SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


BEESHA YAXYESAALAX OO KA DIGEYSA CADAALAD XUMADA DHISMAHA DOWLADA CUSUB IYO IYADOO LAGA YAABO IN SOMALIYA 10 SANO UN AAY XUKUNTO.

Dowlada Kenya lagu dhisayo ma aha mid lagu doonayo in wadan burburay dib loogu dhiso, korna loogu soo qaado amaba shacab dhibaateysnaa ilaa 15 sano looga saaro dhibaatada saameeysay, waxaadna mar marka qaar is oranaysaa waaba tii lagu sii kala fogeynayay shacabka soomaaliyeed oo u baahan dowlad caadil ah oo cadaalad siman sameysa.

Waxaad moodaa dowladaha midowga yurub iyo afrikaanka iyo waliba mareykanka ee u olololeeynayo in soomaaliya dowlad laga dhiso aaysan diyaar u aheyn jiritaanka dowlad soomaaliyeed marka la fiiriyo xaalada ka jirta halka dowlada loogu dhisayo shacabka soomaaliyeed oo u baahan dowlad sameeysa nidaaam iyo kala danbeeyn iyo waliba cadaalad.

Hadaba waxa aan ugu digaynaa dowlada cusub in aay ka fogaato cadaalad xumada iyo in si sax loogu qeeybiyo shacabka soomaaliyeed xaqa iyo xuquuqda aay ku kala leeyahiin dowlada cusub ee lagu dhisayo Kenya, haddii kale waxa dhici doono bubur kale oo mudo qaadan doono, ka dibna waxa laga yaabaa in calanka soomaaliya hoos loo dhigo mudo 10 sano soomaaliya aay xukunto unaatneeshanka amaba qaramada midooway toban sano oo danbe.

GUDOOMIYAHA URURKA USC/SNMC BEESHA MEHERI EE KOONFURKA SOOMAALIYA CARAB YAXYESAAALX

DR SACIID XUSSEEN HAASHIM.
FADLAN WALAAL WAQTI WALIBA E-MAILKAN IGALA SOO XIRIIR
Dr-Said_25@hotmail.com 

WABILAAHI TOOWFIIQ.  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD