SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MINNEAPOLIS

Soomaalida Reer Minnesota oo Helay Xaruntay Raadinayeen

  • Jimce June 3, 2005 | Minneapolis, MN


Baaxadda:
60,000 Square Feet on 95000 sq land (two Acres)

Waxaa Maanta Khudbaddii Jimcaha laga sheegay Masaajidka Imaam Shaafici ee Magaalada Minneapolis, in lahelay Xarun in mudo ah ay raadinayeen Soomaalida reer Minnesota, taasoo loogu magacdaray Saxaabiga wayn ee Abuubakar Asadiiq, (Abubakar As-Saddique Islamic Center), Xarunta oo kutaal isla magaalada Minneapolis ayaa masaajidku shaaca ka qaaday inuu dhacay heshiiskii Xarunta ayna ku iib sadeen lacag dhan $1,700,000.00.

Sidoo kale wuxuu masaajidku shaaca ka qaaday inay Mashruucaan u hayaan lacag dhan $1,100,000.00 oo ay hada ka hor iska  aruuriyeen Soomaalida iyo muslimiin kaleba, Isla mar ahaabtaana wuxuu Masaajidku Carabka aad ugu adkeeyey in laga rabo $600,000.00 laba-bilood gudahood taasoo uu aad ugu booriyey inay ka qayb qaataan.

Wuxuu kaloo Masaajidku uga hadlay khudbadii Jimcaha kuna beeniyey warar kusoo baxay wargays kasoo baxa Magaalada Minneapolis oo ku qoran afka soomaaliga laguna soo qoray warar dhan ka ah Masaajidka iyo dadka Maamula Mashruuca Abuubakar, hadal kii wargeyskana waxaa ka mid ahaa; "Waxa nasoo gaaray qoraalo iyo warar sheegaya -cadaynaya- in lacagihii soo galay mashruuca masaajidka si bareer ah loogu tagri falay.........in shaqsiyaad ku jira maamulka gudiga ee mashruucanu ay ka bilaabeen ganacsiyo -business- u gaar ah ayagoo isticmaalaya lacagta masaajidka".

Arintaan oo masaajidku aad u canbaareeyey kuna tilmaamay been abuur aan raad iyo sal toona lahayn, khadiibkuna uu cadeeyey waxay diintu ka tiri arintaas, ugu danbayntii Masaajidka ayaa sheegay in maalinta bari oo Sabti ah (June 4) la furi doono Guriga si dadku usoo arkaan, kadibna masaajidku wuxuu qaybiyey waraaqahaan hoose.

Wargeyskan oo aysan ahayn markii ugu horeysey ee uu jaaliyada Soomaalida iyo Diinta Islaamka wax ka sheego.

Daabaco Boggan | Print


DAYTON ROGERS BLDG
2824 13th Avenue south, Minneapolis, MN 55407

Waa Fursad Qaali ah oo aan ku gadan karo Guri kuyaala Minneapolis

Waxaan ugu Bishaaraynaynaa Dhamaan Muslimiinta Reer Minnesota, gaar ahaana Somaalida in lahelay Xaruntaan kutaamaynay mudada dheer, hadaba walaalayaal waxaa bilaabanaya xilli aan dheerayn inaan u diyaar garowno uruurinta tabarucaadkii aan lagarab taagnayn Mashruuceena, si aan u dhamaystirro inta inaga dhiman.

v       Meesha: 2824 13TH Avenue South Minneapolis, MN 55407

v      Baaxada: 60,000 Square Feet on 95000 sq land (two Acres)

v       Faa’iidooyinka: 3 daqiiqo ayuu  ujiraa Highways-yada waa wayn 35W &94

v      Dariska: Xaafad wanaagsan iyo meelo ganacsi oo waawayn

v      Gaadiidka: Bus-ku waa dhinackasta

v      Parking: waa 100 iyo in kabadan

v      Mudada la inoo qabtay ugu danbayn: Julay 29/2005

Project-iga dhaqaalihiisa

Lacagta la iska rabo                  $1,700,000.00
Lacagta aan haysano                $1,100.000.00
Lacagta dag daga ah
                 $600,0000.00

(Waxaan u baahanahay si dag dag ah inaan u aruur sano $600,000.00 intaan lagaarin July 29,2005  si aan ula soo wareego gurigan)

Kucaawi Mashruucaaga Niyad ahaan iyo dhaqaale ahaanba si aan uga faa’iidaysano fursadaan dahabiga ah, Taladaada,Tabartaada iyo tayo galintaadaba waa loo baahan yahay, fadlan soo arag guiraga.

Guri Furid 6/4/05
Waxaa lagu Sharfayaa dhamaan Muslimiinta reer Minnesota inay soo arkaan guriga Maalinta Sabtida ah oo loo furi doono, laga bilaabo
12:00pm ilaa 4:pm.

 
Wixii talo iyo tusaale ah lasoo xiriir cinwaanada hoose; 

Shafici Mosque

1507 South 5th St
Minneapolis MN 55454
Phone: 612.436.0280 or 612: 455.1147 Fax: 612.436.0259
 www.abuubakar.com
Project@abuubakar.com


An Opportunity to Purchase a Building located at the South of Minneapolis.

 v     Location: 2824 13TH  Avenue South Minneapolis, MN 55407

 v     Building Size: 60,000 Square Feet on 95000 sq land(two Acres) 

v     Accessibility: 3 minutes from major Highways 35W and 94

 v     Neighborhood: few blocks east of the well underway redevelopment
of former Sears Tower Building. 

v     Transportation: Bus route Available

 v     Parking : 100 (plus street parking)

 v     Closing date: July 29,2005 

Project Financial outlook:

Acquisition cost                    $1,700,0000.00
Cash on hand                          
1,100,000.00
Funds needed urgently              
600,000.00

 (we need this amount to acquire the building and should raise the funds before closing date-July 29, 2005). 

 Moral and Financial support needed to finalize this noble project, Your suggestion and expertise is needed ( Please drive by  and see the Building)

Open House 6/4/05

We invite all Minnesota Muslims to come to the new building; there will be open house Saturday from 12:00pm to 4:00pm.
For more information and Comment please contact us;

Shafici Mosque

1507 South 5th St
Minneapolis MN 55454
Phone: 612.436.0280 or 612: 455.1147 Fax: 612.436.0259
 www.abuubakar.com  Project@abuubakar.com

Halkan Ka daalaco Sawirada iyo Qoraalka laga soo diyaariyey Mashruucan
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2005
 


Shir wayn ay ONLF & OLF ku qabteen  Jarmalka
iyo Shir ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee Ogaadeenya oo lagu qabtay Atlanta.. Guji...

Af-hayeenka Madaxweynaha: Dowladdu Wax Lug ah kuma Lahayn Dagaalkii  Baydhabo
»Bari-bari: Dawladu waa ka xuntahay Dagaalkii Baydhabo
»Maamulka Dooxada Jubba: Baydhabo ayaan geleynaa hadii...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Warar Googoos ah:::
»Muqdisho: Aqoon isweydaasi ay qabatay SSUP
»Sweden: Hadal kasoo baxday gudiga sharcilaawayaasha
»Baydhabo: Baaq nabadeed ku wajahan baydhabo...
»Laanta Buur: Urur deeq gaarsiisey ciidanka laanta-buur
»Al-Islaax oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
»Qaahira: Siminaar loo soo gabagabeeyey suxufiyiinta Afrika
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Guji...

 

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD