SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


GARSOOR (Gabay)

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
London – UK,  13.01.2005 


Gabaygaan “GARSOOR” wuxuu soo baxay taariikda kor ku qoran, waana aragti  iyo tusaaleyn ku aaddan qaddiyad bilahaanba qabsatay saxaafadda Soomaalida, oo ah inanta yar ee ku jirta jeelka magaalada Hargeysa. Ujeedada ugu weyn ee gabaygaan loo tiriyey waa ka hortag fidno-gabayeed ka dhalan karta suugaan qabyaaladeysan oo aan gabadha xiran iyo qaranka Soomaaliyeed midna u adeegaynin. Gabaygu wuxuu isku dayayaa in uu u garsooro labada dhinac ee gabayaaga ilaa hadda ka gabyey arrintaan ee dhanna Abshir Bacadle bilaabay dhanka kalana Cabdillaahi Cawed Cige. Ugu danbeyntii wuxuu gabaygu ku talinayaa in halkaas lagu hakiyo afkahadalkaan gabayeed is aan Guba cusub oo heer qaran ah uga dhalan, taas oo aan aahkiro iyo adduunyo midna dan ugu jirin ummadda Soomaaliyeed ee tabaalo ku filan horay u soo gaartay.  Wuxuu yiri:

  • Gabadhii agoontee martiday, gacalka kay moodday
  • Ee jeelka lala gaadhay ee, gaalshiraha jiifta
  • Ee godobta wayn laga galee, gocasho ooyaysa
  • Nin kastoo garaad lihi middaas, waa ka gubayaaye
  • Gurmad kale haddaan heli karayn, galabta aan joogo
  • In Ilaahay gacansiiyo oo,  gabanta soo daayo
  • Oo caafimaad lagu gallado, cudurna soo gaarin
  • Oo samirka garansiiyo ooy, gowska ku adkayso
  • Geeraarro wixii aan kariyo, gabayga mooyaane
  • Guullaha Ilaah wow baryiye, inanta gaarsiiya.
  •  
  • Xaajadaan gurracan ee dad badan, gees walba u qaaday
  • Ee gudaha iyo dibad mar hore, hadalku uu gaaray
  • Ee Guba sideedii la rabo, gabay la hayb raaco
  • Intaan xaalku  googaale noqon, gaasna lagu daarin
  • Garnaqsiga bilowgaa intaan, xumo la gaarsiinin
  • Garsoor iyo xil bay mudantihiyo, xeelad guda wayne
  • An gunaanadoo eray ku daro, garasho waa qaybe.
  •  
  • Abshir Bacadle gabayguu tirshaan, guudka soo marine
  • Inuu gabadh u hiilliyo ma xuma, oo waa gob taladeede
  • Ha yeeshee hal uu geesmaroo, gaabshay baa jiraye
  • “Beelyahay gadooddoo go’doo, gabar ku ciilbeeshay”
  • Iyo hadalka guud ee bulshada, lagu garaaxeeyey
  • Gardarreysigaas baan arkaye, gabay ma doonteene
  •  
  • Gobta Habar-magaadlood ma oran, gabadha aafeeya
  • Ama jeelka geeyoo ku xira, guri ibliis joogo
  • Gafanaha cayiley baa xukuma, gobolka aad sheegtay
  • Gaandheri direys loo gashuu, gorofku haystaaye
  • Garyaqaanno doodaa jiroo, jeelka loo guraye
  • Qaar bay ilmadu gobo’ tiraa, oo ka go'ay quude
  • Gama’iina qaar baa ka tagay, gogol firaashkeede
  • Ururraa gurmaday oo kacoo, dunida gaarsiiyey
  • Qoraallaana taariikhda galay, laga gariiraaye
  • Guurtina dadaal kuma yaree, gacalle aashaada.
  •  
  • Inaad gabar u dooddaa walaal, gabarna eedeyso
  • Oo guriga oorida la tagay, gogol ka sheekeyso
  • Oo hinaase gaamuray dhahdaa, baa gaddaa dhigaye
  • Gablan malo-awaal gabayga waa, gaabinahayaaye
  • Gunta iyo ujeeddada ayuu, gees ka marayaaye
  • Go’aankii maxkamaddaa ku filan, gacantogaaleyne
  • Aan ka gudubno ceebaal qarsoon, gole ka sheegeeda.
  •  
  • Afartaas gorfeeyaye haddaan, gobo’ yar raacsiiyo
  • Garsoor iyo xil bay mudantihiyo, xeelad gudaweyne
  • An gunaanadoo eray ku daro garasho waa qaybe
  •  
  • Cabdi Cigana gabayguu marshaan,  haatan galayaaye
  • Guuldarradiyo ciilkaad qabtee, gubaya laabtaada
  • Gabaahiir Hargeysada la baday, maalin gelinkeeda
  • Ee gaalo loo soo dalbaday, madax garaaceeda
  • Gef  inay ahayd ruux inkiray, waa garaad dhimmane
  • Gummaadkaa kuwii gaystay ee, gaabshay ehelkeena
  • Gurigaaga qaar baa fadhiya, iyo gadaashayda
  • Inaan goobno soo wada xirroo, xeer u wada goyno
  • Ama aan cafinno gabi ahaan, wa ay gudboonayde  
  • Mid gardaadso midna guluf ku kici waa gurracan taase
  • Kala guurka meeshaas ha gelin, waa gar waanaduye
  •  
  • Gabar yara haddii ay intaas, jeelka gudihiisa
  • Gardaduub u xirantoo dulmigu, guudka sare dhaafay
  • Go’aankaasna uu yahay miduu, gaaray madaxweyne
  • Iyo garabcastiisiyo kudkude, gooya taladiisa
  • Mar haddii miskiintaa la gabay, hiil u gunudkeeda
  • Ehelkeenni kuwii gaabiyee, ina gabraaraayay
  • Ee dummiyay guriggeenna baa, guudka  noo surane
  • Ooy wali geddoodii wadaan, loona gaardiyiye
  • Gobonnimo inaan kaa maqlaa, waa i gali wayday!
  •  
  • Garbadhiiglaheennii horee, geesh dhan kicinaayay
  • Ee gobolba maantuu ku baxo, gowda kaga saaray
  • Guhaadkiyo dhibkii uu faliyo, wuxu gummaadaayay
  • Intay Koonfur geed ugu shirtoo, hiil isugu geysay
  • Hargeysaan gubaynaa ma oran, godanki kheyraade
  • Gar ilaahay waa loo Islaam, waadna garataaye
  • Gacalkaaga shacab wada ahoo, garabsigaa dooni
  • Oo gabi gantaal lala dhacoo, qaar gablamay buuxo
  • Giriifkiyo gujada hoose iyo, iga gaddoon maanta
  • Waxa godobta loo saarayaa, waa i gali wayday!
  •  
  • Afartaas gorfeeyaye haddaan gobo’ yar raacsiiyo
  • Garsoor iyo xil bay mudantihiyo, xeelad gudaweyne
  • An gunaanadoo eray ku daro, garasho waa qaybe
  •  
  • Galbeed iyo Waqooyiyo Bariyo Koonfur gudaheeda
  • Gacal iyo walaal baa dhammaan, garab ku naafoobay
  • Meel kastaba mid baa gudin afweyn, gooyey xididkiiye
  • Meel kastaba mid baa eed ka galay, goortu maamulaye
  • Meel kastaba gabdhaa lagu wanjalay, goor habeen dumaye
  • Ama guud-cirroolaa la dilay, guluftankeenniiye
  • Dugaag aannu gacal moodnay baa, giigay hilibkeenne
  • Indheergaradki arrin goyn jirana, waa la gowracaye
  • Ma gudbaa dalkeennii u haray, garasho liitaahe
  • Waxba shacabka yaan loo gafine, gabayga meekhaansha.
  •  
  • Afartaas gorfeeyaye haddaan gobo’ yar raacsiiyo
  • Garsoor iyo xil bay mudantihiyo, xeelad gudaweyne
  • An gunaanadoo eray ku daro, garasho waa qaybe
  •  
  • Niman guuxayaa muuqda oo, soo garwaaxsadaye
  • Anaa goba, adaa guna, anaa wiil Garaad dhalaya
  • Haduu xaalku gobolaysi galo, amase beel gaaro
  • Ooy teenni guud baylah tahay gabaygu naafoowye
  • Geyigeennu waa iib haddaad, garankareysaane
  • Ka guntada si aan loo gumayn, qaran gu’ weynaaye
  • U guntada si aan gabar dambaba, loogu gacan qaadin
  • Haddii kale ka gaabsada fidnada, Guba ku haasowga
  • Godkii iilka iyo waxa dambayn, goob xanuun badane
  • Guullaheen ka yaaboo ragyahow, gaabsha hadalkiinna
  • Aniguna garsoorkii murtida waan, gunaanadaye
  • Gabayguna ku xiran maansadaan, gacallayaaloowe.

 **********Dhammaad*****************

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
London – UK,  13.01.2005 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD