SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  GURMAD

Caruurta ku Dayacan Waddooyinka oo soo Kordhaya.

Waxaa ku soo badanayay guud ahaan Soomaaliya Caruurta Wadooyinka ee Jiifata Darbiyada ama wax ka cunta meelaha Qashinka lagu soo qubo oo qaarkood aad arkayso iyagoo isticmaalaya daroogooyin ka tan badan sida Koolada 99-ka layiraahdo oo ay Nuugahayaan, xashiishada nooca Murjuwaanka la yiraahdo oo sida Sigaarka loo isticmaalo, qaarkoodna markaan wax ka waydiiyay in ay Cabaan Qamriga ayay ii sheegeen hadii ay helaan Lacag ku filan ay fursad u helaan.


Caruurta oo Qashinka ka doonanaysa waxay Cunaan, Booasaaso, Soomaaliya

....Xeebtii ayaa u muuqata, haddii malaha loo samayn lahaa laash ama huuri ama sixiimad loogu kalluumeeyo!!!!!!

Caruurtaa oo aan haysan wax daryeel ah ayaa ku dayacan wadooyinka iyo Darbiyada ayagoo marka ay waynaadaan badankood qaata Qoriga Dagaal huriyayaasha la shaqeeya, Caruurtaa oo guud ahaan Soomaaliya Gobolo ka mida mar aan socdaal ku maraayey magaalooyinka waaweyn qaarkood ayaa waxaa aad ii damqay dhibka ay ku jiraan Caruurtaa, aydoo Qofwalba Hanuunkiisa uu hayo Illaahay, Caruurtaa ayaa iyagu ah kuwo aan daryeel ka helin Bulshada ay la nool yihiin badankood.


Caruurta oo ka Doonanaya Waxay Cunaan Qashinka la soo Qubo, Bosaso

Carruurtani ma haystaan cid daryeesha, mana garanayaan meel ay u ciirsadaan oo aan ka ahayn goobaha qashin qubka


Caruurta ku dayac wadooyinka oo qaarkood nuugaya Koolada 99 ka, Bosaso

...Carruurtani ma ganaaayaan halista ay leedahay daroogadaasi


Caruurta ku dayacan wadooyinka Boosaaso mid kamida oo koola Dhuuqaya

Sambabkiisa ayuu ka buuxinaya sun uusan garanayn halisteeda....

Waxaa xusid mudan oo aan arkay mar aan tagay Hargeysa Ururka Dhalinyarada HAVAYKO oo ay wadaan Dhalinyaro isku tagtay ayaa Daryeel u samayay Caruur aad u fara badan oo ay waxbarashadooda, Raashinkooda iyo Jiifba u sameeyeen iyagoo ii sheegay in ka helaan gacan Hay'ado kale oo Caalamiya oo ka mid yihiin UNICEF.  Dhanka kale mar aan booqasho ku weheliyay Mas'uuliyin Ururka YODA oo ah Ururka Horumarka Dhalinyarada xaruntiisu tahay Boosaaso ayaa Gacanta ku haya Iskool ay dhigtaan Arday ka mida Dadka soo bara kacay ee ka yimid Koonfurta Soomaaliya, Iskoolkaa oo ku yaal Xaafada Boqolka Buush laguna magacaabo, DARYEEL ayaa waxa Dhigta Arday aad u Da,yar oo ugu badanaan ah Caruurta Waalidkood marka ay waayaan waxa ay siiyaan iyo Iskool ay ku bixiyaan Lacag dayaca, kadibna noqda Caruurta ku dayacan Wadooyinka.

Bahda SomaliTalk.com waxay bulshada Soomaaliyeed gebi ahaanteed ku baraarujinayaan in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban ay dhumi doonaan laba fac (ama labo Jiil) oo Soomaali ah, kuwaas oo noqon doona qayb ku talfa goobaha qashinka macaluul iyo dacdarro awgeed, iyo qayb noqon doonaan kuwo aan waxna qorin waxna akhrin oo seega waxbarahada asaasiga ah, arintaas oo halis weyn ku ah jiritaanka mujtaaca Soomaaliyeed qarnigan 21aad.

Barnaamijka Gurmad waxaa isku soo dubarida:
C/fatax Jaamac | SomaliTalk.com | Boosaaso
Email: somalitalkpl@yahoo.com

LINK: www.Somalitalk.com/gurmad

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD