SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Godankaa Hargaysaad Dhibkii Lagugu Gaadhsiiyey.
(gabay laga tiriyey arintii Samsam)

Ileen aadame waa aadamee gafkama dhamaado, laakiin dadka Islaamka ah Qaladka wuu iska saxaa iskana qabtaa gafka. waxaa layaab leh in Samsam ay wali u xirantahay Sixiroolihii iridiisa ka hor qabsaday. Hargeysana ay wali raali ka tahay arinta xanuunka lehee Islaamku u adkeysanwaayey"horaana loo yiri tuug iyo qariye isma dhaamaan". laakiin sidaa Samsam kuma aynan Qarsoomin. Saxaafadaha aduunkay subax walba boga hore kaga taalaa. Arinta Samsam Axmed Ducaale waxay noqotey arin Soomaali ku horrowsatay oo aan wali ka dhex dhicin, sidaa owgeed ayay dadkii fajac goobaha lagu kulmo oga sheekeeystaan, Hadaba waxaa gabaygaan tiriyey Abwaanka da'da yar ee Maxamuud Axmed Abdalla oo ku magacdheer Shiine.

Gabaygan oo ah gabay tilmaamaya dulduleelada Maamulka Hargeysa una digayaa falka wuxuushnimada ay geysteen, wuxuu kaloo ka hadlayaa ka gaabsigii abtigeed uu ka gaabsaday arinkan. wuxuuna iftiiminayana qadiyada ayaanka daran ee samsam la daristey.

Samsameey waxaa kugu gefey gaalo ehelkeede
Gunbaa ku heshay iyo tuugadii gaarufta lahayde
Garba duubka noloshaada waa, laga gedoodaaye
Waxba adiga oon galabsanoo, goor uun soconayaa
Gu’gaagoo aan weynaan haddii, lagugu geesaasay
Xijaabkii lagaa gooyey iyo goroddii hoos tiilley
Alleylehe gar weeyaan inaad gocasho oydaaye

Afarteeda geesood la maqal gaadhay qayladuye
Aadmiga qofkii garasho dheer wuu garawsadaye
Gabanyahay guhaadiyo wixii xumo laguu geystay
Godankaa hargaysaad dhibkii lagugu gaadhsiiyey
Gashigaaga ninmankaa qabay eed u gaar tahaye

Xaajadu gar loo gubay ka weyn guni iyo baar eege
Haddii aan gar yigil laga ahaan xaal la gogol keenin
Guud caddaa abwaaniyo haddaan Qassinna u giiran
Guurti iyo waayeel haddii laga gorfayn waayo
Gubniyaa daraaddaa u dhiman loo goblamo waaye
Godob bay ahaan aan waqeed laga gun gaadhayne

Gardarradan mutuxan waxa u go’i kii ku gaasiraye
Gabadhuu dhalay xeer u noqon gaariduu qabo’e
Guullena ma moogaan inaad xaqa u guushaaye
Muumminaddii ROME lagu galda’ay ay afxumo gaadhey
Ee gedefka maradeeda iyo guudka laga feydey
Qisadii islaamku u gurmaday bay geddeed tahaye
Afartaasi waa gaw haddana gobo’ kalaan baanay

Gacal iyo abtaad raadisoo soo gabbaatidaye
Nin gabraarasho u tegey dhul kaloo goosatada raacay
Oon geeri kaa xigin ayaa goonle kuu kadaye
Gacanlaawe kuma aan ogeyn geesinnimo weyne
Cid kaloo ka gubataba arrini waa mid gaammura ahe

Xaajadu gurracan weeye iyo lama garaystaane
Guubaabo iyo waa mid mudan guluf colaadeede
Gonda dhiigle iyo kama duwana goraya cawleede
Shir qoolkaa lagugu gawracee lagula gaadaayey
Waa go’aan ujeedda leh waxay kugu gelaayeene

Malaha maammulkii gaabiyee uunku wada gawdhshay
Midse kama garwaaqsane hadday gaadho odayaasha
Maw garaabayaan ceebta waa loo gudboon yahaye
Afartaasi waa gaw haddana gobo’ kalaan baanay

Geyigeenna soomaaliyeed gobol kastaad eegto
Dadku waa u kala gooshayaa goor iyo ayaane
Caarkuna garkii loo dayaba waa geyaan dhaxa’eh
Waa hooyadeen gacalisiyo habaryar guudkoode

Giddigoodba waa wada afiyo gibil ayeeyaade
Gurgurshaaga waa reerka iyo gudhada qoysaade
Gujo iyo habaariyo nin baday gacan la weydaarsho
Tiisay ka go’an tahay nabsiga gaaxday buu heliye
Waa aano aan laga gamayn xaqu gardaadshaaye
Gudin laba afliyo waa sidii seef galkii go’aye
Halaq marada kuu soo galiyo mici gabaarreeye

Guhaan iyo inkaar kugu dhacdiyo garab ku naafowye
Godka aakhiraad waa xisaab gogosha kuu taale
Guulleba waa arkaa cawradaa haaddu gigaysaaye
Anna gabaygu yuu ila gudbine waxan ku soo gaabshey
Ha ka galo arliga meel ninkii nabadda goynaaya

waxaad talo iyo tusaale ugu diri kartaa abwaan Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine) ciwaanka hoos ku qoran.
Email: abdall02@email.franklin.edu 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD