SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Jaaliyadda Soomaalida Seattle, Washington oo Noqotay Jaaliyadii Ugu Horeysey ee Lacag Ugu Deeqda Samsam Axmed Ducaale

  • Samsam oo hadda Ku Sugan Nairobi, Kenya
  • Xawaaladda Dalsan oo Account u Furtay Samsam
Samsam waxaa Mucaawinada loogu hagaajin karaa::
Magac: Samsam Axmed Ducaale
 

Xawaaladda: Dalsan
Account #: RK 9695


Xawaalada: Dahabshiil
Acc No: D 00583
 

Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan magaalada Seattle ee gobolka Washington, USA ayaa Samsam waxay u direen lacag dhan $1000 (Kun doolar), taas Soomaalida Seattle ka dhigeysa jaaliyaddii ugu horeysey ee ka jawaabta codsigii Samsam Axmed Ducaale ay ummadda Soomaaliyeed ka codsatay in loo fidiyo caawinaad Soomaalinimo.

Samsam oo dhowaan ka soo dhooftay gobolada Puntland ee Soomaaliya waxa ay hadda ku sugan tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Halkaas oo ujeedada ugu weyn ee ay u timid ay tahay caafimaad iyo in ay hesho meel ay dacwadeeda ka sii wadan karto.

Jaaliyadda reer Seattle waxa ay lacagtaas Samam u sii mariyeen xawaalada Dalsan oo Account u Furtay Samsam Axmed Ducaale. Account-gaas oo lambarkiisu hoos ku qoran yahay.

Magac: Samsam Axmed Ducaale
Account #: RK 9695
Xawaaladda: Dalsan

Codsigii Samsam ay u soo gudbisey ummada Soomaaliyeed sidii ayuu weli u taagan yahay.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed, iyo qof kasta oo gacan qabanaya Samsam, waxay mucaawinada ugu hagaajin karaan Account-tiyada kor ku qoran.

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 22, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...

  • iyo Shirkadda Dahabshiil oo ay Account ka Furatay Samsam...

Dadka Fursada u helay in ay ka Aqrisataan Warbixintaan "waxaan waydiisanayaa in ay iga Caawiyaan si aan u sii wato Dacwadeyda iyo in ay ila Qaybsadaan Dareenkayga Xanuunka leh oo ay ila Wadaan Dacwadaa ku saabsan dhibka ay ii gaysteen kuwo aan garanaayo oo kamida Ciidamada Dambi baarayaasha Somaliland iyo in aan helo Dhaqtar Fiican iyo Meel aan ku wadan karo Dacwadeyda" Samsam

"Haddii aan sii noolahay Dacwadeyda Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah ayaan u gudbinayaa sidaa kaga hari mayo... " "Hadii Dacwada igu Adkaato waxaan sugaayaa Maalinta Aakhiro"... Samsam


Akoonada mucaawinada Samsam:
Magaca:  Samsam Axmed Ducaale
 

Xawaaladda: Dalsan
Account #: RK 9695


Xawaalada: Dahabshiil
Acc No: D 00583

Waxaa dhowaan noo suurto gashay in aan Wareysi Gaaban la yeelanay Samsam Axmed Ducaale. Samsam ayaa Dareenkeeda Shaqsiyadeed Badalmay marka wax laga waydiiyo Dhibkii soo gaaray ilaa intii ay ku sugnayd Hargeysa ilaa kusoo noqoshadeedii Gobolda Puntland.

Waxaana dareenkeedaas bedelmaya dareemaya Dadka ay la nooshahay iyo Dadka yaqaan Samsam gaar ahaan marka loo sheego Dad kale ee ku cusub oo la yiraahdo waataa Gabadhii dhibka ay soo gaarsiyeen Maamulka Somaliland. Waxayna Samsam ii sheegtay  oo ay Dadku Waydiiyaan Su'aalo badan taasoo Dareenkeeda badasha ayna Dhibsato.

Samsam oo aan kula kulmay Magaalada Gaalkacyo ayadoo jecel in ay isaga tagto Goboladaan oo ay tagto meelo aan laga Aqoon si ay u waydo su'aalaha badan.

Waxaan Samsam waraysigan la yeelanay ayadoo ku sugan magaalaad Gaalkacyo, waxaa markaas la joogey walaalkeed Duuje oo naga caawiyey waraysigan. Waraysigiina waxa uu u dhacay sidan:

Somalitalk: Madaama ay su'aalo badan kaa waydiyeen Saxaafadu Arintaa ku gaartay waxaad noo sheegtaa Iskoolkaadii xagee ka dhigan jirtay bilowgisii ilaa markii ugu Dambeysay?

Samsam: waxaan ka bilaabay Iskoolka Imaamu Nawawi ilaa hadana waxaan Dhiganaayey isla Imaamu Nawawi oo aan ahaa fasalka ama Galaaska (Form Two) Markii ugu Dambeysay.

Somalitalk: Iskoolka maxaad u sii wadanweydey oo aad uga tagaysaa mana jeceshay in aad sii wadato Waxbarashadaada hadii aad hesho?

Samsam: Waxaan u sii wadan waayey waxbarashadayda waxaan joogi waayey Gurigii aan ku noolaa oo su'aalaha is daba joogaa aan xamili waayay, hadii aan tago Iskoolka waxaan ka baqay in aan su'aalaha Ardayda dhibsado lakiin hadii aan helo Waxbarasho waan rabaa in aan sii wato waxbarashadaydii.

Somalitalk: Samsam eedaymaha iyo sawirada aad Arkayso oo ah kuwo muujinaya Adigoo Dharka Askarta qaba maxaad ka leedahay?

Riyaale: "waxaad arkayseen iyada iyo gabdho kale oo Unifoomka ciidamada huwan"

Samsam: Su'aashaa xataa waxaa iweydiyay Ninkii ka socday Xuquuqda aadanaha ee hadda iga soo waday Hargaysa, Dr.Ghanim Alnajjar. Aniga waligay Askari ma galin, Macalimiintayda Iskoolka ayaa markhaati iiga ah in aan iskoolka sidii aan u bilaabay aan u dhiganaayay, waa Been abuur ay Sameeyeen kuwii hada noloshayda dhibka u gaystay oo uu ugu Horeeyo Madxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yasiin oo Raba in ay ku qariyaan Dambigii ay iga Galeen, haddii aan sii noolahayna Dacwadeyda Maxkamadaha Aduunka ee Caalamaigaa ayaan u gudbinayaa sidaa kaga hari mayo.

Somalitalk: Samsam waxaa lagugu eedeeyay in ay ku direen Maamulka Puntland oo aad iyaga u fulinaysay howlo ay kuu direen, marka maamulka Puntland awgii haddii uu dhibkaa kuu gaaray wax caawinaada ma ka heshay Xiriirse ma kula soo sameeyeen?

Samsam: Maya kamaan kehelin wax caawinaada, Xiriirna ilama soo Sameyn.

Somalitalk: Dr.Ghanim Alnajjar baaris Caafimaad ma kugu sameeyay Madaama uu yahay Dhaqtar?

Samsam: Maya baaris iguma samayn lakiin soo Dayn teyda Xabsiga ayuu ka Qayb qaatay, waana ugu mahad celinayaa, waxa uu igu yiri Dacwadaada waad sii wadan kartaa, waxaan u baahanahay in uu iga Caawiyo in aan sii wato Dacwada.

Somalitalk: Samsam Hargeysa waxaad u tagtay in aad Booqato Abtigaa kadibna waxaa kula kulmay Dhibkaan Abtigaa maxaa kalifay in uu Dacwadaada ka aamuso mase kuugu yimi Xabsiga.?

Samsam: Ma garanayo waxa uu uga aamusay mana iigu imaan Xabsiga.

Somalitalk: Samsam oo Dareenkeedii is badalay oo ay ka timid ilin indhaha ayaan waydiiyay waxa ay ka codsaneyso Dadka Fursada u hela in ay Somalitalk ka Akhrisataan Warbixinteeda?

Samsam: Waxaan waydiisanayaa in ay iga Caawiyaan si aan u sii wato Dacwadeyda iyo in ay ila Qaybsadaan Dareenkayga Xanuunka leh oo ay ila Wadaan Dacwadaa ku saabsan dhibka ay ii gaysteen kuwo aan garanaayo oo kamida Ciidamada Dambi baarayaasha Somaliland iyo in aan helo Dhaqtar Fiican iyo Meel aan kuwadan karo Dacwadeyda madaama aanan Soomaaliya Gudaheeda ka helayn Xafiisyo Dacwadeyda ugu Yeera Maxkamad kuwii Dambiga iga Galay.

"Hadii Dacwada igu Adkaato waxaan sugaayaa Maalinta Aakhiro, Aduunkana waan iskaga sabrayaa." Samsam.

Waraysigii Samsam halkaas ayuu ku egyahay.

Samsam intii ay xabsiga ku jirtey waxaa arinteeda gacan ka geystey Issimada, shacabka Soomaaliyeed, hay'adaha xuquuqul Insaanka, saxaafadda iyo Qaramada Midoobey, intaas ayeyna hadda gargaar uga baahan tahay si ay usii wadato dacwadeeda ku saabsan intii dhibka ugu geystey Hargeysa.

Dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba Samsam waxay ka codsaneysaa mucaawinaad, taasoo loogu soo hagaajin karo Account ay Samsam ka furatay xawaaladda Dahabshiil ee hoos ku qoran:

Magaca:  Samsam Axmed Ducaale
Acc No: D 00583
Xawaalada: Dahabshiil

Samsam waxay karajaynaysaa ummadda Soomaaliyeed in ay codsigeedaas ka soo jawaabaan.


Xafiisyada Dahabshiil ee daaafaha dunida kala xiriir xarunta Dahabshiil:
Tel: +44 (0)20 7375 1110
Fax: +44 (0)20 7377 5686
Email:
info@dahabshiil.com

Akhri: www.somalitalk.com/dahabshiil


Waraysigii & Warbixintii: Cabdifataax Jaamac | Somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2005


.... Waraysigii Hore ee Samsam Axmed Ducaale

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD