SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


SomaliTalk oo Waraysatay Samsam Axmed Ducaale

  • Waraysigan waxaan qaadnay: Axad Feb 6, 2005 | Faafin: Feb 7, 2005

Samsam Axmed Ducaale
SomaliTalk waxaa u suurta gashay in ay khadka telefoonka toos ugula xariirto Samsam Axmed Ducaale ayadoo joogta gobolada Puntland. Waxaana ka waraysanay sidii ay ku tagtay Hargeysa iyo guriga Axmed Yaasiin, waxay ka doontay Hargeysa, eedaynta loo soo jeediyey ee ah shirqoolka lala maaganaa madaxweyne ku xigeenka in ay hormuud u ahayd, waxyaabihii ay la kulantay intii ay ku xirnayd saldhiga booliska ee Hareysa iyo xabsiga dhexe ee Hargeysa, dadkii ay la kulantay intii ay xirnayd, intii ay xabsiga ku jirtey in loo geeyey wax dhakhaatiir ah oo baaray, iyo sida ay xabsiga uga soo baxday. Waxaana waraysigii u dhacay sidan:

SomaliTalk: Samsam goorma ayaad tagtay Hargeysa?

Samsam: Hargeysa waxaan tegey bishii Agoosto 15keedii, 2004.

SomaliTalk: Maxaad ka doontay Hargeysa?

Samsam: Waxaan u socdey nin abtigay ah oo aan qaraabo nahay.

SomaliTalk: Sidee ku tagtay guriga madaxweyne kuxigeenka?

Samsam: Gaarigii i wadey ayaa i geeyey si khaldan guriga Madaxwayne ku xigeenka, kaddibna su'aal ayaan weydiiney ahayd in ay garanayaan guriga wasiirka, abtigay ah, Maxamuud Siciid Maxamed, wasiirka Isboortiga, ka bacdi askartii su'aasha ay na weydiiyeen waxa ay ahayd : xaggee ka timaadeen, waxaan u sheegnay Boosaaso in aan ka imid, nasuga ayey nagu yiraahdeen, kadib saddex askari ayaa nasoo raacay oo noo geeyey booliska dembi baarista, askartiina waa naga tageen, su'aashii ugu horeysey ee askartii dembi baaristu i weydiiyeen waxay ahayd qabiilkayga. Qabiilkeena markii aan u sheeganay, ayey waxay noo gudbiyeen saldhiga dhexe ee booliska isla galabtaas. Qiyaastii 7dii fiidnimo ayaa waxaa noo yimid taliyaha booliska, jenaraalka ina Cige [col. Maxamed Cige Cilmi], wixii ugu horeeyey ee uu i weydiiyey waxay ahayd qabiilkayga, kaddibna waxa uu i yiri wadankayaga maxaa ku soo geliyey, dharbaaxo ayuuna igu dhiftay. Waxaan ku iri waa waddan soomaaliyeed, dhulkana ilaahay baa leh, waxaana ku dhashay Dhahar. Kabacdi waxa uu yiri amar ayaa la i soosiiyey, waxaana i soo siiyey madaxweyne ku xigeenka in gabadhaas tallaabo sharci ah laga qaado, askartiina waxa uu ku yiri gabdhaas shaqo ka qabta. Kabacdi waa la i qaaday oo waxa la i geeyey meel bannaanka ka ah goobtii dembi baarista, si xun ayaana markaas la iila dhaqmay, biyo ayaa la igu shubay, la i garaacay, wax kastana la igu sameeyey, waxaana saldhigii laygu celiyey 2-dii dambe oo habeenimo. Sidaas ayey iigu bilaabatay in habeen kasta la ila bixi jirey 7-da fiidkii, waxaana la isoo celin jirey saqda dhexe kaddib.

SomaliTalk: Ma is aragteen madaxweyne ku xigeenka?

Samsam: Maya, Isma arkin Madaxweyne ku xigeenka.

SomaliTalk: Intii aad xirnayd abtigaa hawshaada wax ma ka qabtay?

Samsam: Markii hore wuu isku deyey, laakiin markii laga diidey waa uu i inkiray.

SomaliTalk: Samsam waxaad nooga warantaa dhibaatadii aad la kulantay intii aad ku xirnayd saldhiga dhexe ee booliska iyo xabsiga, adigoo si kooban u sheegaya sida ay u kala horreeyeen?

Samsam: Dhibaatada ugu weyn waxay igu dhacday tobankii cisho ee ugu horeysey, 15kii Agoosto ayaa la i xiray, habeenkii 16aad ayaa dhibaatada ugu weyn ii bilaabatay ilaa dhawr & labaatankii bishaas Agoosto ayey socotey, waxaan kamid ah dhibaatada isoo gaartey: Kufsi, jir dil, garaacid, lugaha oo la iga xiray, dharkaygii oo la iga jeexjeexay, lacag aan watey oo la iga dhacay, iyadoo la i geeyey meel magaalada ka baxsay oo la igu ciqaabay, cabsi gelin, waxaa waxaas igu samaynayey waxay ahaayeen rag waaweyn, Waxayna ahaayeen ciidanka dembi baarista ee magaalada Hargeysa ["CID"], waxaana ugu daraa lix nin, waxaana  magacyadooda ka xusuustaa afar kamid ah, kuwaas oo kala ah:

  1. Siciid Maxamed (oo loo yaqaan Siciid Foolxun)
  2. Ibraahim Cabdi Nuux
  3. Cabdi kiin
  4. Faracadde

Waxaa kale oo dharbaaxo ila dhacay colnaylka booliska, Cige, ilaa haddana ay dhegtu dharbaaxadaas darteed ila xanuunto. Intii aan saldhiga ku jirey waxaa la ii diidey dadkii iyo qaraabadaydaba.

Xabsiga asaga markii la i geeyey silsilad ayaa la igu xiri jirey, waxaana la i geyn jirey meel gaar ah oo god ah oo loo yaqaan 'Sheelo', ayaamihii ugu horeysey ee xabsiga la i keenay ayaa sidaas la iila dhaqmay si bini aadamada ka baxsan, ayagoo dhehaya amar ayaa nala siiyey in gabadhaas la cadaadiyo, si bini aadanimada ka baxsan ayana la iila dhaqmay intii aan xabsigaas kujirey.

SomaliTalk: Intii aad xabsiga ku jirtey cid ka socota madaxda maamulku ma kuugu yimaadeen?

Samsam: Hal maalin ayaa waxaa ii timid gabadha la yiraahdo Adna oo wasiirada ah [Adna Aadan Ismaaciil, wasiiradda arrimaha dibadda], gabadhaas mooyaane cid kale oo maamulka ka tirsani iiguma iman xabsiga.

SomaliTalk: Cidkale oo odayaal ah ma kuu timid?

Samsam: Waxaa xabsiga iigu yimid Boqor Buur Madow.

SomaliTalk: Dhakhtar ma lagu geeyey intii aad xirnayd?

Samsam: Bishii Agoosto ayaa hal mar la ii geeyey dhakhtar magaciisu yahay Dr. Biixi, wuxuuna cadeeyey arinta la igu sameeyey, asagoo xataa arintaas maxkamada ka cadeeyey, dhakhtar kaas ka dambeeya la iima geyn, oo aan ka ahayn in markii uu Boqor Buur Madow ii yimid uu ii keenay gabar dhakhtarad ah, gabadhaas oo ayaduna cadaysan in dhibkaas la i geystey. Waxaa jirta gabar aan xabsiga ku wada xirnayn oo magaceda la yiraahdo Samsam Maxamed Axmed, gabadhaas ayaa la geeyey dhakhtar ayadoo aniga la iga dhigayo si arintayda loo qariyo, oo la isugu kaaana khaldo, dhakhaatiirtii markii ay i arkeena waxay dhaheen anagu gabadhaan baaray midaan ma’ahan ma’arag gabadhaan.

SomaliTalk: Maxaa ka jira Samsam eedayntii hore ee laguu soo jeediyey ee ahayd in aad halkaas u tagtay in aad hormuud ka ahayd "shirqool" lala beegsanayey madaxweyne ku xigeenka?

Samsam: Maya, taas waxba kama jiraan, dembigii ay iga galeen ayey taas ku baabi'inayeen, markii ay maxkamada i geynayeen waxa ay yiraahdeen C/laahi Yuusuf oo maxkamad sharci ah la saarayo ayaan maanta wadnaa, aniguna C/laahi Yuusuf ma noqon karo, oo qof dumar ah ayaan ahay, C/laahi yuusufna ma aqaan.

SomaliTalk: Magacaaga iyo da'daada wax aan ahayn miyaad marna sheegatay ama ka been sheegtay ama qarisay?

Samsam: Maya, waxaan sheegtay mar walba magacayga in la i yiraahdo Samsam Axmed Ducaale oo ah magacayaga rasmiga ah iyo haybtayda saxda ah oo aan sheegtay.

SomaliTalk: Intii aad xabsiga ku jirtey ma laguu ogolaa in aad xiratid xijaabka?

Samsam: Maya la iima ogolayn, dharkaygii hore ee aan siteyna waa la iga jeex-jeexay.

SomaliTalk: Nooga waran maxkamada inta jeer ee lagu keenay?

Samsam: Waxaa maxkamada la i geeyey siddeed goor, waxaana igu mudacayey saddexdii askari ee iga soo kaxeeyey guriga maadxweyne ku-xigeenka iyo nin kamid ah kuwii dhibka ugu weyn ii geystey oo magaciisa la yiraahdo Ibraahim Cabdi Nuux, markii aan maxkamada dhexdeeda ka gartay ninkaas ee aan tilmaamayna in uu ninkii sidaas igu sameeyey ayaa waxaa i aamusiyey xaakimkii maxkamada. Looyaradayadiina waxaa loo xiray si aysan aniga iigu doodin.

SomaliTalk: Akhbaartaada intii aad xabsiga ku jirtey ma la socon jirtey?

Samsam: Waxaa jirtey in gabar aan isla xirnayn loo keeni jirey joornaalo ku hadla afkooda, kuwaas oo ay ku qoran yihiin hadalo iga dhan ah oo aan aad uga xumaaday markaan arkay.

SomaliTalk: Waxaa jira sawiro la sheegay in aad ku jirtid adigoo huwan tuutaha, oo xataa uu sidaas xusay Riyaale, goorma ayaad sawiradaas gashay? mase jiraan wax sawiro ah oo lagaa qaaday intii aad xabsiga ku jirtey?

Samsam: Weligay ma gelin sawir tuute ah, waa wax ay ayagu iska samaysteen oo ay arintayda ku qarinayeen, kuna baabi'inayeen dembiga la iga galay, maana jiraan wax sawir ah oo la igaga qaaday intii aan xabisga ku xirnaa, aan ka ahayn markii ugu horeysey ee saldhiga la igeeyey oo ay CID-du iga qaadeen.

SomaliTalk: Sidee uga soo baxday Xabisga?

Samsam: Waxaa xabsiga iigu yimid nin carab ah (Dr. Ghanim Alnajjar) iyo nin caddaan ah, iyo wiil iyo gabar Soomaaliyeed, iyagaa xabsiga iga soo kaxeeyey, habeenkaas waxaa la i keenay hoteel Hargeysa ku yaal oo aad loo ilaalinayey, maalintii xigtayna waxaa la ii kaxeeyey Berbera halkaas oo diyaarad la iiga soo saaray.

SomaliTalk: Cafis miyaad dalbatay, qoraalse ma u qoratay Riyaale?

Samsam: Maya, wax cafis ah ma dalban, mana qoran wax qoraal ah oo cafis ah, cafisna kama dalban Riyaale.

SomaliTalk: Dadkii kaa soo qaaday Hargeysa ee xuquul Insaanka ee ku keenay Garoowe, markay kaa tagayeen maxay kuu sheegeen ama kaa ballan qaadeen?

Samsam: Waxay iga ballan qaadeen in ay arintayda iga caawinayaan waxkasta oo ay ahaataba: dacwadda iyo caafimaadka, waxayan iiga tageen telefoono iyo emailo aan kala xiriiri karo.

SomaliTalk: Yaad u mahad celinaysaa reer Hargeysa?

Samsam: Waxaan ugu horayn u mahad celinayaa hay'adaha xuquul insaanka, waxaana si gaar ah ugu mahad celinayaa Raaqiyo Oomaar iyo Wacays. Waxaa kale oo aan u mahad celinaya nin asagu aan ka tirsanayn hay'adaha Xuquul Insaanka oo magaciisa la yiraahdo Xasan Guure. Waxa kale oo u mahad celinayaa qareenadii ii dooday.

SomaliTalk: Maxaad u soo jeedineysaa madaxda Hargeysa?

Samsam: Waxaan eedayn iyo cambaarayn usoo jeedinaya Madaxweynaha (Daahir Riyaale Kaahin), madaxweyne ku-xigaha (Axmed Yuusuf Yaasiin), Taliyaha Booliska (Maxamed Cige Cilmi) iyo wasiirka Caddaalada (Axmed Xasan Cali "Casoowe") iyo maxkamada Hargeysa.

Waxaan ka cudur daaranaynaa in aanaan waraysigan daboolin 100%, sabatoo ah dareenka adag ee arintani xambaarsan tahay. Laakiin qaar kamid ah weriyayaasheena SomaliTalk ee Puntland ayaan ka rajaynaynaa in  ay dhamaystiri doonaan, waqtiga inagu soo aadan, insha Allah.

Waraysigii SomaliTalk.com

Faafin: Feb 7, 2005


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 



© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD