SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA SHIINE

Maxamuud Axmed Cabdalla
abdall02@email.franklin.edu  


Sigaarka Abwaanadu Maxay Ka Yiraahdeen?


Maxamuud Axmed Cabdalla

XAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]

April 04, 2004

abdall02@email.franklin.edu  

 

Jiiftadan sigaarka uu kaga hadlayo waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla. Sida aad ka war qabtaan in badan ayaa khasaaraha qaadku soomaalida ku hayo laga gabyey. Haddaba jiiftadan waxa si gaara loogu eegaya khasaarooyinka sigaarka. Waa wacyi gelin iyo ka waantayn dadka cabidda sigaarka. Akhris wanaagsan meel kastood joogtaan. Wixii faallo ah waa soo dhoweynaynaa.

 

  • Sigaarku belo inuu yahay

  • Aan idiin beyaanshee

  • Afkoo kaa bukhuuriyo

  • Midabkoo beddelan iyo

  • Wejigoo basaastiyo

  • Waa baahi joogta ah

  •  

  • Bedenka iyo laabtiyo

  • Sambabkuu burburiyaa

  • Bukaan culus ku beeraa

  • Baanta iyo dhuuniga

  • Cuntadaad ka baydhaa

  • Calooshuu bennedayaa

  • Shaah bayla mooyee

  • Bar anfaca ka dhaarshaa

  • Waa baahi joogta ah

  •  

  • Baakidh iyo adoo liqay

  • Buuriyo siyaadaad

  • Baryadiisa mudataa

  • Buuri fuudiddiisiyo

  • Bannaf baad ka dhaxashaa

  • Misna kama bogsootide

  • Waa baahi joogta ah

  •  

  • Baradaad ku nooshahay

  • Hoyguu ku baahaa

  • Saxadiisa buriyaa

  • Uraan ka ba’aynoo

  • Biyo lagaga maydhiyo

  • Baarafuunku bi’in Karin

  • Waa sigaar baddiisee

  • Waana baahi joogta ah

  •  

  • Waa dhaqanka booboo

  • Si kastood ku bixisaba

  • Kharashkiisu badan yahay

  • Basar xumada deynkiyo

  • Sharaf laga boqooliyo

  • Wa ba’ iyo leelleel

  • Waana baahi joogta ah

  •  

  • Boqollaal kunoo midab

  • Dhadhan kala beddelanoow

  • Dabayshoo babbanaysoo

  • Dabku bixi karaynbaad

  • Ku bidhiiqisaa qaraf

  • Baarkuu ka ololaa

  • Adigoon wax baadayn

  • Dambaskaa bar halisiyo

  • Dhaayahaaga beegoo

  • Bilcataab ma weydide

  • Waana baahi joogta ah


Abwaanka waxad kala xidhiidhi kartaan Email: mohamoud@ameritech.net  ama , abdall02@email.franklin.edu 
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2004

MAANSADA HORE

DIFAAC SUUGAANTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD