SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Abshir Bacadle waa Halyey kan U jawaabayna uma Bisla Murtida
Gari ilaahay bay taqaan Abshir waa halyey wuxuu liqi waayey oo ka ladi waayey inuu ka aamuso dulmiga loo gaystay gabadha yar ee Soomaaliyeed.
 
Abshirow Gabaygaagu waa mid la socdo wakhtigiisa waana mid aad ku hanatay quluubta kumanaan Soomaaliya oo jecel qadarinta iyo qiimeynta Haweenka Soomaaliyeed. Abshirow ilaahay ha ku sharafo Taariikhda waxaad ka gashay horena ugaga jiray Baal Dahab ah.
 
Nimanka Gabadhu u xidhan tahay ama Habarmagaadlaha amase loo yaqaan Isaaqa waxaan leeyahay Gabaygu waa idinka xidhan yahay inta Gabadhu idiin xidhan tahay.
 
Wiilka yar ee caadifada qabiilku qaaday ee isku dayey inuu u jawaabo Abshir Bacadle waxaan  wallaal kuu sheegayaa inaanay kuu haboonayn inaad jawaabto waxay ahayd inaad sugto inta SamSam ay godka ka soo baxayso deg deg aad jawaabta ugu deg degtay ayaa waxay ku tusaysaa inaadan u bislay Gabayada.
 
Reerku waa lahaan jiray Dad Gabya balse wey ka xishood ayaan u arkaa inay u jawaabaan Abshir Bacadle waayo waxay dhex jiifaan Dhiriq ilaahow adaan dhiriqdaas na dhex  dhigin.
 
Abshir Bacadle waa nin Qaran maaha nin qabiil cidkasta oo dulmi wadana runtuu u sheegaa.
 
Hadalyar waxaan leeyahay Riyaale war xishood oo quruuntan si u dhaan aad marna Boqoradooda xidhanaysid marna martidooda kufsanaysid.Arxan malaha Nabadsugid.
 
Axmed Yaasiin isaga sharciga ayaa lala tiigsanayaa waayo Axmed Yaasiin wuxuu haystaa jinsiyada Maraykanka taas ayaa waxay sahlaysaa in la eedsiiyo Kufsiga uu u gaystay SamSam Axmed Ducaale lana horkeeno Sharciga goor ay noqotaba.Taariikhdaa qori
 
Hadalyarna waxaan leeyahay Kuwa dacweynaya Halyeyga qaaliga ah ee Maxamed Cali Samatar ee Axmed Yaasiin iyo Riyaalana ka dhigtay Madaxda. Horta Cali Samatar waa halyey waana Madaxweynaha Umada Soomaaliyeed ee Mustaqbalka ama ku farxa ama ka naxa weligiisna ma xidhan Gabadhyar mana Kufsan.
Dacwadiinu waxay salka ku haysaa Caadifad Qabiil oo aan Meelfog gaadhsiisnayn midna waa idiin sheegayaa wax badan ayaad intaad dad dacweyseen aan cidi idinla hadlin laakiin maanta waxaad daaqdeen ciin Ina Uurdoox iyo Raga dacweeyey ama meelahaas la wareega dadbaa la xasuuqay iyaga hadaan Maxkamad la keenin waxba ma sheegin.
 
War Soomaali ma cid aan dhiman baa jirta ilaa maanta waa taas qiiqaysee war imisa qof ayaad disheen War imisa qof ayaad iska disheen dhexdiina, War imisa qof oo u dhashay Gobolka Baydhabo ayaan xidh xidheen oo masaafuriseen. War imisa qof ayaad Xabashi ka iibiseen. Maanta Cali Samatar Umada Soomaaliyeed ayaa difaacaysa naf iyo maalba waana Halyey idinka idin difaaci jiray ama Ooya ama cirka gala. War xumaha aad Samaysaan idiin ma muuqdo miyaa waa idinka intaa BBC-da ka caytamayee ee Axmed Cige jooga Hargeysa uu Muusanaabayee War sow kii shalay ahaa Ubaxa Kacaan sida Ina Riyaale war ma umulbaa tihiin ilowshiiyo dhawinideen.
 
 
Faarax A Jaamac
alifarah1968@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD