SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Galad Eebbe


Cali Maxamuud Xiirane

Ugu hoorreeyntii waxaan u mahad celinayaa, salaanna u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed intii xumaha la dirirta oo wanaag iyo samo doon ah, gaar ahaan suxufiyiinta isku hawlay iney u adeegaan ra’yiga xorta ah oo aan afduubka iyo aashuun ku addimidda oggolaaneynin iyo suugaanleyda Soomaaliyeed ee inta san ummadda u tilmaanta.Tan labaad waxaan u ergeeynayaa dhammaan intii wax garad ahi iney iska xilsaaraan ilaalinta sharciga, anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan ee soo jireenka ah, lana xaq dhawro guud ahaan dumarka, gaar ahaanna gabadha miskiinta ah ee maxbuusadda ah in si shuruud la’aan ah loo siiyo xorriyaddeeda, loona soo daayo sida ugu dhaqsaha badan 

Gabaygan la yiraahdo Galad Eebbe waxaa tiriyey Cali Maxamuud Xiirane taariikhdu Markey ahayd 27/01/05 oo jooga England, London, wuxuuna tilmaamayaa: 

  1. Sharaftiyo gobonimmadu iney ku jirto in diinta islaamka la raaco
  2. Inuu qaladku ama gafku mudanyahay qofkii ama kooxdii geeysatay oo kaliya in lagu eeddeeyo oo ummad kale uusan galaafanin
  3. Inaanay u ekeyn Soomaali iney gobonimmo ku naalooto ama ku faanto waqtigan la joogo sababaha gabaygu xusay awgood
  4. Inaanay shacabka reer Hargeeysa mudneeyn in dusha laga wada saaro eedeeynta xabsiga Sam-sam, ee ciddii wax eedeeynaysaa aysan arrinta dhaafinin ciddii ay khuseeyso
  5. Gabayada in loo xakameeyo si asluubeysan oo aan loo adeegsan in ummad dhan sharafteed lagu dhaawaco ama shaqsi wax loogu dhibo, si aan godob iyo isku xad gudbid uga dhalan
  6. In nabadgelyada iyo danta guud la tix geliyo
  7. In la xasuusnaado in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin caam ah haysataan meel kastooy joogaanba, qaarna yaba gacan gumeeysi ku jiraanba.

Galad Eebbe 

  • Allaa gallad leh, guullaa hanti leh, gacan Ilaah baa leh
  • Gobannimo rasuulkuu ilaah, nagu gargaaraa leh
  • Gunnimana qofkii gees maroon, garanin taasaa leh
  • Gardarrana ninkii galabsadoo, gaar u falay baa leh
  • Cadaabkoo la galiyo godobaan harayn, gacan ku dhiiglaa leh
  • Gurmad iyo maslaxada gargaar, qofkii garasho dheer baa leh
  • Gardiidnimo gaasiraan wax garan, nabadna geeyn baa leh
  • Giyi abaariyo maydkoo la gagay, guluf colaad baa leh
  • Nin waliba wuxuu galay, wuxuu geestiyo, gebidhacleyntiisa
  • Diiwaanno loo gelinayaa jira oo, garabka loo saarye
  • Nin galadiyo Libaax waa yaqaan, leebka kii ganaye
  • Nabsigii gur-guurtaa mar buu, guudka soo qabane
  • Ragga inanta guul-guulayoow, goor dambaad garane.
  •  
  • Intaa garatay kana sii gudbayoo, geeddigii raraye
  • Xaq baa godlan run baan gaabineyn, beenna wey guriye
  • Gobalkaas Hargeeysaad, ma geyo wada garaafeeyne
  • Gurmad iyo hayaay bey wadeen, taniyo goortiiye
  • Gabantay u hiillinahayeen, gafkey wada giriifeene
  • Garsoorayaasheedii baa la xirayoo, jeelka lala gaarye
  • Guurti iyo ikhyaar baan ka harin, iney galliimaane
  • Gabdhaa guntiga dhuuqsadayoo, qeeylo gees wada e
  • Kuwo dulmi la gaardinahayaa, haba guhaadsheene
  • Nabaddoon halkuu gogosha dhigay, waa guddoon wacane
  • Siduu ugu garsooraan la dhacay, labadii geesoode
  • In gunuunac lagu soo fasiro, waa gabood falide
  • Markuu geel u heesaa rag kale goroyo buubsheene
  • Halka uu garneeyllada u wado, waan la garaneyne
  • Kuwo guudka ka ciireeystay, buu garasho dhaamaaye
  • Nabadduu u geedxaarayeey, gebi ka tuureene
  • Giraantii Guboo kale ayaa, gaawe loo culaye
  • Galalaati ayey ugu wadaan, golihii sheeydaane
  • Maah-maah gu’ weyn baa ahayd, wayla garatiine
  • Geesaha haddaan belo la qaban, kula gudboonaata
  • Markeey gudubto sii daba guclee, waa gedaan jirine
  • Ragga guba gurbaankeed watoow, gaabsadaan iriye
  •  
  • Intaa garatay kana sii gudbaye, kacaliyoow heedhe
  • Gardarrada markey taagantahay, ragaan gaabsaneyn badane
  • U gar-gaar ninkii xaqa yiraa, rag baa guulayoo nacaye
  • Anse nabaddan gaw laga ridaan, gaar is leeyahaye
  • Goolaaftan kama doonayiyo, faan aad gooddiside
  • Qabiil uma garbeeyee xaqaan, garab istaagaaye
  • Gadaal u joogsaan waxaan iraa, ruuxa gaar mara e
  • Balaayadu qofkii goobayeey, gaba-gabeeysaaye
  • Ragga guba u gacan haatiyoow, saadambaad garane
  •  
  • Intaa garatay kana sii gudbayoo, geeddigii wadaye
  • Gobannimada waan jecelnahaye, waan la garaneyne
  • Giddigeedna Soomaali, waa gacal walaalaahe
  • Gaalkii gumeeystaa ka dhigay, wadarta gooboode
  • Inaannu kala gadoodnaana, waa gedduu rabaye
  • Inta geeleennii dhalay rag kale, gorof ku maalaayo
  • Ooy goofaadhido harkii bar-baar, goomanka u weeyni
  • Ama ay gujeeyaan oos dhammaan, wada galoofoobay
  • Oo gabannadeennii raaci jiray, cadaw gantaalleeyo
  • Gobanimo inaan sheegannaa, nagu gaf weeyaane
  •  
  • Intaa garataye waxaan sii gelaa, galab carroowgiiye
  • Garaaddaha midkii aan u xiray, intuu gubayo raaskeenna
  • Oo gumuciyo rasaastaan u gaday, nagu garaacaayo
  • Oo ka gees iyo ka goor ehelkannaga, la is gumaadaayo
  • Oo gafkii iyo xumaantii la galay, laysla wada giijo
  • Oos darajo gaaraba ku helo, xumaha kii geeysta
  • Oo gaarhaye tigreeyihi intaas nagu guraabaaso
  • Oo go’aanka taladaan lahayn gacanta loo saaray
  • Oo culumo loo geeyo  cadow, oo ganacsi ay gaartay
  • Gabannimo inaan sheegannaa, nagu gaf weeyaane
  •  
  • Gaarida haweenkii ahaa hadduu, dunida gaaf meeray
  • Ooy gablan ka joogaan raggiiyoos, gabay daryeelkooda
  • Oo gacanta hoorsiyo baryada, dani ka geeyn weeyday
  • Ooy taariikhda noo gashay warxumo, laga galiilyoodo
  • Oo afarteeda goonyood dunida, ubadkii uu gaaray
  • Oo laga guuray oo arladii, gobi ku naafoowday
  • Gobonimo ninkii sheegtayoow, waadan garaneyne
  •  
  • Intaa waan gorfeeyaye waxaan, garab ka raacsiiyey
  • Inta walaalkey good igu yahayoo, gawda iga saaro
  • Oo labadeyda gacmood oo gudboon, tuba mid gaadeeyso
  • Oo cilmaanigaa aan wax garan, nagu galleyryeeyo
  • Oo gabdhaheennu geyiga aaney, nabad ku geeraarin
  • Oo muqdishiyo Galbeed aan ammaan, laysaga gooshin
  • Oo xaqeennii oo weli gingiman, nalaka geed saaray
  • Oo diintii laga goojiyo, oo gaala la addeecay
  • Oo geesh ka xoogroon Jigjiga, gubayo oo haysto
  • Oo gabal jirkeennaa gubto, oo gama’ii loo diiday
  • Gobanimo inaan sheegannaa, nagu gaf weeyaane
  •  
  • Intaa garataye geeddigii furoo, guurihii dhigaye
  • Gobanimada aad jeceshihiin, waan la garaneyne
  • Nin walaalkiis gaawracaa ma galo, geeday joogtaba e
  • Is gar-gaasigey labo gacmood, guul ku dhaliyaane
  • Waxba gabaygu yuu ila galbane, waan gunaanadiye
  • Gargaarkii Ilaah waydin helin, gooray noqotaaye
  • Bal maruun guddoonsada, inaad gacal ahaataanoo
  • Bal maruun gantaaladays ka dhiga, gulufka aashiinna
  • Gobonnimo kolkaas baynu helin, nabad gadaasheede
  • Gur-gurshaagaan garqaadana halkaas, caynkii kaga gooyey

Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

GABAYADA::::

BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

GARDARADA

GEES

GOCASHO

GACANQAAD

GAASHAANDHIG

GOGOL

DEBIN

GALAD EEBBE
       

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD