SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TALO
Daabaco Boggan | Print


Sheriff: Qaadku waa daroogo; Sheekha Xerta: waa Quud Awliyo 


Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah (alkaloid) oo laga soo dhex saari karo qaadka, taas oo meelaha qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk.
Cilmi baaris Qaadka ku saasban.. GUJI

KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 


BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ka warran haddii la arko dad “muslim” ah oo daroogo u doodaya welibana danaynaya iyo “gaalo” qaadka diiddan oo ka hortaagan shacabka Soomaaliyeed?! Soow Qiyaame-sug maahan? 

Waxaa la sheegaa nin Soomaaliyeed oo Koonfur laga bedelay baa waxaa la geeyey magaalo ka mid ah dhulkaas Soomaalida ee aan beeraha laga aqoon. Maalintii dambe buu arkay sabuul galleey la gadayo ama si kale uu ku helay dabadeedna intuu dhunkaday oo la hadlay buu yiri: sabuuloow maxaa halkaan ku keenay. Waxaan la yaabbanahay dagaalka ka dhextaagan sheriffyadii Maraykanka iyo qaadka! 

Sida dad badani qabo ayaan anna aamminsanahay inayna jirin dhibaato nooga daran qaadka. Muhiimadda arrintaasi leedahay darteed, buug aan qoray oo aan ugu magacdaray Qiimaha Dhulka iyo Qaddarin La’aanta Soomaalida, waxaan ku daray cinwaan ku saabsan qaadka. Waxaan halkaas ku xusay in qaadku uu ka dhib badanyahay qabqablayaasha iyo qabiilka oo la isku daray. 

Falsafad iyo Cilmi nafsi ahaan 

Dhaqan kasta wax baa lagu saleeyaa. Inkastoo dad badani moog yihiin; qofkii yiraahdaa muslim baan ahay waa isagoo yiri: Ilaahay baan Rabbi ahaan u doortay; Islaamkana diin ahaan; Nabi Muxamedna (SCW) nabi iyo rasuul ahaan. Marka meel falsafad iyo mabda’ kale ka soo galo ma leh. 

Markii qaadka laga hadlayo waxaad mooddaa inuu dhankaas Galbeedka naga soo galay. Waqtiga saxda ah ee uu Soomaaliya soo galay ma sheegi karo. Niman culumo sheegta oo dadka Soomaaliyeed aad u qaddarin jireen baa qaadka ku sheegay quud Awliyo! Waxay dhaheen, Qur’aankaan ku akhirsannaa; waanna ku wardinaa. Culumadaasi dadka tusaale bay u ahaayeen sida waddamada Galbeedka looga dambeeyo dadka fanka iyo isboortiga ku caankaa. Maxay dadka Soomaaliyeed qaad-cunista si aad ah ugu bilaabeen waqti aan dheerayn? Ilaah baa xaqiiqda og laakiin waxaad mooddaa, maddaama magaalooyinka mar dambe aad loo soo degay; suurtogal uma ahayn in qof reer miyi ahi uu waqti badan u helo jaad-cunid. Saamaynta uu jaadku maskaxda ku yeesho darteed baa dadkii iska dhaadhiciyey in uu keenno furfurnaan iyo is-dhexgal. Culumadaasi waxaad mooddaa inay qaaciddo fiqi ah ay si kale u isticmaaleen. Qaaciddadaasi waxay oranaysaa: shaygii aan waajibaadka la’aantiis la gaari karin isna waa waajib. Marka culumadaasi waxaad mooddaa inay leeyihiin maaddaama uu qaadku/jaadku na gaarsiinayo Qur’aan-akhris iyo wardi waa shey fiicaan in la cuno si ajarkaas loo gaaro! Halka culumada saxda ahi qabto inaan wax xaaraan ah xalaal lagu gaarin. Xitaa caamadu waa ogtahay in hal xaaraan ahi aysan dhalin nirig xalaal ah. 

Qaadku ma Xalaal baa mise Xaaraan? 

Waxaan aamminsanahay haddii niman culumo sheegta oo caalamka Islaami laga yaqaan, arrintaas la weydiiyo oo la yiraahdo: sheekhoow haddaan Soomaali nahay waxaan joognaa qurbe; waxaan ka soo dheeraannay waddankayagii iyo dhaqankayagii, marka waxaan u baahannahay waxaan weheshanno ee jaadka ka warran? Waxaa laga yaabaa inuu yiraahdo: diinta Islaamku waa diin fudud loomana baahna in dadka lagu adkeeyo marka waad iska cuni kartaan!

Laakiin marka xaqiiqda laga hadlo, diinta Islaamku waxay bannaysay waxa wanaagsan waxayna reebtay waxa xun (khabaa’ith). Marka irsaaqadda iyo cuntada laga hadlanayana waa sidoo kale. Yaa shaki uga jiraa in Jaadku yahay wax xun (khabiith)? Sida culumadu sheegeen jaadku waxuu baab’iyey waxyaabihii diinta Islaamku ilaalinaysay oo dhan sida diinta, nafta, caafimaadka, cirdiga, dhaqaalaha iyo wixii la mid ah. Ma qof baa moog dhibtuu ku hayo qoyska Soomaaliyeed? “Qaadku hal meel buu ka shabbahaa geedka “dariica” la yiraahdo ee ehlu-naar la siiyo. Lagumana cayilo sidoo kalana gaajo kaama bi’iyo”. 

Maxay Dhaqaatiirtu ka tiri Jaadka? 

Dhibta uu qaadku u geysto caafimaadka cidna ma mooga. Waxaa qaadka ku jirta maaddo la yiraahdo “Cathinone” oo ka agdhow maaddo kale oo la yiraadho “Amphetamine” kimiko ahaan iyo siday wax u saamayso. Cilmi-baarayaasha qaar baa qaba inaan jaadku ka sokeyn daroogada kookeynta (cocaine). Bal dhibta uu geysto darteed aan milicsanno waxa uu qoraa ka qoray arrintaas: 

“Chronic use of khat produces undesirable side effects, including sleeplessness, nervousness, impotence, loss of appetite, constipation, and nightmares.

Soon after chewing, khat can cause dizziness, rapid heartbeat, and pain in the upper abdomen. These unpleasant feelings are gradually replaced by bliss, euphoria and pleasant energetic pleasant feelings. Prolonged anorexia associated with khat use leads to malnutrition and increased susceptibility to infectious diseases such as tuberculosis”.  

Qaad-cunka badani wuxuu keenaa arrimo aan la mahadin oo ay ka mid yihiin hurdo la’aan, neerofoosonimo, ma-dhalaysnimo, qofka oo lumiya rabitaanka cuntada, calool-fadhi iyo dhibaato cabsi leh (riyooyin cabsi gelin leh). Xoogaa yar oo qaad ah markay qofka ku tagto wuxuu keenaa in dhulku la wareego (wareer dartiis), wadno-garaac dhaqso ah, xanuun laga dareemo ubucda qaybteeda kore. Dareenkaas qaabka daran ka dib, wuxuu qofku dareemaa farxad iyo reyn-reyn dheeraad ah iyo firfircoonaan. Cunto-xumo la’aanta dheer ee qaadka lala xiriiriyo waxay qofka geyaansiisaa caatanimo/weyd iyo inay kordhiso inuu u nuglaado cudurrada faafa sida tiibijada (TB). 

Warbixinno kale waxay sheegeen in jaadku keeno kansarka afka iyo weliba kan dheefshiidka. Marka ma diinta iyo sayniska ka dib baan iskaga sheekeynaa dhibta qaadka? 

Minnesota iyo marduufka qaadka ah 

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...

Mar aan gugii 2004 tagay Minneapolis, labo arrimood oo Soomaalidu heli kartay baa aad ii cajabgeliyey. Bal malee. Ma Maak Doonalka iyo shey kalaa?! Waxa i cajabgeliyey waxay ahaayeen xaafad “Ceder” la yiraahdo oo Soomaali badani degenyihiin waxaa aad ugu dhow masaajidyo iyo kambaska weyn ee Jaamacadda Minnesota. Marka halkaas aakhiro iyo adduun baa isa saaraan waase sidii loo manaafacaadsado. Marka baadiye la joogo waxaa halkaas u jooga baad iyo biyo. 

Inkastooy qabyaaladdii iyo qaadkuba yaalay laakiin waxaan ku soo arkay dad Soomaaliyeed oo qaarna shaqaysanayey qaarna wax baranayey. Ardada Soomaaliyeed ee magaaladaas joogta waxay ila ahaayeen kuwii isagu xirnaanta badnaa intaan arkayey ama maqlayey arday qurbe joogta. Ogoow magaalada London oo deggennahay, Soomaalida joogta waxay laalaab ka badanyihiin kuwa Minnesota oo dhan degen laakiin ardey isku duuban iyo kuwo ku dhow midna kuma arag. Marka waa sida loo yiraahdo badnaan wax ma tarto ee tayaa wax tarta. 

Culumada, Odayaasha (siyaasiyiinta) iyo dhallinyarada joogta waa kuwo aad loo yaqaan oo shaqo fiican looga bartay. Sheekh C/Raxmaan Sheekh Cumar iyo walaalaha Masjid Shaafici arag; C/Risaaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Abshir iyo siyaasiyiin kale bal arag sidoo kalana Maxamuud Wardheere, Caynte iyo dhallinyaro badan oo arday ah. Maxamuud Wardheere waa ninkii isku deyey inuu u tartamo duqa magaaladaas. Waxay ahayd dhiirigelin ah in Soomaalidu xaqooda raadsato oo ay wax ka qabsadaan meeshay joogaan. Waxaa la sheegaa in markaad qaadatid sharci Maraykan ah aadan ninna marti u ahayn ee aad waxaad qabsan kartid qabsatid. Muslinnimada darteed iyo waxyaalo kale markii la eego, arrinta sida loo sheegayo maahan laakiin waxyaalo badan baa ka jira. 

Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Minnesota ka dhacay ee ay ku jirtay gabadhii lagu dilay arrintii jaadka la xiriirtay iyo kuwa kale ayaa walaac iyo welwel ku beeray Soomaalida gobolkaas deggen iyo inta wanaaga jecelba. Marka waxaan Ilaahay ka beryeynaa inuu faraj nooga furo jaadkaas. Waxaa jira ol’ole ballaaran oo ay wadaan Soomaalida gobolkaas oo ku saabsan qaadka. Marka kulumadoodii iyo warbixintoodii ugu dambeysay ma maqal laakiin waa tallaabo horumar leh oo u baahan in aan laga daalin; sidoo kalana la rabo inaan kulligeen taageerno oo ka qeybqaadanno. Haddii arrintaas guul weyn laga gaaro, waxaan filayaa inaan uga faa’iideysan doonno dadka jaadku ku diloobay UK. 

Talo ku socota walaalaha dadaalkaas wada 

Horta dadka Soomaalida ah ee jaadka cuna iyo kuwaan cuninba waa dadkeennii. Waxaan aad ugu faraxsannahay marka laga reebo dad culumo sheegta oo jaadka cuna, in, dadka qaadka cuna oo dhami aamminsanyihiin inuu yahay wax xun, keliyana ay tahay balwad uusan iska dhaafi karin. Dadka jaadka cuna badankood waxay jeclaanlahayeen inay jaadka iska deynlahaayeen hadday awoodaan. Ma jiro nin jaad cuna oo la jecel in jaadka ay cunaan ilmihiisa, waalidkiisa ama xaaskiisa. Ogaada arrintaas lafteedaa guul ah.  

Dadka hadda jaadka cuna waaba cunaane bal aan dadkaan cunin u kala qaybsho seddex qaybood: 

1.      kuwo waddada ugu soo jira inay cunaan oo wax yar ka xigaan

2.      Kuwo kale oon la saadaalin karin oo laga yaabo inay noqdaan kuwa no. 1 ama kan seddexaad ee soo socda.

3.      Iyo kuwo aan rabin inay cunaan. 

Qoloda ugu daran ee taageerada ugu badan u baahan waa kuwaas waddada kusoo jira inay cunaan ee aan hadda cunin. Sida kuwa soo kacaya oo gaaraya waqtigii ay waalidkood ka “madaxbannaanlahaayeen” ama kuwo ay awal  wax kale ka xannibayeen sida dhaqaale la’aan, xishood waalid (sida dad dhowaan soo galay gobolka oo Afrika ka yimid), kuwo dhibaato qoys iyo wax kale haystaan oo raba inay naf bidaan iyo xanuunno kale. Maaddaama qolodani aysan ahayn kuwa la yaqaan oo toos loola hadli karo ileyn weli jaadkii ma bilaabine, sidee wax loogu qaban? Iyaga waxaa anfacaya ka hadalka dhibaatada qaadka oo qof kasta ku wajahan laakiin waxay u baahanyihiin in qorshaha iyo qaabka loo dajinayo ka hortagga qaadka, in sawirka lagu darsado. Bal suurayso haddii la waayo cid cusub oo kusoo biirta qaad-cunidda? Wixii dhacay dhace. Marka kuwa hadda cuna, kii cudur ka qaadi lahaa iyo kii kalaba wey is hayaan jaad laakiin waa halkas meesha u baahan in jaadka loo istaago. 

Qolada labaadi waa ubadka aadka u yar yar ee aan dhowaan looga baqayn jaadka ama kuwo waaweyn laakiin ay sababo kale  dhowaanahan ka hortaaganyihiin. Haddii arrinta koowaad guul laga gaaro waxay u dhawdahay in kooxda labaad kulligood ku biiraan kooxda seddexaad ee aan qaadka cuni doonin. Ileyn awalba qeybtaas labaad waxay noqon kareen kuwo mustaqbalka cuna iyo kuwo aan cunin. Marka haddii kuwii koowaad ee jaadka looga baqayey loo weeciyo kooxda seddexaad, guud ahaan ama intooda badan haddee wax laga baqo kooxda labaad ma jirto.

Kuwa hadda cuna sidee wax loogu qaban karaa? 

Ma filayo in la heli karo jawaab toos ah maxaa yeelay waxa lala xaalayaa waa dad. Adoo qof caawinaya baa dhici karta inuu cadow kuu arko. Marka la dagaalanka balwaddu ma sahlana. Keliya waxaa kugu filan in qofka cunaa ku yiraahdo: anaa doortay ee ka hadalkiisa shaqadaa maaha. Laakiin yaan la quusan. Sidaan soo iri, dadka cuna jaadka badankoodu waxay u arkaan inuu yahay geed xun; sidoo kale waa ogyihiin dhibtuu waddanka ku hayo. Waxaan filayaa haddii dadka jaadka cuna noo arkaan inteenna aan cunin dad walaalahood ah oo wanaag la raba waxaa sahlan inaan ka helno iskaashi sidii wax looga qaban lahaa arrintaas. Sida loola xaalayo dadkaan waxay ku xirantahay qofka raba inuu wax caawiyo. Haddii qofkaasi diinta Islaamka wax ka yaqaan ama uu shiikh yahay wuxuu xasuusanaya nasuuta ku soo aroortay sida dadka loola dhaqmo oo wax loogu qabto. Haddaanan ka baqayn maqaalka oo intaan ka sii dheeraada (hadduuba dheeryahay) waxaan xusi lahaa nasuus badan laakiin aan soo qaadanno xaddiiskii ninkii reer baadiyaha ahaa ee masaajidka ku kaadshay. Markii saxaabadu (RC) ku soo yaaceen oo damceen inay inta jeegada qabtaan bannaanka u tuuraan isagoon kaadida dhammayn waa tii nabigu (SCW) yiri daaya ha dhammeystee. Sabab? Waxay culumadu dhahaan waxaa dhici lahayd in kaadi-ku-goyntu, ninka dhib u keeni lahayd iyo kaadidii oo saxaabada (RC) iyo masaajidka ku sii daadata. Laakiin nabigu (SCW) markuu dhammaystay buu si tartiib ah wax ugu sheegay wuuna aqbalay. Ogaada markaad qof jaad cuna la hadlaysid ama meel wax loogu sheegayo la joogo waa inaan kaadidaas si toos ah ugu soo qaadan maxaa yeelay waxaa dhici karta inay ku dhahaan ma annaga waxaas nagu matalaysaa laakiin waxaa ka fiican inaad micnaha xaddiiska si kale u sheegtid. Marka haddii meelaha ay jaadka ku cunaan loo diido ama lagu xumeeyo waxay keeni kartaa in laga waayo iskaashi sidii arrintaas wax looga qaban lahaa sidoo kalana ay dhallaan iyo dumarkaba sii baraan iyagoo nagu nacaynaya. 

Qofkii aan diinta ku fiicnayn oo wax ka yaqaan culuunta maaddiga ah ee kale waa inuu wax ka akhriyaa buuggaagta iyo mowduucyada ka hadla sida xanaaqa iyo is-afgarashowaaga  loo maareeyo (Conflict resolution, anger management) Haddii Ilaah caqli kusiiyey waxaa dhici karta inaad adigu la soo baxdid qaab fiican laakiin mar walba in aqoonta la isdhaafsado baa ka fiican in keli keli wax loo wajaho. Culuuntaasi waxay ku baraysaa inaad gaartid hadaf dhinac kasta guulaysto (win-win situation). Laakiin waxaan marna meesha ku jirin in inta dadaal-sameyn la isku dayo ay arrintu ku dambayso inay keento dhib intii hore ka sii badan. Soow meydaan arag culumada oo Carabi ku dhaha “akhafu darareyn”? Ma sahlantahay in qof marqaansan ama qaadiraysan wax laga dhaadhiciyo? Marka waxaa la rabaa “marqaan resolution and qaadiro management”! 

Maaddaama aannu qaadku ahayn wax hal sano ama sanado wax looga qaban karo ee uu u baahan yahay qorshe cilmiyeysan oo leh hadaf iyo ujeeddooyin waqti dheer ah. Runtii culumada iyo dad kale oon badneyn ayaa aad uga hadla dhibaatada qaadku leeyahay. Dhaqaatiirta waa ka hadlaan arrintaas laakiin qaarkood baa cuna marka si loogu deydo waa adagtahay. Hal koox oo aad loo tixgeliyo baan dhaliil usoo jeedinayaa – fannaaniinta iyo suugaanyahannada. Dadkani xagga qabyaaladda waa ka dhaqanyihiin marka loo eego dadka kele laakiin waxay ku dhaceen inay si fiican uga hadlaan arrinta qaadka. Sababta aan anigu is dhihi karo waa ugu wacantahay waa iyadoo Ilaah ku saladday qaad-cunka, hor iyo haddaba. Waa jiraan dad is xilqaamay sidii Abshir Bacadle oo kale. Marka annagoo la kaashanayna waddaniyiin badan oo ku dheereeye farshaxanka oo Ammiin Caamir u horreeyo, waa inaan la nidaamno arrimaha soo socda: 

  • Wacyigelin dhinac kasta ah laga soo bilaabo masaajid, gole madadaalo, xarumaha kale ee lagu shiro/kulmo, idaacadaha la iska maqlo ama la iska arko ooy BBC-du ku jirto, boggagga internetka, joornaalada iyo si kasta oo kale
  • dhibaatooyinku waa isku xiranyihiin laga soo bilaabo mid qoys ilaa mid qaran. Marka waa in si wada jir ah wax looga qabtaa. Hooyooyin badan oon seey lahayn oo ilmo ku heysta UK iyo Maraykan ayaa miciin biday jaad-cunka
  • waa in dadka jaadka cuna meherado ama kulumo kale loo sameeyaa si ay bedel ugu noqoto waqtigii ay jaad cuni lahaayeen. Sidii iyadoo loo sameeyo meelo lagu baro wax aakhiro iyo adduunba anfacaya, meelo fayo-dhowrka jirka iyo jimicsi ay ku sameeyaan, meelo ay joornaalo iyo internet ka helaan sidoo kalana ay ku sheekeystaan
  • xarumo khaas ah oo lagu caawiyo dadka jaadka iska goyn raba, dhinac macluumaad iyo dhaqaalaba
  • in waddamada weli aan mamnuucin qaadka sida Britian culays lagu saaro inay mamnuucaan sidoo kalana waddamada beera ay joojiyaan beeridda qaadka iyagoo adduunka laga codsado inay ugu bedelaan beero ama wax kale ooy meherad ka dhigtaan. Goolka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa in xiddidada loo siibo beerahaas
  • in dadka ka ganacsada loo sheego inaysan bulshadoodana baa’bin, Ilaahayna ka baaqaan oo ay raadsadaan meherad kale oo caafimaad qabta. Markii waddan ama magaalo laga hadlayo, arrintani waxay keeni kartaa in qaadka laga waayo halkaas, waxayna keeni kartaa xal ku meel gaar ah

Waxaan leeyahay qofkii inta dhibaato qoys ama mid kale soo gaarto raba inuu jaad ku xalliyo wuxuu la mid yahay qofta in qodaxi mudday leh ha la igu duro maaddada kabuubyada (anaesthetic) si aan xanuunka u iloowo laakiin waxuu meesha ka saaray in kabuubyadu ay ka dhib badantahay qodaxda. Marka dhibta oo lagu samro ayaa ka fiican in la cuno geedkaas baabi’iyey qiimihii iyo sharafkii Ilaahay siiyey qofka binu Aadamkaa.

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2005

 


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD