SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  QAADKA
Daabaco Boggan | Print


Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya

Qaranka aan Dawladda lahayn, Dumarka waxbartay waxa ay door weyn ka qaataan iibinta Geedka Daroogada ee sida fooqal-xadka ah loo Isticmaalo

  • ISHA WARKA: http://www.washingtonpost.com | Tarjumadii SomaliTalk.com | May 6, 2006

    “Haddii dalku uu weligiis noqdo caadi, waan joojinayaa (iibinta Qaadka), waxaana ku laabanayaa macallinadii,”......

    Maanta dalka Kenya waxa uu dhooofiyaa Qaad lagu qiyaasay lacag dhan $250 million sannadkiiba,.......

WAAJID, Soomaaliyaa – Ka hor intii aysan burburin dawladdii Soomaaliya sannadkii 1991, Maryan Cali waxay macallimad ka ahayd dugsi hoose halkaas oo ay maalmeheeda waqtiga ku bixin jirtey in ay casharrada  Juqraafiga iyo Xisaabta barto fasalka shanaad. Hadda waxa ay nolol maalmeedkeeda ka soo saartaa Qaadka (Jaad), kaas oo ah geed daroogo ah oo marka la ruugo dhaliya xaalad kacsan (neerfoose ah ama mirqaansan) iyo dareen marka dambe qofka ka dhigaya mid tacbaan ah /daalan oo riyo ku jira. Sidaas waxaa ku bilowday qoraal ay qortay jariidada Washington Post cadaddkeedii Axad , April 16, 2006; kaas oo ku soo baxay bogga A11.

Qoraalka (Emily Wax ee Washington Post) oo ay SomaliTalk.com soo tarjumtey waxa uu intaas ku daray:

Dumarka Soomaaliyeed ee waxbartay sida Maryan Cali ayaa ugu badan ka ganacsiga Qaadka, oo ah xirfad halkan lagana qadariyo iyo lagana caayo, waana inta yar ee ka haray fursadaha shaqo ee dhaqaalaha sii liicaya ee dalka (Soomaaliya).


Maryan Cali (bidix), oo gada Qaadka, waxay ahaan jirtey macallimad ka hor intii aysan
dhicin dawladdii Soomaaliya sannadkii 1991, Ducgsiyadii/iskooladiina waa la xiray.
(
www.washingtonpost.com | Emily Wax)

“Haddii dalku uu weligiis noqdo caadi, waan joojinayaa (iibinta Qaadka), waxaana ku laabanayaa macallinadii,” ayey tiri Maryan oo 40-jir ah, taas oo kaydkeeda ku ilaalisa AK-47, waxana ay leedahay ilig dahab ah kaas oo ay tiri waxa uu ka dhigayaa mid u muuqata “qof adag”. “Maxaa kale oo aan sameeyaa si aan u noolaano?” ayey tiri.


34-jir Qaad Cune ah waxa  uu sheegay in uu jecel yahay dareenka uu ka helo Qaadka, waxa uu ka dhigaa mid had iyo jeer soo jeeda. Calashiga ama ruugidda qaadku waxa uu noqon karaa mid bulsho ahaan ay aqbaleen wadanka aan laga aqbalin cabitaanka khamriga.
(
www.washingtonpost.com | Emily Wax)

qad qaad jaad
2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qaadka  

Soomaaliya, dalka tirada dadkiisu tahay 8 million oo ay xukumaan qabqablayaasha dagaalku, waa dalka adduunka ugu isticmaalka badan Qaadka, sida ay sheegeen cilmi baarisyo. Da’yarta Soomaaliyeed oo ay cabsida geliyeen rabshadaha, kuna soo barbaaray qawaaniin la’aan, waxa ay yiraahdeen Boqorka Qaadka (King Khat) ama mucjisada Miraa, oo ah magaca daroogadan loo yaqaan, in ay ka caawiyaan yaraynta xanuunka.

Cilmibaarisyadu waxa ay ku qiyaaseen in boqolkiiba 75% ay raga qaangaarka ah (ee Soomaaliyeed) ay isticmaalaan daroogadaas (Qaadka). Magaalo kasta waxa ay leedahay qol loogu talo galay Qaadka, halkaas oo raggu gabran yihiin saacado badan iyagoo dhegeysanaya Muusik aad u cod dheer oo calashanaya caleenta cagaaran oo ay ka kasoo dheecaameyso calyadu (candhuufta), kuna lingaxmaya ama ku dhegaya ilkahooda dhexdooda.

Isticmaalka Aalkolada iyo badanaa isticmaalka daroogadu ma ahan mid dhaqan ahaan laga aqbalo wadankan Muslimka ah (Soomaaliya), laakiin calashiga iyo ka ganacsiga Qaadka waxaa loo tix geliyaa arrin ciiro am ama mugdi ku jiro. Sidaas daraadeed Maryan Cali, oo ah hooyo 10 carruur ah leh, waxay dhex mukhuuratay ganacsiga daroogadan , taas oo ay tiri waxay suurtagal uga dhigtay in ay hesho lacag iyo in ay daacad u noqoto falsafada Soomaalida ee ah isku xirnaanta qabiilka: “Isku soo xoori oo arrintu waa Quudi, oo Difaac.”

Qaadku mamnuuc kama aha wadama badan oo ku yaal Afrikada ka hooseysa Saxaraha, waxana laga adeegsadaa guud ahaan Afrikada Bari iyo qayb ka mid ah Bariga Dhexe, gaar ahaan Yemen. Waxa uu mamnuuc ka yahay dhawr dal oo Afrika ah, sida Tanzania iyo Eritrea, sidoo kale waxa uu mamnuuc ka yahay  Maraykanka iyo Yurub.

Sannadkii 1980 ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka (ee loo soo gaabiyo WHO) waxa uu Qaadka u aqoonsaday daroogo aan qofku ka fuqi-karin ama iska deyn karayn, xilligaas ayaa hoggaamiyayaashii Geeska Afrika waxay u ololeeyeen ka soo horjeedsiga (Qaadka), iyagoo dhehaya isticmaalka badan ee Qaadku waxa uu dhaliyey Furriin badan, dumarka oo la garaacyo, iyo shaqo lumid. Dalka Soomaaliya dadka kasoo horjeeda dabeecadan qaranka ee faraha ka baxday waxa ay yiraahdeen in ragga isticmaala daroogada Jaadka waxa ay dayacaan qoysaskooda iyagoo lacag aad u farabadan iyo waqti ku bixinaya (Qaadka).

Qaadku waa uu aad uga baxaa (ama ku kobcay) dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo beeraleydu ay bilaabeen in ay xididada u siibaan dhirta Qaxwaha (Coffee) oo ay booskaas ku beeraan caleenta cagaaran (ee Qaadka) markaas oo uu hoos u dhac ku yimid suuqa Qaxwaha sannadadii sagaashanaadkii iyo labadakun. Maanta dalka Kenya waxa uu dhooofiyaa Qaad lagu qiyaasay lacag dhan $250 million sannadkiiba, kaas oo ka badan ama ka kor maray lacagta ay Kenya ka hesho caleenta Shaaha oo ah dalag lacag badani ka soo gasho dalka Kenya, sidaas waxaa laga soo xigtey dawladda Kenya.

Maalin kasta waxaa labada garoon ee ugu weyn Nairobi ka duula dersin diyaarado ah oo sida jawaano uu ka buuxo Qaad oo usii jeeda Soomaaliya lacagta ay (Kenya ka hesho) waxaa lagu qiyaasay $300,000 maalintiiba, sida ay sheegtay hay’adda Qaranka Kenya ee u ololeysa kasoo horjeesiga Daroogada sida xun loo adeegsado.

Sida Tubaakada iyo Alkolada, ayaa Qaadku waxa uu yahay ganacsi ay wadaan dad aad u xoog weyn.

Qabqablayaasha dagaalka ayaa xakuma ganacsiga Qaadka, lacagata kasoo baxdana waxa ay ku iibsadaan hub, taas oo u ogolaaneysa in ay sii haystaan xukunka qaybohooda dagaalka ee kala qoqoban, sidaas waxaa laga soo xigtey warbixin ay sannadkii 2003 Soomaaliya ka soo saareen koox khubaro ah oo ah Qaramada Midoobey.

“Dhawr ka mid ah kooxaha waaweyn iyo maamulada ayaa waxa ay si toos ah saami ugu leeyihiin ganacsiga, iyagoo sii maraya ku xirnaanta kuwo Qaadka soo waarida ama dalka soo geliya, ama cashuur laga qaado marka uu dalka soo gelayo (Qaadku).” Sida ay sheegtay warbixintu.

Calashiga/Ruugidda Qaadku waxa ay yaraysaa rabitaanka cuntada. Waxana uu muddo dheer ahaa dabeecada dadka magaalooyinka deggan, badanaa dadka beeraleyda ah waa kuwo aad fakhri u ah oo aan iibsan Karin, laakiin dadka u shaqeeya hay’adda gargaarka aadamino waxa ay sheegeen in ragga ka yimaada beeraha ee u soo guura magaalooyinka in ay bilaabeen isticmaalka geedka waqtiga lagu dilo, iyagoo lacag amaahanaya si ay ugu kabaan dabeecadaas.

“Kulan kasta oo aan la yeelano Jaaliyadda Soomaaliyeed, waxaa lagu xusaa in uu yahay (Qaadku) dhibaatada ugu weyn ee kasii dareysa,” sidaas waxaa yiri Regine Kopplow, oo ah sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey qaybta u qaabisan nafaqada caafimaad ee Carruurta ee Soomaaliya. “Dadku ma garanayaan wax laga sameeyo arrintan. Waxaa jirta Abaar. Waxaa jira dareen la xiriira ammaanka. Waxaa jira buufis (qulub) xaqiiqo ah. Waxay ku dambeynesaa in ay dhibaato gaarsiiyaan carruurtooda, kuwaas oo waayaaya iskuul iyo cunto.”

Maryan Cali waxa shixnadeeda Qaadka maalin kasta ka heshaa qabqablaha dagaalka ee qabiilkeeda, oo ah mid ka mid ah labada xakuma Qaadka Waajid, oo ah magaalo habaas leh oo 200 miles woqooyi-galbeed ka xigta caasimada Muqdisho, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u farabadan abaarta awgeed.

“Ma arko jid kale oo ka wanaagsan,” ayey ku tiri cod xabeeb leh iyadoo hab saf ahaan ah ula fadhida dumar kale oo ka ganacsada Qaadka iyagoo hoos fadhiya suuqa saqafkiisa laga sameeyey cooshadda.

Iyadoo ay dumarku suulasha ku tirinayaan lacagta caddaanka ah, Maryan waxa ay haysaa caleemo cusub iyo laamo qoyan oo ku jira jawaanno dhabta u saran. Waa ay kala furtay, iskuna xirtay si ay u tusto kuwa iibsanaya, waa sidii iyadoo soo bandhigeysa dahab qaali ah. Qaadkeeda ugu wanaagsan waxaa la iibiyaa $15 xirmadiiba. Sida caadiga ah waxay maalintiiba iibisaa 20 xirmo, taas oo ay lacagta ka qaadato boqolkiiba 20% oo faa’iido ah, taas oo ah lacag aad u badan meesha ay dadku ku noolaadaan wax ka yar $1 doolar maalintiiba.

“Waxaan dareemaa mararka qaarkood in tani ay tahay ciqaab,” ayey tiri iyada oo salaaxeysa dhafoorkeeda. “Qaraabadaydu waxay mar kasta igu yiraahdaan faraha kala bax (iibinta Qaadka), laakiin taas ma awoodo.”

SIDA REER PUNTLAND LOO SIRAY

Dawladda Itoobiya xaq miyaa in  khayraadka soomaaliyeed ay daldalato kuna bedelato Maandooriyaha cagaaran ee Qaadka ! 
CARRUURTA KU DAYACAN BOOSAASO

Caruurta ku Dayacan Wadooyinka.. Guji...

Maryan Cali safarkeeda dheer ee ay ku timid suuqa karaya ee Waajid waxa ka horreeyey dhacdooyinka hoobashada dalkeeda. Waxay ku dhalatey Woqooyiga Soomaaliya, laakiin aabaheed oo ahaa sarkaal sare oo askari ah, ayaa qoyska u soo raray magaalada Waajid. Waxay noqotay macallimad, waxana ay ismehersadeen nin ay macallin wada ahaayeen.

“Waxaan jeclahay in aan derso carruurta, si aad u aragtid sida looga baran karo dabeecadaha kala duwan ee bini’aadamka,” ayey tiri. “Qaar carruuta ah waa faraxsanaayeen, qaarna ma faraxsanayn. Xaqiiqadii taasi waxa ay iga caawisay shaqadaan Qaadka. Waxaa waajib kugu ah in aad markasta dadka u kuur gashid ama firiisid dabeecadoodu sida ay tahay.”

Markii Maxamed Siyaad Barre la saaray 1991, qabqablayaasha dagaalku waxa ay bilaabeen in ay googooyaan dalka, iskuuladiina la xiro, si degdeg ah ayaa markaas Maryan u noqotay shaqo la’aan.

Iyada iyo dumar kale oo ay garaneyso waxa ay galeen “shaqo kasta oo aan heli karno, Qaad ayeyna ahayd. Waxana ay u muuqataa in ay dhaanto intii aan noqon lahayn kuwo dagaalamaya ama qaadanaya cunto deeq ah oo gacanta loogu ridayo. Waxaan ahaa qof waxbaratay; taasna ma samayn Karin.”

Ninkeedu waxa uu dhex muquurtay Qulub (ama Buufis), shaqona ma heli karin, ayey tiri. “Ninku waa shaqo la’aan (baagamuundo), gebi ahaanba aan wax shaqo hayn, oh...., anagoo dumar ah maxaan samayn karnaa?, ayey tiri, waxana ay isku garaacday labadeeda gacmood, kaddibna waxa ay fiirisay dumarka kale ee suuqa. “Raggu waxa keliya oo ay garanamayaan waa dagaalka, iyo dhimashada. Dumarka Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay noqdaan kuwo keenaya quutul-qaalibka (ama nolol maalmeedka qoyska).”

Waxa ay (Maryan) sheegtay in aysan weligeed Qaad calashan/ruugin ama cunin, waxa keliya oo ay ka qaadataa lacagta caddaanka ah, waxana ay isku daydaa in ay ahaato “daacada uu noqon karo qof Qaad-wale ah,” taas oo macneheedu yahay weligeed ma iibiso Qaad baarixi ah, waxana ay ka dabooshaa fallaaraha cadceeda, ayey tiri. Laakiin in kasta oo ay sidaas tahay, mararka qaarkood shaqadeedu waa mid aad halis u ah, oo aan la saadaalin karin sida dalka iyada ku xeeran.

Bishii December, niman hubaysan ayaa ka dhacay Qaad qiimihiisu ahaa qiyaastii $3,000, iyagoo rasaasta circa u ridayey, markii dambena cagaheeda ku ridey rasaasta. Waxa ay tiri: waxaan u maleeyey in la i dilayo.

Waxa ay aad uga calool xumaataa marka ay aragto dad badan oo beeraley ah oo u soo guuraya magaalada iyo xeradan qaabka daran, halkaas oo ay ka helayaan guryo laga sameeyey ulo iyo calal si ay uga helaan kulayl gaaraya 115 derejo. Qaar ka mid ah dumarka baadiyaha ayaa iyada weydiistey shaqo. Laakiin waa u diidey badanaa dadka.

“Waxa ay ku celcelinayaan, ‘fadlan i sii kilo (Jaaad ah) oo aan sii iibiyo, inaa ogolow in aan lacagteeda ku siiyo hadhow marka roobku da’o,” ayey tiri. “Laakiin waxaa waajib igu ah in aan taxadaro. Haddii kale, dhibaatadani waxay noqoneysaa mid faraha ka baxda.”

Aamina Saman Maxamed, oo 37-jir ah, waxay sidoo kale ahaan jirtey macallimad, waxana ay hadda ka shaqaysaa Maryan Cali dhinaceeda ee geeska Qaadka ee suuqa Waajid. Waxa ay shaqadii macallimada joojisey sannadkii 1991, waxa ay markiiba bilowday iibinta (Qaadka) sababtoo ah, ayey tiri, “Waxaan lahaa siddeed carruur ah, iskuuladiina waa la xiray. Majirin fursad kale oo ii furnayd, mana haysan lacag ku filan cuntada.”

Iyada iyo Maryan Cali badanaa waxay ka wada hadlaan riyadooda ah in ay ku laabtaan macallinimadii.

::: AUSTRALIA & QAADKA :::


Ragga Soomaaliyeed oo xaasaskooda ku dayaca ruugida Qaadka... Guji

:::MAMNUUCIDA QAADKA:::
Britain oo Mamnuucaysa Qaadka: Akhri Qaadka iyo London

“Tani waa dhibaatada ugu weyn ee noloshanada: Taas oo ah in aysan weligeed jirin isbedel dhab ah, waxaana ku xannibanay kala hufida caleemahan,” ayey tir Aamina. “Taasi waa hab nololeedka Soomaaliya.”

Isha: http://www.washingtonpost.com | Tarjumadii SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2005


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...


2002: Qaadka oo Kusoo Qulqulaya Ameerika

2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qaadka  


KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD