SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


SANADKII TAGAY EE 2004-TU MUXUU SAGOOTIYEY CAALAMKA

          Sanadkii 2004-tu sidii sanadihii isaga ka horeeyey caadada u ahayd wuxuu dunida ku maray sida dabaysha oo kale, taasoo aan uga jeedo aadbuu u degdegayay sida laga yaabo inay dareensanaayeen dadweynaha aduunka dul tukubaya intiisa badan, waxa caadi ii ah inaaan qormooyinkayga qaarkood aan ku soo bandhigo sanad kasta marka uu sii dhamaanayo dhacdooyinkii uu sanadkaasi caalamka kala tegay iyo hagardaamo iyo hadimo wixii uu u lahaa dadweynaha aduunka, anigoo isku dayaya inaan aad u soo kobo sanadkii 2004-tu guul wuxuu u ahaa qaybo badan oo ka tirsan beesha caalamka halka uu murugo iyo tiiraanyo kaga tagay in farabadan oo ka mida shucuubta caalamka ku nool.

     Dalka maraykanka doorashadii sanadkii 2004-ta ka  dhacday waxa si weyn ugu guulaystay madaxweyne George W. Bush oo ka adkaaday dhigiisii la tartamayey Senator John Kerry, guusha uu bush ku guulaystay inuu mayalka u sii hayo aqalka cad ee maraykanka waxay naruuuro u tahay qaar badan oo ku nolol ka raadinaya aduukan sii kala qaysamaya, halka dad farabadan oo kale ay u iftiintay in ku soo noqoshada bush uu aqalka cad ee maraykanka uu ku soo noqday ay gaas ku sii dari doonto dabka imikaba ka holcaya qaybo  badan oo ka mida dunida. Si kasta ha ahaatee waxa muuqata in aduunk aanu ahayn aduunkii hore oo sidii ay u dhacday Sept/11 duhida waxa ku dhacday is  badal weyn maamulka bushna waxa uu si weyn ugu sii hamimayaa inuu xidida u saaro waxa uu ugu yeedhay argagixisada caalamiga ah, taaso dad farabadan ula muuqata weerarada cad ee ay dawladu maraykanku ku qaadayso hadba wadan muslim ah. 

    Dhinca bariga dhexe waxa sanadkii 2004-ta geeriyooday hogamiye ka mida kuwii ugu waaweynaa ee soo mara taariikhda siyaasada murugsan ee bariga dhexe , Yaasir carafaat oo ahaa hogaamiyihii PLO-du waxa uu ku geeriyooday magaalada Paris, waxaana si ku meel gaadh ah loogu sii aasay magaalada Ramaka, iyadoo meydkiisii lagu  riday bir naxaas ka samaysan si maalinta ay timaado in la xoreeyo Baytal Maqdis si rasmiya loogu aaso, Yaasir Carafaat waxa uu soo noolaa nolol gabi ahaanteedba wadatay siyaasad, xarakaad iyo halgan uu ugu jiray badbaadinta shacabka Falastiin ha yeeshee waxa ka geeriyooday isagoonay u rumoobin riyadiisii ahayd inuu arko maalin uun Falastiin xor ah oo calankeedu ka lusho dhamaan dhulka ay Yuhuudu xooga ku qabsatay. 

     Dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeedhay argagixisada ayaa caalamka sanadkii 2004 meelihisii u sareeyey gaadhay iyadoo wasaarada gaashaandhiga maraykanku ay u qoondaysay miisaaniyadii ugu badnayd, waxa wali socda dagaalada qadhaad ee kooxaha iska caabinta reer ciraaq kula jiraan askarta maraykanka, Iran ayaa loogu hanjabay in la weerari doono haddii aanay faraha kala bixin horumarinta ay ku wado hubkeeda nukliyeerka, wadamada ay ka mid yihiin Suuriya ayaa looga baqayaa inay ka mid yihiin kuwa safka hore kaga jira in la duqeeyo mustaqbalka barnaamijka ay wataan maraykanka iyo xulafadiisu ee ka dhanka ah argagixisada. 

     Wadanka Somalia 14 sano oo dawlad la’aan ah iyo dagaalo sokeeye oo dalka ragaadiyey, waxa aakhirkii wax uu shirba shir u dhiibo ummada soomaaliyeed madaxweyne loo doortay Col. Abadullahi Yuusuf Ahmed Yey, Abdullahi Yuusuf Ahmed Yey waxa uu horay u ahaan jiray sarkaal ka tirsanaan jiray ciimada xooga dalka Soomaaliyeed ka hor intii aanu mucaaradad kala soo horjeedjsan taliskii uu madaxda ka ahaa Gen. Maxamed Siyaad Barre, Sida uu qoray TIMES, oo ka soo baxa London ee dalka ingiriisku doorashada kursiga loo doortay Abdullahi Yuusuf lagama yaabo in ay rajo badan u keento xalka Soomaalida oo ah mid aad u murugsan. 

    Guud ahaan qaarada Africa marka aad eegto sanadkii tegay ee 2004-ta waxa ka dhacay meelo badan oo qaarada ka mida abaaro ba’an ha ugu badnaadeen bariga qaaraduye. 

Anigoo aad u soo koobay oo aan qormadan yar lagu soo koobi Karin dhacdooyinbkii aduuka ka dhacay sanadka 2004, ayaan akhristayaasha ka codsanayaa inay raali iga noqdaan haddii ay jiraan wax aan ka tegay.# 

Walaalkiin
Hassan Okar(Salahuddin)
Global Media Group
Bristol,
Uk.
Email: Globallmedia@hotmail.com
Tel: m00-44-7946174533.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com |  Janaayo 1, 2005


Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD