SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Xamar ha iska xoreeyso isibaarda badatay ee baadeediina la kordhiyey.....

Canshuuraha sideedaba waxaa loo qaadaa in bulshada loogu adeego sida

amniga,caafimaadka,waxbarashada, abuuritaanka heykalka dawladda ee dadku shaqada ka helaan oo aan maanta ka jirin magaalo madaxdii dalka ayaa  hadana  dadweeynahii 15kii sanoo tegay dhibka ku soo jiray ee la tacaalayey sidii ay ku noolaan lahaayeen ayaa waxaa xoog looga qaadaa baad xad dhaaf ah oo aan waafaqsaneyn sharci muslin iyo mid gaalo toona.
 
Marka intii ka dambeeysay. dawladdii lagu soo dhisay Kenya ,waxay xaaraan quutayaasha burcadnimada ku naaxay isku dayayeen in dawladda ayan hirgalin si dambiyadii ay galeen iyo xoolihii ay dhaceenba loogu dabo imaanin , ayna u sii socoto dhakhliga jig-gooyada ka soo gala ee ay dhigteen wadooyinka Xamar iyo inta ka sii hooseeysa.
 
Ayaamahaana ,waxay qabqablayaashu iyo qaadwalaha Gud. barlamaanka ahba  dadku ku maaweelinayeen in isbaarada ay qaadayaan, laakiin waxaa leyska wada ogaa in taas waxba ka jirin.
Intii hawshaas been beenta ah ay wadeen tirada meelaha leysku baarto ee Xamar iyo agagaarkedaba waxay gaareen 45, waxaana la kordhiyey lacagtii baadda aheyd ay mooryaantu qaadan jirtay.Tusaalaha soo socdana waxaan ku soo xigtay Guulane .com oo warbixin arrintaas fajacisada ah ka qoray ee hoos lka akhriso:-
 
1. Isgoyska Bakaaraha ( Qanyare), horay waxaa gaadiidka laga qaadi jiray 60.000 , maantana waxaa
    laga qaadaa 100.00 oo shilinka macmalka ah.
2. Hawlwadaag ( Maxkamadda Islaamiga ah ee Mooryaanta ), waxay gaarsiiyeen baadoodii 30.000.
3. Jidka Mareexaanka ( Caydiid ) horay 40.000 , hadana waa 60.000.
4. Siinaay ( Maxkamadda Xararyaale ee Mooryaanta ah) , hadda 40.000, horayna 20.000.
 
Haddaba, anigoo ka reebay isbaarooyinka dadka degaanka ee iyaguna xaaraanta ah ayaa waxaa jira kuwo kaloo dad soo haajiray ay leeyihiin oo daadsan Xamar iilaa Afgooye oo ay iska leeyihiin Caato, Qaybdiid, Ilqeyte, Xaaf, Deylaaf iyo kuwo la mid ahba.
 
Diinta Islaamkuna waxay qabtaa in leyska qabto qaadhacul dariiqa  ee tuugada ah oo qaarkood muslimnimo oo ayan aheyn  sheegta sida Xasan Dahir Aweys ama burcadka degaanada ayan iska laheyn xoogga ku heysta ee leh ciidan yaan la keeynin, ee waa tahay Somaaliya ma sidaan bey ku jireeysaa waligeed. Qof ahaana waxay ila tahay in dulmiga uu waarin , xag aakhiro iyo mid aduunba dulmi- waduhu uu cawaaqib xun  uu la kulmi doono . 
 
Waxaan isweeydiin laheyn in dhaqan dooris ka Xamar ay masúul ka yihiin jaahiliinta qabqablayaasha ah ee Xamar oo xumaan kasta u horseeday , dulleeyeyna dhalinyaro badan oo Xamar deggen markii ay ku yiraahdeen wixii aad dhacdaan waa idiin  "Xalaal Caleyk" ',  oo 15kii sano tegay  cid ay dhaafeenba ay iska yar tahay. Dhabtuna waxay tahay in qof markii uu dhalanaayey dullinimo ku dhashay aysan jirin , laakiin ababiska qofka iyo duruufaha uu ku barbaaro ay wax badan ku xiran tahay.Inteena daawatay filimkii uu ka soo qaaday Raage Oomar Xamarna waxaa ka arkeen dambiga daýarta laga galay iyo sida loo dhalan- rogayba.

Marka qabqable isagiiba guri xaaraan ah deggen oo ka ganacsada maandooriyaha iyo mid qaxooti ku ah halkaas oo gurigiisiiba la heysto sida Jini-boqor iyo kuwa la midika ah ma qaadi karaan isbaaro?.

Jawaabto waa maya, ee dadka ku nool Xamar iyo agagaarkeeda oo hadda gaadiidkii ka istaagay ha u sara joogsadeen in ay ka qayb qaataan sidii maxbuusnimada uga bixi lahaayeen, dawladnimadiina u soo noqon laheyd oo ah sida qura ee xoriyadoodii dib ugula soo noqon lahaayeen
 
A. Dirir 
burashadley@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2005


Soomaalida Reer Minnesota oo Helay Xaruntay Raadinayeen
Khudbaddii Jimcaha ayaa shaaca looga qaaday in lahelay Xarun in mudo ah ay raadinayeen Soomaalida reer Minnesota, taasoo lagu iibiyey lacag dhan $1,700,000.. Guji..

Waraysi: Dr. Qaasim Xirsi Faarax
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada deegaanka iyo maaraynta aafooyinka oo dhowaan safar ku tegaya xeebaha Somalia oo ay waraysatay Canab Mumtaz ka dhegeyso halkan...

Jen. Cadde Muuse: Hay'adaha shisheeye waxay rabaan in Dalka Maamulaan
Waraysi dheer oo uu Madaxweynaha DGPL siiyey Telefishanka ETN ayuu shaaca kaga qaaday in... Guji.. May 29

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD