SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIRIB TIRKA QAADKA
Daabaco Boggan | Print

 

QAADKA OO DHIBAATO BA'AN KU HAYO JAALIYADA SOMAALIYEED OO AUSTRALIA.

Qofka ama ruuxa dhaqanka uu leeyahay marnaba kama tago oo dhaxal oo kale ayuu uyahay. Taas waxa ay lamid tahay in cunista qaadka uu noqday dhaqan lagu yaqaano in badan oo Soomaalida ah oo meel walba ay joogaan ayna ka maarmin in ay helaan caleentaas.   Wadanka Australia oo nasiib wanaag ama nasiib darro kay rabto ha ahaatee uu kabaxo qaadka ayaa waxaa u sahlanaatay intii kabixin jiraty lacag una huri jiray shilinkooda qaad ay heleen mid bilaash ah inkasta oo uunan qaadku kabixin wadanka oo dhan ee uu kabaxo meelo gaar ah oo kamid ah wadanka.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool wadanka Australia ayaa waxaa baryahan ku soo badanayay dhibaatooyin kadhax abuurmay qoysas badan oo soomaali ah dhibatooyinkaas oo salka ku hayo  cunida qaadka.  Waxaa dumay guryo badan oo is haystan dhib kana uu keenay qaadka hadaba sabata keentay in ay dumaan guryahaas iyo gunta ama salka arinta ayaa waxaa aan raadiyay baadi goob iyo in aan wax ka ogaado sida arinta ay wax uga jiraan.

qad qaad jaad
Ruugidda Qaadka iyo Soomaalida London, UK
khat

Gabaygii: Qaadaw Adigaa leh
 "Abshir Bacadle"


KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 


"waxaa dalka England si joogto u yimaada qaadka ka yimaada dalka Kenya. Waxaa dhacda iyadoo uu qofka shaqeenaya oo xagga hoose ku sito laamo qaad ah. Tusaale ahaan mar aan booqday daarta Bush House ee ku taalla idaacadda BBC-da laanta qabyta af soomaaliga ayaa waxaan ku arkay qaar ka mid ah shaqaalihii BBC-da ee soomaalida oo laamo qaad ah ku cunayay xafiiska. Waxaan is iri, warku maba sheegaan haddaan la ruugin bahalkaas laayay kumanaan kun oo soomaaliyeed. Ibraahim Saalax [August 4, 2001]


Soomaaliyeey Qaadku Waa Daroogo Halkan - Ameerika


Qaadka vs Suugaanta

Waxaa baaritaankii ii soo baxay sidatan:

Qaadka waxaa cadaatay in uu dhibaato u keenay guryo badan oo soomaali ah ayada oo aan markii aan baaritaanka kujiray ay ii sheegeen dadbadan ama qooysas badan oo soomaali ah oo ii sheegeen in ay maalinba maalinta kadanbeeysa arkayaan reer burburaya.

Reer ama hooyo soomaaliyeed ayaa tilmaantay waxa ugu wacan ama mushkilada ayada oo hadalkeeda kubiloowday sidatan " Qaadka ninka Soomaaliyeed ha cuno laakiin reerkiisa waa inuu dhaqdaa oo uu kawarqabaa, Qaadka wuxuu kanoqday halkan ama Australia sidii Soomaaliya oo kale waxaa dhacday in rag badan ay u soo jeesteen shilinkii yaraa ee reerka lasiinayay in ay wax ku iibsadaan qaadka taas oo aan ahayn mid la aqbali karo, waa sida ay hooyadaas tilmaantay ayada oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxa ay tiri" Wadankeenii lama shaqayn jirin oo shaqo majirin oo ninku meelahaas ayuu wax karaadsan jiray oo shaxaad iyo qaraabsi ayaa lagu noolaa caleentana waa lacuni jiray, Halkan way kaduwan tahay waxaan nimid wadan kaduwan iyo nolol kale marka ma ah in qoyska ama reerka soomaaliyeed uu marwalba noqdo mid khilaaf iyo mashaakil kunool."

" Saad lasocotid qaadka wuxuu kabaxaa meelo kamid ah wadanka marka intii ay rag kasoo guraan meelahaas ayay ka i ibinayaan inta kale marka kii aan lacag haysanin ama shaqaysanin hadee reerkii ayuu dib ugu soo laabanayaa oo uu leeyahay naa bal keen wax aan baabuurka ku soo hagaajisto asaga oo been u sheegayo reerkii laakiin ku soo iibsanayo qaad." " Marka bur bur ayaa halkaas kayimid waa sida ay tilmaantay hooyadaas.

Aniga oo dhagta ku hayo hadalka hooyadaa ayaa waxaan waraystay qayb kamid rag dhallin yaro ayaga oo ii sheegay in uu qaadka uu baryahan noqday qaali oo ay ii sheegeen qaadka waxaa laga soo guraa gobolo kale marka soomaalida kale ee dagan gobolada kale ayaa loo sii diraa oo baacyac muushtar ayuu noqday marka hadee waa saas ayaya igu yiraaheen. Anoo  su'aal way diiyay ayaan waxaan iri " Soo ma wanaagsana in aan iska daayno bahalkaas oo aan usoo jeedsano korinta ilamheena iyo noolasheena? jawaab aan ku qanco kama helin dhalin yaradii .

Dhibaatada intaas kawayn oo ii soo baxday markii aan u kuur galay wax ay ahayd midan
"Waxaa soo baxday in ay qoysas badan oo soomaali ah ay dumaan kabacdi markii ay yaraatay xiriirka qoyskii ama aabihii iyo reerkiisii ayada oo ay ragu ubadan yihiin in shaqaysa ayaa waxaa shaqadii ay noqotay wadida tagsiga ayada oo uu habeenkii oo dhan wado tagsigaa malintiina uu hurdo inta habeenkii uu wadana uu saacado kabixiyo oo uu qayilaad u aado meel kale.

Hooyadii ayaa reerkii kaligeed kunoqotay, hooyo soomaaliyeed oo codsatay in aan magaceeda labaahin ayaa ii sheegtay sidatan "Ilaahay ayaa nagu og waan rafaadsanahay aniga ayaa ilmama iskuulka geeyo, aniga ayaa iskuulka kasoo qaado, anigaa dhakhtarka geeyo, aniga ayaa kawarqabo marka aabihiis kama warqabo marka mas'uul maladhihi karaa qofka saas oo kale ah ayaay tiri hooyadaas."

"Salaada subax marka aan u kaco ayaan toosiyaa ilmihii, Quraac ayaan udiyaariyaa , Iskuulka ayaan usiiqaadaa, waan soo noqdaa, suuqa ayaan wax kasoo gataa, waan soo noqdaa ilmihii ayaa  marlabaad iskuulkii kasoo qaadaa, intaas aabihii waa iska hurdaa oo xalay oo dhan ayuu qaad iyo tagsi raacdeennayay" ayey tiri. "Waxaa looga baahan yahay raga soomaaliyeed in ay noqdaan mas'uul oo ayna marwalba u dhaqmin sidii wadankeenii looga dhaqmi jiray. noolasha wadamadan waa mid dhibaato badan oo reerkii dumaa way adag tahay in ay markale dhismaan marka waxaan aniga eeda dusha kasaarayaa raga soomaaliyeed" ayay kusoo gaba gabeeysay hadalkeedii hooyadaa oo ii waramaysay.

Gaba gabadii waxaa intii aan kujiray baaritaankii raadka uu qaadku ku leeyahay Soomaalida Australia ii soo baxaday oo aan ogaaday in burbur iyo dhibaato badan uu ukeenay  qaadka qoysas badan oo Soomaali ah laakiin mida meesha kujirta ay tahay goorma ayuu kawaansami doonaa qofka soomaaliyeed ee meherad kadhigtay cunida caleentaas? Ma masuul baa ninka  inuu burburo reerkiisii kadoortay caleentaas, si walbaba ha haatee arinta waxaa cad in uuna qaadku  dhibaato kaliya ku haynin soomaalida gudaha wadankii kunool oo kaliye ee uu qaadku saameeyay meelwalba dhibaato iyo mashaakil uu ku dhax abuuray guryo badan oo soomaaliyeed.

Mohamed wali (xiish)
xiish3@hotmail.com
Australia. 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2005

Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah (alkaloid) oo laga soo dhex saari karo qaadka, taas oo meelaha qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk. Cilmi baaris Qaadka ku saasban.. GUJI

KhatQaadku qofka wuxuu ka dhigaa sidii wax soo jeeda, oo debecsan oo hadal badan, oo aan cunto u baahnay. Halistiisana waxa kamid ah in qofku dareemo in uusan la'aanta Qaadka waxba qabsan karin, in uu afka dhib u geysto oo xataa uu sababi karo Cancerka afka, Waxa kale oo uu keeni karaa wadne xanuun. Dadka mudada dheer cuna Qaadka waxay u dhow yihiin waalli iyo in jeel majnuunka la geeyo, sidaas waxaa qortay jariirad ka soo baxda Ingiriiska oo halista Qaadka u uga digeysey dadkeeda.
ISHA: www.connexionsinsheffield.org.uk


Khat, Catha edulis, being sold in Africa
photo Thomas Goisque
Xiriirka ka dhexeeya Qaadka iyo AIDS..


Qaadka & Suugaanta

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka

Aflaanta anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA.  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD