SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAADKA

   Qaadka vs Suugaanta

1.     Hordhac

  • Shafarta iyo dabaylaha jiraa shaamareerka lehe

  • Shifo waxan lahaynoo la cuno sheeg haddaad garato

Qaadku waa geed cagaaran oo caleen jilicsan. Waa geed taagan oo aan aad u weynayn balse aan dhul jiif ahayn. Waa geed roobaad aan biyo la’aan ku noolaan karin. Qaadku wuxuu u qayb samaa noocyo aad u tiro badan, oo mid waliba magac iyo muuqaal gaar ah leeyahay. Waxaana ugu caansan:  

  • Dadar

  • Hereri

  • Miiroo

  • Taajuro

  • Haawadey

  • Uraagi

  • Iyo kuwo kale oo badan 

Wuxuu ka baxaa waddamada Kenya, Ethiopia iyo Yemen. Marka uu cusub yahay wuxuu leeyahay magacyo sida Waqal, Fareesh, Curdin, Baroo iyo Dhaylo. Marka inta fiican laga dhamaysto, wixii soo hadha ee aanu qofku cuni karin, wuxuu siiyaa xoolaha ama wuu daadiyaa, qaybtaas aan la cunin ee la daadiyo waxa loo yaqaan Garaabo. Marka uu gaboobo ama uu xoogaa yaalo ee uu jactedo, waxa la yidhaahdaa, Baarixi. Qaadka waxa badanaa laga cunaa waddama Afrikada bari oo dhan. Sidoo kale waxa laga cunaa Yemen iyo waddamo kale oo Afrikada waqooyi ah.   

Qofka qaadka cunaa markasta dhiigiisu wuu kacsan yahay waxaana ku yaraada; hurdada, cuntada, dulqaadashada, degenaanshaha, naxariista, samirka, qajilaada (yaxyaxa), caqiidada, runta, iimaanka, wakhtiga iyo kharashka.  Sidoo kale waxa ku yaraada, socodka, shaqada, fekerka, firfircoonida ama nashaadka.

Qofka cuna qaadka waxa ku bata; cadhada, cayda, muranka, nacaybka, colaada, naxariis-darrada, baqdinli’ida, dagaal, shaxaad, tuuganimo, beenta, khiyaaliga, munaafaqnimada, qabyaalada, xanta, faanka.  

Qaadka noocyadiisu aad bay u faro badan yihiin gobol waliba waxa looga yaqaan magacyo badan, qofka aad qaadka u kala yaqaan, waxa la yidhaahdaa, ninkaa hebel waa qaad yaqaan, ninka aad u cunna waxa loo yaqaan, ninkaa hebel waa Qaad-qabax.  Ninka qaadka iibiya waxa loo yaqaan Qaadle, gabadha iibisana waxa la yidhaahdaa Qaadley/Jaadley. Xidhmada qaadka ah waxa la yidhaahdaa Mijin, labada xidhmoodna waxa la yidhaahdaa laba Minjood, afarta minjoodna waxa loo qayaan Marduuf,  mijinta badhkeedana waxa la yidhaahdaa Caqaar, caqaarta badhkeedana waxa la yidhaahdaa Cii-caqaar. Qaadka meesha lagu iibiyo waxa la yidhaahdaa Kabadh ama baaq.  

2.   Qaybaha Qaadka 

DADAR: Dadartu waxay ka mid tahay noocyada ugu caansan qaadka, waxay ka baxaa waddanka Ethiopia iyo Yemen. Waxay xidhmadiisu le’eg tahay ilaa 50 laamood oo yar yar iyo waaweyn isugu jira, waaweyn wuxuu noqon karaa ilaa 20 qori oo waxa la yidhaahdaa, laamo inta yar yarna waxa la yidhaahdaa Guush. Waxa laga cunaa Ethiopia, Yemen, Somalia iyo Somaliland inteeda badan, siiba goboladda Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo iyo dhammaan degmooyinkooda iyo tuulooyinkooda. Waa nooc aad u darran (murqaan waalan) oo qofka cunaa uu la kulmayo hurdo yaraan iyo cadho badan. Dadar waxa la cunaa curubta caleenta inta jilicsan ee baarka ah, caleemaha waaweyn ee adkaada waa la qubaa oo waxa la yidhaahdaa Garaabo. Wuxu ugu fiican yahay cunidiisu maalinta uu cusub yahay, haddii uu labo habeen dhaafo wuxuu noqdaa Baarixi oo waa la daadiyaa ama xoolaha ayaa la siiyaa, mar marka qaarkoodna sida ka dhacda magaalooyinka waaweyn, qaadka habeenkii soo hadha waxa loo gudbiyaa magaalooyinka yar yare aanu qaadku maalintii gaadhin si loo Baarixi tiro. Waxa dadarta cunidiisu ugu fiican tahay inta u dhexaysa 1:00 duhurnimo ilaa 6.00 fiidnimo, sidaasi laajigeed habeenkii aad looma cuno. 

HERERI: Hererigu waa nooc ka mid ah qaybaha qaadku u kala baxo. Waa geed dherer ahaan ka weyn ama ka dheer geedka Dadarta, wuuna ka caleen bal balaadhan yahay, xidhmo ahaana wuu ka weyn yahay dadarta. Hererigu waa geed aan dheecaan badan lahayn, oo caleen qadhaadh . Xagga murqaanka wuu ka mirqaan yar yahay dadarta waanu ka qabow yahay. Dadka sida ba’an u cuna Hereriga waxay yidhaahdaan wuxuu u daran yahay afka. qofka cuna ilig ku yeedhi maayo.  

Hererigu wuu ka adag yahay dadarta caleen ahaan, sidaasi awgeed kuma gelayo taraag dheer oo loogu qaado meelo uu dhawr habeen u sii dhaxayo, culays ahaana wuu ka culus yahay dadarta, cuf ahaana wuu uga weyn yahay.  

Hererigu wuu ka adkaysan badan yahay dadarta, wuxuu ooli karaa ilaa saddex ama afar casho haddii meel qabow oo hadh qabow oo biyo leh la dhigo, milicda iyo neecawdana laga ilaaliyo, sidoo kalena aan la huurin oo dhididka laga dhawro. Qofka hereriga cunaa wuxuu cuni karaa curubta caleenta oo keliya, (baarka caleenta ee jilicsan) wuxuu leeyahay hererigu caleen waaweyn oo garaabo ah lamana cuno. Waxa lagu cabiraa xidhmadiisa habka halbeegga, waxa ugu weyn hab cabirkiisa kiiloo, waxa ku xiga badh, waxa ku xiga saddex-meelood waxaana ugu danbeeya afar-meelood. Mijinta dadarta ahi waxay u dhigan taa saddex-meeloodka hereriga ah, halka afar-meeloodka hereriga ahina ay u dhiganto caqaarta dadarta ah. 

MIIROO: Miiroogu waa qaad aad u yar yar oo xidhmadiisu le’eg tahay Cii-caqaarta dadarta, halka marduufkiisu le’eg yahay mijinta dadarta ah, waxaana xidhmadiisa la yidhaahdaa Uurbeyto, Mijin iyo Marduuf.  Miiroogu waa qaad aad u kulul oo ka murqaan badan qaadka kale oo dhan. Waxa la cunaa diirka qoryaha oo keliya, halka caleentiisa iyo garaabadiisaba la daadiyo, waxa celeentiisa laga qaadaa dibiro, sidaasi awgeed waxa la cunaa curubta qoyan ee laamaha xaggooda hore iyo diirka laamaha.  Markaa waa qaad murqaan badan qofka cunaana cirkaa ayuu isku shareeraa marka uu qayilaayo murqaan dartii. Badanaa miirooga waxa lagu cunaa waddanka Kenya oo uu ka baxo, Soomaaliya iyo waddamada Yurub sida Netherlands (Holland) iyo United Kingdom (England) oo la keeno.  

3.  Saamaynta Xoolaha  

Qaadku xagga Soomaalida cunidiisu waa shay ka caadi ah oo wax xumaan ah uma arkaan. Adduunka waxa ka dhacda in khumaadaraadka kuwa ay caadada u leeyihiin sida khamriga ay u sameeyeen sharciyo xadida ama nidaamiya, sida meelo gaar ah oo lagu cabo ama lagu iibiyo, iyo wakhtiyo gaar ah oo la cabo. Waxa kale oo ay u sameeyeen qaynuun kaantaroolaya sida loo cabayo iyo da’da cabi karta inta ay tahay. Soomaalida ma jirto cid isu xilsaartay inay xakamayso ama nidaamiso qaadka. Dawladdii uu madaxda ka ahaa Siyaad Bare dhawr iyo sideetankii mar ayey isku dayday inay joojiso qaadka, hase ahaatee way u taag iyo maaro weydey, aakhirkiina faraha ayey ka qaaday, intii ka danbeysayna maalin maalinta ka danbaysa oodaha ayuu sii jabsanayey qaadka cunidiisu. Dhanka kale waxa subax walba magaalooyinka waaweyn ka daaq tegi jirey oo ka foofi jirey riyo aad u tiro badan, oo dadka magaalada deggeni ay carruurtooda u maali jireen. Riyahaasi waxay had iyo jeeraale u daaq tegi jireen dhulka miyiga ah ee magaalooyinka ku hareeraysan, waxaana daaq geyn jirey dad lacag ku qaadan jirey oo wax ma haysato u badnaa.  

Qaadku wuxuu ka mid yahay geedaha xoolaha loo baneeyey, inkastoo aad moodo inuu geedka qaadku ka duwan yahay dhirta kale ee ay xooluhu cunaan, waayo neefka bartaana wuxuu ka jecel yahay geed kasta, neefka aan hore u cunina afkaa ma geliyo.  Xooluhu haddii ay hadlayaan beri hore ayey dacwad ku soo oogi lahaayeen dadka, iyagoo odhan lahaa waxay naga qaadeen geed ka mid ah dhirtii aanu quudan jirnay. 

Colaadihii iyo abaarihii ba’naa ee Soomaaliya ka dhacay waxay sababeen in xoolihii miyigu ay magaalooyinka ku soo shubmaan kolkii uu dhulkii xaaluf noqday ama ay waayeen cid daaq geysa oo ka fogeysa halkii ay ku xeroodeen, ama sida dhacday uu dadkii miyigu hawshoodii iska nacay. Waxaan ku arkay magaalada Berbera geel iska dhex daaqaya suuqa oo sidii dameeraha kudaafadaha iyo meelaha qashinka lagu daadiyo xaabaaya. Waxa aan ku yaab gelinayn markaad aragtid riyo magaalada dhex maraya oo dadka ay isku haystaan cuntada ama sidii bisadihii hudheelada xaabaya. Reer waliba wuxuu la tabcaansan yahay rida uu haysto, waxay isu miisaami kari laayihiin rida manfaceeda iyo kharashka ku baxaya, sida cawskeeda, biyaheeda iyo ilaalinteeda. Waxa intaas dheer inay rida magaalada lagu haystaa ay maalin walba soo hoyso qaan. Qaanta ay soo hoynaysana waxa ka mid ah inay guri reer leeyahay xaddo, inay inta suuqa gasho raashin meel iska yaala oo la iibinayo soo boobto, ama ay sidoo kale hudheel gasho oo raashinka ay bililiqaysato, dabadeedna geed jiridii lagu xidho, galabtii kolka la damco in la soo xereeyana laga war helo inay dayn u xidhan tahay.  

Arrimahaa kor ku xusan oo dhami waa arrin sahlan kolka loo eego midda qaadka. Qaamahaas oo dhan si fudud ayaa looga gudi karaa, ama qaanlaha ayaaba dar Ilaahay uga saamixi kara Mayeedhaanka. Hase yeeshee waxay talo faro ka haadaysaa marka ay ridaasi jawaan qaad ah oo yar baylahay ay afka darto, isla markaana ay dhawr marduuf afka iska mariso. Dabadeedna qofkii lahaa xitaa uu inkiro inuu rida leeyahay, waayo maanta waxay gashay qaan aan la goyn karin oo ka weyn tii ay hore u geli jirtey, waxaana ridaasi ay u deldelan tahay deyn aan xitaa nafteeda haddii la iibiyo aan la bixin karin. Markaa qofkii lahaa wuxuu isku qanciyaa inaanu sheegan inuu leeyahay iyo inkale. Waxaanu ku adkaystaa bal sida uu ka yeello dhibanaha ay maalkiisii cuntay. Mar mar ayuu qofka dhibanaha ahi iska saamaxaa ridaas oo uu fiidkii iska soo daayaa, balse intooda badani way xaraystaan ama geed cidla ah ayey ku xidhaan dhawr casho ka dibna ama way iibiyaan ama way iska sii daayaan.  

Ridaasi qaanta loo qabsanayo oo keliya kuma nabad gasho hase ahaatee, mar marka qaarkood ayey iyadu noqotaa dhibane. Waxa dhacda in qof ay dhawr casho oo hore ay boobtay oo ciil hore u qabay uu arko iyadoo soo noqotay oo doonaysa inay maantana boobto dabadeed uu la beegsado nabar halis ah oo aanay ka soo kici karin si uu xanuunjiyo ridaas si aanay dib ugu soo noqon, sida inuu dhagax ku dhufto, inuu budh si naxariis darro ah ula beegsado, iyo inuu cawaro oo wax halis ah oo kaga dhiijina uu ku dhufto, sida inuu il ka soo rido oo kale. Haddaba waxa hubaal ah rida barata cunida gaarabada iyo boobidda qaadka in aanay la mid ahayn riyaha kale. Waxa ay yeelataa hamuun gorayaale, iyadoo ka dheerayn og kana sir baradan riyaha kale ee xaafadda kula nool, waxay noqotaa sida waraabaha oo kale, “ka ridaay, ka celiyaay” ayey maalin oo dhan ridaasi u heelan tahay. Waxa iigu yaab badnayd mar aan arkay ri’ qaad waalay oo ka garaabaysata xerooyinka qaadka lagu iibiyo. Ridaasi waxay hoos ordaysaa kabadhada qaadka, waxay beegsanaysaa qofkii ka yar jeesta qaadkiisa iyo ka mashquulsan ee yar bahardaadsan dabadeena way boobaysaa ilaa laga ridayo. Sidoo kale dadka dariiqa maraya ee qaadka soo iibsaday ee laalaadinaya ee aan xidhin ayey si cad oo badheedh ah u dhufsanaysaa ka dibna xawaaraha ugu dheereeya ayey ku ordaysaa. Haddaba waxa i cajab geliyey markii aan arkay meesha qaadka lagu iibiyo oo cawskii qaadka lagu soo xidhay afkaa ka taagan yahay oo aanay ridu sinaba u quudayn cawskaa qoyan balse ay ku miyir la’dahay qaadka. 

4.  Suugaanta iyo Qaadka

Abwaankii weynaa ee caanka ahaa C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) Naxariistii jano Ilaahay ha ka waraabiyee, waxa uu tiriyey gabay uu ku sheegayo inay qabyaaladda iyo qaadku yihiin labada shay ee keliya ee hortaagan inay Soomaalidu heshiiso, iyadoo wakhtigaana ay dadka soomaaliyeed qabiil qabiil u diriri jireen, isagoo arrintaa ka gabyaya wuxuu yidhi: Qayrkii ka hadhe

  • Nin qalbila quraankaw akhriyey qaaf dheh ku horaadye

  • Kutubaha sidii lagu qariray qiila aakhiro’e

  • Qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye

  • Haddii geed qalalo roobku waw qamac kaliileede

  • Dirxiga qurunku uma soo uree waabu quudsadaye

  • Qasaaraha dhexdeeda’ah haddaan layska qabanaynin

  • Qabaa’iil iyo jeeroo la naco Qaadkan lagu waashay

  • Qasdi jeeray wada yeelatoy,  qawlka ku heshiiso

  • Qabyo weeye soomaaliyey, qiiradaadanuye

Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee wuxuu ahaa C/laahi Suldaan Timacade. Oo ka hadlayey Qabyaalada iyo qaadku siday ay Soomaalida u qarbiyeen.

Dhanka soomaaliya qaadku waxa uu si caam ah ugu baahay oo qofkastaa cunay, lixdankii iyo intii ka dambeysey, wakhtigaa intii ka horreysey qaadka waxa cuni jirey waddaada oo kaliya, iyagoo odhan jirey Qur’aanka ayaanu ugu soo jeedaynaa. Waagaas lixdankii waxa soo baxay heesaha oo noocii ugu horreeyey oo loo yaqaaney balwo, waxaana badanaa la tuman jirey balwada habeenkii. Markaa qaadka halkii qur’aanka loogu soo jeedi jirey ayaa waxa loogu soo jeeday balwadii. Maanta qofka qaadka cuna waxa loo yaqaan qof balwad leh, iyadoo lagu xidhiidhinayo inuu sameeyey wax aan banaanayn.

Qaadku waxa uu ku kiciyaa dhiiga qofka cuna, sidaasi laajigeed waxa qofka ku yareeyaada; hurdada, cuntada, naxariista, dulqaadashada, degenaanshaha, xishoodka, samirka, caqiidada, runta, iimaanka iyo kharashka. Waxa kaloo uu ku yareeyaa, socodka, shaqada, firfircoonida ama nashaadka.

Tixdan waxa tiriyey abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo ka hadlayey qaadku sida uu raggii hawl gab uga dhigay, una aafeeyey firfircoonidoodii, wuxuu ku ammaanayaa dumarku inay hawshoodii ka soo baxeen oo ay hanteen quudinta ubadkooda iyo xanaanaynta dadka waaweyn.  Waxaanu Ilaahay ka baryayaa inuu haweenka ka abaal mariyo khayrka ay u galeen ummaddooda. Wuxuu yidhi:

Raggii waa saxalsan yahay
Sifihii loo raaci laa
Qof suureeyaa ma jiro
Xilqaan isma saarayaan
Maqaaxi bay siman yihiin
Munaafaqaday subkaan
Sowd beenay ku hadlayaan
Cidlay saylaynayaan
Waxay sahaminahayaan
Sagaaraan ka cabbi karin!
Hadday soo xoogsadaan
Wixii ay soo heleen
Ciyaalka ma siinayaan
Balwado silicay barteen
Sigaar iyo qaad xunoo
Malaha sixir loogu daray
Ayay kula sii socdaan
Hadhowtana waa salcaan
Masuuliyad saaran bay
Ka seexdeen oo dayacan

Haweenkii waa sondolo
Sumcaddoodaa u wayn
Ciyaalkii bay sidaan
Siqiirkay korinayaan
Waayeelkay wax siinayaan
Ilaahay baa u saqiray
Tirada boqolkee la sugo
Sagaashan waxaa ku jira
Sax howshoodii u wada
Ilaahow saatirow
Abaalmarintooda sii

Jaamac Kediye Cilmi

Hal abuur lagu magacaabo Daa’uud Xuseen Axmed ayaa waxa naga soo gaadhay maanso uu Qaadka metelayo, isagoo hal-abuurku qaadka iska dhigaya waxa uu yidhi:

Magacaygu waa qaad
Geed qadhaadh ayaan ahay
Qasaaro iyo dhib baan ahay

Ruux kastaa i qaatoo
Qoryahayga feentana
Hurdadaan ka qadaa
Qaadiraan ku reebaa
Fahdi qiimo daraniyo
Qorsho aan dhamaaneyn
Qarow baan ku beeraa
Waxna uma qabsoomaan

Qaadku waxa uu ku beeraa qofka cuna, kuna sii kiciyaa; cadhada, cayda, muranka, naxariis-darrada, nacaybka, colaada, shaxaad, tuugada, dagaalka, beenta, khiyaanada, munaafaqnimada, xanta, qabyaalada iyo faanka.

Abwaanka Abshir Nuux Faarax (Abshir Bacadle) waxa uu soo bandhigay ilaa lixdan dhibaato oo uu qaadku leeyahay; abwaanku wuxuu aaminsan yahay inuu qaadku yahay waxa qabyaaladda dhaliya, inuu qofka cuntada ka yareeyo, inuu hurdo la’aan sababo, inuu qaysaska dumiyo, inuu qofka cuna qayrul-masuul qaraabo-gaws ah ka dhigo. isagoo arrintaas ka gabyaya waxa uu yidhi:- Qaadaw adigaa leh

Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qoodha aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh

Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh

Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qudhmuun qaadow adigaa leh

Kaasi wuxuu ahaa abwaanka Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo ka hadlayey dhibaatada qaadku leeyahay.

Dhanka kale, qaadku wuxuu kulmiyaa dadka qayila oo dhan, si ay u wada sheekaystaan ama ay afkaar isu weydaarsadaan. Qaadku wuxuu faydaa xaydaabka derejo ee dadku kala sito, marka la cunayo ciddina cid kama derejo sarayso, xaajiga iyo xayraanku meel bay wada fadhiistaan, macallinka iyo ardaygu sigaarka ayey kala hanbaystaan, odayga iyo wiilkiisu mijintay kala jeexdaan, ninka iyo soddogii meel ayay ka wada sheekeeyaan, taajirka iyo faqiirkana sheekadu way isugu baxdaa, kol haddii aanu qorigaa ii dhiib ku wareerinayn. Sidoo kale, qaadka wakhtiga ayaa laysku dhaafiyaa, werwerka ayaa laysku ilowsiiyaa, qofka cunayaana raaxo ayuu dareemaa inta uu murqaansan yahay.

Salaadda

Siday abwaannadu isku raaceen qofka qaadka cunaa salaad ma tukado, haddii uu tukadana mid khushuuc leh oo wakhtigeedii joorta ma tukado, waxa taas ka marag kacaya beydad ku jira gabay uu tiriyey abwaanka Maxamed Xaaji Cali Cabdulle, oo uu leeyahay.

Khushuuc ma leh salaad nin qayilay qawda ku hayaaye
Qalana lama ogala iyo maanta waan qaadirays nahaye

abwaannada qaarkoodna waxay sheegeen inuu qaadku wakhtiga salaada waxyaabo kale ku mashquuliyo, abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) isagoo arrintaana ha hadlaaya waxa uu yidhi :-

khushuucdiyo salaadoo markaa jamac la qiimaayo
qasdigaaga oo wacan inaad qabato kuu diidye
qoryahaa dhamee iyo waxbuu kugu khilaafaaye

Furniinka (kala tagga)

Dhibaatooyinka uu qaadku leeyahay waxa ka mid ah inuu ragga inta badan ka dhigo Qayrul-musuul aan reerkiisa dhaqan karin, waxaanu colaad kala dhex abuuraa labada isqaba. Had iyo jeer ninka qayilaa reerkiisa ma daryeelo, carruurtiisa kama war hayo. Si aynu u ogaano inay dhab tahay in qaadku furniinka reeraha sabab u yahay waxaynu soo qaadanaynaa suugaanta ka hadlaysa arrintaas.

Weli qaybtani ma dhamma; wixii aad ku soo darsanaysid [Udir email Suldaan@aftahan.com ]

Allaa mahad leh

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)

Suldaan@aftahan.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 3, 2004

.CILMI BAARINS KU SAABSAN QAADKA... GUJI

.SIGAARKA IYO ABWAANADA

.2000kii IYO ARAGTIDII DADWEYNAHA EE QAADKA

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD