MUQDISHO MAAMUUSKEEDII DIB
MA
ULA SOO NOQON?
Ismail
A.Hassan (Khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
“Dunida oo dhammi maanta
dawladda cusub bay isha ku haysaa, dawladdiina Xamar bay
fiirinaysaa, Xamarna fadhashada xabaalihii Tanyaanigay ku
mashquulsantahay.”
Muqdisho iyo barisamaadkii
Muqdisho ama Xamar waa magaalo
qadiim ah oo taariikh dheer leh. Waxay ka mid ahayd magaalo
qaramadii ka aasaasmay xeebaha bariga Afrika ee ku dherersan
Bad weynta Hindiya.
Wixii ka dambeeyay dagaal
weynihii 2aad ee addauunka waxay noqotay goobta laga hago
dhaqdhaqaaqii xornimo doonka iyo wadaniyadda Soomaaliyeed ee
ay saldhigga u ahayd aragtidii Soomaali weyn.
Xornimadii iyo Israacii 1dii
Luulyo 1960 labadii gobol ee Soomaaliyeed ee ay Ingriiska
iyo Talyaanigu kala gumaysan jireen ka dib waxay notay
caasimaddii Jamhuuriyaddii Soomaaliya.
Xilligaa wixii ka dambeeyay
waxay ahayd magaalo uu qof wal oo Soomaaliyeed ku soo hirto.
Waxay ahayd astaanta midnimada iyo qaranimada Ummadda
Soomaaliyeed.
Waxay ahayd ilays ay soo
bidhaansadaan Soomaalidii kale ee ku harsanayd gacanta
gumaysiga iyo goob ay ka fiirsadaan rajada mustaqbalkooda.
Waxay ahayd muraayad ay dunidu ka daawato dalka intiisa
kale.
Waxay ahayd goobtii laga hagi
jiray siyaasadda dalka , xaruntii dhaqaalaha, maaliyadda iyo
waxbarashada ee Soomaali oo dhammi wixii ay hanti iyo maal
lahayd gashatay.
Kii dalka ka shaqaysta, kii
dibad ka soo xoogsada iyo kii hantida ummadda xadayba waxay
taladoodu ahayd Xamar.
Waxay ahayd goob dadkeedu ku
caan baxay darisnimo wanaag , sharci dhawris iyo nabad
jacayl.
Waxay ahayd meel ay dawladihii
kala dambeeyay ee dalka soo maray ay uga eexdeen wadanka
intiisa kale oo wixii uu hanti iyo maal qaranku lahaa la
geliyay.
Waxaa la cuna qabateeyay
dhammaan Magaalooyinkii kale ee dalka iyadoo adeeg walba oo
dawladeed iyo mid gaar ahaaneedba Xamar lagu koobay.
Kii waxbarasho sare raba, kii
Baasaaboor raba, kii inuu wax maal gashado raba iyo kii sar
qurux badan inuu dhista raba intaba waxaa la yidhi meel aan
Xamar ahayn maya.
Arimahaas aan kor ku soo
xusnay ayaa waxay sababeen in dadkii ku noolaa gobolada ay
khasab ku noqotay inay sida daadka ugu soo qulqulaan
Caaasimadda.
Dalkii wuxuu noqday Xamar oo
qudha, Xamarna waxay noqotay dalkii oo dhan.
Xabbad keentay iyo xabbad
Sugto
Xaaladda wadanku waxay ahayd
xiliyaddii dambe mid maalinba maalinta ka dambeysa ka sii
daraysa ayadoo ay colaad iyo dagaalo sokeeye ka qarxeen
meelo badan oo wadanka ka mid ah, haba ugu sii darradaan
kuwii gobolada waqooyi ka aloosmaye.
Xaaladdaas colaadeed ayaa si
weyn looga dareemay Xamar. Dadkii ay dagaaladaasi soo bara
kiciyeen ayaa iyagoo raxan raxan ah soo galay Xamar. Reer
Muqdisho waxay dadkaas qaxootiga ahaa ku magacaabeen Xabbadi
keentay, inkastoo ay iyaga qudhoodu ahaayeen xabbad
sugayaal.
Xabaddaas ay dadka reer
Muqdisho mudada sugayeen ayaa waxay ka dul yeertay maalmihii
ugu dambeeyay sannadkii 1990 oo ay colaaddii hore u soo
galaafatay gobaladu ugu dambaystii Xamar soo caga dhigatay.
Waxay ku waabariisteen belaayo
qayrkood hore u soo dubatay oo ay muddo sheedda ka
daawanayeen oo aanay ka sii tabaabushaysan.
Dagaal la filayay in dawlad
xukun lagaga tuuro ayaa isku bedelay mid ay dadkii dariskaa
ahaa isku gummaadaan. Qofku inuu reer hebel yahay ayaa dambi
noqotay sidii horeba uga dhacday meelo kale oo dalka ka mid
ah, markaasaa dil, kufsi iyo bililiqo lagu bilaabay.
Dhawaaqa rasaasta ayaa si aan
kala go’o lahayn hadh iyo habeen ka yeerayay Magaalada.
Mar keliya ayaa dhalintii
saaxiibadda ahaa, isku meesha ku dhashay, kuna soo wada
barbaaray ee hore isku yiqiin ciyaala Shibis, Boondheere,
Hodan iwm ay sida bur iyo biyo u kala soocmeen.
Gabar markii ay soo qaxaysay
cunug yar ahayd ayaa iiga sheekaysay maalintii caruurii ay
deriska iyo saaxiibada ahaayeen isugu dambaysay. Waxay tiri
markii xabaddii kala joogsan weyday ayaa reerkayagii
go’aansaday inuu qaxo. Baabuur yar oo xaajiyad ah oo aanu
lahayn ayaanu subixii alaabadii wixii aanu qaadan karaynay
ku guranay. Reerihii deriska iyo caruurtii aanu saaxiibka
ahayn ayaa nagu soo ururay oo alaabta nala gurayay.
Gabar iga yarayd oo aanu
walaalo nahay ayaa aabahay weydiisay su’aashan:-
Aabo adeer Cali iyo
caruurtiisu miyaanay ina raacayn? Naa adeer cali lahayne
naga aamus ayaa aabahay ugu jawaabay!. Waxay ahaayeen reer
aanu deris ahayn inta aan xasuusnahay. Labada odey saaxiib
walaalo oo kale ah ayay ahaayeen, waxaanuna u naqaanay adeer
Cali.
Hadaba sida aad ka dhadhansan
kartid sheekadan gaaban gabadhaasi yari way garawsan weyday
sababta reerihii deriskoodu isaga joogaan ee ay iyagu
hoygoodii, hantidoodii iyo asxaabtoodii uga tagayaan.
Waxaa la yaab ku noqotay waxa
xabadda ay iyagu ka cararyaan ay adeer Cali iyo reerkiisu u
dugsanayaan.
Nasiib darro inkastoo
reerahaasi waalidkeed iyo walaalaheed oo kale ay ahaayeen,
hadana qabiil si foolxun loogu adeegtay ayaa kala geeyay.
Sidoo kale wiil iyo abtigii iyo xataa haweenay iyo saygeed
ayaa la sheegaa inay kala irdhoobeen..
Xabaashii masaakiinta iyo
xeradii Mooryaan
Waxaa mar keliya lumay amarkii
iyo kala dambeyntii. Waxaa boob iyo bililiqo loogu dhaqaaqay
hantidii dawladda, safaaradihii iyo tii shacabkaba. Isbitaal.
Dugsi iyo xafiis dawladeed midna looma aabbo yeelin. Sidii
ayax geed ku degay ayaa maalmo ka dib meel walb daaqaduhu is
garaacayeen, inkastoo markii dambe daaqad.albaab, jiingad,
musqul iyo marmar midna aan la dhaafin.
Falalka bililiqada waxaa
barbar socday kuwo lagu ugaadhsanayo beelo gaar ah iyo dadka
masaakiinta ah ee aan hubaysnayn. Waxaa dhegta dhiigga loo
daray biri ma geydadii. Dumar, waayeel, caruur, culumo iyo
aqoonayahan lama kala soocin.
Mar keliya ayaa dariiqyadii
bacaadka ahaa iyo beerihii nasashadu isu bedeleen xabaalo.
Masaajidadii ayaa lagu nabad
geli waayay. Kuwii isku dayay inay cid magan geliyaan ayaa
iyagii naftoodii ku waayay ama halis ay ku gashay.
Waxaa bilaabmatay
marxaladdan fawdada.Waxaa qiima beeshay naftii bani’aadamka.
Dilka ayaa wuxuu ka mid noqday
nolosha caadiga ah, qoriguna wuxuu noqday shayga keliya ee
lagu caano maalo.
Wixii aan USC iyo
taageerayaasheeda ahayn ayaa mar keliaya laga sifayeeyay
Caasimaddii Qaranka oo isu bedeshay xero qabiil.
Qabyaaaladdu waa masiibo aan xad lahayn. Waxay xaaladdu ka
sii dartay markii intii shalay meesha ka soo wada jeeday ay
iyagii isku jeesteen.
Waxaa bilaabmay dagaal aan
hore loo arag, burbur iyo barakac cusub. Madfac aan loo aabo
yeelin ayaa masaakiin badan galaaftay. Xamar waxay noqotay
meesha adduunka ugu khatarsan, iyadoo xuduudo la kala dhex
dhigay xaafadihii magaalada..
Dagaal ooge, Wadaad iyo
Ganacsato intuba waxay samaysteen maleeshiyooyin hubaysan.
Waxaa inta dheer Mooryaanta aan cidina xukumin ee afduubka
masaakiinta iyo dilka ku ceesha.
Dhismayaashii quruxda badnaa
ee habka Talyaaniga u dhisnaa ee magaalda hoose(down town)
ayaa dhulka lala simay. Xafiisyadii dawladda, Hoteeladii
caanka ahaa, goobihii ganacsiga iyo kuwii madadaaladu waxay
dhammaantood maanta noqdeen kharaabado ay bahaladu u hoydaan.
Meelaha qaarkoodna inta dhirtu is qabatay ayaa geela iyo
adhiga lagu raacdaa.
Waxaa markii ugu horeysay
taariikhda la is weydiiyay in Muqdisho caasimad sii ahaan
karto iyo in kale, iyadoo dad badanina qabaan in Muqdisho ay
lumisay maasuuskii caasimad lagu yiqiin.
Waxay noqotay goob dadka
qaarkii marka ay magaceeda maqlaan ay murugo la tiicaan,
indhahoodana ay ilmadu ka tifiqlayso. Waxay noqotay goob
lagu xasuusto wixii xumaan iyo dhibaato Soomaaliya ka dhacay
oo qaarkood marka ay dhagahaagu maqlaan aadan rumaysan karin.
Xamar waxay noqotay dhibaatada
Soomaaliaya, dhibaatada Soomaaliyana waxay noqotay Xamar.
Muqdisho iyo Maanta
Muddo laba sanno ka badan shir
nabadeed soo jiitamayay ka dib waxaa Soomaaliya wadanka
Kenya loogu soo yagleelay dawlad baaxad weyn oo ka kooban
271 Xildhibaan oo ay ka mid yihiin tiro wasiiro ah oo boqol
ku dhaw.
Waa xildhibaano iyo wasiiro
ooman oo miciyaha wada lisanaya Muqdishana inay soo dhawayso
laga sugayo.
Hogaamiyaha kooxdan mudane C/laahi
Yuusuf ma ahan ninkii ugu horeeyey ee burburkii Soomaaliya
ka dib Madaxweynenimo wadanka dibaddiisa loogu soo caleemo
saaro, hase yeeshee hal shay ayuu kaga duwanyhay kuwii ka
horeeyay taasoo ah isagoo aanay beeshiisu degin Xamar oo
haba yaraatee aan wax taageerayaal ah ku lahayn.
Waxay isaga iyo xukuumadda uu
madax weynaha ka yahayba ka maageen ku noqoshada Xamar.
Waxay u arkeen goob sida ay hadda tahay aanay suurto gal
ahayn in dawladi soo gacaga dhigan karto.
Madaxweyne C/laahi yuusuf waa
nin ay beelaha USC aad uga shakisanyihiin doorashadiisuna
ay ku noqotay filanwaa iyo guul darro la soo daristay
hogaamiyeyaashoodii.
Dad badan oo Xamar ku nooli
waxay u arkaan C/laahi Yuusuf cadaw ay hore isaga xoreeyeen
oo dib ugu soo noqonaya. Kuwa badan ayaa qaba inuu yahay nin
aargoosi u socda, waxaanu shakigaasi cirka isku sii
shareeray ka dib markii uu codsaday in ciidamo shisheeye
dawladdiisa ay mujtmaca caalamku siiba wadamada xubnaha ka
ah Midawga Afrika ugu deeqeen.
Xamar waa meel ay ka taliyaan
maleeshiyooyin beeleed aad u hubaysan hadday dawladdu
timaadana shaki kuma jiro in ay qaar ka mid ah
maleeshiyooyinkaas iyo madaxdooda magan u noqon doonto.
Hadaba arinta is weydiinta
mudani waxay tahay dawlad magan ahi dal ma maamuli kartaa?
Waxaan filayaa in jawaabtu
iska caddahay.Ilaahay ka sakow dawladi waa tii iyada la
magan geli jiray. Waa tii dammaanad qaadi jirtay nabad
gelyada qofeed iyo ta hantiyeed ee muwaadin kasta, sidaas
darteed la yaab ma lahan in C/laahi Yuusuf iyo dawladdiisu
aanay ku soo degdegin imaatinka Xamar.
Maanta dunidii oo dhammi
dawladdan ayay isha ku haysaa, dawladdiina Xamar ayay
fiirinaysaa, Xamarna bililiqada maydadkii Talyaaniga ayay ku
mashquulsantahay.
Xabaal faqiddu waa dhacdo hor
leh oo magac xumo iyo sharaf beel u soo jiiday Soomaali oo
dhan oo loo baahanyahay in dadka reer Muqdisho ay ka
dhiidhiyaan.
Guud ahaan Soomaaliya waxay
noqotay cawraddii Afrika, halka ay Xamarna ka noqotay
cawradii Soomaaliya
Hadaba shacabka Muqdisho
ayuunbaa maanta asturi kara cawradaas, iyaga ayaana xilka
ugu weyni saran yahay oo laga sugayaa in ay maamuuskii
caasimadda dib u soo celiyaan si muwaadin kastaa isagoo xor
ah oo dawladda iyo sharciga magan u ah uu si sharaf iyo
qadarin leh ugu noolaado, haddii kale sidii uu madaxweyne C/laahi
sheegay Soomaaliya Xamar oo keliya
maaha.
Ismail A.Hassan (Khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan