sheegid qof walaalkaa ah ama ehel kaaga ah ama saaxiibka ah.

QuraanSaddexda Qof ee iga ballan qaada in Allah dartiis ay u joojiyeen Qaadka iyo saddexda uu midkiiba keenayo saddex qof oo kale, waxaan codsanayaa in ay magacooda iyo wadanka ay joogaan iigu soo diraan emailka ah: webmaster@somalitalk.com [Akhristaasha ayaan u sheegi doona marka aan helo saddexdii qof ee la igu qabiyey, insha Allah.]. Waxa kale oo aan codsanayaa in qoraalkan la sii daabaco oo la gaarsiiyo qof kasta oo Soomaali ah intii la awoodo.

Barnaamijka Ciribtirka Qaadku waa in Allah la isku dhaarsado oo qof kasta oo Qaadka cuna ama ka ganacsada uu ka tago cunida/ganacsiga Qaadka, Allah hortiis, qofkasta oo Soomaali ahna uu ballan qaado in uu halano gudeheed uu saddex qof ku dhiiri gelinayo in ay Qaadka iska daayaan.

Sidaas ayaa lagu helay dawadii cudurka mudada dheer halakeeyey Soomaalida, waana bilowgii ciribtika cunida iyo ka ganacsiga Qaadka. Insha Allah.

Qore: Maxamed Cali
Minneapolis, MN, USA
Email: webmaster@somalitalk.com
Web: www.somalitalk.com/qaad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD