SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Geeddi: “Meelna Gaari waa Geeddigaan Wadey”

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Markii la yiri: Geeddi garwadeen ha ka noqdo “dowladdii” Mbagathi lagu dhishay buu Geeddi shir Hawiye u dhanyahay ka yiri dhowr tuduc oo hees leedahay isagoo leh:

  • inkastoo nin geesiya

  • raggu geed adayg yahay

  • haddaan garab lala qaban.

Laakiin Soomaalidu waxay tiraahdaa ninka raggaa qowlkiisaa loo qabtaa. Geeddi wuxuu warbaahinta uga jeediyey Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba inuu waddankii hooyo uguurayo 28-kii May ee ina dhaaftay. Fiicnaan lahaydaa hadduu iska dhihi lahaa muddo aan fogeyn baan guuraynaa isagoon waqti cayimin!

Geeddi inuu Muqdisho u guuro loo diidye maxaa u diiday inuu Jowhar u guuro? Magaalada Jowhar, “magacna raac; dowladna ma imaan”. Muddulood badan oo bayaanno soo saaray oo leh Muqdisho dowladdu ha tagtana la arag.

Maaddaama la arkay waddamo ka dad iyo bed yar (inta dhulku ku fadhiyo) gobolka Shabeelaha Dhexe; maxay wasiirradu u rabaan inay labo magaalo kala degaan? Caqligu wuxuu keenayaa in xafiisyada wasaaraduhu isku dhowyihiin hadday suurtogal tahay khaasatan kuwa muhiimkaa, iska daa inay kala fogyihiin ama kala magaalo yihiine.

Markii hore, Baydhabo iyo Jowhar waxaa laga dhigay sidii xarafka Ta’da ee Carabiga ileyn labo dhibcood bay leedahee. Hadday rabto ta’du waxay u taagnaan kartaa Tigree laakiin dhibicdii Baydhabood baa go’day. Marka xarafkii wuxuu isu bedelay nuun. Ma garanayo wuxuu nuunku u taagnaan karo. Maaddaama aan awalba Jowhar loo dan lahayn ayaa korneylku leeyahay haddii ta’da dhibicda laga qaado, nuun bay isu bedeleysaa, mana ahan meel aan rabnay laakiin dhibicda soo hartay hoos hala dhigo si ay ba’ u noqoto. Dabadeedna hal gobol halooga noqdo Bay dhinaca Itoobiya iyadoo la tagayo Bakool. Waxaa dhici karta in qolyo faalka dhigaa dhahaan: waxaa la hayaa meel sida Banaadir, gobolku xarafka ba’ ka bilaabmo; magaala-madaxduna ka bilaabato xarafka ugu horreeya ee mid ka mid ah xarafka ugu horreeya ee mid ka mid ah magacyada magaalada Muqdisho, Xamar. Waana Bakool oo magaalo-madaxdu tahay Xuddur. Walibana xuduud la leh dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu heysato.

Sidii loo lahaa Geeddi baa Jowhar hayaan u soo ah baa la maqlay “madaxweynihii” oo la shiraya beesha Sacad! Dhib ma lahaateen haddii Sacadku madaxweynaha dalbanlahaayeen laakiin waxaa la leeyahay isagaa u yeertay. Maaddaama uusan qofna caadadiis deyn ayaa madaxweynuhu iska jantay sheekooyinkii iyo madadaaladiisii uu yaqaanay. Mar hadduu qurbe joogo; cid uu xukumo oo ka amar qaadaneysana aysan jirin buu goostay inuu kaftankii iyo qabiilkii uu yaqaanay ka sheekeeyo.

Waxaa isu key qaban la’, taageerayaasha korneylka oo leh inta Xabashi soo wadano baan qolyaha Xamar dega (ooy ku jiraan kuwa madaxweynuhu la shirayo) xasuuqeynaa iyo casuumadda loo fidinayo beel ka mid ah beelahaas. Saxaafadda ku-tiri-ku-teenta ku dheeraysaa waxay leedahay waxaa wax wadi la’ Muddulood (Geeddi) marka waxaa la rabaa in la sameeyo Walaalaha Mudug. Ogoow, Walaalaha Galgaduudna horay u jireen. Saxaafaddaasi waxba kama oran Walaalaha Galgaduud. Ma qeybi oo xukun baa arrintaas loola danleeyahay mise waxaa la rabaa in Muddulood meesha laga saaro?

Ku-tiri-ku-teentaas waxaa xiiso u yeelay iyadoo la sheegayo khilaaf soo kala dhexgalay korneylka iyo Geeddi inkastoo af-hayeenka korneylku uu arrintaas beeniyey laakiin weli af-hayeenkii Geeddi war lagama hayo. Waxaa la sheegay inuu Geeddi ka baaqsaday kulan uu la lahaa korneylka.

Wasiirkii warfaafinta ee Sifir bedelay, inkastuusan xitaa “raadiyow reer hebel” xukumin, wuxuu sheegay in xubnaha labada gole la daadgureyn lahaa maalmihii ku xigay 28/05/05 laakiin iyada lafteedii ma dhicin.

Markii Geeddi ka qeybgalay shir xannaanada Xoolaha oo ka dhacayey Yurub iyadooy dhoweyd muddadii uu u qabtay inuu Soomaaliya u guuro ayaan is iri: ninka, ma hogaankii dowladdaa lagu qabsadoo wuxuu rabaa inuu boos ka soo xirto shirkaas. Halka ra’iisul wasaaraha Britian markuu ku guuleystay doorashadii seddexaad iyadoo laga filayey inuu tago Ruushka si uu uga qeybgalo xaflad ku saabsaneyd dhammaadkii dagaalkii labaad oo weliba muhiimad weyn u lahayd Britain ayuu goostay inuusan aadin oo uu gudogalay sidii uu dhisan lahaa xukuumaddiisa.

Muxuu Geeddi ku oran dadkii badnaa ee ehelkiis ahaa ee habeynka dhan uu ku lahaa waxaan idiin soo wadaa dowlad? Maxay Maxamed-dheere iyo isaguba intaas u saaranyihiin xildhibaannada aan ka soo jeedin Muqdisho? Sida Maxmauud Sifir, Shariif Xasan iyo Caasho Axmed Cabdalla? Runtii waxaa u ceebasturay Cali Mahdi, Caddaani iyo Bashiir Raage oo iyagu u dabaashay dhinaca ay mowjaddu u socoto (Xabashi-diidka). Marka, Muqdishana diiday; Jowharna laguu diidye waa inaad Maxamed-dheere u celisaa xubinnimadiisii baarlamaanka ood dhowr bilood ka xarrimtay.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2005


Soomaalida Reer Minnesota oo Helay Xaruntay Raadinayeen
Khudbaddii Jimcaha ayaa shaaca looga qaaday in lahelay Xarun in mudo ah ay raadinayeen Soomaalida reer Minnesota, taasoo lagu iibiyey lacag dhan $1,700,000.. Guji..

Waraysi: Dr. Qaasim Xirsi Faarax
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada deegaanka iyo maaraynta aafooyinka oo dhowaan safar ku tegaya xeebaha Somalia oo ay waraysatay Canab Mumtaz ka dhegeyso halkan...

Jen. Cadde Muuse: Hay'adaha shisheeye waxay rabaan in Dalka Maamulaan
Waraysi dheer oo uu Madaxweynaha DGPL siiyey Telefishanka ETN ayuu shaaca kaga qaaday in... Guji.. May 29

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD