SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Naag Sucuudiyaan ah oo AIDS iyo murugo isku biirsadeen!

Cudurka AIDS-ka oo in muddo ah dalal gaar ah lagu tilmaami jiray ayaa maanta noqday mid guud ahaan Dunida meel kasta la dhihi karo wuu ka jiraa, dalalka Muslimiinta ayaa intooda badan waxay ahaayeen waddammada uu cudurkani sida aadka ah ugu yar yahay illaa iyo hadda, iyadoo weliba ay sii jiraan waddammo si gaar ah farta loogu fiiqo, lana tilmaamo in iyagu cudurkaasi uusan ka jirin ama ku yar yahay.

Waddammadaasi uu cudurku Aids-ku ka yahay wax lala yaabo waxaa ka mid ah Dalka Sucuudiga oo tirakoobyadii ugu dambeeyey ee la sameeyey ay tilmaamayaan in xoogaa dad ah in cudurka AIDS-ku ay qabaan, dhibaatada u sii dheer dadka cudurkaasi lagu sheegana waxay tahay mid aysan la qabin dadka kale ee dunida ku nool ee qaba cudurka AIDS-ka, dadka cudurka AIDS-ka lagu sheegay ee ku nool dalka Sucuudiga iyo weliba waddammada la jaarka ah waxay mutaan dhibaatooyin kaga yimaada dadka ay la nool yihiin, gaar ahaan Qaraabadooda iyo qoysaskooda.

Hooyo lagu magacaabo Ummu Cali ayaa iyadu ka faallooneysa dhibaatada cudurka AIDS-ka oo ay u dheer tahay midda kaga timid dadka qaraabadeeda ah ee ay la nooshahay, iyadoo ilmeyneysa ayay wareysi ay siisay Jariidadda Al-Sharqal Awsat waxa ay ku billowday “ILAAHAY ha u dembi dhaafo ninkeyga, wuxuu iiga tegay carruur, cudurka AIDS-ka iyo weji gabax aan kala kulmay dadka aan la noolahay”, iyadoo hadalkeedii sii wadatana waxay tiri “Waxaan keli ku noqday gurigii aan ku noolaa aniga iyo carruurteyda, waxaa I hareeyey welwel iyo walbahaar, waxaan ka go’ay dadkii aan la noolaa”.       

Ummu Cali kaddib waxa ay billowday in ay ka sheekeyso qaabkii ay cudurkan ku qaadday, waxayna tiri “Niyaddeyda iyo yididiilladeydu aad bay u sarreysay ka hor intii aan ogaan inaan cudurka AIDS-ka aan ka qaaday 5-sano ka hor, weligey ma illoobayo muuqaalkii ii muuqday maalintii aan aniga iyo ninkeyga ka soo daadegeynay Isbitaalka aadka u dheer ee ay dowladdu leedahay ee lagu baaro cudurka AIDS-ka, markaas oo aan soo ogaannay in aan wada qabno cudurka AIDS-ka, waxaa suurogal ii noqon waayay in aan caadi u noqdo ninkeyga oo markii hore ii hibeeyey jaceyl, ILAAHNA uu na siiyey carruur aan wada jecelnahay, balse maalmihii ugu dambeeyey noloshiisa waxa uu iigu muuqday Balaayo la ii soo diray. Ummu Cali oo 34-jir ah waa Hooyo leh 3-carruur ah (Laba Gabdhood iyo hal wiil) waxay si ka muuqato isu kalsoonaan uga sheekeyneysay wixii ka dambeeyey ogaansheheedii cudurka AIDS-ka sida ay nolsheedu ahayd, weli waxaa ka muuqday isu  kalsoonaan, cillaan qurux badan ayaa u saarnaa gacmeheeda, waxayna mar kasta ku cel-celineysay “Waxaan raalli ku ahay Qaddarta ILAAHAY”, iyadoo ka sheekeyneysa nolosheedii dambena waxay tiri “Waxaan u go’doomay in aan barbaariyo oo koriyo carruurteyda, iskana illoobo wixii horey u dhacay, nasiibdarrase waxay ii timid markii qoyskeyga intii aan ka sugayay in ay gacan igu siiyaan in ay nolosheyda caadi noqoto in ay dhibaato xoog leh ii soo kordhiyaan, intooda badan waaba iga fogaadeen wayna i gooyeen, waxaase iigu darneyd Islaantii soddohdeyda ahayd ee dhashay wadaadkii iga dhintay oo iyadu billowday in ay igu eedeyso in aan anigu Cudurka u keenay wiilkeeda, sababna u ahaa dhimashadiisa, iyadoo taasi ay beeninayso baaritaannadii is daba joogga ahaa ee uu horey ninkeygu isaga qaadi jirey xilligii uu noolaa, taasi waxay keentay in ay iga hor keento carruurteydii oo ay ugu weyneyd gabar 15-jir ah, waxay kaloo isku dayday in ay iga hor istaagto lacag ay xaq ahaan u heleen carruurteyda oo Bishii gaareysay 1,500-Riyaal.

Noloshii ayaa cariiri igu noqotay, carruurteydii waxay bilaabeen in ay iga fogaadaan oo ay iga cabsadaan, haddaan isku dayay in aan si kasta ugu sheego in aan cudurkan la isku qaadsiin isu soo dhowaansho, wax isla cunis iyo wixii la mid ah waan qaadsiin waayay, waayo dhinaca kale ayaa qoysku carruurtu cabsi ka gelinayeen, nolosheydii maalinba maalinta ka dambeysa aad bay u sii xumaaneysay, waxaan markii dambe goostay in aan waqtigeeda intiisa badan ku qaato Isbitaalka weyn ee Dowladda ee ku yaallay magaallada Jeddah ee ay doladdu ugu talo gashay daweynta dadka qaba Cudurka AIDS-ka, kaasoo inta badan dawadiisu ay lacag la’aan tahay, inkastoo dawadiisu ay qaali tahay.

Howl wanaagsan oo niyaddeyda wax badan soo celisay ayaan kala kulmay Isbitaalka dowladda, waxaan ka baxay go’doonkii aan ku jiray, waxaan dhex tegay dhaqaatiir iyo shaqsiyaad sidayda oo kale qaba cudurka, balse aan yididiillo iyo nol is dhaafsanayno.

Iyadoo la tixraacayo tirakoobkii ugu dambeeyey ee Wasaaradda Caafimaadka dalka Sucuudiga waxaa la sheegaa in dadka sida Virus-ka HIV-ga dalka Sucuudigu in ay tiradoodu gaareyso 7808-qof, 6065-ka mid ah waa Dad Ajnabi ah oo ku nool dalka Sucuudiga, balse 1743 waa dad u dhashay dalka Sucuudiga, 50% dadka cudurkaasi sida ama qaba waxay ku nool yihiin Magaallada Jeddah.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2005

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD