SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


ISLAAM-KA, Kirismis-ka iyo Happy New Year-ka.
 Bismillahi,Alxamdulillaah.
 
Walaalayaal sidaad lasocotaan-ba waxaa lugu jiraa sanad cusub ee 2005,hadaba walaalayaal dadka aan haysan diinta Islaam-ka ee gaalada ahi waxay u dabaal dagayaan sannad-kaan cusub (Happy New year),maalmo ka horna waxay u dabaal-dagayeen ciidoodii kirismiska (christmas),sidoo kale waxaa ciidahaan u dabaal-dagaya dadka Islaam-ka sheegta balse run ahaantii Munaafiqiin ah, waayo Islaam-ku maahan sheegasho ee waa ku dhaqan. Qofkii ku dhaqma wax aan diinteena Islaam-ku raalli ka ahayna wuxuu kamid noqonayaa qolada uu falkaas kaga dayday ama ku raacay,tusaale ahaan: qofkii ciida kirismis-ka ama Happy New year-ka wax uga dabaal-daga hadana Islaam sheegta waa beenlow, wuxuuna kamid yahay gaalada uu ladabaaldagayo waayo Islaam-ku wuxuu leeyahay 2ciidood,gaaladuna intay doonto (ciidood) hala-haatee qof-kii ladabaaldaga ayaka ayuu kamid yahay.Taas-na waxaa daliil ama caddayn u ah xadiis-kii (xadith) Nabigeena (C.S.W) uu ku yiri "QOFKII QOLO ISU EKAYSIIYA AYAKA AYUU KAMID YAHAY". Hadaba walaalayaal mar haday sidaas tahay soo ma haboona inaan ka dheeraano fitnadaas?. Xitaa waxaa walaalayaal aan diinteenu ogalayn inaan muujino shucuur farxadeed ama isu hambalyayn, waayo markii aad maanta la faraxdid birri caadi baad ula dabaaldagaysaa "wadiiqada yar wadada wayn bay kugu ridaa". 
 
Waxaa is waydiin leh ayaku (gaaladu) markii anaku islaam ahaan aan ciidayno manala ciidaan mase nala farxaan?. Aqristow adiga ayaan kuu daayey jawaabta su'aashaas.
 
Walaalayaal sideedaba gaalada iyo islaam-ka waxba iskuguma qasna,waxna isuguma jiraan, xiriir-ka gaalada iyo Islaam-ka ka dhexeeyaa waa cadaawad,isnacayb iyo dagaal. Nabigeenu (C.S.W) wuxuu xadiis ku yiri "jid hadaad isaga hor timaadaan nin gaal ah waa inaad ku ciriirisaa", hadaba hadii layiri waa inaan jid-ka ku ciriirinaa xagee bay joogtaa inaan la faraxno ama la ciidno!!. Anugu waxaan-ba oran lahaa markii ay gaaladu ciidayaan ama faraxsanyihiin waa inaan anaku ka xumaanaa oo caro muujinaa. 
 
Waxaan ugu nasteexaynayaa dadka Islaam-ka ah gaar ahaan soomaalida inay iska ilaaliyaan inay gaalada kala qayb qaataan ciidohoodaan ama ay muujiyaan wax farxad ah oo ku aadan ciidohooda. Waxaan si gaar ah ugu nasteexaynayaa dadka ku nool wadamada gaalada inay is ilaaliyaan oo ay diintooda ku dhawrsanaadaan.

Walaalayaal waxba kuma jabna inaan taariikhdaan miilaadiga ah xisaabsano, laakiin waxaan haboonayn inaan ku hilmaamno taariikhdeenii hijriga ahayd, waxaa markasta haboon inaan taariikhdeena hijriga ah hormarino oo aan mudnaanta koowaad siino,waxaan hubaa in badan oo naga mid ah hadii lawaydiiyo inta ay marayso taariikhdeenna hijirigu inaysan garanayn taasina waa nasiib darro. Waxaa xusid mudan macallim iskuul ii dhigi jiray oo hada dhintay (raxmatullaahi calayhi) markuu sabuurada ku qorayo taariikhda wuxuu samayn jiray, taariikhda miilaadiga ah wuxuu ku qori jiray far aad u yar-yar,taariikhdeena hijrigana far aad u waawayn buu ku qori jiray. sidaas ayaana haboon in qof kasta oo naga mid ah uu mudnaanta koowaad siiyo taariikhdeenna hijriga ah. 

 
Waxaan u hambalyaynayaa wadaadada maxkamadaha islaamiga ah ee ka jira Muqdisho sida kartida leh ee ay u hor istaageen xafladihii ay dabadhilifyadu kusoo dhawaynayeen ciiddaan gaalada ee Happy New Year-ka. 
 
 
Abdullahi Sh.-Galkaio.
taakow2@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005

Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD