SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MARKA, SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print


Safarkii Faysal Siyaad ee Gobolka Sh/Hoose
  • SomaliTalk.com | Marka, Soomaaliya | Janaayo 1, 2005

Waxay ahayed maalin talaado ah ay taariiqdu ku beeganayed 28/12/04 saacaduna waxay ahayed sagaalkii oo rubi dhiman oo subaxnimo markii aan kasoo amba baxnay magaalada kismaqayo ee g/j/ hoose. Jawiga magaalada kismaayo ayaa waxa uu ahaa markaasi mid adag waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta ay iswaydaarsanyeen labo maleeshiyo oo ku abtirsada isbahasiga dooxada juba, intii aan si fiican oga soo dhamaan waxaan maqlayay in dagaalkii halaaki ku dhexmaray labada maleeshiyo uu ku salayesnaa hab aargoosi ah islamarkaana ay xabadahii ay iswaydaarsanayeen ay ku dhinteen labo nin oo ka kala tirsanaa labadii garab ee ay dirirtu dhex maraysay ayna iska dhaawaceen ku dhawaad lix qof. Kadib intaasi waxaa si toos ah iigu bilowday safarkaygii aan ugu socday g/ sh/ hoose gaar ahaan magaalo madaxdiisa Marko ayadoo ay safarkaygii igu weheliyeen sadex qof oo iyaguna ka tirsan suxuiyiinta G/ jobooyinka kana howol gala warbaahinta kala duwan ee ku yaala dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Hadaba intii aan soo hayay wada dheer ee isku xirta magaalooyinka kismaayo iyo marka ayaa waxay indhahaygu qabanayeen marba marka ka danbayso waxyaabo aan la yaabo ayadoo ay ka mid tahay wadanka wadooyinka ugu halista badan ee lagu safro islamarkaana uu burbur lixaad leh soo gaaray intii ay socdeen dagaaladii sokeeyo ee lagu hoobtay.

Intii aan ku soo guda jiray safarkaygii ayaan waxaan soo marnay in kabadan dhowr iyo labnaatan isbaaro aydoo ay isbaaroyinkaas dhigteen maleeshiyooyin hubaysan oo aan cidina ka amar qaadan taasoo keenta in inta badan ay maleeshidaaas dadka ku safra wadaas u geyeataan waxyaabo isugu jira dil; dhac iyo kufsi ayna u geyetaan dadka shacabka ah ee wadadaasi ku safra ayadoo ay isbaaradii ugu horaysay aan kula kulanay meel 9 km ujirta magaalada kismaayo.

Hadaba wadada isku xirta Gobolka Jubada Hoose iyo G/ sh/ hoose ayaa waxaa si aad ah u maansheeyay burbur lixaad leh oo ay u gayesteen roobabkii dhawaantan ka da'ay halkaasi aaydoo aad arkayso biyo aad u fara badan oo ku teedsan dhinacyada laamiga kuwaasoo sida la ii sheegayna wax yeeleeyay dalagyadii beeraha ee sanadkan la filayay maadaama uu g/ j/ hoose uu caanku yahay tabcashada dalaga beeraha.

Kasoo bixitaankii magaalda kismaayo ayaa waxaa magaalo ahaan iigu xigatay magaalda Jamaame oo 75 km u jirta magaalda kismaayo magaalda Jamaame ayaa waxay tahay sida lasheego magaalo qadiimi ah ayadoo dadkeeda ay u badan yahaiin dad beeralay ah islamrkaana xiligii aan tagay magaalada jamaame ay dadku ku kala mashquulsanayeen howlo maalmeedkoodii oo ay maagaladu u ekeyed mid cidlo ah maadaama ay dadka intooda badan yihiin beeraleey oo subaxdii u kalahaan beeraha galbahiina kasoo rawaxaan.

Magaalda jamaame ayaa waxay ahayd magaalo amaankeeda uu iska liito maamul ahaana hoostimaadaa isbahaysiga dooxada jubba sida uu ii sheegay qof katirsan dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaan soo maray intii aan ku guda jiray safarkayga tuulada kabsuuma oo ka tirsan dagmada Jilib ee g/ j/ dhexe oo iyana 90 km u jirta magaalda kismaayo intii aan ku sugaa tuulada kabsuumo ayaa waxay ahayed qisadii iigu yaabka badnayed safarkayga waxayna ahayed markii aan arkay in kabadan 8 qof oo isugu jira rag iyo dumar oo u jooga tuulada in ay ismehersadaan isla-mar-ahaantaana kasoo kicitimay magaalada kismaayo meherkooduma uu ku salayesanyahay qaab caado dhaqameed ah oo ay soomaalidu u taqaano masaafo.

Sidoo kale waxaan soo maray intii aan safarkayga ku guda jiray dagmada Jilib ee g/j/ dhexe, dagamada jilib oo markaas ay xaaladaydu ay ahayed mid degan hadana waxaan ku qiyaasay halka ugu maleeshiyada badan marka laga reebo magaalada kismaayo ayadoo aan maqlayay in dagmada jilib loo sameeyay maamul lana sugayo amaanka islamarkaana uu maamulka bilaabay canshuur ururin ayaa hadana waxaad dareemaysaa in ay maleeshiyada ku sugan Jilib aysan lahayn waxa nidaan ah oo ay ku dhaqmayaan islamarkaana ay ku dhaqmayaan wax alaale waxa ay doonaan.

Cabsi badan iyo naxdin badan kadib waxay dadkii xoogaa nasteexo ah iyo kalsooni ah ay dareemaeen markii ay madaxa la soo galeen tuulooyinka iyo dagmooyinka uu ka arimayiyo maamulka Sh/Hoose ee uu madaxa ka yahay Sh/ Yuusuf Maxamed Siyaad indha cade, sida markaas ay ii sheegeen dadkii igu weheshay safarka iyo waliba darawalka baabuurka oo ii sheegay in qaskii iyo isbaarooyinkii lasoo dhaafay inkastoo ay aniga ii ahayed safarkii iigu horeeyay ee aan ku soo maro wadaada isku xirta kismaayo iyo marko.

Dagmadii iigu horeysay ee maamulka nidaamsan ee sh/ hoose aan ka soo galo waxay ahayed dagmada Buulo Mareer oo iyada u jirta ilaa afartan iyo shan km magaalada Marka ee xarunta u ah g/ sh/ hoose.

Intii aan joogay dagmada Buulo Mareer kuma aanan araga waxa qori wata ayadoo ay tahay dagmada buulo-amreer magaalo wayn ayan islahayen fikrada aan ka hayestay dagmada buulo mareer iyo muuqaalkeeda.

Waxaan ku arakay dagmada buulo mareer saldhig boolis iyo xafiis canshuur ururinta iyo waaxyo kale oo ka mid ah g/ sh/ hoose, waxaan yaab ila noqota runtii in boonada canshuurta aan ka soo qaadanay buulo mareer aan ku soo marnay inta u dhaxaysa Marka iyo Buulo-Mareer oo ugu yaraan ay ku taalay ilaa afar bar kontarool ayna joogeen ciidamo ka amar qaata ama hoosyimaada maamulka sh/ yuusuf maxamed siyaad, runtii taasoo igu noqotay layaab waayo wali ma anan arag intii aan safarka ku jiray iyo xitaa meeshii aan kasoo baxay maamul caynkaan oo kale ah balse la sheego in maamulo kan lamid ah ay ka jiraan magaaloouyinka Jowhar iyo Balcad ayna ka kala arimiyaan hogaamiye kooxeedyada kala ah Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi.

Hadaba magaalada Marko ayaa waxay tahay muuqaal ahaan magaalo aad u bilicsaraysa xaga dhismaha lehna nidaan iyo kala danbayn ayadoo ay magaaldan dagan yahiin dad aad u fara badan aana lahayn beel beel isla mar ahaantaana ay u siman yahiin maamulka iyo xaquuqda aas aasiga ah ee uu qofku leyahay.

Magaalada Marka oo ah xarunta maamulaka sh/ hoose waxaa ku yaala dhowr goobood oo caafimaad uuna ugu horeeyo isbitaalaka guud ee magaalada, isbitaalkan oo ay maalgalintiisu iska kaashadaan hay'adaha ku sugan gobolka iyo maamulka ayaa waxaa sidoo kale weheliya goobo caafimaad oo kale oo u ka mid yahay isbitaal qaas ah ayna maalgaliyaan hay'adaha samafalka, sidoo kale magaalada Marka waxaa ka jira iskuulo isagu jira hoose, dhexe iyo sare oo ay sidaasi si lamid ah ay u kala maalgaliyaan maamulka gobolka iyo haya'daha samafalka, sidoo kale waxaa jira iskuulo gaar ah.

Magaalda Marka waxaa ku sugan ilaa iyo 11 hay'adood oo ah kuwa caalamiga ah iyo inkabadan 30 ururada maxaliga ah.

Hadaba hadii aan usoo noqdo xaalada amaan ee gobolaka gaar ahaan tan Marko waa mid aad u tayaysan waxaa jira ciidamo amaanka suga loona tababaray islamar  ahaantaana xiran labis ciidan oo u gaar ah, runtii nidaamka ka jiraa magaalada waa mid ka sheegan dhaamaam magaalooyinka kale ee soomaaliya ayadoo sidoo kale ay dagmadan leedahay maxakamad islaami ah oo waxa ku xukunta shareecada islaamka.

Dhanka kale dhadhqaaqa ganacsi oo tayaysan ayaa ka jira gobolka ayadoo uu ku xiran yahay qayraadka dabiiciga ah ee bada iyo beeraha in kastoo ay jiraan hadalo kasoo yeerayo dadka deegaanka ku waasoo tibaaxaya in ay jiraan sicir barar aad u sareeya inta badana soo laalaabta.

Dhanka kale waxaa galinkii danbe ee 29kii December 2004 ku soo xirtay dakada dabiiciga ah ee magaalada marka doon laga leeyahay wadamada Khaliijka oo la doonayo in lagu raro xoolo nool oo isugu jira ari iyo lo' isla mar ahaantaan loo iib gaynayo qaybo kamid ah wadamada khaliijka sida uu ii sheegay Axmed Dheere oo ka mid ah howl wadeenada shirkada raraysa xoolahaa aydoo aysan ahayn makii ugu horaysay oo laga dhoofiyo dakada dabiiciga ah xoolo nool sida kuwan oo kale.

Faysal Xaaji Siyaad Muumin
SomaliTalk.com | Marka, soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com |  Janaayo 1, 2005


Deganaansho la'aanta Kismaayo yaa wada?

Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD