SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Mareykanka macrifo intee le'eg buu ka haystaa bulshada adduunka?.
 

Waxaa hubaal ah macrifada aqooneed ee, dhaqanada taariikheed iyo siyaasadeed ee dawladaha iyo shucuubta addunka lagu kala dheereeyo.Dawladaha iyo shucuubta caalamka isma wada yaqaanaan.

 
  Hadaba dawlada Mareykanka intee in le'eg bay macluumaad ka haysataa dawladaha iyo shucuubta aduunka ku nool,waxaanu wada og-nahay in Mareykanka soo galay masraxa siyaasada aduunka wixii ka danbeeyey dagaalkii koowaad ee dunida,oo dhacay 1914-kii,xiligaa oo dawladihii dagaalkaa isku hardiyayey ay ahaayeen kuwii ugu xooga badnaa dunidii xiligaa jirtay,dawladihii ka qeyb qaatay dagaalkaa waxey kala ahaayeen,Germany iyo Austari oo dhinac ah,Faransiiska,Ingriiska iyo Ruushka oo dhinac ahaa.
 
  Diyaar uma ahin inaan sharaxno sababta dagaalkaa keentay waayo mowduuceenaba maaheeyn,waxaase guud ahaan dagaalkaa ku gacan sareeyey,markii hore germany iyo Austari,hayeeshee waxaa markii danbe ka itaal roonaaday sadexdii kale ee isku dhinaca ahaa walow aan si fiican loo kala adkaan,dagaalkaa Mareykanka dowr kuma laheyn,kumana jirin dawladihii lagu tirinayey (Super Power).
 
  Hayeeshee waxaa uu Mareyka oo(xoriyadiisaba ka qaatay Ingriiska qarnigii 18aad) soo galay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee caalamka wixii ka danbeeyey dagaalkii koowaad oo dhamaaday sanadii 1918-kii.Markaa oo uu Mareykanka helay dhaqaale fara badan oo uu dunida ku hanto,waxaana uu Mareykanka ka qeyb qaatay dagaalkii 2aad ee adduunka oo bilowday sanadii 1939 dhamaadayna sanadii 1945-kii,dagaalkaana waxaa looga adkaaday Germany oo dhinac aheyd kadib markii ay qabsatay dhul badan oo rer Yurub ah,waxaana kaga adkaaday Ingriiska,Ruushka iyo Mareykan oo dhinac wada ahaa.
 
  Hadaba aqristow Mareykan maba soo marin taariikh uu dunida ku kala barto isla markaana macrifo dhab ah u yeesho,waayo xataa kama mid noqon dowladihii wax soo isticmaarsaday sida Ingriiska ,Fransiiska iyo Ruushka.Oo iyagu leh taariikh dheer oo lawada yaqaan isla markaana aqoon dheeraad ah u leh dawladaha iyo shucuubta caalamka ku nool.
 
   Mareykanka waxaa la yiraahdaa waa(dawlad joqoraafiga qani ku ah-xaga baxada dhulka-faqiirse ku ah xagga taariikhda).Sidaa aawadeed lama qaadan karo wax ku oolna ma noqon karaan talooyinka iyo ishaaraadka ay bixiso dawlada Mareykanka waayo maba fahamsana qaabka dunida looga nool yahay iyo waxa dad soo maray toona.
 
   Hadaba anigoo daba jooga siyaasiyiin Somali ah, hadalo ka soo yeeray ayaan jecleystay inaan maqaalkaygan ka qoro,waxaa maalin dhaweyd qoraal tallo bixin ah ka soo saaray arimaha Somaaliya Dawlada mareykanka,oo mar qasaare kala kulantay amuurta Somaaliya,taalooyinkaa uu Mareykanka soo jediyey maaheyn kuwo miisaan siyaasadeed xanbaarsan,Mareykanna aqoon umalaha Umada Somaaliyeed,waxaanse aad ula yaabay hadalkii Gudoomiyaha baarlamaanka oo ah nin siyaasada imika baranaya,oo uu ku lahaa waxaan taageersanahay Go'aanadii dawlada Mareykanka,horta wuxu ma waxey ahaayeen tallo soo jeedin mise Go'aano, gudoomiyuhu horta taa ma garan,waxaa kaloo iyana ku raacay dhowrka nin ee wasiirada ah ee ka soo jeeda Muqdisha,oo iyagana aan waligood lagu arag xasilooni siyaasadeed,ahna kuwo hadba meeshay ka bisishahay u geedi xirxirta.
 
   Mida kale waxaa uusan Gudoomiyuhu fahmin cida masuulka ka ah Somaaliya iyo Somaalida ma Mareykan baa mise Dawlada Somaaliyeed,dalka laga hadlayaase ma dal shisheeyaa mise waa kan uu isagu madaxda ka yahay waxa la go'aaminayaa sow maaha mustaqbalka dadkiisa.Hadey saa tahay yuu uga danbeynayaa yuuse ku raacayaa,Gudoomiyuhu inkastoo uusan aheyn nin siyasada wax ka fahmay hadana waxaa isaga qasanba wax yaabihii asaasiga ahaa.Waxaase iiga sii dartay degdega gudoomiyaha uu ku soo saaray bayaankiisa taageerada ah, isagoo aanba ka fiirsan xataa aan la sugin bal aragtiyada umadaha kale.
 
  Somaaliya waxaa daneeya wadamo badan isuguna jira Afrikan iyo Yurub intaba waxaa dhaqaalah ay maanta isticmaalayaan ay ka helaan wadamo rer Yurub ah kuwaa oo horay xiriir siyaasadee iyo dhaqaale ula lahaa Somaaliya,islamarkaana la'oran karo aqoon bay u leeyihiin Somaalida,sida Talyaaniga iyo Ingriiska oo iyagu horay u soo gumeystay Somaaliya waxaa soo raaca Fransiiska iyo Ruushka,inkastoo Ruushka uusan ka mid aheyn dowladihii soo gumeystay Somaaliya hadana wuxuu ahaa dawladii ugu horaysay kadib xoriyadii taagero dhaqaale,mid ciidan,waxbarasho u fidisay dawladii rayidka aheyd ee Somaliya iyo tii ka danbeysay ee Militry-ga aheydba.
 
  Hadaba waxaa hubaal ah in lagu ciyaar guurayo siyaasada Gudoomiyaha,waayo hadaad la cayaarto Turub adoo sifiican u yaqaan nimaan si wacan u aqoon waad ku ciyaar guureysaa,
waxaase ka sii daran oo aan istaahilin in wax laga soo qaado,hogaamiye kooxeedyada Muqdisha ee wasiirada hada ah,oo aan iyaga waligood fahmin fahmi dooninna siyaasad iyo waxa layiraahdo toona,oo waxaa ka dhab ah hadalkii Muuse Suudi uu lahaa oo ahaa (hadey dawladaan noqoto bac waa bujinayaa hadey noqotana bir waa raceynaa)isagoo ula jeeday dawladii Cabdiqaasim.Marka ma shqsiyaad u taagan in ay bac dalooshaan baa tallo la weydiin karaa mise siyaasad la fahamsiin karaa.
 
  Si kastaba ha ahaatee,waxaa muhim ah in la fahmo danaha umada Somaaliyeed iyo cida mushkilada wada 14 sanadood cadaaldana aan laga tagin.
 
Abdulaahi Ali Abdi(Xanaf)
   Khartoum-Sudan
xanaf2007@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2005

 


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD