SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA SHIINE

Maxamuud Axmed Cabdalla
abdall02@email.franklin.edu  


Difaaca suugaanta iyo abwaannada


Maxamuud Axmed Cabdalla

XAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]

July 27, 2004

abdall02@email.franklin.edu   

Hordhac:

Dhammaantiinba naga guddooma salaam qaali ah. Gabaygan la magac baxay DIFAACA SUUGAANTA IYO ABWAANNADA waxa tiriyey Maxamud Axmed Cabdalla [shiine]. Gabaygu wuxu tusaale ka bixinayaa sida fool xumada ah ee dad badani u marin habaabiyeen ujeeddooyinkii suugaanta soomaaliyeed iyo abwaannadii isku hawlay suugaantaas taariikhiga ahayd hadafkoodii.

Waxa layaab noqotay, hadda oo waddankii burburay in wax kasti sidoodii ka duwan yihiin. Tusaale ahaan, xagga suugaanta, iyadoo aad looga faa’iidaystay aaladda internet-ka, ayaa qolyo badani u waabteen bogag ay ku dhantaaleen suugaantii soomaaliyeed. Bogaggaas waxay samaysteen magacyo qurux badan sida: Hoyga suugaanta, Doollo, Golkhaatumo iyo kuwa kale oo badan. Dadka bogaggan qoraa waa kuwo qabiilaystayaal ah, weliba waxayba isku qabsadaan marmarka qaarkood gabayo dalka caan ka ah inuu lahaa Salaan Carrabey, Cali Dhuux, Daadey ama, Sayidkii. Si kasta ha ahaatee, waa mid khalada in suugaanta ilaahay dadka hibada u siiyo la huwiyo magac reer. Sidoo kale, haddayba jirto in reerkaad ka dhalatay ay jiraan kuwa badan oo gabyaa, waa inaad si xaqa wax uga qorto, isla markaa aadan bara dheeraysiinin raggii iyaga ka cuslaa xagga gabayga. Bal soomaaliyeey ila eega bogaggaas. Midba siduu uu rabey ayuu ugu talax tegey ka beensheegidda taariikhda suugaanta soomaaliyeed.

Waxan ku gebagebaynaynaa faalladan, Gabaygani waxa uu iftiiminayaa hadimada qarsoon ee ay geysteen dad badani, wuxuna dadka uga digayaa inay ka feejignaadaan taariikhdaa been abuurka ah. Xaqiiqdii, qola walba maanta kuwii ugu liitey ayaa diiradda u qabtay si ay u samaystaan taariikh iyaga raalli gelisa. Ilaah baan idin ku dhaarshee nin gob ahi waxaa kuma keceene, ee soomaaliyeey dadkaa iska jira.

Wuxu yiri:

 

  • Kuwiinnaa ku habayaaqsadee, marin habawsiiyey
  • Hagar baad ka geleysaan murtida, hadalka suugaane
  • Gabaygiiba reer hebel, ayaad hibo u siiseene
  • Magacaad huwinaysaan bahdiin, waa hufiyo beene
  • Harag laba dhan loo jiidaybaad, ku hawiraysaane
  • Haaddii ka qaday baad tihiin, haybad iyo reere
  • Qola waliba hoodaale iyo, hawlkar laga beerye
  • Hooshaarna way leeyihiin, heerya cunayaale
  • Haybsooca iyo aanadiyo, hurinta baaruudda
  • Halyeybaa ka fiirsada colaad, oo hubsiimalehe
  • Hiil maalinkay taagantahay, ay fidnadu huurto
  • Hariiryaale lama haybsan jirin, fule habaas weyne
  • Halowdiisa maadhiinka iyo, meel jikre hugmaayo
  • Ragga kii hungada loo yiqiin, habar ka liiteeye
  • Haweenkiyo carruurtuu dhexdood, hoorri ku ekaaye
  • Hadaaqiisa waa lagu yiqiin, inuu halmaamaaye
  • Hawhawda faanka ah, waqiis waa habayn jiraye
  • Idinkuna hantaataca tabtiis, kama hagaagtaane
  • Haaweey dhasheedbaa qabiil, soo hadoodiliye
  • Magacii hallaysoo, abwaan heerte sharaftiise
  • Haydaaradii qaranka iyo, kala hoggii beesha
  • Habqankii u kaday baad tihiin, cadow halgaaddiise
  • Wexeeraad bog hoogaamiseen, hadimo loo waabay
  • Hoygeeda suugaanta iyo, la huwin naanaysta
  • Sheekada halbaarkeeda iyo, haarta iyo boogta
  • Hudidda iyo kala haadintiyo, hadafin taariikhda
  • Hiyigiinna sida habar dugaag, hilib ku hooshoodka
  • Hamba qaariddiyo kala hufkiyo, haari ugu boodka
  • Waa hadullayaan damicii iyo, la hadh hummaagiise
  • Huluulaha nacayb lagu hirgelin, waa halaanhalide
  • Halbacaad ku godol weeye oo, gubad ku haaneede
  • Hurgumo iyo waabay, waxaad heensateen dhacare
  • Hoodaddaamadiinniyo dhibkaba, guulle naga haye
  • Hor ilaahay idinkaa la tegi, waxad humaysaane
  • Hooliflaha iblayskaad, rafiiq ugu hagaagtaane
  • Hoy aakhiriyo duniba, wuu idin hagaayaaye
  • Hoobaaqda idinkaa ku dhici, waxad hagoogteene
  • Hagarlaawe daacada, ayaan horow digaayaaye
  • Soomaali haayir iyo tuug, haatan laga daalye
  • Hammigiin ka jara, inaannu nahay hoos u wada jeeddo


Abwaanka waxad kala xidhiidhi kartaan Email: mohamoud@ameritech.net  ama , abdall02@email.franklin.edu 
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 31, 2004

MAANSADA HORE

DOOD WANAAG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD