SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


SAMSAM DUCAALE ''QISADII QARNIGA''

Qof waliba oo wax akhriya wax qora amaba wax dhegeysta maanta waa uu ka dhergsan yahay xariga gabadha yar ee SAMSAM DUCAALE, aanse umagac bixiyo qisada Samsam Ducaale QISADII QARNIGA, samsam xaalkeedu waxaa uu gaaray daafaha dunida, waxaase xusid mudan in maanta aan cid ka haraty kahadalka qisada SAMSAM DUCAALE aysan jirin hadii ay ahaan lahayd Saxaafada, Bahda Abwaaniinta, Hay'adaha Xaquuqda aadanah, Culumaa u diinka, haweenka, dhalinyarada,Bahda siyaasada ku lug leh oo xariga samsam kaba kacay,

taasina waa sababata xariga samsam ducaale aan ugu magac bixiyey Qisadii Qarniga aan xuso dadka qiimaha badan ee sida joogtada farta ugu fiiqa qisadan qarniga una taagan soo dhicinta xaqa Samsam Ducaale.

BAHDA SAXAAFADA waxaa ay ku amaanan yihiin sida y ugu istaageen Qisadan Qarniga ee lagula kacay Gabadha aan weli qaan gaarin ee Xabsiga iyo maxkamadu isga danbeysey aan qiro dadaalka saxaafada ee ay ugu horeeyaan weriyaasha. Amiin Caamir sawirkiisa qiimaha leh waa lama ilaawaan ee uu kaga hadlay qisadan qarniga ee Samsam Ducaale. Weriye Asad Cadaan iyo maqaaladiisa ayka mid yihiin Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar. Weriye Fahad Yaasiin iyo maqaaladiisa ay kamid yihiin XAALADDA SAMSAM IYO DAMIIRKA SHACABKA SOMALILAND. Weriye Dirirdhaba iyo maqaaladiisa ay kamid yihiin Maxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa". Qoraaga C/waaxid khaliif iyo maqaaladiisa ay kamid yihiin "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha..". Weriye Canab mumtaaz iyo maqaaladeeda ay kamid yihiin Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca. Weriye Xassan mataan iyo maqaaladiida ay jamid yihiin, Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, iyo umagac bixinta xariga samsam ee Qisadii Qarniga. iyo boqolaal saxafi oo ka hadalay xariga samsam oo aan maqaalkan lagu soo aruurin karin

Aan xuso bahda abwaanada ee ka qayb qaatay xariga Samsam Ducaale aanse ugu hor mariyo ereyo kamida gabaygii Abwaan Bacadle ee samsam uu uga hadlay'

  • Waxaan gacani qaban baa jiroo Gobi ka sheexdaaye
  • Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin
  • Marna guri Nin weyn bay gashoo waad u gudubteene
  • Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene
  • Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye
  • Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday
  • Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiyay

Raaqiya Oomaar iyo dadaalkii xarunteeda Xaquuqda aadanaha ee samsam xaalkeeda waa lama ilaawaan.

wa dhab in xarigaagiu samsameey noqday QISADII QARNIGAN waxaan ku faraynaa inaad lahaatid mid lamida Samirkii Nebi Ayuub.waajib ayaana naga saaran inaan qisadaada meel ku ogaano.

Waxaan si gaara u xusayaa Shabakada wararka ee somalitalk oo si muwaadinimo ah ugu guntatay xaalka samsam iyo sabakada wararka ee widhwidh online oon marna ka seexan xabsiga samsam yarey.

Xassan mataan
soompress@hotmail.com
Nairobi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD