SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARARKA
Daabaco Boggan | Print


  • Af-hayeenka Madaxweynaha DFKMG ah oo sheegay in Dowladda ay ka xun tahay dagaalkii Baydhabo, lugna aysan ku lahayn.
  • Maamulka isbahaysiga dooxada jubba oo maanta mar labaad ku celiyay in ciidamadoodu ay gali doonaan magaalada Baydhabo hadii halkaa ay gacan sadexaad soo fara galiso oo ay ula jeedeen ciidamda itoopia

Af-hayeenka Madaxweynaha DFKMG ah oo sheegay in Dowladda ay ka xun tahay dagaalkii Baydhabo, lugna aysan ku lahayn.

Yuusuf Ismaaciil bari-bari oo ah Af-ahyeenka madaxweynaha Dowlada FKMG ah ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay Hotelka Chaster House ee Nairobi kaga waramay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay iyo dib u guurista labada Gole.
 

Yusuf Ismail, Afhayeenka Madaxweynaha DFKMG
Sawirka: AP | May 31, 05 | NRB

Bari-Bari waxa uu ugu horayn sheegay in dowlada FKMG ah ay baaq nabadeed u dirayso dhinacyada ay dagaalada ka dhexeeyaan ee isku haya baydhabo,tacsina ay gaarsiinayso iyadoo ka xun dhibka ka dhacay gobolka Bay dadkii ku nafwaayay iyo kuwii ay dhaawacyadu ka soo gaareenba.
 
Dowladda FKMG ah wax lug ah kuma lahan ayuu yiri Af-hayenka oo intaas ku daray in dagaaladaas aysan xukuumadu (Madaxweynaha iyo Ra'iisulwasaaraha)wax shaqo ah oo siyaasadeed aysan ku lahayn labada dhinac dhibka soo gaarayna ay ka wada xun tahay, waxa ayna labada mas'uul u dirayaan ayuu yiri Baaq nabadeed oo la xiriira sidii loo joojin lahaa wax walba oo u muuqda abaabul dagaal oo markale ka dhaca gobolka Bay (baydhabo.)
 
Waxaa kale oo shirkan afhayeenka Madaxweynaha ku sheegay in dhawaan ay labada gole ka guurayaan magaalada Nairobi,dib ugu laabashada dalkana ay haddaba socoto isagoo xusayay in ergadii shirka ay bilaabeen guuristaas maalmaha soo socdana ay dowladda gabi ahaan ka guuri doono dalka Kenya iyadoo qaban doonta Magaalooyinkii horay loogu codeeyay ee Jowhar iyo Baydhabo.
 
Ciidamadii la gaynayay Somaliya mar uu uga hadlayay shirka waxa uu sheegay in qaar ka mid ah ciidamaas uu u dhamaaday tababarkii loo furay,marka ay dowladu dagtana ay ka daba imaan doonaan qorshahaasan uu hadda meel fiican marayo si loogu guulaysto ayuu yiri Amaan lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.

Warbixintii: Canab Mumtaz | Somalitalk | Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | May 31, 2005


Maamulka isbahaysiga dooxada jubba oo maanta mar labaad ku celiyay in ciidamadoodu ay gali doonaan magaalada Baydhabo hadii halkaa ay gacan sadexaad soo fara galiso oo ay ula jeedeen ciidamda itoopia

cabdi qadar nuur maxsamed filipiin
kismaayo soomaaliya

cabdiqadar84@hotmail.com

Maamulka isbahasiga dooxada jubba ayaa ciidamdooda heegan buuxa la galisyaya tan iyo markii shalay uu iska hor imaadka ku dhexmaray magaalada Baydhobo labada maleeshiyo oo kala taageersan masuuliyiiinta ka kala tirsan dowalada FKMG ah ee soomaaliyeed ee kala ah xildhibaan xaabsade iyo wasiirka beeraha xasan maxamed nuur shaati guduud iyo wasiirka garsoorka sheeq aadan madoobe.

Mar uu maanta saxaafada u waramayay taliyaha ciidanka isbahaysiga dooxada jubba ninka lagu magacaabo maxamed rooble jimacaale goobaale ayaa waxa uu cadeeyay in ay san faraha ka laaban doonin hadii ay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee ay isku hayaan labada maleeshiyo ee walaalaha ah ee ku abtirsada beelaha digil iyo mirifle ay soo fara galiso gacan sadexaad oo uu kala jeeeday ciidama itoopiya oo ayagu la sheegay in ay soo hubaysay garab ka mid labada maleeshiyo ee ku hardamaya gacan ku hayenta magaalada baydho.

Taliyaha oo isagu canbaareyay dagaalka naxdinta leh ee u dhaxeya dadka walaalaha ah ee ku sugan gobolka baay ayaa hadalkiisi waxa uu raaciyay in dagaalkan ay ka danbeeyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee dowlada FKMG ah ee soomaaliyeed taasna ay tahay mid aad looga xumaado .

Dhanaka kale waxaa soo baxaya hadalo sheegaya in uu maamulka isbahaysiga dooxada jubba dhaqaale u diray maamulka xildhilbaan Xaabsade oo la sheegay in ay isku xulufo ka yihiin dhanka siyaasada dowlada FKMG ah ee soomalaiyeed .

cabdi qadar nuur maxsamed filipiin
kismaayo soomaaliya

cabdiqadar84@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2005

Warar Googoos ah:::
»Muqdisho: Aqoon isweydaasi ay qabatay SSUP
»Sweden: Hadal kasoo baxday gudiga sharcilaawayaasha
»Baydhabo: Baaq nabadeed ku wajahan baydhabo...
»Laanta Buur: Urur deeq gaarsiisey ciidanka laanta-buur
»Al-Islaax oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
»Qaahira: Siminaar loo soo gabagabeeyey suxufiyiinta Afrika
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Guji...

Kulamo Ka Dhici Doona Holland iyo Minneapolis
»June 4 & Holland: Waxa laga ogyahay sunta ku duugan som.
»June 5 & Minneapolis: Tsunami ka dib iyo degaanka Somaliya
Goobaha lagu qaban doono kulamadaas ka akhri halkan... Guji

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD