SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Dawladda Itoobiya xaq ma  u Leedahay in Gobal ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya ay la gasho heshiis caalamiya ?

Dawladda Itoobiya xaq miyaa in  khayraadka soomaaliyeed ay daldalato kuna bedelato Maandooriyaha cagaaran ee Qaadka ! 

SIDA REER PUNTLAND LOO SIRAY
CARRUURTA KU DAYACAN BOOSAASO

Caruurta ku Dayacan Wadooyinka.. Guji...

Tan iyo qaran jabkii Soomaaliyeed horaantii sanadkii 1991kii, wadanka Itoobiya oo helay fursad qaaliya oo soo marta, maadaama ay cadowgoodii koowaad uu burburay, waxay si toosa iyo si dad badanba faraha ugula jirtay ummadda Soomaaliyeed ee aafeeysay cudurka aan dawada lahayn ee QABYAALADDU. Balse maamulka uu hormuudka ka yahay Meles Senaawi markii indhaha caalamku ku soo jeestaan wuu inkiri jiray oo waxwalba soomaalida dhexdeeduu ku tilmaami jiray inkastoo wax kajiraan haddana maamulkaasi waxaan shaki ku jirin in aabbo ka yahay dhiiladaas.

14 kii sano ee la soo dhaafay maamulka Meles Senaawi wuxuu la wareegay deegaano badan oo ku yaala xuduudii awalba laga muransanaa ee dhankii Jamhhuuriaydii soomaaliya soo xigsanaa. Magaalooyin badan oo xuduudda dheer ku yaalay oo calankii buluugga ahaa ka babanayay waxaa maanta ka lulmanaya calanka wadanka Itoobiya waxaana si toosa u xukuma maamulka ka dhisan Addis-ababa, waxaana adkaan doonta mustaqbalka haddii dawlad adag la helo sidii gacanta Itoobiya looga bixin lahaa magaalooyinkaas oo waxaan shaki ku jirin inay khariidad cusub  la imaan doonto Itoobiya oo dhul teedsan xuduudda oo doqoni magarato ah maanta ay isasiisay xukuumadda u baarqabka ka yahay Meles Senawi.

Dhiiladdii ugu xumayd waxay dhacday Asbuucan horaantiisii ka dib markii dawladda Itoobiya ay si bareer ah u shaacisay  inay heshiis la gashay maamulka Puntland oo ay la saxiixatay heshiis caalamiya oo qeexitaankiisii saxaafadda laga dheehday. Su'aalaha maanta Itoobiya horyaal xagga shuruucda caalamiga waxaa weeye sharciga baneenaya in dowladda itoobiya ay heshiis la geli karto gobal ka mid ah dhulwaynaha soomaaliyeed. Qaanuunka caalamiga ah waxaa weeye dawlad qaran dhiggeeda kale ayaa heshiis la geli kara. Maamulka punt-land waxaa dhiggiisa ah maamulka ka dhisan Jigjiga ee kilinka shanaad, waxaana la ogyahay madaweynaha qoomiyadda soomaaliyeed ee kilinka shanaad iska daa heshiis uu la gaaro wadamo shisheeyee fasax hadduuna ka haysan dawladda dhexe inuuna safrin karin. Maamulka Addis-ababana waxaa dhigooda ah maamulkii laga dhidbo dalka soomaaliya, wixii intaas ka soo hara waa bililiqo aan geed loogu soo gaban oo ay wado xukuumadda meles Senaawi.


Zenawi (Itoobiya)

Shacabka laga gaday cudurka

Gen. Cadde (PL)
Shacabka deggan Gobolaad Woqooyi bari ee Soomaaliya ma ku baraarugsan yihiin heshiiskaas Qaadka cudurku ku hoos jiro looga bedelanayo khayraadkooda, mase lagala tashaday arintaas, mase shacabku taloba maleh, malaha dawlada Gen. Cadde Muuse waxay la mid tahay tii uu bedeley oo wax looma sheegi karo!

Itoobiya waxaa mustaqbalka sugaya dacawado badan oo ay ka gashay dadka soomaaliyeed ee ay ku habsatay masiibadu. waxaa sugaya hubkii iyo miinadii ay ku soo daldalaysay 14kii sano ee la soo dhaafay ee galaaftay kumanaal muwaadiniin soomaaliyeed ah, waxaa sugaya kala qaybinta iyo cad cad u goynta ay ku hayso jamhuuriyadii soomaaliyeed, waxaa sugaya qabqablayaashii ay soomaaliya kusoo hogaaminaysay dhibkay gaysteen, waxaa sugaya dadkii ay soo dirsatay ee mu'maraadka ku sameeyay culumo badan oo la khaarjiyay. Maantana waxay dafirtaba waxay qiratay oo saxiixday inay boobayso khayraadkii dalka soomaaliya iyadoo sheegtay in maamul gobaleed heshiis la gaadhay, kuna quusinaysa kuwii lalahaa gacansaar bay lahaayeen oo xisbigeedii SRRC oo u badan dawlada aan wali caga dhigan ee lagu dhisay Nayroobi. Itoobiya adduunka maanta waxay ku soo kordhisay sharci cusub oo aan waligii la maqal oo ah in dal la aqoonsanayahay xudduudiisii caalamiga ah la iska geli karo oo intii la rabo lagoosan karo. 

   Cawska Sumaysan oo lagu badelanyo Aargosatada adduunka dheemanka ka ah


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Nuxurka heshiiska oo dhan waxuu ahaa shirkad ka ganacsata Qaadka oo la rabo in saro loo qaado oo la sahlo tashiilaad dheeriyana la siiyo sidii Qaad tiro badan Itoobiya looga qaadan lahaa bedelkeediina ay Itoobiya ka qaadato dhankaas Kalluunka, Aargoosatada, iyo milixda ku darsoo dekadaha Boosaaso iyo marsada Garacdna ay siday rabto u maamulato.

Qaadka oo ah nooc ka mid maandooriyaha adduunka mamnuuca ka ah, waxay ahayd in sidii loola dagaalami lahaa oo loo yarayn lahaa diiradda la saaro ee ma-ahayn in la dardargeliyo sidii loo soo daabuli lahaa, waxay ahayd in xitaa haddii la awoodi kari waayay in la joojiyo in canshuur xad-dhaaf ah la saaro, isla markaana Ganacsadihii ka shaqeeya aan la dhiiri gelin oo loo aqoonsado cadow wadanka sun u walaaqaya. Nasiib daro kuwa masuuliyiinta sheeganaya ee leh Maamulka Addis-ababa ayaan heshiis la galnay, waxay bedelkeedii suntaas cagaaran ku bedelanayaan khayraadkii ugu qaalisanaa dalka soomaaliyeed ee kaluunkii ,Aargoosatadii ,Milixdii iyo waliba geed udugii Maydiga.

Dawlad haddaad sheeganaysid waajibaadka kaa saaran dadkaaga, waxaa ugu horeeya inaad ilaaliso caafimaadkooda, waxbarashadooda, nabdgelyadooda iyo khayraadkooda, waxaana ognahay Qaadku intaba inuu col u yahay oo caafimaad xumo, saaqidnimo waxbarasho iyo xasilooni daro uu kow ka yahay. Eeg Sigaarka oo aan maandooriye lagu sheegin adduunka sida loola dagaalamo oo canshuurtiisa cirka loo saaro, looguna qoro baraarujin loola dan leeyahay in laga fogaado. maamulka Punt-landna waxay xayaysiin iyo faan moodeen in Itoobiya qoraal lala saxiixdo kaasoo ah mindidaad lagugu gowrici lahaa oo aad u dhiibtay cadowgaagii koowaad.

Mele Senewi talaabo kastuu qaado, waa wax u daran ummadda soomaaliyeed, waxuu noqday dacawo wan heshay oo maalin cad goosanaysa. Meles Senaawi daraad baradii Soomaaliya ayuu ruqdsaday oo Hargaysa waa looga heesaa,shalay lug ayuu la kacay oo Gedo iyo Ceelberde calankiisi libaaxa ahaa baa ka babanaya. Maantana calooshii ayuu la baxay oo Boosaaso iyo Garacad Suncagaaran ayuu ku gatay. Tolow berina madaxa ma ruqsan doonaa oo Xamar manoogu imaanayaa !!!!!!!!?. 

AKHRI: Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka

Cabdi Xasan  Somalitalk.Com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2005

KHAYRAADKA DHEX JIIFA SOOMAALIYA.... GUJI...


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD