SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ciraaq: Doorasho duulaan iyo doolar ka danbeeya, ayaa ka dhacday.. 

Saxaafadda Aduunka 

Ciraaq, doorashadii ka dhacday shalay-30 Janaayo ee 2005, oo saxaafadda aduunka oo dhan, nagu qasbay in aan la socono-fad ama ha fadin (rab ama ha rabin)- waxeey noqotey mid yaab-laheeyd, dhinacyo badan marka laga fiirsho.

Labaatan iyo laba bilood ka hor ( maarso 20-2003), waxaa dalka Ciraaq ka talinaayey sida aan la wada socono, Saddaam Xuseen iyo labadiisa wiil, inta aan ciidamadii mareeykanka iyo faro ku tiris ciidamo Ingiriis ah, aaneey weerar ku soo qaadin, oo xukunkii Saddaam laga fara maroojin, oo awood loo sheegan. 

Doorashadii Ciraaq 

Shalay doorashadii ka dhacday dalka Ciraaq, in eey ansax ka tahay shuruucda caalamiga ah iyo in kale, waa su`aal, ka jawaabisteeda laga rabo, aqoon-yahanadda bartey -xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah- in eey sharaxaad ka bixiyaan.

Laakiin, mid baa iska cad oo aan cidna shaki uga jirin, Saddaam Xuseen xukunkiisii ka jiray dalka Ciraaq, cid rabtaa ama u go`catey, oo dadweynaha dalka Ciraaq ah, lama soo tabin -hadeey noqon laheeyd saxaafadda Carabta oo eey Al-Jaziira ugu horeeysa iyo mid kale-ba, oo tayo leh.

Sidaas darteed, doorashadii shalay ka dhacday dalka Ciraaq, waa mid caalamka Islaamiga ah ee carabta, wadda cusub oo hor leh u tilmaameeysa, in dadweynaha Carbeed rag iyo dumar-ba in eey rabaan in loo ogolaado, doorasho xoriyad leh. 

Duulaanka iyo doolarka Mareeykanka 

Hadaan dalka Mareeykanka duulaan uuna ku qaadin dalka Ciraaq, shalay doorasho-ururo-diineed-yada ama qoomiyadaha reer Ciraaq eey ka kooban kama dhacdeen, taas oo macnaheeda ah, in shacabka Ciraaq, awood iyo talo eey lahaayeen kuma imaan ee mid meelo kale looga keenay ah.

Eey-se, iska muuqatey arin eey u baahnaayeeen aheeyd ( waa doorashadee), laakiinse, eey tabar darro awgeed eey ayaga ka shacab ahaan qabsan-waayeen, oo xukunkii Sadaam Xuseen iska hoos fadhiyeen, ayadoo muuqatay in eey raali ka aheeyn.

Inkastoo, eey jirtey doorashadii Ciraaq ee shalay ka dhacaday, lagu bixiyey lacag lagu qiyaasay 200 malyan oo doolar oo dhinaca dalka Mareeykan ka timid, oo badnaa xayeeysiin tv, radio iyo jaraa`id-ba leh, lagu wargalinaayey in eey doorashado u tahay shacabka Ciraaq wax u fiican, oo eey u soo baxaan banaanka ama goobaha doorashado eey ka dhaceeyso, xabad-ba ha lala beegsadee, ama hadaan si kale u dhahno, dhiigba ha ku daatee, laakiin eey muujiyaan in eey rabaan in doorasho ka dhacdo dalka Ciraaq. 

Doorashadii Ciraaq ma wax fiican baa mise waa wax... ? 

Doorashii shalay ka dhacday Ciraaq, in eey wax fiican tahay iyo in eeyna aheeyn -awalan iyo akhiiran-ba -; taas waxeey u taalaa shacabka Ciraaq, sida eey u arkaan.

Saxaafadaha aduunka iyo aqoonyahanada ku takhusay dalka Ciraaq, waxeey faafinyeen baryahaan danbe, in dalka Ciraaq uu u qeybsan-yahay sidaan:

Shiica iyo Sunni 

Ciraaq: 24 malyan ayaa u dhashay dalka Ciraaq;

12 malayn waa Shiica;

12 malyanna waa Sunni .

Qoomiyadaha Ciraaqiyiinta

Ciraaqiyiinta: Waxeey ka kooban-yihiin -laba qoomiyadood - Carab iyo Kurdiyiin.

18 malayn oo Carab ah;

6 malayn oo Kurdi ah.

Sidaan qof ahaan, horey u sheegay in eey doorashadii shalay dhacday, aqbalideeda iyo in kale-ba, taas waxeey u taal shacabka Ciraaqiyiinta ah, sida eey iskugu raacaan, oo dawladda la soo dhisaaya oo ka kooban -Baarlamaan 275 xubnood- oo soo diyaarin doona, dastuurka dalka Ciraaq lagu dhaqi doono, oo bisha Oktoobar iyo Nofeembar in eey soo diyaariso laga sugaayo.

Ka dibna bisha Diseembar, 2005 shacabka Ciraaq eey u dhaqaaqi doonaan, doorasho kale oo lagu soo dhisaayo- dawlad dastuur qeexan ku dhisan -sannadka soo socdo bishiisa Janaayo 2006. 

Ciraaqiyiinta Sunnida ah 

Ciraaqiyiinta Sunnida ah, sida Soomaalida eey Sunniyiin u yihiin oo kale. Waxeey ka kooban yihiin 12 malyan ( 12. ooo.ooo).

Laakiin, waa laba Qoomiyadood oo Ciraaq wada dega.

Inkastoo, Kurdiyiinta oo dhan eeynaan wada aheeyn -Sunni-yiin-, haddana tiradooda badan waa Sunniyiin.

Kurdiyiintana, duulaanka dalka Mareeykanka waxeey u arkaan, inta eey taariikhda eey jireen, dalka kaliya ee jiritaankooda wax la qabtey in uu yahay dalka Mareeykanka, farxad xoog lehna weey u hayaan in dalka Ciraaq, Mareeykan uu ku soo duulo, raali aad iyo aad ahna weey uga yihiin arinta ka dhaceeysa dalka Ciraaq, asbaabo badanna waxeey tilmaameeysaa in arintaas Kurdiyiinta-Ciraaqa ah, eey ku kacayaan eey xaq-tahay.

Carabta Sunniyiinta ah, oo ka kooban: 6.ooo.ooo, ayaa tiradooda badan aad iyo aad uga soo horjeeda duulanka iyo doolar qeeybinta uu Mareeykan ka dhex-wado dalka Ciraaq. Carabta-Sunniyiinta ahna, deegaan maanta lagu magacaabo Ciraaq ama Mesobotaamiya la oran jiray, ayagaa ka talin jiray ilaa muddo aad iyo aad u badan. 

Gabagabo, Ciraaq Saddaam Xuseen awood buu ku haaystey oo qofkii uu rabo ayuu xiri jiray, qofkuu rabana waa dili jiray, cid su`aal ka keeni karteyna ma jirin.

Laakiinse, Sadaam Xuseen wuxuu ahaa qof Ciraaqi ah, oo taas waxeey u taalay shacabka Ciraaq sida eey iska qabtaan cadaala daradda uu ku hayey oo aan cidna shaki ugu jirin eey xaq-darro ka jirtey maamulkii Saddaam Xuseen.

Waxaase, indho xumo ah, in dalka Ciraaq oo ah meelaha taariikhda Islaamka ku weeyn, dhinacyo badan marka laga eego, in maanta eey ku farxaan reer Galbeedka fikradiisa Dimoqoraadiyaddeed oo ku dhisan mid Masiixiyadeed in kastoo la casriyeeyay, baryahaan danbe.

Aniga qof ahaan, waxaan aaminsanahay dimoqoraadiyadd- macne ahaan-in shacab kastaa uu aayihiisa markasta asaga doorto, oo uuna u talin boqor ama diktatoor; taasna lagama hayo caalamaka Islaamiga ee Carbeed ee maanta jira in doorasho xor ah, laga helo oo dadka waxeey rabaan loo daayo, ; inkastoo taas macnaheedu uusan aheeyn in diinta Islaamka iyo xoriyadda qofka doorashadiisa eey is diidan-tahay.

Dimoqoraadiyaddana, sidaan u arko waa wax ka fiican, hadeeyba tahay xor u dooro: Dir, Daarood, Hawiye, Isaaq, Raxan-weyn iyo Jareer oo eey Soomaalida ku abtir-sato, eeyna ka kooban-yihiin;

laakiin aniga qof ahaan, aan dhiig dhalasho u fiirin, aanse u fiirsho kii dan iigu jirto in aan u doorto- Xil-dhibaan ama madaxweyna-ba. 

Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norway

 sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2005

"Qaadkii" oo Ku yaraaday Kismaayo
» Kismaayo: Cashuur Dheeraad oo lagu Soo rogey Qaadka
» Labo qof  oo habeen hore lagu dhaawacay kismaayo
» Beesha Gabooyaha oo Mar Labaad Ka Qaday Dawlada PL
» Beesha Tanade oo Warqad Furan u Diray Gen. Cadde
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 30

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD