SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

"Waxaan Idinka Ballan Qaadayaa in aydan Magbixin oo Qofkii qof dilaa Ladilayo"

Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse oo Ka Hadlay Munaasabadii Salaada Ciida iyo Sida looga Ciiday Gobolda Punland

Waxaa isku soo dubaridey
c/fatax jaamac | Somalitalk.com | Boosaaso, Soomaaliya
somalitalkpl@yahoo.com | jan 20, 2005

 

  • "Haya'da Biyaha Boosaaso oo dhowaan ku dartay Biyaha lacag Dhan $1hal doolar taasi waa Sharci daro ayuu yiri.." Gudoomiyaha Gobolka Bari.
     
  • "Mushahar la,aanta waxaa kalifay in wixii la helo oo Dhaqaale ah ay qaarna Furdada ku qaybsadaan, qaarna Madaxdii loo dhiibo ayaa kala qaybsada Shacabkii wax gaaraa ma jiro..." Madaxweynaha DGPL..
     
  • "Waxbarasho lacag la'an ah waan samayn karnaa, waxa kaliya oo ay u baahan tahay in lagu dadaalo oo loo sameeyo wax yar oo Dhaqaalaa oo macalimiinta ay qaataan Shacabkuna uu ka qaybqaato..."  Cadde Muuse
     
  • "Anigu Da'dayda Waa 67 Sano, Magac cidna kama rabo, intaan soo socon karay waan soo socday, lakiin Waxaan ku dadaalayaa sidii Cid kastaa ay ugu socon lahayd Nabadgalyo, Hadii Illaahay Ogolaado" Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse Boqor
     
  • "Ninkii Madax noqdaa Reerkiisa Dadka oo dhan ayuu xukumaa, Aniga Reerkayga Ninkii ay xukumaan isaga ayaa nacasnimadiisa ay tahay sababtoo ah Dadka Cadaalada waa u dhexaysaa ama Madax ahow ama Shacab ahow..." Gen. cadde Muuse
     
  • "Waxaa Boosaaso loo dhisayaa guddi ka kooban  25 Qof oo ay Mas'uuliyada Degmada Boosaaso ayaga Fuusho..." MDGPL
     
  • "Uma dul qaadan doono Madax is haysata oo kooxo u kala baxda oo dantii shacabka halkaa ku lunto" Gen. Cadde


Dadweyniihii oo Buuxiyey Qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Boosaaso Salaadii Ciida Ka dib



Saladii oo loo taagan yahay

Gudoomiyaha G-Bari oo ka hadlaya Masalaha Salaada Ciida


Sheekh Yusuf Heeryo oo ka wacdinaya Masalaha Salaada Ciida

Sheekh Bashiir oo wacdi ka jeedina Masalaha Salaada Ciida

Sheekh Cabdi Xaafid oo Akhrinaya Qudbadii Salaada Ciida

Barkhad Cali Saalax, Wasiirkii Maamulkii Hore ee Diinta Iyo Awqaafta

Abwaan Yamayam oo Ka hadlaya Masalaha Salaada Ciida

Waxaa maanta Guud ahaan looga Ciiday Gobalada Puntland ayadoo Takbiirta laga bilaabay Masaajidada Magaalooyinka Salaadii Subax kadib waxaa laga soo sheegayaa magaalada Gaalkacyo in laka Ciiday oo dadka qaarkii ay Ciidi doonaan Barito.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa subaxnimadaii hore wadooyinka ka muuqday Caruurta iyo Dadka waaweyn oo ku labisan Dhar aad u qurux badan oo ay ugu badanyihiin kuwa ay xirtaan Muslimiinta, Salaadii Ciida Adxada oo Xaloo dhan ay Dadka ku nool magaalooyinka Puntland Guud ahaan ay kala socdeen TV-yada Caalamiga ah ee sacuudiga sida ay Xujayda gudanaysa Xajka sanadkaan u taagan yihiin Carafo ayoo Dadweynaha ay qaarkood ku ducaysanayeen Ilaahay in uu u Sahlo Fursadaa oo kale Ilaahayna u Dambi dhaafo.


Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Qaar ka mida Madaxda iyo Hogaamiye Dhaqameedka Puntland oo Fadhiya Masalaha salaadii Iida

Waxaa Magaalada Boosaaso Maanta la Ciiday Dadka Madaxaweynaha DGPL Gen: Cade Muuse iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf wacees Dhado iyo Culimo Awdiinka iyo Madax kale oo Badan ayadoo lagu tukaday Garoonka kubada Cagta Boosaaso.

Salaadii Ciida kadib ayaa halkaa waxaa Qudbadii Salaada Ciida ka soo jeediyay Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo Qudbadaasi ku sheegay Fadliga ay leedahay Maalinta maantoo kale ah ayna waajib tahay in ay Muslimiinta oo dhan ay Ku wada Ciidaan siwadaJira, Aduunka iyo Dhaqaalaa lagu ilaaway Aqiro laga soo Noqdo oo loo soo Noqgo Cibaadada Illaahay, Waxaa ayagana ka hadlay Qudbadii Ciida kadib Culama Owdiinka Soomaaliyeed kuwo ka mida waxa ka mid ahaa Culimadaa Sheekh Bashiir iyo Sheekh Yuusuf Heeryo oo labadaba ay Wacyigooda ku wajahnaa sidii Maamulka ay wax uga qaban lahaayeen Nabadgalyada iyo Fusuqa ku soo badanaya Magaalooyinka Puntland, waxaa ay culimdaa ka hadleen in mas,uuliyada uu Qofkastaa Dusha u ritay la xisaabin doono maalinta Aakhiro oo qofkastaa la xisaabin doono kalidii wuxuu ku guto Adduunka, waxaa ay Culimada ay sheegeen in lagu tukanayo Magaalada Boosaaso ilaa 20 labaatan Masjid oo Madax iyo ku madaxlooyahay la wada fadhiyo Masalaha, Culimada ayaa waxaa ay ka hadleen Hooyooyinka in ay ka gaabiyeen sidii diinta ay ugu gargaari lahaayeen.

Culimada kadib ayaa waxaa ka hadlay Masalaha Salaada Ciida Abwaanka Soomaaliyeed oo looyaqaan Yamyam oo ka tiriyiy Gabay dheer oo tabanay Nabada ay ku dadaaleen Dadka Reer Puntland iyo sidii Dimoqoraadiyada lahayd ay usoo doorteen Madaxweyne iyo Kuxigeen tasoo aad aduunkoo dhan looga soo dhaweeyay Abwaankuna uu nasiib u yeeshay in uu joogo Puntland.

Waxaa Abwaanka kadib ka hadlay Madaxda ka mida kuwa maamulka Gobolka oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Wacees Dhado oo ugu horeentii salaamay guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Ummada Puntland Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Dhibaatadaii Bad gariirka ee Gobolada Puntland isagoo gaar ahaan taabtay Magaatada Xaafuun oo ilaa hada aanay jirin wax Caawinaada oo soo gaaray gaar ahaan dhanka Shacabka lakiin ay jiraan in yar oo ay soo gaarsiiyeen UNICEF,WFP, SHILKON, WAWA iyo Ururka Dhaqaatiirta Gobolka Bari, Gudoomiyaha ayaa Codsaday in Dadkaa Gacan caawinaada laga geysto oo Dhibka lala Qaybsado loona Ururiyo lacag dhan $ 0.50 Nus Doolar Ruux walba oo awoodi kara lacagtaa wax weyn bay u qabanaysaa Dadkaa dhibta kasoo gaartay ayaa fadhiya meel cidlaa oo sheyna aan kala Bixin Dhibka meeshuu ka dhacay waana qadar Illaahay ayuu yiri Gudoomiyihu.

Asagoo hadalkiisa sii wata Gudoomiyihu ayuu yiri Mudane Madaxweyne waxaan kuu ahay wakiil oo aan kaaga ahay Gobolkaan Bari mudane Madaxweyne wixii dhiboo jira inaa kaalo hadlo iyaga dhexdooda kaala hadlo waa Xaq Mudane Madaweyne waxaa na saameeyey Burbur arimaha Bulshada sida waxbarashada, Caafimaadka labadaa aad ayaa loogu dhibaataysan yahay Xaga waxbarashada Ninkii Sadex caruura lahaa Iskool ma gayn karo Sababtoo ah Dugsigu waa lacag ma jiraan caawinaad xag Dawladaa iyo Hay,ado taasi waxa ay kaliftay in Caruurtii ay ka halaabaan xaga Edaabta taasina Nabadgalyadii ay Dhib ku keentay, waxa uu Gudoomiyihu la hadlay maanta Waalidiinta in ay Ceshadaan Caruurtooda oo Baryahaan Nabadgalyada Dhib ku keenay.

Gudoomiyihu waxa uu ka hadlay Canshuuraha iyo Haya,da Biyaha oo dhowaan ku dartay Biyaha lacag Dhan $1hal doolar taasi waa Sharci daro ayuu yiri, Canshuur waxa kordhin kara ayuu yiri Gudoomiyuhu Baarlamaanka oo kaliya shirkada haysa Biyaha Boosaaso ayuu yiri waxa loogu dhiibay in ay dayacmin lakiin ayagu maleh lacagna isagama Darsan karaan ayuu yiri Gudoomiyihu isagoo hadalkiisa soo gabagabeeynaya Gudoomiyahu ayuu ka hadlay Nabadgalyada oo uu ka codsadey in ay kala shaqeeyaan Shacabka.

Waxaa gudoomiha kadib halkaa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Maamulkii Hore Barqad Cali Saalax, Salaanta iyo Duco Guud ahaan Soomaaliya uu halkaa ka soo jeediyay kadib ayuu Dadka kala hadlay in la helo oo sadaqo lagu bixiyo sidii loo heli lahaa Meel lagu tukado salaadaha Iida iyo Salaadaha kale ee Jaamaacada ee ay Muslimiinta isugu yimaadaan oo garoonkaan looga maarmo, waxa uu Wasiirku ku soo dhaweeyay Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse oo ugu hotaysay maanta in uu fagaaro kala hadlo Dadweynaha Puntland Qaarkood.


Madaxweynaha DGPL iyo Ugaas Xassan oo Fadhiya Masalihii salaada Ciida


Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse oo ka hadlaya Masalaha Salaada Ciida

Madaxweynaha ayaa ugu horeentii ka hadlay Dhibaatooyinka jira ee Illaahay Keenay oo ay ka mid yihiin kuwii Abaaraha iyo Bad gariirkii oo ay ku bara kaceen Dad aad u fara Badan, Culimada ayuu Madaxweynuhu ku baraarujiyay in ay Illaah baryaan oo Dadka ay wacdiyaan, Maaxweynaha ayaa ka hadlay Nabad galyada oo sii xumaanaysa oo ay ka horayso in uu magacaabo Dowladiisa Nabadgalyada waxa uu xusay Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalada Labaad ee Xaga dhaqaalaha iyo Baaxada oo lagu dilay 14 Afar iyo Toban Qof, waxana uu tilmaamay in uu Dhici karo dambi lakiin waxaa ka xun ayuu yiri in aan lasoo qaban gacan ku dhiiglihii, Waxaa uu amaan u soojeediyay Booliiska magaalada Boosaaso oo labadii habeen ee ugu dambeysay ay nabadgalyada adkeeyeen oo magaalada Boosaaso ay ka dhacday Dil labadii habeen ee ugu dambeysay oo Booliiska Boosaaso ay gacanta ku soo dhigeen, Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in dadwaynaha uu balan kaga qaaday in ay waa dambe Mag aysan bixin taa ayuu ku tilmaamay in Qofkii Qof dilaa la dili doono, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay magaalada Boosaaso ay tahay Magaalo shaqo oo Ganacsigu ka socdo lakiin nabadgalyo ay u baahan tahay, waxaa uu Tusaale ku soo qaatay mar uu yimi Boosaaso asagoo Dhalin yaro ah oo sarkaal Ciidan ah in uu Ciidamo kasoo Qoro loogu soo diray uu ka waayay Cid Ciidamada qorata oo uu qof walbaa yiri anigu waan shaqeystaa maxaan ku falaa Dawlad Shaqadeeda iyo Shaqo kale, maantana shaqaa la radinayaa oo sababtu waxa ay tahay Shaqaan jirin, waxana uu Xusay in ay jirto Mushaar la,aan Sagaal bilood Mudo ah taas ayaa waxaa kalifay ayuu yiri waxaa jirta wixii la helo oo Dhaqaalaa ayaa qaarna Furdada ku qaybsada qaarna Madaxdii loo dhiibo ayaa kala qaybsada Shacabkii wax gaaraa ma jiro.

Waa nasiib daro xaga Tacliinta waxa ka socdaa ayuu yiri Madaxweynuhu, anigu waxaan ku soo koray iyadoo Taajir iyo Faqiirba uu tacliinta helo Qofkii raadsanaya Jaamacado Dibadaa oo lacaga waa gooni lakiin Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare waxa ay ahaan jireen lacag la,aan iyo waliba Jaamacadii Soomaaliya, waan samayn karnaa sababtoo ah Macalimiintii waan haynaa Iskooladii waan haynaa waxa kaliya oo ay u baahan tahay in lagu dadaalo oo loo sameeyo wax yar oo Dhaqaalaa oo macalimiinta ay qaataan Shacabkuna uu ka qaybqaato. Waxaa jira Ganacsi aad u balaaran waxaan u sheegaynaa in ay ka qayb qaataan Waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay intii uu joogay in u la yaabay oo uu arkay in ay jirto dhul dhan oo oomanaa ayna sahlantahay maanta adduunka in la qodo Ceelal lakiin ayuu yiri Madaxweynuhu waa inaan marka u horaysa nabada sugnaa hadii Illaahay yiraahdo wixii dambiilaana waan ku qaban doonaa waxaa noogu daran ayuu yiri Waxbarashada, Caafimaadka & Wadooyinka intaa waxaan ka hormarinaynaa Nabadgalyada oo la,aanteed aysan soconay wax horumar ah.

Gen. Cadde Muuse, MDGPL, ayaa tilmaamay in aysan u adkeysanay Ciyaalka Waalidkood Dhaqaalaha haystaan oo hada Nabadgalyada xumaynaya, Booliska iyo Cidkastaa oo Nadgalyada ku shaqo leh waxaan u shegayaa ayuu yiri in ay ku ciqaabaan cidii ay ku soo Qabtaan Nabadgalyo Xumo, waxaan waalidiinta u sheegaynaa ayuu yiri Madaxweynuhu hadii aan ku qabano nabadgalyo xumo in aad wax badan raadin doontaan Nin soo dhargay in uu Dadka kutunto, ka yeeli mayno.

Waxaa madaxweynaha uu sheegay in ay jiraan kuwo Maraakiib qabsada oo Badaha Isbaaro dhigta oo Markab soo xumaaday oo xeebta Puntland Badbaado soo baday la iska fuulo oo lacag Baad ah laga qaado, waxaan u sheegayaa ayuu yiri Madaxweynuhu hadii ayagii aan waayo Waalidkoo ayaan dambigii ku qaadayaa ayagaa keenaya, waxaa kaloo uu sheegay hadii Nabad la helo in dhulka Puntland uu yahay Qani oo laga heli karo shaqooyin.

Xagga Maxkamadaha iyo saldhigyada Booliska ayuu sheegay Madxweynuhu in uu ogyahay inay qataan Laaluush sababtoo ah ayuu yiri Mushaardaro ayaa jirta lakiin hadii aan u helno mushaarooyinka Ninkii laaluush qaataa Dambigeeda ayaan ku qaadi doonaa, Madaxweynaha ayaa ku soo gabagabeeyay Anigu Da,dayda Waa 67 Sano Magac cidna kama rabo intaan soo socon karay waan soo socday lakiin Waxaan ku dadaalayaa sidii Cid kastaa ay ugu socon lahayd Nabadgalyo Hadii Illaahay Ogolaado intii Awoodaydaa waan ku dadaali doonaau Boosaaso Aduunkoo dhan ayaa jeclaa Magaalo Nabadeed ayay ahayd waxaan rabaa inay sideedii ku soo Noqoto, anigana waan ku dadaalayaa Shacabkana waxaan ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan oo lawada shaqeeyo Dambiilaha si wada jira aan u wada Qabano.

Waxaa kaloo jirta ayuu yiri Madaxweynuhu Waxaa la yiraahdo Qabiilka waxa la yiri Ninkii Madax noqdaa Reerkiisa Dadka oo dhan ayuu xukumaa, Aniga Reerkayga Ninkii ay xukumaan isaga ayaa nacasnimadiisa ay tahay sababtoo ah Dadka Cadaalada waa u dhexaysaa ama Madax ahow ama Shacab ahow.

Waxaa madaxweynuhu uu Xusay Madaxweynihii Hore DGPL Col: Cabdulaahi Yuusuf oo hada ah Madaxweynaha DFKGS oo intuu joogay DGPL uu aad u Dadaalay Dhibaatada weyn oo haysatay waxa ay ahayd Dagaalo badan oo ku socday iyo Dhibaato badan oo ku furnayd dadku waxa ay leeyihiin waxaa jirta Madaxweynihii waa lagu wareegsanaa oo qabiilkiisa ayaa ku wareegsanaa, hadii ay Dadka kale kula socon dhibaatada waxa ay tahay Qabiilkaagii ayaa kugu soo wareegsanaaya, waxaan Cuqaasha iyo Hogaamiye Dhaqameedka u sheegay in ay iyagu u doodaan Danta Shacabka.

Waxaa kaloo madaxweynaha uu sheegay in ay Magaalada Boosaaso ay ku talo jiraan in la dhiso Gudigii Degaanka oo ayagu ay soo doortaan Gudoomiyihii Degmada iyo kuxigeenkiisa, Gudoomiha Degmada waxay ku xirantahay sida uu u shaqeeyo oo aan la oran waxaa jeebka lagala soo baxay Nin lagu danaysanaayo ama Reer baa meeshaa u go'ay, Gudigaa Degaanka ayaa tiradoo Madaxewynuhu ku sheegay 25 Qof oo ay Mas,uuliyadu Degmada Boosaaso ayaga Fuusho, waxaa uu Madaxweynuhu Amaan u soo jeediyay Gudoomiyahay Gobolka Yusuf Wacees Dhado xiligii uu hayay Gudoomiyaha Degmada Boosaaso oo uu aad wax uga Qabtay howlahii Dowlada Hoose ay u haysan Bulshada hadana intii uu joogay Gobolka ilaa hada aad ayuu waxa uga Qabtay ayuu yiri Madaxeweynahu, waxaa kaloo oo madaxeynuhu sheegay in ay u dul qaadan doonin Madax is haysata oo kooxo u kala baxda oo dantii shacabka halkaa ku lunt, waana ku amaanayaa hada sida ay u shaqeeyaan madaxdu, waxaa kaloo oo uu ku baraarujiyaya Bulshada Ganacsatada iyo Culimada in ay Talada Dalka wax ku lahadan ayna Xaq tahay, waxaa kaloo oo Madaxweynaha uu sheegay in ay jirto in Ganacsatada ay bixiyaan Laaluushka oo Canshuurta marka loogu yimaado ay wiilasha u yimaada siiyaan in yaroo lacaga marka waxaa uu ku baraarujiyay in ay aysan helayn in wadadii la dhiso Biyihii laga shaqeeyo oo ay tahay in ay Biyaha dawladu bixiso Dadkuna lacag la,aan ku cabaan, Waxaa kaloo Madaxweynuhu sheegay Dawlada ay dhisi doonaan ay ku dadaali doonaan in ay wanaagsanaato ayagoo hab qabaa,il ah ku soo xuli doona lakiin hadii qabiilkii aan ka dalbanay in ay noo keenaan Nin jagada u qalma oo haddi ay nookeenaan Nin xun waan ku celin doonaa hadii ay diidaan anagaa soo xulayna Nin ku haboon Jagadaa.

Waxaan ku soo koobayaa Nabadgalyada in laga shaqeeyo Madaxeweynaha ayaa Tusaalooyin u soo qaatay Dadka Xumaan abuurkaa oo ay ka mid yihiin Madaxda kuwaas in si wada jira loo wada Arko si aan u helno Dadka doonya in ay Maal gashadaan in ay yimaadaan, waxaa kaloo uu Tilmaamay Magaalooyinka Reerka kaliya Degan yihiin in aysan hormarin kuwaas ayuu yiri Tusaale haku qataan Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo oo Dadkoo dhan ay isugu yimadeen sida ay u hormareen, waxaa kaloo oo Madaxweynuhu ku soo Gabagabeeyey in ay Soomaalidu lahaan jirtay Sharaf oo ay ku Dadaasho in ay soo Ceshato Sharafteedii.


Dadweynihii oo fadhiya Masalaha Salaadii Ciida

Dadweynihii halka isgu yimi ayaa shacuurtoodi dareenka lahaa uu soo Jiitay Madaxweynuhu oo ka hadlaayay Arimo badan oo ay Tabaayeen Baahida Dadweynaha Qabo ayagoo ugu Ducaynayey in uu Illaahay ka dhigo kii ay ku Nastaan Illaahay asagaa awood oo dhan u leh Arimaha Aduunka oo Dhan iyo Tan Aaqiro ayagoo Dadweynu isagu Hambalyeynayey Farxada Maalinta Ciidaa.

Warkii Waftiga DFKMG iyo Waftiga Koonfur Afriak ee Booasaaso booqday ka akhri halkan... GUJI...

Caruurta ku Dayacan Wadooyinka oo soo Kordhaya.. Guji...

Waxaa isku soo dubaridey
c/fatax jaamac | Somalitalk.com | Boosaaso, Soomaaliya
somalitalkpl@yahoo.com | jan 20, 2005

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2005
 
Barnaamijka siyaasadeed ee Gen. Cadde Muuse

1. Dib u habaynta iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula xisaabtamo oo lagu daba galo.

2. Dib u habaynta iyo dib u sixida  ciidanka amniga puntland (police,Daraawiish iyo asluub),si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo

3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan deegaanka puntland ciidamadooda.

4. In la hagaajiyo qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska saarayo hormarinta wax soo saarka lagana faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq.

5. in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha  deegaanka iyo nolasha reer guuraaga,hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban.

6. In si wayn wax loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay dadka reer puntland u galeen. 


Gen. Cadde Muuse oo ku Guulaystey MDGPL
Doorashadii madaxweynaha DGPL oo maanta lagu qabtay Garoowe ayaa martay saddex wareeg.. Qaabkii codadka loo helay ka Akhri halkan.... Jan 8

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD