SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA SHIINE

Maxamuud Axmed Cabdalla
abdall02@email.franklin.edu  


BBC-du Daacadnimo ka Dheer II


Maxamuud Axmed Cabdalla

XAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]

July 27, 2004

abdall02@email.franklin.edu

 

Hordhac:

Marka hore salaan iga guddooma dhammaantiin. Walaalayaal markay taariikhdu ahayd February 20, 2004, ayaa lagu soo daabacay bogagga net-ka gabaygan qaybtiisii hore [Eeg: halkan]. Qaybtii hore ee gabaygan oo ahayd BBC DADKAY KALA DISHAA si aad ah ayaa loogu khushuucay. Waxan ka hellay akhristayaal fara badan, bogaadin iyo dhiirri gelin; isla markaa waxay nagu soo boorriyeen in dareenka oo la wadaagaa yahay furaha nolosha bilow aadamka. 

Gabayga qaybtiisa labaad waxu sii iftiiminayaa falalka qallafsan ee BBC-du wax u baahiso, sida daacad darrada ah ee ay wararka u dhalan dooriyaan iyo weliba ku takri falka adeeggan qaran ee iblaysku shukaanta u qabtay. Qayb labaad waxay ka hadlaysaa in ay jiraan maanta ilo ka war fiican BBC-da sida idaacadaha kale iyo shabakada internet-ka. Qaybta u dambaysaa waxay ugu dardaarmaysaa dadka xilkan dhayalsaday inaanay marna arrintaa sidaa ku soconayn, ee laga abaal marin doono haddii qarannimo dalku helo. Gebagabadii, ujeeddada gabaygani waa dhaliilid iyo turxaan bixin, cid goonni ahna loolama dan laha. Wixii faallo ah ku soo hagaaji emailka kor ku qoran. 

  • BBC daacadnimo ka dheer daa’inna ogsoone

  • Dadka maammulaa waa kuwaan doocna garanayne

  • Daliil kuugu filan beenta ay nagu dagaayaane

  • Doodaha ka baxa waa kuwaan laga digtoonaane

  • Dalkoo kala go’iyo waxay rabaan inaan dullownaaye

  • Dawgii loo asaasiyo ka tage danihii soomaale

  • Waa diirad Somaliland loogu daydayo’e

  • Waa daba-maryiyo kala fogeyn duul walaala ahe

  • Waa dacar la qooshiyo suniyo dulumka hoygiise

  • Dibnaha waxay ka sheegaan waraan dhuunta kaa degine

  • Iyagiyo dillaal xabashi iyo dooxatada waamo

  • Daabacaadda Hiiraan.com waysku derejuune

  •  

  • Afartaa digsiiyaye haddaan weliba daymooday

  • Dareenkii abwaankaan kolley diirka ka caddayne

  • Gabaybaan ku daahirinayaa waxay dedaayaane

  • Dabuubtayda soomaali-weyn daacad ugu sheega

  •  

  • Dadka waxan ogaysiinayaa halista loo duugey

  • Daluuntay qodeen iyo sirteer qiiqa lagu daahay

  • Taariikhda doc u baydhintiyo dabinka loo daadshey

  • Dafaafulidda qarankeenna iyo doorin magaceenna

  • Deyr-deyr u kala seerka iyo dooy u kala sooca

  • Warka dalabta loo yeelayee dadabka loo sheego

  • Dib arrin uga buun-buunintiyo beenta lagu deyro

  • Daaddihin qabiilaysigiyo hoos isula duulka

  • Dardar gelinta reereerka iyo duumadiyo boogta

  • Xogta laba dublaha iyo kuwuu duufsaday iblaysku

  • Xaqa dabaqu fuuliyo fidnadan dulundulcaynaysa

  • BBC damaceeda iyo daban-dabyaynteeda

  •  

  • Afartaa digsiiyaye haddaan weliba daymooday

  • Dareenkii abwaankaan kolley diirka ka caddayne

  • Gabaybaan ku daahirinayaa waxay dedaayaane

  • Dabuubtayda soomaali-weyn daacad ugu sheega

  •  

  • Horaan uga digoo tani kolley suun ku duug malehe

  • Dukaan suuq madow laga furiyo waa daleel madhane

  • Daa’imo ninkii aan ahayn horuuga daadduunye

  • Ka daboolay dhegihiisa oo loo dardaarweriye

  • Durba toban warlaliyuu heliyo ila ka doorroone

  • Darka aan wax dhaadeyninoow dunidan aan joogno

  • Waa wada dalaabaad casriya iyo deraasaade

  • Halkaa doonto adigoo ka heli warar ku deeqaaya

  • Maxaa daasaddaa laga ilbaxay idin dul gawriirshey?

  •  

  • Afartaa digsiiyaye haddaan weliba daymooday

  • Dareenkii abwaankaan kolley diirka ka caddayne

  • Gabaybaan ku daahirinayaa waxay dedaayaane

  • Dabuubtayda soomaali-weyn daacad ugu sheega 

  • Maalintaan daryeel qarnimiyo dawladnimo taabno

  • Qolaqolada laga daalo ooy dani geyeysiiso

  • Soomaalinnimo daacadiyo wada jir loo duulo

  • Dadkii kala tegiyo waaxyihii laysu wada doono

  • Oo calankii dookiga ahaa duhur cad loo saaro

  • Dabadeed cisiyo kala dambayn laysku daadihiyo

  • Ayaantaa ninkii deyn ka galay baa dacwi u yaale

  • Dagaal oogayaashiyo kuwii diley masaakiinta

  • Dirdiraha kii waday dibbaa loo maxkamadayne

  • BBC dibindaabyadiyo iyo dunuubteeda

  • Dakharada ay noo geysatiyo doogta nagu raagtey

  • Dib in looga jari waan hubaa door ay gaadhaba’e

  • Ka dillaacsha magacay ba’sheen daw-gal noqone

  • Dalkeennana mamnuuc bay ka noqon daa’in abidkeede

  • Intase waagu daalici arrini dib u hagaagayso

  • Ka danaysta yaanay idin hodin dira-dir weeyaane 


Abwaanka waxad kala xidhiidhi kartaan Email: mohamoud@ameritech.net  ama , abdall02@email.franklin.edu 
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2004

MAANSADA HORE

SIGAARKA & ABWAANADA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD