SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


SHALAY OON TIGAAD HAYEY TALLO MAHAYN, MAANTA OON TALO HAYANA TIGAAD MAHAYO.
              (Colaadda Goboladda Dhexe)
                        
mursal_maxamed.jpg (4009 bytes)W/D: Mursal Max'ed Max'ud(Garaad) E-mail: stethy1@yahoo.com
   
 
      Ereyga Tigaad ee dhextaalka u ah Ciwaanka qormaddan, wuxuu Qaamuuska afka-soomaaligu ku fasirayaa meel doogsatay oo barwaaqo ah, sidoo kalena waxaa loo adeeg san karaa hantidda. Hadaba waxaa la sheegaa  hantidda uu aadanuhu abuuro in Awlaaddu(ubadku) ay ugu muhiimsan tahay, waana tan Soomaaliduu ay ku cabirayso muritadda oronaysa(Wax la dhalo & dhulkaa loo marti yahay)  Waxaan jeclahay in aan Qormadaydda ku bilaabo sheeko murtiyeedkan.
 
    Nin Oday ahaa ayaa sida la sheegay waxaa u joogay Willal fara badan, mid ka mid ah wiilashii ayaa la dilay. Sida dhaqanka Soomaaliddu qabo oo dhibaatooyinka nuucaas ihi marka ay dhacaanba wax lagu xalin jiray, waxaa Odaygii u yimid Akhyaar samo-jeclayaal ah waxayna ku booriyeen in uu samirka kaa shaddo, oo Maslaxad qaato, maadaama uu wiilkiisii soo laabanayna halkaas dhibkii lagu hakiyo. Ninkii Aabaha  ahaa baaqii wuu ku gacan seeray, wuxuuna ku goodiyey in collaadi ay madal u tahay.
 
    Wuxuu isugu yeeray Wiilashiisii, wuxuuna u soo jeediyey in Walaalkood dilkii loo gaystay ay ka dhii-dhiyaan una soo aargudaan, Wiilashii oo fulinaya dar-daarankii Aabahoodna sidaas ayeey ku dagaal galeen, laakiin nasiib darro waxay Odaygii ku soo laabteen iyagoo mid kalena laga soo dilay! Odaygii markale wuxuu ku tir-tirsiiyey in ay duullaan qaadaan, oo ayna ka soo laaban kuwa Walaalahood laayey inta uu Mid ka danbeeyo. Waa Collaad iyo xaalkeede Dagaal lagu riiqday kadib Wiilashii halkaas ayeey idilkood ku halaagsamayn.
 
    Ninkii Wiilasha dhalay ayaa mudo ka dib isagoo kaligii geed hoos fadhiya dhafooradana haysta  ayaa waxaa u yimidbaa la yiri Dad ay ehel ahaayeen, sheeko ayaa u bilaab matay wixii dhacay ayaa dib loo qooraan saday, markaasaa Odaygii wuxuu ku Calaacalay: Shalay oon Tigaad hayey (Wiilal) Tallo mahayn, maanta oon Tallo hayana Tigaad mahayo. Waxaa la waydiiyeybaa la yiri waa maxay talladda aad maanta hayso eed shalay u baahnayd?. Wuxuu yiri" Markii Wiilka 1aad la dilay, haddaan Nabadda iyo Maslaxadda qaadan lahaa kuwa kalena waa ay bad-baadi lahaayeen, balse hadda miyaa buu ku daray, waa goor xeero & fandhaal kala dheceene".
 
    Waxaan u soo qaatay sheeko-murtiyeedkan in ay in badani dareemaan i Ciilku sii badiyo Khasaaraha iyo Collaadda, waxaana si gaara ugula hadlayaa wax-garadka Beelaha ay Dadkooddii isku dilayaan Goboladda dhexe oo aad moodo in ay ku jiraan hurdo dheer iyo weliba inta haatan Collaadda faraha kula jirta. Waaba yaabe!! Caqligu ma wuxuu idiin soo laabanayaa marka aad isku dhamaysaan dhalinyaradda? Caqligu ma wuxuu idiin soo laabanayaa marka aad dabar go,daan? Caqligu ma wuxuu idiin soo laabanayaa marka aad u Calaa cashaan sida Odayga aan kor ku soo xusnay? Caqligu ma wuxuu idiin soo laabanayaa marka aad Qubuuraha camirtaan?....ileen Walaalo isku xumaadaa Xabaalahay badshaane.
 
    Dagaalka ka soconaya Goboladda Mudug iyo G/gaduud ma'ahan mid illaa iyo hadda lagaranayo Ujeedadda laga leeyahay iyo waxa laysku hayo, waayo Dadka dagaalamyaahi waa dad walaalo ah, ilmo adeer ah will iyo abti ah. Waa in aad is waydiisaan waxa aad ku dagaalamaysaan oo loo daadinayo dhiiga dadka walaalaha ah, ma hilmaam tayn Aayaddii Qour'aanka ee ahayd in Qofkii  ruux Mu'min ah si ula kac ah u dilla uu ku waarayo Cadaabta? Ma ilowdayn in nafta qof Mu'min ah oo lagooyo ay Illaahay agtiisa kala wayn tahay Aduunyadda dhan oo la genbiyo?..
 
    Waxaa muhiim ah in aad ogaataan in Cidda dhimanysaahi ay tahay Wiilashiinii, Cidda asayga qaadaysaa ay yihiin gabdhihiinii,Cidda agoontoobaysaahi ay yihiin Caruurtiinii sidaas darteed waa in aad isku laabataan. Waxaad  ogtihiin in dhibaatooyin dhowr ah ay isku kiin xigsadeen sida:- Abaarihii kol dhawayd, Duufaanta tsunami iyo Collaadan aad isku haysaan, dhibaatooyinkaas waa wax aad idinku gacmihiina ku keen sateen, marka ma ahan in aad sii wadaane waa in aad Allah u laabataan. Waa in aad isku tashataan cid idiin soo socota malahan. Mar haddii Walaalihii idin soo kala dhexgalay aad dhaliisheen, haddii dhexdiina aad ka heshiin la'dihiin oo qodobaddii aad wada saxiixateen la jebiyey, haddii qoloba qolodda kale ee day nayso, halkee xalkii jiraa?..
 
    Xildhibaanaddii nii waad aragtaan Hoteelo qaaliya ayeey ku raaxaysanayaan, haddii la waydiiyo ka warama dadka aad meteshaan waxay ku leeyihiin"howl fian ayaa inoo socota, waxbaa lays waafajinyaa, I.W.M" Ma aragteen mid ka mid ah oo idiin yimid? Waxaad aragtaan in Hay'adihii Sama-falka iyo kuwii Q.M ay dhabarka idiin jeediyeen. Duufaantii Sunaamiga dhibaatadda ay gaarsiisay Somalia iyo midda idinku aad is gaarsiisayn waa ay iska ag dhowyihiin, waxaana jira dadaalo Caalami ah oo loogu gurmanayo dadkii wax ku noq-day Bad-gariirkaas. Idinka tiina cid ka hadalaysa ma maqasheen?....Hadaba waa maxay Fursadda idiin harsan oon ka ahayn in aad fahamtaan in Maslaxaddiinu aaney ku jirin Gumuca rasaasta, ee ay Noloshiinu ku jirto Nabad iyo Waaltinimo  aad wadaagtaan.
 
    Dagaal Wiilbaa ku dhintee Wiil kuma dhasho, Dagaalka sidoo kale laguma kala badiyo, haddii ay qaarkiin(inta dagaalka wadda) ay ku jirto qolodda kale meesha ka saara oo idinku u harra. Ugu danbayntii waxaan ognahay in Dagaal si loo gallo loo baahan yahay dhaqaale, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa dhamaan Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibadaha iyo ganacsatadda gudaha Dalka jooga ee Labadda Beelood ee Walaalaha ah in ay joojiyaan gacanta ay ku leeyihiin sii hurinta Collaadahaasi, waa in aanay hantidooda ku dhiibin dhiiga dadka walaalaha ah. Waa in ay u weeciyaan Hantidooda dhanacyadda khayrku ugu jira, sida goobaha waxbaasho, iyo kuwa Caafimaadka, sidoo kale dadka Soomaaliyeed ee soo barakacay ayaa u baahan Caawinaad, ee Collaad hurintu uma baahna Bansiine waxay u baahantahay in biyo qaboob lagu shubo. Ogoow in lagu waydiin doono meesha aad ku bixisay hantidaadii. Waxaan idinku dhaafayaa baydh ka id ah Gabaygii Abwaan Abshir Nuur Faarax(Bacadle) uu kaga hadlayey Dib u heshiisiinta.:
 
Daroogiyo Qabyaaladdi ka daran Furuq iyo Daacuune
Dagaaladda Sokeeyuhu waa Davar go,eeniiye
Dalkayaga bur-buray Faqriga Dowladda asiibay
Deegaanadda Nabad-guuray iyo Dahabka maaroobay
Dilka aan u jeedada lahayn iyo Deriska Eedoobay
Denbi nimaan lahayn oo sidii Deero lagu tuujo
Maatadiyo Dumarkiyo Ilmaha Cadawga loo daadshay
Nin damiir leh baa ka hanayee, Doqoni waa mooge
Damqashadduba waa Gobanimee Dan u walaalooba
Duf-kubaxa kuwa diidanoow Dib u heshiisiinta. 
 
 
W/D: Mursal Max'ed Max'ud(Garaad) E-mail: stethy1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD