SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Daabaco Boggan | Print


Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Maanta la kulmay Hogaamiyaasha Siyaasada Ee Magaalada Muqdisho. 

axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi

Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan albaabadu uxiranyihiin la yeeshay Hogaamiyaasha Siyaasada Magaalada Muqdisho. 

Shirkaan waxaa looga hadlay sida ay sheegayaan ilo ku dhawdhaw Madaxtooyada Soomaalida ee Magaalada Nairobi qaabkii Doowlada Soomaaliyeed ee Dhawaanta lagu soo Doortay Isla magaalada Nairobi  Sidii ay ugu laaban lahayd wadanka Soomaaliya isla markaasna wax uga qaban lahayd mushkiladaha iyo dhibaatooyinka Xasilooni darida ah ee ka jira wadanka Soomaaliya. 

Kulankan waxaa ka qayb qaadanay Xaaji Muusse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid iyo Cusmaan Xasan Cali Caato iyo Xubno kale oo ka tirsan Hogaamiyaasha Awooda ku leh Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya. 

Hogaamiyasha Soomaalida ayaa caalamku il gooniya ku eegayaa bal in ay wadankooda mudada dhibaataysnaa umaarayn lahaayeen isla markaasna wax uga qaban laheen xasilooni darada baahday.

Dhinaca kale Madaxwaynaha wadanka Kenya ayaa isagu hore ugu baaqay in doowlada Soomaaliyeed ay dib ugu laabato wadankeeda waxna uga qabato ma siibooyinka Wadankeeda iyo dadkeeda.

Waxaa jira kulamo wada tashi ah oo mas uuliyiinta Doowladu la wadaagayaan Dadka Soomaaliyed si loo helo in si nabada loogu laabto Dalkii hooyo. 

Dowlada Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaa markiiba taageeray Hogaamiyaasha awooda kuleh Gudaha Dalka Soomaaliya iyadoo inta badan hogaamiyaashu ay ku jiraan Baarlamaanka marka laga reebo Jan Maxamed Saciid Xirsi Morgan iyo Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere o isagu Xubintiisa Xidhibaanimo ku wareejiyay Prof Cali Maxamed Geedi. 

Dad badan waxa ay is waydiinayaan hadii Hogaamiyaasha Soomaalidu dhaamaantood ay taageersanyihiin Xukuumada waxa ay xukuumadu u tahay dibad Jooga. 

Waxaa la filayaa in Xukuumada Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Gedi maalin nimadi shalay uga dhawaaqay Nairobi in la hor geeyo Baarlamaanka Maalinka Isniinta ee Fooda nagu soo hayasa  iyadoo xubnaha Baarlamaanku xoogaa kukala duwanyihiin Ansixinteeda. 

Wasiirada ayaad moodaa in ay aad u badanyihiin iyaga oo gaaray 91 (wasiiro ku xigeeno wasiiro dowlayaan).

Waana mida kaliya oo ay dadku is waydiinayaan laakin waxaad moodaa in ujeedada loo badiyay ay ahayd bal si loo qanciyo dadka Soomaaliyeed oo maskaxdooda & dhiigooda ku baahsantahay Xukun iyo Saldanat ,hadii uu wayana wax walba mucaaradaya. 

Wadanka Soomaaliya ma helin wax Xukuumad dhaxe ah ilaa iyo 1991 Xiligaa oo Xukuumadii Soomaaliya ay Rideen Jamhado Hubaysan. 

Waxaa jirtay Xumuukadii lagu soo Dhisay Jabuuti oo ay ka hor yimaadeen Hogaamiyaashii Kooxiihii riday Xukuumadii Allah u naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad bare waloow hada midan lagu dhisay Nairobi 10/10/2004 ay taageersanyihiin Kooxuhu balse raga hubka iyo deegaamada sharci farada ah haysta ma ku warejin doonaan Hubkooda& Deegaankooda Dowlada?

Baaq Heshiis, Iscafis, Walaaltinimo iyo Dawladnimo oo ka soo Baxay Masuuliyiinta iyo Xildhibaanada Beesha Isaaq ee Dawlada Soomaaliya:

Shir Muhiim ah oo ay masuuliyiinta iyo Xildhibaanada beesha Isaaq ku yeesheen Magaalada Nairobi ayaa.... Guji...

axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi



 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2005

Gen. Cadde Muuse oo ku Guulaystey Madaxweynaha DGPL
Doorashadii madaxweynaha DGPL oo maanta lagu qabtay Garoowe ayaa martay saddex wareeg.. Qaabkii codadka loo helay ka Akhri halkan....

Magacyada Golaha Wasiirada DFKMG ee Cusub
Gollaha Wasiirada Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo Maanta lagu dhawaaqay iyo Khudbadii uu jeediyey Cabdullaahi Yuusuf, MDFKMG... 
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD