SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


SADEXDII DOORASHO EE UGU MISKIINSANAA OO SOOMARA TAARIIKHDA CAALAMKA ISLAAMKA !!

Inta aan maqal iyo aragtiba xasuusan karo ayaan aashay hadlayaaye ,afar bilood oo isku dhow ayaa waxaa dhowaanahan caalamka ka dhacay afar doorasho.

 
Mid doorasho libaax ah iyo Sadex  Miskiinado ah.. tan libaax iyada hadalba kama taagnna oo waa tii oktoobar/Nov Maraykanka ka dhacday ee uu Madaxweyne George Walker Bush Yidhi"CelCeshatuu"" oo hadana way kan"".
 
Balse Waxaa is xasuusin Mudan in taariikhda caalamka Islaamka ay soomareen Afartan bilood ee isku xigtay Doorashooyinkii Qaran ee ugu Miskiinsanaa laguna Tilmaami karo" Xiniinyaha Alle Kaa siib"".
 
1--oktoobar 10 keedii 2004 tii soomaalida u dhacday ayaan akhristoow bal waxay miskiinimo ka qabto marka haatan aan qoraayo waxaa igu adkaatay  qaab aan u bilaabo..waayo? kolkaan leenahay doorashaa dhacday wuxuu hadalku u qormayaaa...(Dal heblaayo waxaa ka dhacday Doorasho,waxaana la doortay Hebel)..laakiin soomaaliya Doorasho kama dhicin oo Ragga isdoortay ayaa soomaali ah,laakiin dalku waa keenya.
 
Sikastaba ha ahaatee, waxaa ay miskiinimo ku mutaysatay:
 
Waxaa ay soomaalida dawladu u dhalatay iyo wadamada ay ehelka yihiin soomaalida sida duulalka carabta,iyo siyaasiyiinta reerjabuuti Qaarkood intuba aaminsanyihiin in dawlada cusub ee soomaaliya aysan awoodeeda iyo siyaasadeeda madaxa banaan ku soconkarin ee ay amarka kama danbaysta ah leeyihiin Itoobiya iyo keenya siiba itoobiya. taasoo ay labada dawladood laftoodu dhowr jeer arinkaas midiba tankale farta ku fiiqday iyadoo leh dawlad hebel ayaa arinka soomaaliya si xad dhaaf ah faraha ugula jirta..waxaan xasuustaa in sanadkii aan soodhaafnnay bartamihiisii madaxweynihii kenya mudane Daniel Arab Moi uu jaamacad ku taalla maraykanka ka cadeeyay in soomaaliya aysan jaan ama talaabo rogi karin oo ay lugta hayaan kenya iyo itoobiya,arinkaas oo aysan itoobiya si cadd(officialy) u beenaynin.
 
Dhinaca kale dawlada soomaalida u dhalatay lafteeda ayaa xaqiijisay in aysan cago ku istaagi karin jiritaankeeduna uu ku xidhanyahay sida ay dawladaha shisheeyuhu u caawiyaan, islamarkaana ay shisheeyaha magan uga tahay in Dalkeedii ay iyaku ku celiyaan.taas uu isna sii akiday madaxweynihii ka horeeyay madaxweynaha haatan la doortay ee Mudane Dr cabdulqaasim salaad xasan oo qudbadiisii sagootiska uu ku yidhi"" annaku daladii carta ahaan waxaa nalaku xantay in aan xataa xamar wada xukumi kariwaynnay,taas waxaa noogu wacnaa dawladaha shisheeyaha ayaa nadiiday ,,oo hadii aan tanna faragalintana laga daynin lana caawinin sidayadii ayuunbay ma korto noqonaysaa..
 
""ayaandarradaas ma allaa qadaray Mise waa inkaar annagu aan is badnay Mise itoobiya iyo keenyaan eersannaa?
 
2-- Doorashada miskiinadda labaad ee Taariikhda islaamka soomartay.,
 
Bishan aan ku jirro Jannaayo(january) 9keeda waa axadda 2005 ayaa waxaa Dal ku sheegga Falstiin(alloow Dal xora ka dhig) ka dhacay doorashada madaxweynaha ,iyadoo Masaakiinta la haystayaasha  Reer Falastiin la yidhi waxaad Doorataan madaxweynihii Idiin Badali lahaa Madaxweynihii layidhi mawd caadiya ayuu u dhintay(allaahu caalim) alle hawnaxariiste All zayid Yaasir carafaad.
 
Waxaa la dooranayaa Madaxweyne aan Dalxukumin,Xuduud uu joogo oo uu odhan karo xadkaas yaan la iisoodhaafin jirin,aan loo ogolayn in uu aashiis hadlo,aashiisnna amar ku taagleeyo,.
 
Waxaa la dooranayaa madaxweyne arrinkiisa kama danbaysta ah ay goynkaraan shisheeyuhu sida israa,iil iyo kuwo kasiiwaaweyn..
 
Waxaa la dooranayaa madaxweyne uu ka amarweynyahay ama ka hal,adagyahay,badhasaab ka taliya meel kamida somaliland,ama puntland,ama hogaamiye dagaal oo reer koonfurta soomaaliya ah..
 
labada nin ee  ugu cad cadaa oo kala ah
 
A)maxamuud cabbaas oo ah hogaamiyaha ururka xoraynta reer falastiin PLO. [Waa kan hadda ku guulaystey]
 
B) Dr Mustafa Bargouti oo ah musharax madaxbanaan, waxaa uu ahaa dhakhtar iskii u shaqaysta ,waxaa uu dhisay  abaabulayna sanooyinkii ugu danbeeyay goobo lagu daryeelo falastiiniyiinta tabaalaysan,waxaa uuna u dhaqdhqaaqaa xuquuqda aadamaha iyo dimoqraadiyadda
 
Waxaa 07/01/2005 isagoo salaadda Jimcaha ku sootukanaaya masaajidka barakaysan ee qudus ay dadkii u soodhexgaleen niman dharcad ah oo katirsan booliiska qarsoon ee israaiil, oo ay ku qabteen saldhigga booliiskana ku xidheen Mustafa Barghouti, maaha markii ugu horaysay  ee aad loo xumeeyo ninkaas dhowr iyo kontonjirka ah,
 
Horaantii bisha Dezember ayaa waxaa suuqa ku garaacay ciidamo israaiiliyiin ah,,waxaa kaaga siidaran ,sifiican ayay u garanayeen ciidamadaasi in ninka ay waxa ay doonaan ka yeelayaani yahay Musharax madaxweyne dal leeyahay..
 
Sadex musharax oo kale ayaa dawladda israaiil ka sugaaya warqadii ogolaanshaha ahayd ee ay ugu soo talaabi lahaayeen Daanta galbeed ee marinka qaza, si ay taageerayaashooda dhexdeeda uga bilaabi lahaayeen ololahoodii doorasho ugana dhaadhacsanlahaayeen siyaasada ay damacsanyihiin in ay hadii ladoorto dalka iyo dadka lahaysto ku hogaamin lahaayeen..

Laba kamid ah ayaa maanta loo ogolaaday warqadaasi,,laakiin waxaa ay ogolaanshuhu ka bilaabmayaa bisha soosocota labadeeda 02/02/2005, doorashaduna waxaa ay dhacaysaa 09/01/2005, QAX QAX QAX QAX QAX"qosol gariir" WAA GOORMA XUUNSHOOY GOORTAAD WAX GARATAA?WAA GOOR FALAADHI KUGU DHACDAY OO LEEB LASOOGANAY"""

goorta labadaas nin ogolaanshaha uu kaga imanaayo daanta kale ee dalkiisa ee uu ku imanaayo daanta kale ee dalkiisa ,waa goor ay xeedho iyo fandhaal kala dheceen,doorashana lagu kala dhaqaaqay oo ninba wixii qurub uu calfaday la dhaqaqaaqay.
 
labada nin hadba kii la doorto kursigii ay falstiin ku lahayd Qaramada midoobay wuu u banaanyahay oo wali waxaa dul saaran cumaamadii giirgiirrayd ee koofiyadda u ahayd madaxweyne yaasir carafaad,balse waxaa ay ku fadhiisan karaan oo qudha hadii israaiil ogolaato..
 
3) Doorasho Miskiineedda sadexaad  waxaa lagu wadaa in bishan sodonkeeda 30/01/2005  ay ka dhacdo dalka ciraaq..inkastoo ay calaamatu su,aal dulsaarantahay,daganaansho la,aan awgeed.
 
Waa dalkii halyeeyadii islaamka sida sayid cali bin abii daalib alle hakaraali noqdee.waa dalkii caalimkii waynaa ee barbaarinta diinta kaalinta libaax ka soo qaatay..sheekh cabdul qaadir jaylaani
waa dalkii ilbaxnimada caalamku  ka soo bilaabatay, waxaa la dooranayaa madaxweyne aan cidna xukumin .
waxaa la dooranayaa madaxweyne aan taladiisa ku socon karin,in uu maqlo oo qaato amarka dawlado kale mooyaane. waxaa la dooranayaa madaxweyne maqaarsaar ah. 
 
 
MISKIIIIIIIIN  YAAAA DALAS:::RI' WALIBA SHILALKAY IS DHIGTAA LAGU QALAA

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2005

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD