SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


JAWAAB KU SOCOTA ABSHIR BACADLE


Cabdillaahi Cawed Cige

“Gobannimo”

Tixdan gaaban oo magaceeda la yidhaahdo “Gobannimo” soona baxday 8dii January 2005 waxa ay ka jawaabaysaa gabayga Abshir Nuur Faarax(Bacadle)  uu ka tiriyay gabadha Hargeya ku xidhan.


                               
 "Gobannimo"

1. Gaafmeeray maalmahan sidii; Goosad lay yidhi,

2. Nin uun baa gartaydana ogoo; Dedaya uun goore!!!

3. Abshirow guyaalladan ma tirin; Gabay xidhiidhkiiye,

4. Geeraar ma soo curin intaan; Gudiyay qaafkiiye,

5. Godka lagu negeeyiyo ka tegay; Gobolladiisiiye’

6. Galladdiisa niman baa badshaan; Sii guraay idhiye’

7. Waxse maanta igu soo gingimay; Maanso gelisteeda’

8. Gujadaada weeyee bal aan; Galalka baadhbaadho!

9. Garta inanta lagu foororshiyo; Kiiskan go’iwaayay’

10. Sheekada galbeed iyo Nugaal; Geeskastaba dhaaftay’

11. Gasac iyo xumaha lays marshiyo; Hadalka geesaasan

12. Gurrac iyo inuu khalad ku jiro; Kuu garawsaniye’

13. Hayeeshee Guhaaddiyo halkaad; Gelisay baaruudda’

14. Magaadliyo godkaad taabataan; Gocanayaa mooyi

15. Tolka aad go’aan wada sudhaan; Gocanayaa mooyi!

16. Godobtaad Isaaq taarataan; Gocanayaa mooyi!

17. Lixdankaad ku goobyaashay baan; Goconayaa mooyi!

9. Garyaqaanno loo soo xuloo; Geydhka wada taagan

10. Guddiyada xuquuqdoon marqudha; Goynin hadalhaynta

11. Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo; Ururro guuxaaya

12. Miyaanaan gob lama caasiyee; Gabadha taageerin?

13. Miyaanaan go’aammiyo ka qorin; Xeerar wada geydhan?

14. Miyaanaan xilkii nala gudboon; Garannin dawgiisa?

9. Gar ilaah taqaan baa Islaam; Gole ka naadshaaye’

10. Garaad diin leh baan kuu maqliyo; Caalin gaammuraye’

11. Misna taadu good iyo ka daran; Guba ku nooleeye’

12. Iyadoo geyiga aan fadhiyo; Culimo guurayso’

13. Oo ay diintu gaashaan u tahay; Gebi astaantayda’

14. Gacalkaaga anigoo ah iyo; Garabka xooggiisa’

15. Maxaad gaalo ii daba-dhigtiyo; Xabashi gaankeeda?

16. Gabaygii wadaadkii miyaan; Lagaba guuraynba?

17. Gefka aniga lay bado miyaan; Qalin geyaa joogin?

33. Gobollada isdiidiyo anoon; Gelin ammuur sheexan

34. Dhulkaad tayda geysiyo anoon; Gacantogaalaynin

35. Badahaas guntoodiyo anoon; Gaadhin dhagartaada

36. Taariikhda guunka ah anoon; Dib ugu guuraynin

37. Gelin hore wixii dhacay bal aan; Guudmar ugu laabto!

38. Guudkayga nabarraa ku yaal; Boogo gaammuraye’

39. Feedhaha goshayduu damqaa; Weli gunaadkiiye’

40. Gurbood iyo dhallaan lama hambayn; Gawricii dhacaye’

41. Gabadh ugub ah, oday gaabiyoo; Socodka goynaaya’

42. Gadhcasiyo dhallaan kama ay tegin; Gaasaskii helaye’

43. Gooddiga Wajaaliyo, Burciyo; Go’o nawaaxeeda’

44. Guudka Ceerigaabiyo, Berbera; Godanka Shiikh yaallo’

45. Gabaahiir Hargeysaa la baday; Maalin gelinkeede’

46. Gaal baaba loo soo dalbaday; Gelelefkaygiiye’

47. Guullaha Raxmaankaa baxshiyo; Geeljirii kacaye’

48. Inaan gaag ka hadhin baa tashiga; Loo guddoonsadaye’

49. Intaas oo guhaad igu dhacdiyo; Aafo igu geydhan’

50. Inaan godob ku seexdiyo ma rabo; Aano iyo giire’

51. Goosashada adaan Faaraxow; Gawska ku adkaynin’

52. Gar ninkii akhriyay waa inuu; Xaqa ku gooyaaye’

53. Gobollaa israaciyo mar bay; Garo irmaanaatay

54. Waxba beri gu’ baa lays ogaa; Gaawe haw culanne’

55. Godkaas waxa fadhida xaajo aan; Laga geyoonayne’

56. Laba gudub ahaatoo tolnimo; Guudka ka wadaagta’

57. Geelaaga oo kuu tarmiyo; Kayga garabjooga’

58. Gacal, gacal hantiyay ay farxadi; Gunudday laabtiisa’

59. Gobannimo bartaasay jirtaa; Garashadeed qaado’

60. Geeraarka maantana waxaan; Talo ku soo gooyay

61. Gacalow ha marin surimadaad; Gabayga qaadsiiyay

62. Anna gocasho taan qabo xumaan; Ha igu gaadhsiinnin’

Nabaadiino

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK 08 January 2005
Email:
edleh@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD