SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARARKA
Daabaco Boggan | Print


Barnaamijkii Radio Xoriyo

31 May 2005 

  • ·        Baaq ku socda Beelaha ku dagaallamaya deegaanka Iimay.

  • ·        Shir wayn oo labada urur ee ONLF iyo OLF ku qabteen dalka Jarmalka.

  • ·        Shir haweenka Ogaadeenya ay ku qabteen Danmark oo marwada guddoomiyuhu ka qayb gashay.

  • ·        Shir ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee Ogaadeenya oo lagu qabtay Atlanta.

  • ·        Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga oon ku eegayno taariikh halgameedka Eriteriya

======================

Baaq ku socda Beelaha ku dagaallamaya deegaanka Iimay 

Muddooyinkii denbe waxaa deegaanka Iimay ka socday dagaal sokeeye oo u dhexeeya beelaha Soomaalida Ogaadeenya ee deegaankaas wada-dega. Dagaalkani wuxuu markii hore ka billowday Iimayda Bari, waxaana hadda laga cabsi qabaa inuu deegaanno badan ku faafo. 

Dagaalkaasi wuxuu gaystay khasaare badan oo naf iyo maalba leh, wuxuuna bulshada deegaankaas ku nool u soo jiiday dhibaato ugu darmatay middii horay u haysatay ee gumaysigu gundhigga u ahaa. Bulshada Soomaalida Ogaadeenya ee deegaannada kale ku dhaqana wuxuu ku abuuray naxdin ay ka naxsan yihiin walaalohooda xaqdarrada iyo macna la’aanta isku laynaya ee cadowga ummadu ka dhex faa’iidaysanayo. 

Waxaa nasiib darro ah in dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ayna wali ku baraarugin siyaasadda gumaysiga Itoobiya ee ah inuu iyaga hubka isugu dhiibo, mar kastana uu ka dhex abuuro dekanooyin aan dhammaanin, si uu danihiisa gumaysi u fushado, isla markaana xooggii iyo cududdii isaga lagula dagaallami lahaa ugu jeediyo dadwaynaha wada-dhashay ee isku danta ah. 

Dagaallada sokeeye ee ka dhaca deegaannada kala duwan ee Ogaadeenya waxaa huriya oo agaasima gumaysiga Itoobiya, oo dadaal iyo dhaqaale badan ku bixiya sidii uu dadwaynaha isaga horkeeni lahaa oo naftooda iyo maalkoodaba isugu burburin lahaa. Dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya waxay leeyihiin diin iyo dhaqan leh xeerar cad-cad oo lagu xalliyo xurgufaha ka dhex oogma, kuwaasoo ay waligoodba ku soo dhaqmi jireen, dhibaatooyinkooda ku xallisan jireen, hase yeeshee waxaa xeerarkii noocaas ahaa ku dadaalaya inuu baabi’iyo gumaysiga Itoobiya ee TPLF ay hooggaanka u hayso. 

Sidaas darteed waxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ugu baaqaysaa Beelaha Soomaalida Ogaadeenya ee ku dagaallamaya deegaanka Iimay inay sida ugu dhakhsaha badan xabbada u joojiyaan, isla markaana ay wada-xaajood ku dhammaystaan wixii dhibaato ah u dhexaysa. Waxgaradka iyo odayaashana waxay ka codsanaysaa inay u guntadaan sidii ay maslaxad uga dhex dhalin lahaayeen walaalohooda ku dagaallamaya deegaanka Iimay. 

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya uga digaysaa tabaha foosha xun ee gumaysiga Itoobiya u maleegayo ee ah inuu iska hor-keeno, waxayna ugu baaqaysaa inay cadowgooda u midoobaan oo maskaxdooda, muruqooda iyo maalkoodaba u jiheeyaan halganka Ogaadeenya, si ay isaga kor-aadaan heeryada gumaysiga Itoobiya. 

Shir wayn oo labada ee ONLF iyo OLF ku qabteen dalka Jarmalka 

Jaamacadda Frankfort ee dalka Jarmalka ayaa maalintii sabtida ahayd ee tariikhdu ku aaddanayd 28 May 2005 lagu qabtay shir hal maalin ah oo ay isla soo qabanqaabiyeen ururro ka soo kala jeeda Ogaadeenya iyo Oromiya. Shirkan waxaa ka qayb qaatay masuuliyiin sarsare oo ka kala socda Jabhadaha ONLF iyo OLF, waxaana lagu soo qaatay shirkaas qodobo dhawr ah oo khuseeya  Ogaadeenya iyo Oromiya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. 

Qodobbada aadka looga dooday ayaa waxay kala ahaayeen Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Ogaadeenya iyo Aragti mustaqbaleed  laga yeesho siyaasadda hadda ka taagan gobolka Geeska Afrika iyo dhaqdhaqaaqyada gobonimo doonka ah ee ONLF iyo OLF. 

Xaaladda xuquuqda aadanaha ee Ogaadeenya waxaa si faahfaahsan uga hadlay Mudane Maxamed Axmed Raabi, oo ah guddoomiye ku xigeenka Jaaliyada Ogaadeenya ee Jarmal, kaasoo shirka u soo jeediyay warbixin dheer oo daaha ka rogaysa xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee taliska Wayaanuhu kula kaco dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. 

Waxaa sidoo kale shirkaas ka hadlay Injineer Salaaxaddiin Macow, oo ka mid ah guddiga fulinta ee ONLF, wuxuuna si qoddo dheer uga hadlay arrimaha ay ka midka yihiin; Xaaladda dalalka Geeka Afrika, siyaasadda taliska Addis Ababa ee ku wajahan dalka Ogaadeenya, xaaladda Jabhadda ONLF iyo guulaha ay ka soo dheelantay cadowga Itoobiya iyo arrimaha Soomaaliya iyo faragelinta joogtada ah ee uu taliska Wayaanuhu ku hayo. 

Waxaa sidoo kale iyaguna shirkaas ka hadlay oo warbixino faahfaahsan ka soo jeediyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda OLF, kuwaasoo iyaguna dhincooda ka xog-bixiyay dhibaatada uu taliska Zenawi ku hayo dadwaynaha Oromiya.

Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu ku dhamaaday guul, isla markaana ay labada Jabhadood uga faa’iidaysteen inay aragti midaysan ka yeeshaan siyaasadda hadda Itoobiya ka taagan iyo tallaabadii laga qaadi lahaa.  

Shirkan ayaa soo saari doona bayaan ay labada Jabhadood u dhan yihiin, waxayna qabanqaabiyayaashu Radio Xoriyo u sii sheegeen in bayaanka ay ka mid noqon doonaan qodobbada ay ka midka yihiin; In taliska Addis Ababa lagu canbaareeyo doorasho ku sheegta uu ka fulinayo Ogaadeenya ee dib looga dhigay xilliga doorashada Itoobiya; In aqoonyahanka Ogaadeenya iyo Oromiya loogu baaqo inay ka shiraan oo tashi midaysan ka yeeshaan aayaha Ogadeniya iyo Oromiya iyo in la dhiirri geliyo in labada Jabhadood ee ONLF iyo OLF ay yeeshaan hagoog maamul oo sare, si ay wada-shaqayntoodu midha-dhal u noqoto. 

Shir haweenka Ogaadeenya ku qabteen Danmark oo marwada guddoomiyuhu ka qayb gashay 

Maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 28 May 2005 ayaa xarunta Jaaliyada Ogaadeenya ee Danmark magaalada Copenhagen lagu qabtay shir ay soo qabanqaabiyeen haweenka Ogaadeenya ee dalka Danmark, kaasoo lagu sharfayay marwada guddoomiyaha JWXO Sahra Macallin oo booqasho gaaban ku tegtay dalka Danmark. 

Kulankan waxaa la isku waydaarsaday wararkii ugu denbeeyay ee halganka Ogaadeenya, waxaana lagu soo bandhigay khudbado wacyi gelin ah iyo suugaan kala duwan oo lagu cabbirayo dareenka dadwaynaha ee ku aaddan halganka hubaysan ee JWXO kula jirto gumaysiga Itoobiya. 

Marwo Sahra Macallin ayaa iyaduna si wayn ugu ammaantay haweenkii shirkaas ka soo qayb galay niyad samida ay halganka u hayaan iyo sida ay heeganka ugu yihiin inay hiil iyo hooba la garab istaagaan ciidammadooda geesiyiinta ah ee gumaysiga dagaalka kula jira. Waxay sidoo kale haweenka uga mahad celisay sida quruxda badan ee ay u soo dhaweeyeen iyo mudnaanta fiican ee ay siiyeen. 

Shir ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadnaha ee Ogaadeenya oo lagu qabtay Atlanta 

Jaaliyadda Ogaadeenya iyo Unugga JWXO ee Atlanta ee dalka Maraykanka ayaa si
wadajir ah u qabanqaabiyay bandhig lagaga hadlayay xadgudbyada lagu hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. Shirkan oo hal-ku-dheg looga dhigay ”U istaag xaqaaga, ka hadal xumaanta”,ayaa waxaa soo qabanqaabiyay aqoonyahano u dhashay dalka Ogaadeenya.
 

Shirkaa ayaa lagu martiqaaday  kana soo qaybgalay ururro waawayn oo u doodo xuquuqda aadanaha oo caan ka ah, isla markaana si wayn looga qaddariyo dalka Maraykanka. Waxaana ka mid ahaa ururadaas ururro u hadla dadka laga tirada badan yahay, dadka madow, haweenka iyo ururro kale oo badan oo waxyaabo kala duwan oo xuquuqda madaniga ku saabsan u ololeeya. Ururradani waxay dhammaantood saamayn wayn ku leeyihiin siyaasadda dalka Maraykanka, waana ururro ay siyaasadda Maraykanku u dhega nugushahay. 

Waxaa kaloo ka soo qayb galay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, wakiillo ka socda Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Ogaadeenya ee OHRC, masuuliyiin ka socda Jaaliyadaha Ogaadeenya ee Maraykanka iyo ergooyin ka socda jaaliyadaha Oromada iyo Amxaarada. 

Waxaa shirkaas si wayn loogu soo bandhigay xaaladda bini'aadamnimo iyo horumar la’aaneed ee Ogaadenya ka jirta iyo waliba doorashada beenta ah ee dalka Itoobiya ka jirta iyo  sida shacbiga Ogaadenya looga reebay doorasha ku sheegta. Waxaa xaqiiqo badan oo la taaban karo soo bandhigay Maxamuud Ugaas iyo Fowsiyo Abdikariim oo ka socday Ururka OHRC.  

Waxaa markiiba taagero bixiyey labo urur oo ka mid ahaa ururradii shirka ka soo qayb galay, kuwaasoo ballanqaaday inay waraaqo u qori doonaan Xarunta Carter, oo ka mid ahayd goob joogayaasha doorashada Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, kuwaasoo ay ka codsan doonaan inay Itoobiya ku cadaadiyaan inay oggoolaato in goob-joogayaal Maraykan ah loo diro Ogaadeenya, si ay doorashada ugu dhabba-galaan.

 Radio Xoriyo

31 May. 2005 

C/nuur Sh. Mohamed 

info@radioxoriyo.com

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2005

 

Af-hayeenka Madaxweynaha: Dowladdu Wax Lug ah kuma Lahayn Dagaalkii  Baydhabo
»Bari-bari: Dawladu waa ka xuntahay Dagaalkii Baydhabo
»Maamulka Dooxada Jubba: Baydhabo ayaan geleynaa hadii...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Warar Googoos ah:::
»Muqdisho: Aqoon isweydaasi ay qabatay SSUP
»Sweden: Hadal kasoo baxday gudiga sharcilaawayaasha
»Baydhabo: Baaq nabadeed ku wajahan baydhabo...
»Laanta Buur: Urur deeq gaarsiisey ciidanka laanta-buur
»Al-Islaax oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
»Qaahira: Siminaar loo soo gabagabeeyey suxufiyiinta Afrika
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Guji...

Kulamo Ka Dhici Doona Holland iyo Minneapolis
»June 4 & Holland: Waxa laga ogyahay sunta ku duugan som.
»June 5 & Minneapolis: Tsunami ka dib iyo degaanka Somaliya
Goobaha lagu qaban doono kulamadaas ka akhri halkan... Guji

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD