GEEDDI IYO GEDDIISII
Cabdullaahi Yuusuf 'Marka labaad ee aad ii imaanayso
iska soo xiir Garka'
Intuu socday Kulankii
kooxaha Soomaalidu ku yeesheen Kenya ayaa Mowliid Macaan
Maxamuud oo ah qabqable aan hubeysnayn, waxa uu shirka
ka dhex yiri 'waxaan ahay Qoolley, Qoolleyna wax ma
qaladdo.' Laba sano iyo laba bilood kaddib, la yaab ma
ahayn in Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi uu shalay
u magacaabo Mowliid Macaan inuu yahay Wasiirka Dhulka.
Shimbiruhu ama ha haadaan ama geed ha fuulaan waa ku
qasban yihiin dhulka, sidaa awgeed ayaa dadka Xamar ku
dhashay waxa ay yiraahdaan 'shimbirtii buubta risaqeeda
dhulka.'
Kaddib markii xubnaha
Baarlamaanku iyagoo xiiqsan ay si caro leh ku rideen
xukuumaddii Geeddi bishii hore, waxaa raja laga qabay in
markan wax is beddeli doonaan. Hase ahaatee, waxa ay
sheekadu ku soo idlaatay hadalkii odoyaashii hore ee
Soomaalidu oran jireen oo ahaa 'jug, jug, meeshaada
joog.' Waxa ay tani ka marag-kacaysaa in Geeddi sida
Cabdullaahi Yuusuf, Madaxweynaha oo kale aanu maqlaynin
dhawaaq aan ahayn kan ka imaanaya Ethiopia.
Sida iska cad, maadaama
la tixgeliyey dano aan Soomaali u adeegeyn, qaabka
Wasiirada loo soo xulay waxaa weli ka muuqata isku-dhex
yaac. Waxaa dad badani liqi la' yihiin halbeegga la
adeegsaday, si loo magacaabo Cabinet dhammeystiran
(all-inclusive). Ma qabqableyaasha xoogga leh ayaa
tixgelinta la siiyey? Mise beelaha? Mise dalalka deriska?
Wasiirada lagu soo celiyey booskoodii - beel iyo
qabqable - mid ay waafaqsan tahay ma cadda. Laakiin,
waxaa meesha taalla in nidaamka lagu sameeyey Nairobi ay
sii yeerinayaan dalalka deriska iyo kooxaha dagaalka,
gaar ahaan kuwii xoogga is bidayey.
Taya-xumida Wasiirada
keliya ma ahan meelaha ishu ku dhacayso ee waa
tira-badnaanta. Xukuumadda lagu dhawaaqay waxba kama
duwana tii Cumar Carte Qaalib ee lagu naynaasi jiray
'Mini-Parliament.' Tallaabada sidan oo kale loo qaaday,
waxa ay sumcad weyn u celinaysaa xukuumaddii Maxamed
Siyaad Barre oo weli dadka ula muuqata inay ahayd mid
caddaalad-darro ku dhisan.
Si kasta ha noqotee,
waxaa waxtar fiican noqon lahayd hadduu Geeddi tixgelin
lahaa ama ugu yaraan ku xisaabtami lahaa talooyinkii ka
imaanayey culumaa'uddiinka, aqoonyahannada iyo bulshada
rayidka ah. Talooyinkaas, waxaa ugu horreeyey tuu soo
jeediyey Sheekh Cali Wajiis oo jooga Saudi Arabia. Waxaa
mudan in Sheekh Cali looga mahad-celiyo
tala-soo-jeedintiisa ku tiirsan waaqiciga lagu jiro
'pragmatic proposal.' Ilaahay ajar ha kaa siiyo Sheekha
jaceylka uu u qabo wanaagga dadkiisa, dalkiisa iyo
diintiisa - aamiin.
Xitaa, marna lama
dhugan oo lagama fekerin talooyinkii ka imaanayey
khubarada reer galbeedka, sida Matt Bryden oo
bilooyinkanba ku talinayey in laga fiirsado qaabka
dowladda loo dhisayo. Brydan oo ah geesi aan gabban oo u
hiiliya Soomaalida, waxa uu ka tirsan yahay Hay'adda
caalamiga ee ka hortagga dhibaatooyinka (International
Crisis Group) ee fadhigoodu yahay Brussels. Waa ninkii
yiri "taariikhda ayaa sheegi doonta in hoggaamiyeyaasha
Soomaalidu ay diyaar u yihiin inay ku dhaqmaan hoggaamin
daacad ah, oo ay dalkooda ugu soo dabaalanayaan waddo uu
ku soo kabsado."
Mareykanku, waxa aysan
rabin inay maqlaan waxa ay ku dhegeystaan dhego aan
maqalka u daloolin 'deaf ears.' Run ahaantii, waxaa laga
wada dheregsan yahay in Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali
Maxamed Geeddi aysan lahayn dhego ay ku dhegeystaan
talooyinka ka imaanaya culumada, oo ah hantida keliya
'asset' ee maanta u haray Soomaaliyada burburtay.
Madaxweynuhu, isagu waaba seef la bood 'extremist' -
wuxuu u arkaa culumadu inay cadow u yihiin isaga.
Waxaan xusuustaa laba
sano ka hor mar aniga iyo nin weriye ah oo wadaad ah aan
la kulannay Cabdullaahi Yuusuf. Weriyaha ila socday baa
wuxuu lahaa gar aan dheereyn, laakiin u eg kan dadku
yiraahdaan 'gar iqwaan.' Cabdullaahi Yuusuf baa wuxuu
jalleecay dhinacii weriyuhu ka xigay, waxaana uu ku yiri
"marka labaad ee aad ii imaanayso, iska soo xiir garka."
Waxa uu sii raaciyey 'ragga garkaas leh waanu is neceb
nahay."
Dhibaatada kale ee hor
taagan ee imtixaanka ku ah dowladdan cusub waa halkii ay
degi lahayd, waxaana ku adkaatay inay tagto caasimadda
Muqdisho 'maadaama Cabdullaahi Yuusuf uusan reer
Muqdisho ka tirsanayn.' Haddaba, marka uu ogyahay
Cabdullaahi Yuusuf in kursiga uu ku fadhiyaa uu yahay
kii reer Muqdisho isku dilayeen 14 sano, reer Muqdishana
ogyihiin in Cabdullaahi uu ka dhacay kursi maxaa labada
dhinac la gudoon?
Dhaqanka Soomaalida
waxaa la yiraahdaa "geesigu ma ahan kan guushiisa keliya
qirta, ee waa kan guuldarradiisana qirta." Reer Muqdisho
waa inay qirtaan inay fashilan yihiin. Qaladka oo la
qirto waxaa ka imaanaya sixitaan. Toddobaadkii hore waxa
uu Cabdullaahi Yuusuf caddeeyey inuusan diyaar u ahayn
inuu tago Muqdisho "illaa iyo inta ay ku sugan yihiin'
ayuu yiri 'kooxaha aadka u hubeysan, sharci iyo kala
dambaynna aysan jirin." Madaxweynuhu markuu tagay Yemen,
Saudi Arabia, Djibouti, Uganda, Sudan iyo Masar oo uu ku
noqday Nairobi, waxa uu niman siyaasiyiin ah ku yiri "dhammaan
madaxda dalalkaas waxay igu yiraahdeen, reer Muqdisho ma
kula socdaan?" Waqtiga ayaa su'aasha ka jawaabi doona!
Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
Email:
Ingiriis@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan